SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxaa looga Tacsiyadaynayaa Meles? Ma xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed, mase ku xad Gudubkii Goobahii cibaadada....

Keligii taliyahii Itoobiya, xasuuqahii gumaaday shacabka Soomaaliyeed, ayaa la aasay maanta, September 2, 2012. Waxaa aaska Zenawi loogu baroordiiqayo ka qayb galay "Sh. Shariif Sh Axmed,  C/weli Gaas, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, iyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo," sida ay sheegtay Idaacadda Muqidhiso.

Waxaa sidoo kale u tacsiyaynta Meles ka qayb galay masuuliyiin sheegtay in ay yihiin Siyaasiyiin, Oday-dhaqameedyo iyo Aqoonyahano oo metelaya shacabkii Soomaaliyeed ee Meles xasuuqay.

Ciddii ay la noqotaa ha u tacsiyaysee, ummadda Soomaaliyeed waxaa baal madow uga qoran xasuuqii uu Zenawi u geystey ummadda Soomaaliyeed iyo xurmo darradii uu ugeystey goobaha cibaadada. Arrintaasina waa mid jiilba jiil u sii gudbin doono oo aan weligeed la iloobi doonin.

Inkasta oo Meles Zenawi isagoo taageero ka helaya dalal ay mabda' wadaag ahaayeen uu isku deyey in uu burburbiyo dadka Soomaaliyeed diintooda iyo dalkoodaaba, haddana waxay ummadda Soomaaliyeed ku kalsoonayeen in gardarradiisu ay guul darro ku dambayn doonto.

"Waxaan ku kalsoonahay in dadka Islaamka ah ee Soomaaliyeed ay sidii ay ku caanbaxeenba cashar lama illoobaan ah siin doonaan cadowga isi soo miidaamiyay iyo inta gunta ah ee gumeysiga soo duudisay oo ku dambeyn doona jab iyo guuldarro aysan ka soo kabsan doonin Insha-Allaah. Allihii Abraha ciqaabay ee Alamtarana ku soo dajiyay awooddiisii isma dhimin ee ummadyahay ogaada oo Rabbi aamina, axmaqa yeelkiise," Maxamed Cali Cibaar ayaa sidaas waxa uu hordhac uga dhigay gabaygii Melez oo uu tiriyey July 2006, markaas oo la xaqiijiyey in Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo watey amarkii Zenawi ay ka soo tallaabeen xad-beenaadka, fariisina ka dhigteen Baydhabo.

Gabayga Meles tuducyadii ugu horeeya waxay sheegayaan in kibirka iyo xiqdiga maskaxdiisa ku jira uusan waxba ugu dhimi karin ummadda Islaamka oo Allaheeda aaminsan, balse taas bedelkeeda ay aakhirka sabab u noqon doonaan jirrooyin maskaxeed caafimaadkiisa saamayn xun ku yeelan doona, waana kuwan tuducyadaasi:

  • Allaa mansab leh makaan lagu nastiyo meelo darajeysan
  • Kii soo miciinsada asaan midig u waayeynin
  • Isagaa Malaa’igo dirsada ciidan magag weyn leh
  • Makhluuqiisa isagaan nahoo kownkan maamulaye
  • Mu’miniin inaan nahay asaan mahadineynaaye
  • Adna kii maroodiga watee Maka ku soo dulaay
  • Ee yiri xajkaan soo masixi Mowle gurgiisa
  • Abrahaad maskaxda liidatiyo magac wadaagtaane
  • Miyirkaadi kibirkaa qarribay wuu ku muufeyne
  • Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.

Ciidamadii uu Soomaaliya u diray Zenawi waxay bilaabeen in ay xasuuq baahsan u geystaan shacabka Soomaaliyeed ilaa Kismaayo. Waxayna ay tacadiyadii ugu weynaa ka geysteen magaalada Muqdisho.

Dec 28, 2006 waxay ahayd maalintii ay ciidamada Itoobiya galeen magaalada Muqdisho. Waxayna magaaladaas xasuuq aan kala joogsi lahayn ka wadeen ilaa laga soo gaarayey Janaayo 15, 2009, oo markii ay ciidamada gumaysigu u adkaysan waayeen iska caabintii shacabka, ay lug kaga huleeleen ilaa ay ka gudbaan xad-beenaadka.

Taariikhdaas madow oo ah 749 maalmood, waxaa ciidamadii uu Zenawi soo diray ay madaafiic iyo hubka noocyadiisa kala duwan ku xasuuqayeen shacabka ku sugnaa magaalada Muqdisho. Halkaas oo meydka shacabku uu maalmo dadasanaa dariiqyada magaalada, markii dambena xabaalo wadareedyo lagu aasay inta lagu guray iska rogooyin.

Video-ga hoose waxa uu muujinayaa shacabkii Muqdisho lagu xasuuqay:

Weriye ka socday Aljazeera, Maxamed Caddow, oo Zenawi ka waraystay ciidamadii uu u diray Soomaaliya oo xasuuqa geysanaya, ayaa weydiyey su'aal ahayd "Waxaan haynyaa caddaymo Video ah oo muujinaya in askartaadu ay shacab laynayaan", waxaa Zenawi si jees-jees ah ugu jawaabey "anigu ma arkin caddaymahaas."

Muddadaas 749 maalmood ah waxay ahayd waqti ay ciidamada Itoobiya si aan kala go'lahayn u dhibaataynayeen shacabka, ayagoo isugu daray xasuuq, jidh-dil, iyo kufsi  ay u geysnayaan gabdhaha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed.

quranXadgudubyada ay geysteen ciidamada calooshooda u shaqaystayasha Itoobiya, kuma ekayn xasuuqa shacabka oo keliya, balse waxay si caqliga ka baxsan ugu xad gudbeen goobahii cibaadada, ayagoo askartoodu ay masaajidda dhexdooda ku jeex-jeexeen kitaabka Quraanka oo weliba ay saxarada iskaga tireen, taas oo muujineysa cadaawadda diimeen ee Meles iyo inta uu adeegsanayoba.

Sidoo kale, Xasuuqii bishii April 2008 ay ciidamada Itoobiya ka geysteen Masjid Al Hidaaya ee Muqdisho, oo ay ku xasuuqeen culimo Tabliiq ah oo aan dagaalada shaqo ku lahayn, waxay caddayn u tahay in ciidamadaasi aysan dad gaar ah la dagaalamayn, balse ay u yimaadeen cadaawad diineed iyo mid shacab oo ay u qabaan ummadda Soomaaliyeed oo ay si caam ah u gumaadeen.


Xasuuqii Masjid Hidaaya

somalia mapXasuuqii intaas kuma ekaan, waxaa Zenawi markale ciidamadiisa u diray Soomaaliya, ayagoo mar kale December 31, 2011 ka soo tallaabay xuduud beenaadka oo ay ilaa hadda (Sept 2012) ku sugan yihiin magaalooyin ay kamid yihiin Beledweyne oo ay shacabka si joogta ah uga geystaan jarriimad iyo xad gudub, oo shacabka ay halkaas ku laayeen ay kamid yihiin Ardey. Waxaana webiga dhexmara magaaladda Beledweyne uu marti u noqdey meydadka dadkii ku noolaa magaaladaas. Waxaa taas dheer cabsi gelinta iyo handadaada ay ku hayaan shacabka. Tacadiyadaasi oo ay weli wadaan ciidamada Itoobiya ma aha kuwo qoraal lagu soo koobi karo.

Markii uu geeriyoodey Zenawi waxaa si ded deg ah ay Itoobiyaanku u sheegeen in aysan waxba iska bedelayn siyaasaddooda ku aadan Soomaaliya. (Akhri Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya).

Marka aan taariikhda dhow dib u milicsano waxaan xusuusanaynaa in Itoobiya aysan qarnigan bilaabin xasuuqa shacabka iyo gardarada joogtada ah, balse ay jirtey cadaawad soo jireen ah oo ay ku bartilmaameedsan jirtey shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa dhacdooyinkaas xanuunka reebay ka mid ah in Xabashidu (Janaayo 30, 1984) weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka.... (Akhri Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984.)

Xilligaas (1984) waxaa Raadiyihii Muqdisho si kulul uga hadlay dhacdadaas foosha xun ee xabashidu ku xasuuqday carruurta da'da yar.

Sidoo kale wakaaladdii warfaafinta ee SONNA video ay xilligaas duubtay video-ga hoose oo uu werinayey Axmed Siciid Cige ka daawo hoose...

(Halkan ka daawo Video qaybahiisa kale..)

Agoosto 23, 2012 waxaa "Radiyaha DFKMG ee Muqdisho" uu faafiyey in "Madaxweynaha Jamhuuriyadda (Soomaaliya) uu maanta ka qeybgalay Baroordiiq loo sameeyey Ra'isulwasaarihii Ethiopia (Zenawi)",w axaana Raadiyahaasi sheegay in "Madaxweynuhu (Sheikh Shariif) si kooban uga hadlay taariikhda Ra’isulwasaarihii Ethiopia ee geeriyooday Meles Zanawi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa halyeey qaaradda Afrika dhan ka tagay."

September 2, 2012 oo la aasay Zenawi, waxaa Raadiyaha Muqdisho sheegay "Madax kaladuwan ayaa ka qeyb galaya munaasabadda aaskaasi waxaana ka mid ah madaxweynaha dowlada Soomaliya Sh. Shariif Sh Axmed, R/wasaare C/weli Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, madaxeynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale oo caalamka ah, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya marti sharaf ay asxaab ahaayeen Meles Sanaawi..."

Hadalkaas boog-danqid ku ah kumaan Soomaaliyeed oo ay dhibaateeyeen ciidamadii uu Zenawi u diray Soomaaliya, welina dhibaatada ka wada gudaha dalka.

Bal haddana aan jalleecno tuducyo ka mid ah gabayga Meles ee aan ku xusnay hordhaca qormadan:

  • Dabinnadaad maleegeyso iyo meeshad xaal geysay
  • Makrigaagu waa waxan la maqal dunina soo marine
  • Ma gudbiyo saqiir miijiyiyo mici ku dhiigloo dhan
  • Marduuf qaada kuwo lagu masliyo odayo mooryaana
  • Qamri miiste balwadaha ku mamay oo macsida quuta
  • Maqaraaruf aan tacab aqoon meheredlaawoo dhan
  • Xabsiyada intii mudan lahayd mooro lagu owdo
  • Haddaad maamulkood nala rabtiyo inan musiibowno
  • Alleylehe inaad mujrim tahaa marag ma doonta ahe
  • Miyir inad qabtoo aad dhantahay minidkan aan joogno
  • Iyo inaad majnuun tahay ayuu muran ka joogaaye
  • Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.
     
  • Meel ka dhacyo waa lagu yaqaan ruux is mahadshaaye
  • Haddaad Malik is moodeyso iyo boqor la maamuuso
  • Ooy qaar ku maaweeliyaan kaa muraadsanaya
  • Mudanowda beenta ah haddaad uba maqsuudeyso
  • Dhabtu waa miskiin inaad tahey marinhabowsheene
  • Sida macallinkaadii anoo casharro kuu meerin
  • Oo aan mushaar kaaga rabin fahamka maahmaahda
  • Anigaa runtii kuu macneyn qaar maldahayeene
  • Misaal iyo tusaalaan ku siin kuu muraayad ahe
  • Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.
     
  • Mowle nimuu dulleynaayo yaan maaro loo heline
  • Malaayiin iyagoo hantoo maal adduun haysta
  • xilal aysan mudan iyo iyagoo mansabyo loo dhiibay
  • kuwa madaxda lagu sheegayaa aysan uba muuqan
  • Oo raba malyuun inay dilaan maalmo gudahooda
  • Kuwa malafsan gurigaada oo miririfleynaaya
  • Een mucjisee kaa faaruqayn kuguna meeraysta
  • Oo inaadba soo mayratiyo musqushi kuu diiddan
  • Minyarooyin siday kuu yihiin minanka kuu jooga
  • Kuwa ay marwada kuu dhaxdaa kaba masayrayso
  • Oo meel xishoodkii dhigtayee tuuray maradiisi
  • Duuflaaladaa miyirka laad tahay misaalkoode
  • Melesow I maqal meel xun baad magansan doontaaye.
  •  Gabayga oo dhamaystiran ka akhri halkan..

Su'aasha ay shacabka Soomaaliyeed is weydiinayaan ayaa ah, madaxda Soomaaliyeed ma waxay Zenawi ugu baroordiiqayaan xasuuqii uu u geystey shacabkooda?

Aragtida dadweynaha ee ku aadan Xasuuqii Meles geystay iyo u-baroor-diiqidiisa... HALKAN KU DHIIBO....


Taariikhda Geeska Afrika:

Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)

Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in “markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”.

Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya.

Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by fascists”. Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: “Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country that has never been colonized’”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama (Italy colonized Ethiopia for five years).

Waxaa wax aad loogu qoslo ah in buug ka mid ah kuwa taariikhda uu qoray sidan: “Brief History: The Ethiopian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a five-year occupation by fascist Italy in the middle of the twentieth century)” – “Taas oo marka la tarjumo nuxur ahaan ah: “Itoobiya waa dal aysan gumaysan quwadihii reer galbeedku, marka laga reebo shan sano oo ay haysteen  faashiistihii Talyaaniga bartamihii qarnigii labaatanaad”. Sow taasi wax lagu qoslo maaha in la yiraahdo waa dal aan reer galbeedku qabsan, Marka laga reebo shan sano oo faashiiste haystey – laakiin akhristow xusuusnow faashiistuhu waxa uu ahaa reer galbeed – laakiin haddii taariikhda laguu wanaajinayo cudurdaar laguu waayi maayo.

Itoobiya iyo gumaystayaashii kale weligood kuma guulaysan in ay Soomaalida si rasmi ah u gumaystaan, balse waxaa Soomaalida gumaystay qabyaalada indhaha ka tuurtay oo kala qoqobtay, taas oo ilaa hadda loo adeegsado.

Gabagabadii, Waxa ka jira geeska afrika waa arrin ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan ka hor inta aan laga masaxin khariidadda.

Let us rewrite Somalia history: “Brief HistoryThe Somalian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a one-century occupation by Qabaliyah)” .

Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

 

Faafin: SomaliTalk.com /  September 2, 2012

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com