Home » Warar

Warsaxaafadeed ay soo wada saareen Sheikh Shariif, Aaden Madoobe iyo Cumar C/rashiid

Apr 30, 2010
Warasaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen madaxweynaha DFKMG, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha DFKMG oo nuqul kamid ah soo gaarey SomaliTalk ayaa u qornaa sidan: ________ War-Murtiyeed: Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Sheikh Aden Maxamed Nuur iyo Ras’iisul Wasaaraha Xukuuadda FKMG, Mudane Cumar Cabdirashiid... 
Halkudheg:

Dowlada Sheikh Shariif oo Lacag Cusub kusoo daabacanaysa $17 million oo dollar…

Apr 29, 2010
iyadoo Malaysia Lagaga Xanibay $14 million oo doolar oo aan la aqoon meesha ay ka timid … iyo Heshiis ay bilkasta ku bexeyso $50,000 doolar oo DFKMG la gashay shirkad si loogu soo daayo lacagahii  Soomaaliya laga xanibay… iyo ayadoo DFKMG ay sheegtay lacag la’aan darteed u xireyso qaar kamid ah safaaradaha Soomaalida Qoraalka oo Dhamaystiran oo ka kooban 21 bog, ka akhri Linkigan... 
Halkudheg:

CABDIWELI….TIIR ADAG OO DACWAD MINNEAPOLISA KA TEGEY! | w/q. Muxammad Idris Axmed

Apr 29, 2010
 Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Wuxuu Qaatay Ilaahay Isagaa leh. Wuxuu bixiyana Isagaa Leh, Wax walbaana Qadar ayey leeyihiin. Ilaahay Walaalkeen Cabdiweli Maxamed Yusuf Ha u Naxariisto, Janaatul Firdoos haka waraabiyo, eheladiisiina samir allaha ka siiyo. Warka Naxdinta lihi wuxuu igu soo duulay anigoo safara oo Nairobi Maraya, Kelmadanna waxaan qorayaa... 
Halkudheg: ,

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Qalab cusub oo lagu horumarinayo Isgaarsiinta dalka

Apr 28, 2010
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo u taagan in markasta Daboosho baahida isgaarsiineed ee Bulshada ayaa maanta soo bandhigtay qalab cusub oo isugu jira gaadiid ay ku rakiban yihiin Anteenooyinka guurguura (BTS) iyo Taleefoonnada gacanta oo lagu kaarikeynayo Qorraxda (Solar Mobile). Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah Xaflad lagu qabtay xarunta Shirkadda Hormuud ee Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo bandhigay... 
Halkudheg:

Musharaxa Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka

Apr 27, 2010
Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim, ayaa isu sharaxay xilka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah. Xildhibaan kale oo aqoon u leh musharaxa, kana warbixinayey aqoonta uu u leeyahay Suleymaan Maxamed Ibraahim ayaa yiri: “Xildhibaan Suleymaan waa siyaasi jecel in uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto, aqoon iyo waayo aragnimo durugsanna u leh... 
Halkudheg:

Hey’adda COGWO uu suurtagelisay in Mar kale ay dib isku arkaan gabar yar oo waalidkeeda la’aa Muddo sadax Bilood ah

Apr 27, 2010
Waxaa magalada Muqdisho maanta  soo gaartay gabar yar oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaliimo Xaaji Cusmaan da’deeduna ay tahay 16-sanno jir, taasoo markii hore Haweynay ka kaxeysatay magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo gaysay magaalada Hargaysa ee maamulka la magac baxay Somaliland. Haweynada gabadhaas kaxaysatay oo lagu magacaabo Zam Zam ayaa shaqo ahaan waxay u gaysay magaalada Hargaysa,... 

Kulan looga hadlayo Mustaqbalka Dawlad Ka Dhalata Soomaaliya oo lagu qabanayo Minnesota

Apr 26, 2010
Khamiista April 29, 2010 ayaa kulankaas waxa lagu qaban doonaa William Mitchell College of Law oo ku taal magaalada St. paul ee gobolka Minnesota. GOORMA, XAGGEE, YAAS KA HADLAYA… KA Akhri Halkan…  Read More →
Halkudheg:

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaaladda Mombasa oo Qalabka wax lagu nadiifo gudoonsiiyay Duqa Magaaladda Mombasa.

Apr 26, 2010
(Mombasa):-Magaalada Mombasa ee Caasimada labaad ee dalka Kenya ayaa waxa lagu qabtay mashruuc nadaafadeed isla markaasna lagu moojinayay in ay somalidu kaalin wayn ku lee dahay arimaha bulshada ee dalka Kenya. Halkan ka daawo sawirada   Mashruucaan oo ay fulintiisa fududeeyeen Gudiga Hormaritna Soomaalida ku dhaqan Mombasa isla markaasna ay  soo qaban qaabeeyeen jamciyda Dhalinyarada ee marka magaceedo... 
Halkudheg:

“Ahlu Sunna Waljamaaca” oo Cambaarayn Kulul dusha uga Tuuray DFKMG

Apr 26, 2010
Abu Yuusuf Al-Qaadi “Dadkii lagu laayey suuqa Bakaaraha waxaa mas’uuliyadooda qaadeysa Dowladda Federaalka”     Iyadoo shalay Bakaaro ay ku dhinteen ilaa iyo dhowr iyo labaatan qofood oo shacab Rayid ah kadib markii madaafiic aad u tiro badan lagu garaacay suuqa bakaaraha iyo agagaarkiisa ayaa waxaa xasuuqaasi aad u cambaareeyey qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna cambaareyntii ugu kululeyd... 
Halkudheg:

Walad Cabdalla oo “niyadjab kamuujiyay muranka ka dhex aloosan Barlamaanka” DFKMG

Apr 26, 2010
Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) WARSAXAAFADEED 08/2010 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan baahida ummadda Soomaaliyeed Nairobi, 26 Abriil 2010 – Kulankii 17aad ee Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore lagu qabtay xarunta Jaamacadda Dowladaha Carabta... 
Halkudheg:

Qofkii 30-aad oo Soomaali ah oo Lagu Diley Gobolka Alberta, Canada

Apr 25, 2010
30 Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu delay Alberta ilaa 2005 … Wiilka ugu dambeeyey ee la diley waxa uu ahaa dhallinyaro. Waxa uu ka soo jeedaa Soomaali. Waxa uu ku koray magaalada Toronto, waxana uu u guurey Gobolka Alberta ee galbeedka Canada si uu halkaas uga raadsado fursado shaqo. Waxaa Khamiistii meydkiisi laga helay qol, magaalada Fort McMurray ee gobolka Alberta, sidaas waxaa werisey wakaalada... 
Halkudheg:

19 madfac oo Galabnimadii Axadda lagu riday gudaha iyo hareeraha suuqa bakaaraha iyo dhimasho iyo dhawac soo garey dad rayid ah

Apr 25, 2010
Inta la hubo 13-qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo dhamaantood rayid ahna way ku dhaawacmeen, duqeyntaas oo ahayd Madaafiic aad u waaweyn oo ka soo dhacaysay xarumaha DFKMG ah iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho. Gabal dhacii Axadda duqeeyn culus iyo dagaalo u dhaxeyey ciidamada DFKMG iyo xoogaga hubeeysan ayaa waxa uu ka dhaceen degmooyinka Ka mid ah magaalada Muqdisho. madaafiicdaan ayaa lala beegsanayey... 
Halkudheg:

315 Xildhibaan oo Doortay Guddi soo magacaaba Guddoon Cusub oo uu yeesho Baarlamaanka DFKMG

Apr 25, 2010
Kulan ay magaalada Muqdisho maanta (Axad April 25) ku yeesheen xildhibaano tiradoodu gaarayso 315 xildhibaan ayaa waxay doorteen guddi loo xilsaaray soo diyaarinta guddoon cusub oo uu yeesho baarlamaanka kumeelgaarka ee Soomaaliya, maadaama sida ay sheegeen, uu waqtigii xilku ka dhammaaday guddoonka baarlamaanka. Xubanahaas baarlamaanka ee ku shiray Hotel Weheliye waxay doorteen laba guddi oo mid... 
Halkudheg:

In ka badan 300 xildhibaan oo isku raacay in uu gudoonka barlamanku waqtigiisii dhacay, una goodiyey Sheikh Shariif haddii uu sharciga ilaalin waayo

Apr 23, 2010
Xildhibaanada Baarlamaanka oo tiradoodu gaareyso 309 xildhibaan ayaa isku dhaarsaday in kulanka maalinta Axadda (April 25, 2010) ay sharciga iyo qaranka difaacayaaan, ayagoo ugu baaqay madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, in uusan “guddoonkii hore” hor keenin baarlamaanka, haddii kale in foolxumo tii ugu darnayd ku dhici doono hadduu guddoonkii hore keeno baarlamaanka. Waxaa xildhibaanadu... 
Halkudheg:

Kalfadhigii Barlamanka DFKMG uga furmi lahaa guriga ummadda oo mar kale dib loo dhigay sababtu maxay tahay?

Apr 21, 2010
Shirkii Barlamaanka ugu danbeeyey waxa uu ahaa shirkii Agoosto 2009 ee ay ku diideen heshiiskii is afgarad ee dowladaha Kenya iyo Somaliya wixii intaa ka danbeysana golaha xildhibaanada barlamanku wuxuu galay xaalad koomo ah…. Kalfadhigaan oo la filayey in uu manta (April 22, 2010) ka furmo golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib u dhac ku yimid sida ay shegayaan wararka rasmiga... 
Halkudheg:

Xerada Kakuma: Warbixin iyo Soo gaba-gabayn Card badalkii ka soconayey xerada

Apr 21, 2010
Raashinka qofku leeyahay waa: Sadex kiilo oo bur ah, kiilo digir ah, kiilo boorash ah,  sedex kiilo oo ugaali ah, saliid rubac ah iyo furka caagada shanta litir ah oo cusbo / milix ah… Galab nimadii Taladada bishuna ay tahay 20-04-010 waxa soo gaba gaboobay Card badalkii ka soconayey Xerada kaakuma oo bilowday bisha 16 keedii ayaa waxa uu ku dhacay si nabad ah ayadoo ay shaqeynayeen dhamaan... 
Halkudheg:

Ismaaciil Hurre Buubaa: Dowladda Norway aniga oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ah ayay iga codsatay in aan kala hadlo Badda Soomaaliya

Apr 21, 2010
Waxana uu sheegay in Norway warqad u soo dirtay, laakiin uusan warqaddii uga jawaabin. Arrinta lagala hadlayey oo ahayd heshiis (is-afgarad) ee badda Soomaaliya…. Waraysi dhinacyo badan oo Ibraahim Da’ud  uu Nairobi kula yeeshay Ibraahim Buubaa, kana hadlaya siyaasadda Soomaya, aragtidiisa ku aadan Somaliland, aragtidiisa DFKMG & ASWJ, doonyaha sida sharci darrada uga kalluumaysta badda... 
Halkudheg: ,

Qoraal ku saabsan wax qabadka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha federaalka oo ay u gudbisey gudiga dastuurka….

Apr 19, 2010
Warbixin uu ku saxiixan yahay Wasiirka Dastuurka DFKMG, Madoobe Nuunow oo ku saabsan wax qabadka wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka oo loo gudbisey gudiga dastuurka iyo arrimaha federaalka baarlamaanka 16/04/2010 oo nuqul kamid ah soo gaarey aan henay hoos ka akhri… Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com Qoraalka wasiirka Wasaaradda Dastuurka... 
Halkudheg: ,

Walad Cabdalla: Warqad ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee u nool Dalka Dibaddisa. (war. Number 24)

Apr 19, 2010
United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasada Soomaaliya (UNPOS) Nairobi, 19 April 2010 Asalamu calykumIgagudoma Salan diran 1. Intabadan xiliga guga oo aan filayo in uu ka dhacaayo inta badan dalaka aaddegan-tihiin, ayaa la imaanaaya inta badan rejo ku saabsan mustaqbalka. Waxaan rajeynayaa in warbixinteydan joogtada ah ee aan siinayo... 
Halkudheg:

Waxyeelooyin kala duwan oo ay ciidamada Gumeysigu u gaysteen dad rayid ah

Apr 19, 2010
 Ciidamada qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo cagta mariyey qaar kamid ah saldhigyada ciidamada gumaysiga Itoobiya. — Masuuliyiin ka socotay gumaysatada itoobiya iyo dabaqoodhi hor ordayay oo loo diiday inay shir ku qabsadaan hotel ku yaala magaalada Mineapolis. — Qorshayaal cusub oo gumaysigu doonayo inuu ku cunaqabateeyo shacabka si ay gaajo ugu le,daan. –Dil iyo dhaawac loogu... 
Halkudheg:

Kalfadhigii Baarlamaanka DFKMG oo mar kale dib u dhac ku yimid

Apr 18, 2010
Warar laga helnay xubno ka tirsan barlamanka dowlada fadaraalka KMG somaliya ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirkii la filayey Axadda in uu ka furmo guriga ummada.  Shirkaan oo la filayey in uu golaha xildhibaanda baarlamaanka uga furmo guriga ummadda ayaa dib loo dhigay muddo, kulankaas oo ah  kalfadhigii baarlamaanka DFKMG uu markisii ugu horeysay ku yeelan lahaa gudaha guriga shacabka,... 
Halkudheg: ,

Guddoomiye Xigeenkii Baarlamaanka DFKMG oo Is Casilay: “Waxaan ahaa Magac u yaal”

Apr 17, 2010
oo xilka aan hayo kuma shaqaynayn, muddo dhawr sano ahba magac u yaal, markii shir la qabanyo uun ayaa la ii yeeri jirey — Warkan ayaa ku soo beegmay xilli khilaaf soo kala dhex galay Sheikh Shariif iyo Aadan Madoobe… Cismaan Cilmi Boqorre oo ahaa Guddoomiye Kigeenka labaad ee Baarlamaanka DFKMG ayaa maanta (17 April 2010) waxa uu shaaca ka qaaday in uu xilkii iska casiley, kaddib markii... 
Halkudheg: ,

Xildhibaanoo ka tirsan DKMG Soomaaliya oo nabad ku baaqay

Apr 16, 2010
Ayadoo dhawaan uu cirka isku sii shareeray khilaafka ba’an ee u dhaxeeya guud ahaan masuuliyiinta DKMG Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanada DKMG Somaaliya ayaa waxaa misna jira qaar ka tirsan xildhibaanada soomaaliya in ay quud dareynayaan sidii ay ku mideyn lahaayeen guud ahaan afkaarta Xildhibaanada Soomaalia oo baryihii ugu danbeeyay laga dheehan karay in uu ahaa mid aad daran. war saxaafadeed... 
Halkudheg:

Barayaal Tirabadan oo siwadajira loogu xidh xidhay Magaalada Qabridahare.

Apr 16, 2010
Madaxii Xafiiska maaliyada ee Qabridahare oo maleeshiyaadka Hawaarin toogteen. Taliska Ciidanka Midawga Yurub ee la dagaalanka budhcad-badeeda Soomaaliya oo la badalay. Dawlada Maraykanka oo Xayiraad Dhaqaale kusoo rogtay Qaar kamida Hogaamiyayaasha Islamiyiinta Somaaliya. Wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka oo muwaadiniiteeda kula talisay inaysan u safrin itoobiya Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Isu... 
Halkudheg:

Warbixin: Xerada Qaxootiga ee Kaakuma

Apr 15, 2010
Card Badal ku bilaabanaya Xerada Kaakuma ee wadanka Kenya: — Hay’ada Cuntada Aduunka oo marka magaceeda lasoo gaabsho looyaqaan WFP ayaa waxa ay gacanta ku haysaa cunto siinta dad ka qaxootiga ah ee ku xaraysan xerada Qoxootiga ee Kaakuma waxa ay soo dhajisay warqad ay ku sheegayso in ay badalayso Cardka Cuntada lugu qaado 08-04-2010 warqadaas oo ay ku soo qoreen in ay bilaabi doonaan... 
Halkudheg: