Home » Warar
Qaybaha kala Duwan ee Warbaahinta oo si weyn u Muujiyey in aysan Madaxbanaaneyn
Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Warbaahinta Magaalada Muqdisho iyo Wariyayaasha ka hawl gala ayaa kulan ballaaran ku yeeshay gudaha Magaalada Muqdisho.Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee Nusoj ayaa ahaa mid looga hadlayay Tacadiyadda loo gaysto Saxafiyinta Soomaaliyeed xilli ay Gudanayaan Waajibaadkooda Saxafanimo.
Kulanka ayaa waxaa khudbado qiiro ka soo jeediyay qaar ka...
Hooyo Luul Waa Dhibane Haddana Xabsiga ku Nuujineysa Canug yar oo ay Dhashey
Codsi ku jeeda Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha –
Waxaa Maalintii Shalay ahayd Xabsiga loo gudbiyey Wariye Cabdicasis Maxamed Nuur (Koronto) ka dib markii isaga iyo Dhowr Qof oo ay Booliiska ku eedeeyeen ina ay ka Been Abuureen Fal kufsi ah hase yeeshee Cabdicasiis Korornto iyo Dadkaasi ayaa igu ku andacoonaya in aysan sameeyn wax been abuur ee ku aadan Falkaasi...
Wafdigii culumada oo booqday magaalada Jalam
Wafdigii culumada ahaa ee socdaalka dacwadeed ku marayey qaybo ka mida gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa maalinimadii 22/01/13 soo gaaray magaalada Jalam, waxaana soo dhaweeyey ku xigeenka duqa magaalada Sheekh C/risaaq Diiriye (Sangod) iyo Sheekha magaalada Sheekh Daahir Cali Shire, ka dibna wafdigu wuxuu booqday Madrasada Alxikma oo lagu xafido Qur’aanka, laguna qaato waxbarashada aasaasiga ah, waxaana...
Wariye Cabadicasiis Koronto oo Maanta Xeer Ilaalinta Qaranka u Gudbisey Xabsiga Dhexe
Xasan Cali Geeseey iyo Layla Maxamuud Cabdulle oo sheegey in Cabdicasiis Koronto uu u Xiran yahay si Sharcidarro oo la iska haysto.
Waxaa Maanta (Sabti Jan 26, 2013) mar kale Xeer Ilaalinta la horkeeney Wariye Cabdicasiis Maxamed Nuur Koronto iyo Afar kale oo ay Xeer ilaalintu sheegeen in ay ku lug lahaayeen Dacwad ka timid Ciidanka Booliiska oo ku saabsan Arrimo Kufsi .
Wariye Cabdicasiis oo Muddo...
Dowlada Federaalka oo sii lumineysa mid ka mid Astaamaheedii Qaranka
Dadka Soomaaliyeed waxay yiraahdan “ Dhar Aaddan lahayn Dhaxan Kaama Celiyo” , waxaana Murtidaan u soo qaatey markii ay ii soo baxdey arrimo aan is dhihi karo Khatarteeda ayey leedahay oo Halis gelin kara Jiritaankeennii , iyadoo taasi ay jirto ayaa Dal marka uu ka mid noqonayo Qaramada Midoobey waxaa uu Diwaangeliyaa Dhowr Arimood mid waa Astaanta Calanka oo uu Dalkaasi leeyahay gaar ahaan...
1960-kii Aqoonsi, 2013 Aqoonsi, Kee Baa Sax ah?
(Warbxin Xiiso Leh)
– “Waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya… ama la yiraahdo: Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib… “
– Waxayna ahayd in Madaxweynaha (Soomaaliya) uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta , waayo xitaa Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku...
Wariye Cabdicasiis Koronto oo Maxkamadda Sare ka soo Hor Muuqday
Wariye Cabdicasiis Maxamed Nuur ( Koronto) oo ka mid ahaa Wariyayaasha ka hawl gala mid ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ee Magaalada Muqdisho ayaa markii u horeeyay Maanta ka soo Muuqday Maxkamadda sare ee dalka ee Magaalada Muqdisho.
Weriyahan oo in ka badan laba Todobaad u Xirnaa Laanta baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska ayaa i waxa ay Maxkamaddiisu ka Bilaabantey Xarunta Maxkamadda ee Magaalada...
Golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990
Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in DFS aysan aqoonsayn gebi ahaanba dhulkii dawladda ee la iibsadey, la bixiyey ama la kireeyey laga soo bilaabo 1990.
Warsaxaafadeed ayaa si qayxan u sheegay “golaha Wasiiradda ayaa isku raacay inaysan aqoonsanayn dhamaan dhulka dowladda ee la iibsaday, la bixiyey, lana kireeyey wixii ka danbeeyey 1990.”
Warsaxaafadeedku...
Ra’iisal Wasaaraha Oo Boqolaal Dadweyne ah kala qeyb galay Banaanbax Lagu taageerayo go’aankii Dowladda Mareykanka
Isniin, January 21, 2013——-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta boqolaal dadweyne ah kala qeybgalay Banaanbax ballaaran oo ay ku taageerayeen go’aankii Dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay Dowlad-nimada Soomaaliyeed oo ay kala noqotay kadib burburkii Dowladdii Soomaaliyeed 1991, wuxuuna Banaanbaxani ka dhacay Beerta Nabadda...
Dhacdooyin La Yaab leh oo laga soo Ururiyey Howlagalada Ciidamada Dowladda ee Muqdisho (Warbixin)
Iyadoo Maalmahaan ay socdeen Howgalo ay Sameynayeen Ciidamada Dowlada Federaalka kuwaas oo lagu soo ururrinayo Dhalinyarada Da’dooda u dhaxeysa 15 jir ilaa 20 jir ,hase yeeshee dadka Qaar ayaa si weyn uga Caroodey Dhaqanka Ciidamada Dowlada ee soo qabqabashada Dhalinyarda, iyagoo sheegey in arrintaan ay ka dhalan karo Carro weyn oo loo qaado Dowladda ama ay meesha ka baxdo kalsoonidii ay Bulshada...
Ra’iisal Wasaaraha oo maanta booqday qeybo ka mid ah Muqidsho iyo Gobolka Sh/hoose
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaminayo ayaa maanta booqashooyin ku kala bixiyay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada hoose, Idaacadda Shabeelle, Garoonka Aadan Cadde iyo Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa booqashadiisan...
Reer Minnesota oo Mudaharaad ka hor geeyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka Mataanaha ee St.Paul iyo Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa bannaanbax ay ku diidan yihiin madaxweynaha Dawladda Federaalka (DFS) waxay ku dhigeen goobta faras-magaalaha Minneapolis Convention Center ee uu khudabada ka jeedeinayey habeenimadii Jimcada Janaayo 18, 2013
Dadka mudahaaradayey ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ka mid yihiin in madaxweyanaha...
Ra’iisal Wasaaraha oo Talaabo Horumar leh ku tilmaamay Aqoonsiga Dowladda Mareykanka
Waxa kale oo warsaxaafaeedka lagu xusay tacsida weriye lagu diley Muqdisho, iyo weriye kale oo xiran…
Sabti, January 19, 2013—–Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay go’aanka Dowladda Mareykanka ee ahaa inay Aqoonsatay Dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna ku tilmaamay...
Maxaa ka soo baxay Kulankii Madaweyne Xasan Shiikh iyo Barack Obama
iyo Xasan Shiikh oo la Kulmey Hillery Clinton —
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiik Maxamuud ayaa Booqasho ku tegay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo isagoona halkaa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dawladda Maraykanka Barack Obama ,Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay Xiriirka labada dal iyo sidii uu Madaxweynaha Soomaaliya uga sii shaqayn lahaa horumarka Soomaaliya...
Golaha Wasiirada DF oo ka dalbaday in Ciidamada AMISOM ay caddeymo buuxa ka bixiyaan iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin
Golaah Wasiirada DF Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dhacdadii ay Ciidamada AMISOM ku laayeen dadka rayidka ah ee Tuulada Buulo Yaasiin oo ku dhow degaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose, “Dowladda Soomaaliyeed ay ka dalbaneyso Ciidamada AMISOM caddeymo buuxa iyo garoweshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay Tuulada Buulo-Yaasiin,” ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka (hoos ka dhegeyso...
Xarriga Wariye Cabdi Casiis Koronto oo Muuqan Kara mid Dhiiragelinaya Kufsiga (Warbixin)
Waa Yaabee Saxaafada iyo Dhibanayaasha Haddii la Amusiyo yaa Soo Badhigaya Kufsiga
Iyadoo weli uu Xiran yahay Wariye Cabdicasiis Maxamed Nuur Koronto oo ka tirsan Radio Dalsan ayaa waxaa socda Qayladhaan ku aadan Xarigaasi oo ka imaanaya Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa iyagoo Codsanaya in la sii daayo Wariyahaasi oo ay ku Tilmaameen Xarigiisa mid Gardaro ah oo aan Geed loogu soo gaban.
Inta...
Golaha Cadaalada iyo Midnimada Beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho soo Saarey Bayaan ku socda Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Raiisul Wasaaraha
Waxaa Hotelka Aaran ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan uu soo qabanqaabiyey Golaha Cadaalada iyo Midnimada Beelaha Muqdisho waxaa Kulankaasi ka qaybgaley Xubno ka socdey Golahaasi, Salaadiin, Culamaudiin , Nabadoono , Waxgarad ,Siyaasiyiin Haween iyo Dhalinyaro waxaana diirada lagu saarey Kulankaasi sidii Beelaha Soomaalieed si Siman loogu qaybiyo Xilalka Dowlada Gaara ahaan Kan Magaalada Muqdisho...
Dowlada Federaalka Soomaaliya oo mar kale ku Celisey Codsigeedii ahaa in laga Qaado Xayiraadda Hubka.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi oo maalinimadii Shalay Dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay.Wasiirka oo mas’uuliyiintii uu la kulmay kula kulmay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka wada hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo xiligan is bedelo badan...
Taliyaha Ciidamada Uganda oo Sheegey in Xiligaan loo baahan yahay in Ciidamada AMISOM la Kordhiyo
Taliyaha Ciidamada Lugta ee Dalka Ugandha oo iminka booqasho ku jooga Dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda ammaanka ee Magaalada Muqdisho iyo Is Bedelada laga dareemayo.Taliyaha oo Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Sare ee Amisom ayaa sheegay in Xiligii dhawaan loo kordhiyay Ciidamada amisom inuusan ahayn mid ku filan isla markaana aan lagu soo af jari Karin hawl galada ay Ciidamada ka...
Kulan Hordhac u ah Shirweyne ay isugu Imaan doonaan Xarunta Wadaniga Soomaaliyeed oo lagu qabtey Magaalada Muqdisho
Waxaa maanta Hotelka Kuweyt Palace ee Magaalada Muqdisho kulan isugu yimid Ururka Wadaniga Soomaliyeed waxaana kulankaas looga hadlayey sida Bulshada loogu Baraarujin karo Wadaninimada iyo sidii dib loogu soo nooleyn karo Dhaqankii Suubanaa ee ay Bulshada Soomaaliyueed iyo weliba sidii loo ururinka Waxyaabaha Taariikhiga ah ee ay Bul;shada Soomaaliyeed ay leedahay.
Waxaa Kulankaan ka qayb galey...
Tafaftirayaasha Wargeysyada Xog-Ogaal iyo Xog-Doon oo uu u yeerey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ka dib markii ay Daabaceen Kaartoon uu leeyahay Amin Caamir.
(Warbixin)
– Madaxweyne Xasan Shiikh Ma ka Dhabeeyey Balanqaadkii uu u sameeyey Saxaafadda Inta aan la Dooran .
– Hanjabaadyo iyo Xarig lagu hayo Saxaafada Madaxa Banaan
Iyadoo weli uu Xiran yahay Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur (Koranto) oo u Shaqeynayey Radio DALSAN ka dib markii Waaxda Dambi Baarista ee CID ay ku soo eedeysey War ay sheegeen in uu faafiyey kaasoo ku saabsanaa Kufsi loo...
Waraysi aanu la yeelanay Cabdulqaadir Maxamed Aden Baariyow oo ku saabsan Milkiyadda Universal TV.
Beryahaanba waxaa soo baxayey muran xooggan oo ka dhex jirey Telefishinka Universal. Arrinta ugu culayska badan ayaa ku aadanayd milkiyadda iyo lahaanshaaha Universal Tv. Haddaba si aan arrimahaas wax uga ogaano ayaa waxa noo suurta gashay in aanu khadka Telefoonka ku Wareysano C/qaadir Maxamed Aden Baariyow oo ku sugan dalka Norway Magaalada Oslo. C/qaadir Baariyow wuxuu ka mid yahay ragga dacwadda...
Dib-U-Eegis Lagu Sameeyey Qaab Dhismeedka Wasaaradaha Qaarkood.
Muqdisho, 11, jan, 2013…..Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood.
Waa tan Dikreetadii...
Dowlada Kenya ayaa Welwel kii ugu weynaa ka Muujisey Dadka Soomaaliyeed ee Dib ugu laabanaya Dalkooda
Ismaaciil Xasan “ Waxaan leeyahay Dadka Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan Nin Wadankaadii kuugu Dilaya Kiisa Kuuma Dhaafo”
iyo Dhaqaalihii Wadanka Kenya oo Maraya halkii ugu Xumeyd
Tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka Bishii Oktoobar ee 2011 ayaa waxaa Dalka Kenya ka Bilowdey Qaraxyo , Dilal , Dagaalo hase yeeshee gelitaankaasi waxaa uu...
Abuu Mansuur Al Amriiki oo Dalbadey in laga Badbaadiyo Xarakada AlShabaab
Abuu Mansuur Al Amriiki ayaa waxaa uu soo direy Fariin uu ku Dalbanayo in laga badbaadiyo Xarakada Alshabaab, waxayna Fariintaan ay ahaysd mid Muuqaal isagoo fariintaasi ugu baaqey Urur Weynaha Alqaacidda in ay Badbaadiyaan
Abuu Mansuur Al Amriiki oo hore loogu yaqaaney Cumar Xamaami ayaa waxaa uu haystaa Dhalashada Wadanka Mareykanka wuxuuna soomaaliya soo galey Sannadkii 2006 , wuxuuna Sheegey in...




