Home » Warar

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo Sheegay in Qarixii Shalay uu ahaa mid la Doonayey in lagu Niyad Jebiyo

Sep 13, 2012
  Kadib Markii Maalinimadii Shalay (Arbacadii) Qarax Is Miidaamin ah lala beegsaday Hoteelkii uu ku Sugnaa Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayuu markii u horeeyay Madaxweynuhu ka hadlay Weerarkaas. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegey in weerarkaasi uu ahaa mid Fuleynima ah isla markaana ay soo qaadeen Xarakada Shabaab kaasoo uu sheegey in ay fashiliyeen Ciidamadii ammaanka goobta sugayay. Madaxweynaha... 
Halkudheg:

Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Qaraxyo Ismiidaamin ah oo Maanta lala Beegsadey Halka uu Degen Yahay Madaxweyne Xasan Shiikh ee Hotel Jaziira

Sep 12, 2012
Baalamaanka oo maanta Go’aamiyey 16-ka Bishaan la Caleemo saaro Madaxweyne Xasan Shiikh – Waxaa Waqti aan sidaa u dheereyn Magaalada Muqdisho laga maqley laba Qarax oo la sheegey in ay aheeyeen Ismaadaamin, waxaana Qaraxaasi lala beegsdey Hotelka uu Degan yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud 10-kii Bishaan la doortey. Waxaa Qaraxii ugu horeeyey Fuliyey ruux isku soo rakibey Waxyaabo Qarxa... 
Halkudheg: ,

Warcad oo uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mahiga kuna saabsan doorashada Xasan Sheekh oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Sep 11, 2012
Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) – Muqdisho, 10ka September 2012 – Maanta dadka Soomaaliyeed waxay horey u qaadeen tallaabo weyn ee waddada nabadda iyo barwaaqada. Maanta Xildhibaanada Soomaaliyeed waxay – si degan, sharaf leh oo u fiirsasho leh – ku dhammeeyeen xilligii ku-meelgaarka, waxayna si buuxda u doorteen Mudane Xasan Sheekh Maxmuud... 
Halkudheg: ,

Cabdiraxmaan Faroole oo Durbaba Taageeray Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud

Sep 11, 2012
Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa Taageeray Doorashada Madaxweyne Xasan Shiikh loo Doortay Jagada Madaxweynaha Soomaaliya. Faroole oo hadlay intii aysan soo bixin Natiijada Doorashada ayaa mar uu la hadlayay Warbaahinta Soomaalida ayaa sheegey inuu si weyn ugu farxsan yahay soona dhaweynayo is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya. Faroole ayaa sheegey... 
Halkudheg:

Xasan Sheikh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Sep 10, 2012
Wareegii 3aad ee doorashada markii la tiriyey codadkii waxaa ku guulaystay Xasan Sheikh Maxamuud oo helay 190 cod, halka Sh. Shariif Axmed helay 79 cod, sidaas waxaa shaaca ka qaaday guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Jawaari, oo sheegay in tirada guud ee codka dhiibtay ay ahaayeen 269 xildhibaan. Sidaasna waxaa madaxweynaha Soomaaliya ay xildhibaanadu u doorteen Xasan Sheikh Maxamuud, oo noqonaya... 
Halkudheg:

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka Digay in Musharixiintu ay Abaabulaan Musuq-Maasuq iyo ku Shubasho

Sep 9, 2012
Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Soomaaliya oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ku aadan Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya. Jawaari ayaa sheegey ugu horeynba in Doorashadu ay dhici doonto xilligii loogu tala galay isla markaana Xildhibaanada ay soo xaadiri doonaan Madasha Lixda Subaxnimo ee maalinta Isniinta... 
Halkudheg: ,

Warbixin Dheer oo ku saabsan Ololahii ugu Dambeeyey Musharaxiinta u Tartameysa Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya

Sep 9, 2012
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tanaasulay Tantanka xilka Madaxweynaha  Soomaaliya….. Afhayeen Guddiga Doorashada Cismaan libaax ayaa sheegey in maalinta berri ah ay tahay maalintii Doorashada madaxnimo ee Soomaaliya isagoo sheegey in ay ka qayb galyaan 24 Musharax ka did markii uu Afhayeenka uu sheegey in uu ka Tanaasuley Tartankaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Shiikh Shariif ayaa Ololahiis... 
Halkudheg:

Dalaaliin ka Dhex Abuuratey 275-ka Xildhibaan iyo 25-ka Musharax

Sep 8, 2012
Lacagi waa Qaadasho, Codkana aniga i sii cidi ku arkimeysee…. Iyadoo laba Maalmood ay ka Harsan tahay Xilliga loo Balansan yahay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa hadda Baarlamaanka ka socda Wax qabadka siyaasadeed ee Musharaxiinta iyadoo mid weliba uu balan qaadey in uu is bedel keeni doono , waxaana Magaalada ka socda Ololaha Doorashada oo ay wadaan Musharaxiinta waxaa Magaalada... 
Halkudheg: ,

Khubaddii Salaad Cali Jeelle ka jeediyey Baarlamaanka: “Lacagi waa Qaadasho, Codkana waa in aniga la i siiyo”

Sep 8, 2012
Khubad socotey 15 daqiiqo oo xildhibaanada, shir guddoonka baarlamaanka iyo musharaxiinta kaleba ay qosol aan kala go’lahayn kaga jawaabeen…. Musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada September 10, 2012 ayaa in badan oo kamid ah waxay khudbado ka hor jeediyeen baarlamaanka, khubadadaas oo ay ku cabirayeen aragtidooda ku wajahan waxqabadkooda haddii ay xildhibaanadu... 
Halkudheg: ,

Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Sep 8, 2012
“Hadii shaqsiyaadka tilmaamtaas leh ay xukunka Dalka ku yimaadaan si aan cadaalad ahayn, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay inay ka tashato aayaheeda iyadoo raacaysa Dastuurka Puntland.” Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa u qornaa sidan: Puntland State of Somalia Garowe Dowladda Puntland oo ka Digaysa Khalkhalgelinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya WAR SAXAAFADEED 8 September... 
Halkudheg:

SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii

Sep 8, 2012
2.085 malyuun oo qof ayaa hadda cunto yari ku sugan. Waxay wajahayaan cunto yari ba’an waxaana lagu sifeeyay heerarka  Dhibbanaan iyo Gurmad Degdeg ee sugnaan la’aanta cuntada. FSNAU iyo FEWS NET waxay baahinayaan siideynta warbixin ay ku midoobeen oo ah “SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii”. Qormadani waxay gudbineysaa halka ay marayso xaaladda sugnaanta... 
Halkudheg:

Musharax Ing Maxamed Axmed Saalax “Waxaan Baarlamaanka Hortiisa ka Sheegi Doonaa Cidda aan u Magacaabayo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

Sep 7, 2012
Shir Jaraaid oo maanta Khamiis uu qabtey Musharaxa Ing Maxamed Axmed Saalax kana mid ah Musharaxiinta u Taagan Doorashada Madaxweyne ee dhacaysa 10 Bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ayaa waxaa uu Daboolka ka qaadey in Guddiga Doorashada ay ka aqbaleen in uu ka qayb galo Doorashada ka dib markii uu sheegey in uu buuxiyey Sharuudihii looga baahnaa Musharaxiinta u artameysa xilka Madaxweynimo. Ing... 
Halkudheg:

Meliishiyaad ka kala soo jeeda Caabud Waaq iyo Cadaado oo ku Dagaalamey Deegaano ka tirsan Galgaduud

Sep 6, 2012
Inta la xaqiijiyay Siddeed ayaa dhimatay halka Seddax iyo Tobana ay ku dhaawacmeen Dagaal u dhaxeeyay laba Maliishiyo Beeleed oo ku wada sugan Gobolka Gal gaduud.Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado ee Gobolka Gal Gaduud ayaa sheegaya in shalay helinkii danbe dagaal qaraar uu dhex maray laba Beelood oo ka soo kala jeeda Degmooyinka cadaado iyo Caabud waaq oo ka wada tirsan Gobolka Gal gaduud. Cabdulqaadir... 

Sheikh Shariif oo Degmooyin Cusub u Magacaabay Degaanno ka tirsan Gobollada Galgaduud

Sep 6, 2012
Madaxweynaha Dawladda FKMG ee xilkeedii ku ekaa Agoosto 20, 2012 ayaa wareegtooyin uu soo saaray September 5, 2012 iyo September 2, 2012 waxa uu degmooyin ugu magacaabay Docoleey, Godinlabe, Waxbo iyo Derri oo ka tirsan isla Gobolka Galgaduud. Digreeto September 5, 2012 uu soo saaray Sheikh Shariif ayaa waxa uu dagmooyin ugu aqoonsaday deegaanka Docoleey oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxana uu wareegtada... 
Halkudheg:

Xukuumadda Waqooyi Suudaan oo Gebi ahaanba oo Joojisay Lacagihii Shilin Soomaaliga ay u Daabacaysey Dawladda Soomaaliya

Sep 5, 2012
Soomaaliya oo uu ku soo Xoogeysanayo in wax lagu kala Iibsado Lacagta Doolarka ah Xukuumadda Suudaanta Waqooyi ayaa si rasmi ah faraha uga qaadday Daabacaad ay ku samayneysey Lacagaha Shilinka Soomaaliga oo ay hore Heshiis ugu kala saxiixdeen labada Dal. Qunsulka Soomaalida ee Dalka Suudaan Ibraahim Guure Maxamed oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in gebi ahaanba uu Heshiiskaasi Fashilmay isla... 
Halkudheg:

Labaatan Musharrax oo u Taagnaa Xilka Madaxweynaha oo u tanaasulay Xaaji Maxamed Yaasiin

Sep 4, 2012
Kulan ay shalay Isniintii ku yeesheen gelinkii danbe Magaalada Muqdisho Isbaysiga Musharixiinta isu soo Taagtay qabashada Jagada madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaarkood xilkaas isaga Tanasuleen. Af hayeen u hadlay Musharixiintaas ayaa ka war bixiyay sida ay arrintaa ku dhacday isagoona sheegey in ay ku heshiiyeen in hal Musharax oo tartanka uga qayb gala ay iska soo xulaan. Afhayeenka... 
Halkudheg:

Xildhibaanada Barlamaanka oo Fududeeyay Shuruudaha looga Baahan yahay Musharaxa Madaxtinimada Soomaaliya.

Sep 3, 2012
Qodobka Dastuurka KMG ee qeexaya in Musharaxa isu soo taagaya Jagada Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay in uu saxiix ka haysto illaa Labaatan Xildhibaan waa adkaaday, sidaa darteed waa la khafiifiyey oo waxaa laga dhigay in musharaxu helo saddex xildhibaan…. Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in... 
Halkudheg:

Maxaa looga Tacsiyadaynayaa Meles? Ma xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed, mase ku xad Gudubkii Goobahii cibaadada….

Sep 2, 2012
Keligii taliyahii Itoobiya, xasuuqahii gumaaday shacabka Soomaaliyeed, ayaa la aasay maanta, September 2, 2012. Waxaa aaska Zenawi loogu baroordiiqayo ka qayb galay “Sh. Shariif Sh Axmed, C/weli Gaas, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,” sida ay sheegtay Idaacadda Muqidhiso. Waxaa sidoo kale tacsiyaynta Meles ka qayb galay masuuliyiin sheegtay in ay yihiin... 
Halkudheg:

Maxaa ka jira in Shariif Xasan uu la Wado Dowladda Kenya in dib loo soo Nooleeyo Heshiiskii Badda Soomaaliya

Sep 2, 2012
Shariif Xasan “Wararkaasi waa been waxaa idiin sheegayaa in Kenya aysan Rabin Bad iyo Dhul Soomaaliyeed” Waxaa maalmahaan Waraahinta ay qorayeen warar ku saabsan Shariif Xasan Shiikh Aadan Guddoomiyihii Barlamaankii Xilkiisu dhamaaday oo dhawaan Dalka degdeg uga baxay ayaa wada olole uu ku doonayo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa Heshiiskii lagu bixinayay Badda Soomaaliyeed. Akhri https://somalitalk.com/2011/badda/difaac73.html  Read More →
Halkudheg:

Musharrax kasta waa in uu bixiyaa 10-kun oo doolar oo diiwan galin ah

Sep 2, 2012
Gudiga dooorshada Madaxweyanimo ee Jamuuriyada Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxa ay ku dhawaaqeen sharuuhada looga baahanyahay musharaxiinta u taagan u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka. Afhayeenka gudiga doorashada Madxweynimo ee dalka xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim ayaa Saxaafada u akhriyay sharuudaha looga baahanyahay murashaxiinta, waxana uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya loo dooran... 
Halkudheg:

Shaqaaqooyinkii ka Soconayay Magaalada Mambassa oo Cirka Isku Shareeray ka dib markii Dhawaan halkaasi lagu Diley Shiikh Caan ahaa

Sep 1, 2012
Iyadoo maalmihii la soo dhaafay Magaalada Mombassa ee Dalka Kenya ay ka soconayeen Rabshado ay Sameynayeen Dhallinyaro ka Gadoodey Dilkii Shiikh Caabuud Roobow ayaa mar kale habeenkii Xalay ahaa waxaa Cirka isku sii Shareeray Shaqaaqooyinkii halkaa ka dhacayay. Ciidamada Ammaanka ee Dalka Kenya ayaa Weerar Bum lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen oo ay Ilaalo ka hayeen halkaasoo illaa dhowr Xubnood ay... 
Halkudheg:

10-ka September oo La Qaban doono Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Sep 1, 2012
Guddiga doorshada ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya la qaban doono Setember 10, 2012. “Qabashada Araajida musharaxiinta Madaxweynaha waxay bilaabanaysaa 3da ilaa 6da bisha September 2012. 7da ilaa 8da September waxaa golaha baarlamaanku dhegeysanaa khudbadaha musharaxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha. 9ka bisha September waa maalinta loogu talo galay “Maalinta Ololaha... 
Halkudheg:

Shaqsi Xiriir Dhow la leh Dowladda Norway oo loo Doortey Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Somaaliya

Aug 31, 2012
Waxaa 28-kii Agoosto 2012 waxaa Gudoomiyaha Cusub ee Baaralamaanka ee Sooomaaliya loo doortay Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ah Siyaasi Muddo ku soo dhex jirey Siyaasada Soomaaliya islamarkana ka mid ahaa Khubaradii loo Xilsaarey Dasuurkii la Ansaxiyey. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari waxa uu labaatankii sanno uu degenaa Dalka Norway oo ah Dowlad Dano fara badan ka leh Soomaaliya islamarkaana Kharashkii... 
Halkudheg:

Shiikh Shariif iyo oo kulan la qaatey Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, Jawaari

Aug 30, 2012
Iyadoo habeenkii Arbacadu soo gelaysay Xilli dambe la soo Gunaanaday Tartankii Doorashada Musharixiinta Guddoonka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaa darteed waxaa si wadajir ah Shir Jaraa’id u qabtay Madaxweynaha uu Xilka ka dhamaaday Shiikh Shariif iyo Guddoomiyaha Cusub ee Barlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari. Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Shiikh Shariif oo u Hambalyeeyay... 
Halkudheg:

Prof. Jawaari: Baarlamaanka Cusub Waxay dib u eegis ku samaynaaya Dastuurka KMG, qodobadiisana wax ka bedelayaan….

Aug 29, 2012
Soomaaliya: Guddoomiyaha baarlamaanka cusub, Prof. Maxamed Jawaari, ayaa markii la doortay waraysi uu bixiyey waxa uu kaga hadlay Dastuurka Kumeel gaarka ah. Waxana uu sheegay in arrimaha ugu waaweyn ee sugaya baarlamaanka ay tahay in ay dastuurka dib u eegis ku sameeyaan, oo qodobadiisa wax ka bedelaan, wax ku kordhiyaan ama  ka dhimaan ilaa afti dadweyne lagu ansixinayo. Prof. Jawaari oo arrintaas... 
Halkudheg: