Home » Warar

“Ciidamada soo buuxiyey Xeebaha Soomaaliya waa qorshe 50 sano oo lagula wareegayo Xeebaha Soomaaliya”

Jun 17, 2010
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Putland Muuse Geelle Yuusuf (Muuse Faroole) “Tobankii Sano oo Maamulka Puntland Jirey Baan Ku Dhex Jirey Siyaasi Ahaan Cid Iiga Xogg-roon Ma Jirto…” Wareysi xiiso badan “Ciidamada iyo dawladaha soo buuxiyey badaheena ujeedadoodu waa ka weyn tahay burcad badeed. Ujeedadoodu waa in badaheena la soo buuxuyo, in kalluunka la gurto, in... 
Halkudheg: ,

Heerka nafaqo-darrida oo si aad ah u kordhay gobolka Jubbada Hoose, Soomaaliya

Jun 17, 2010
Tirada carruurta nafaqo-darridu hayso ee lagu dawaynayo Cusbitaalka Mareerrey ee gobolka Jubbada Hoose ayaa si aad ah u soo kordhayey toddobaadyadii la soo dhaafey, ayaa uu yiri ururka caafimaadka ee Medecins Sans Frontieres (MSF). “MSF hadda waxay ku daawaynaysaa rugteeda nafaqynta carruur bukaan-jiif iyo bukaan-socod isugu jirta oo tiradoodu gaarayso 750 ” ayuu yiri Kaaliyaha Isuduwaha Caafimaadka... 
Halkudheg:

Deegaanka Gidheys oo Dugsi Hoose Dhexe laga hirgeliyay

Jun 16, 2010
Xafalad xariga looga jarayey dugsiga Hoose Dhexe ee deegaanka Gidheys ayaa, lagu qabtay isla magaalada gidheys. Xafladdaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu horkacayo Madaxweynaha maamulka mudane Maxamed C/llaahi Aadan “Tiiceey”, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo ururada Bulshada. Madaxweyne Tiicey ayaa xariga ka jaray dugsigaa oo ay hirgelisay hay’adda SSWC,... 

Maalinta Carruurta Afrika 16ka Juun

Jun 16, 2010
Nolosha Carruurta Soomaaliyeed waa Dowlad la’aan iyo Waalid Danyar ah Maanta oo kubeegan ama ku asteeysan Maalinta Carruurta Afrika waa maalin taariiq ah balse Dadkii lahaa aysan Awoodi karin ineey Xuquuqdooda uhadla’ aan ama udoodaan maxaa yeelay Carruurta Afrika kunool in tooda badan waxeey kunool yihiin Silac, iyo dhibaato joogta ah . Carruurta Afrika oo Soomaaliya Crruurta... 

Wasiirka Lacagta oo ku baaqay in carruurta Soomaaliyeed daryeel loo helo

Jun 16, 2010
Eng. Yarisow oo sheegay in Deeq-bixiyeyaasha caalamka looga baahanyahay inay taageeraan Dowladda iyo UNICEF si carruurta Soomaaliyeed ay u helaan daryeel. Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo ah Wasiirka Lacagta, ahna sii hayaha Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Maalinta Carruurta Africa oo ku beegan 16ka Juun 2010 deeq bixiyeyaasha caalamka looga baahanyahay inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan... 
Halkudheg:

Taageero maaliyadeed oo caalami ah oo muddada fog ah ayaa waajib ah si adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiiyo carruurta Soomaaliyeed, ayaa ay tiri UNICEF

Jun 15, 2010
Nayroobi, Kenya, 16 June 2010 – Carruurta Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin taageero caalami ah oo maaliyadeed iyo mid agab si loo hubiyo in ay ku noolaadaan nolol wanaagsan, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Rozanne Chorlton, ayaa sidaa tiri maanta iyada oo ka hadleysa munaasabadda Maalinta Carruurta Afrika ee haldhigga dabaal-deggeedu yahay: u qorsheynta iyo maaliyada u sameynta carruurta – Waa... 
Halkudheg:

Lo’da Soomaaliya iyo Qaad/Jaad cunidda

Jun 15, 2010
Arrin la yaab leh oo ka dhacday Muqdisho kadib markii Sac uu liqay Mobile Waa wax la fili karo in aad aragto waxaad la yaabo inta aad adduunyada joogto, todobaadkii la soo dhaafay ayaa degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arrin dad badan ka yaabisay kadib markii uu Sac uu lahaa nin deegaanka ka tirsan uu liqay Mobile uu lahaa nin kale. Lo’da Muqdisho oo lagu yaqaan in ay wax walba... 
Halkudheg: ,

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota

Jun 14, 2010
Warar Goos Goos ah: Arday ka qalin jebisey Jaamacad Indonesia iyo Shir Aqooneed Jaamacada Wuhan ee ku taal China iyo… Magaalada Nairobi oo ay ka dhaceen qaraxyo geystay waxyeelooyin Kulan Dhaqaale loogu uruurinayay Dawlad Goboleedka Bartamaha Soomaaliya oo ka dhacay Birmigham Bandow lagu soo rogay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kadib markii… Wararka oo dhan ka akhri HALKAN/GUJI MINNEAPOLIS:... 
Halkudheg:

Dareewalkii Sheikh Shariif oo ahaa Askari udhashay Ugand oo la diley

Jun 14, 2010
Dareewalkii madaxweynaha DFKMG ayaa lagu diley Madfac lagu weerarey Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho June 3, 2010, markaas oo uu ka soo laabtay garoonka diyaaradaha oo uu geeyey Sheikh Shariif oo halkaas ka dhoofayey. Askarigaas iyo askari kale oo aan la magcaabin waxay dhinteen kaddib markii uu hoobiye kusoo dhacay gaariga ayagoo ku dhex jira. Jariidadda Newvision waxay qortay in militariga... 
Halkudheg:

Soomaaliya waa iib (qaybtii 5aad) – Badda Soomaaliya Afgarasho mise isafgarad

Jun 13, 2010
Madaxdii Dullaaliinta Badda, Saxiixii ugu deg dega badnaa Soomaaliya iyo Dareenkii Villa Soomaaliya iyo Qabsashada badda (Occupation of the sea)…. Qoraalka ku saabsan badda oogama jeedo inaan dadka ku soo kiciyo murugadii ku saabsanayd badda, ee la magac baxay heshiiskii is afgaradka badda Soomaaliya ama loo yaqaan Memorandum of Understanding (MOU), Decoment cusubna masoo bandhigayo, kaliya waxaan... 
Halkudheg: ,

Prof. Ibbi oo sheegay in aysan jirin xiligan Kaluumaysi Sharci daro ah oo ka socda Biyaha Soomaaliya..

Jun 13, 2010
“Sheikh Shariifna waxaa la tusay Satellite markii uu tegey Yurub” ayuu yiri… Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahim (Ibbi) oo ah Wasiirka kalluumaysiga iyo kheyraadka badda, ahna ra’iisul wasaare xigeen xukuumadda FKMG ah ayaa sheegtay “in aysan jirin kaluumaysi sharci daro ah oo ka soconaya xeebaha Soomaaliya.” Isagoo intaas raaciyey in “Maraakiibta ilaalada... 
Halkudheg:

Norway: Badda Soomaaliya maleh Cabbir, waxaana u samaynaynaa Aag ganacsi EEZ

Jun 11, 2010
ayadoo la iska indhatirayo Xeer Soomaalida u qornaa 38-sano ayaa Norway Sheegtay in ay DFKMG u samaynayso 200-mile oo ah Aagga Ganacsiga Badda Soomaaliyeed … Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ayaa Norway waydiisatey in ay ka caawiso sidii dalka gaajadu aafaysay ee ku yaal Geeska Afrika ay Norway ugu samayso cabbirka 200 mayl badeed oo ah aagga gaarka ah ee ganacsiga (Exclusive Economic Zone EEZ)... 
Halkudheg:

Kulan lagu Difaacayey Jen.Maxamed Cali Samatar oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jun 11, 2010
Xildhibaano Soomaaliyeed oo tiradiidu tahay 64 mudane islamarkaana ka soo kala jeeda 14 beelood loona yaqaan beelaha Shanaad ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Xildhibaanadaanadaani ayaa kulankooda kaga codsaday Dowlada Mareykanka inay gabi ahaanba joojiso Makamadeynta lagu hayo Jen.Maxamed Cali Samatar ay soo eedeeyeen shaqsiyaad ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Galbeed iyagoo ku doodaya... 

MSF oo Jowhar ka furtey Waaxo Cusub oo wax looga qabto Qaaxada

Jun 11, 2010
Ururka bani’aadamnimada ee caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa 5tii Juunyo waaxo cusub oo lagu daweeyo qaaxada ka furey laba ka amid ah xarumiha caafimaadka ee uu ku leeyahay Gobolka Shabeellaha Dhexe. Waaxahan cusub waxa ay bixin doontaa adeegyo lacag la’aan ah oo tayo leh, oo ay ka mid yihiin baaritaan, daaweyn oo la siiyo bulshooyinka ku nool degaannada ku hareereysan mahaddaay... 
Halkudheg:

Shirkadda Hormuud oo bixisey Abaalmarino Qaali ah ay ugu magacdartey Abaalmarinada GSM-Ka 2009

Jun 11, 2010
Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud oo aalaba uga barateen in ay qanciso Macaamiisheeda farabadan ayaa maanta Xarunteeda labaad ee deegaanka ceelasha biyaha waxay ku qabatey Xaflad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey waxaana xafladaas loogu magacdarey Abaal Marinta GSM-ka Hormuud ee sannadkii 2009 waxaana ka soo qaybgaley Macaamiisheeda kal dawan , Masuuliyiinta Shirkadda iyo marti Sharaf kale waxaana... 
Halkudheg: ,

Cumar Cabdirashiid “Dowladdu u dhutin meyso xubnaha iska casilay xilka Wasiirnimada”

Jun 10, 2010
iyo UN oo Soomaaliya u soo magacowday Ergay cusub… iyo Mawqifka Madaxtooyada Ee Ku Aaddan Is-casilaadda Wasiirada iyo Xafiiska Walad Cabdalla oo abaabulay kulan lagu dabagalayo shirkii Istanbul ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid “Dowladdu u dhutin meyso xubnaha iska casilay xilka Wasiirnimada” Waxaa isa soo tarayey maalmahan khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda Federaalka kadib markii Dowladdii... 
Halkudheg:

Wasiirkii Saxiixay Heshiiskii Is-afgarad ee lagu waayi lahaa Badda oo Iscasilay…

Jun 9, 2010
Wasiirkii Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFKMG ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta (Arbaca June 9, 2010) ku dhawaaqay in iska casilay xilki iuu u hayey xukuumadda Kumeelgaarka ah. Wasiirku waxa uu is casilaaddiisa ku dhawaaqay isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya. C/raxmaan C/shakuur ayaa Soomaalidu ku xasuusataa in uu yahay wasiirkii ay DFKMG u adeegsatey in uu gacantiisa... 
Halkudheg:

Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo la sheegay in khilaafkoodu sii xoogeysay…

Jun 9, 2010
iyo Qarax Miino oo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan DF iyo Cumar C/rashiid oo tacsi u diray qoyskii marxuum S/Guuto Axmed Maxamed Macow … ………………… Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo la sheegay in khilaafkoodu sii xoogeysay kadib markii Madaxweyne Shariif ku yiri……. Muqdisho: Waxaa lagu waramey in uu sii xoogeystay khilaaf... 
Halkudheg:

Kampala: kulan looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa Arday Soomaaliyeed oo waxkabarta Jaamacadaha Uganda

Jun 8, 2010
Kulankaasi oo soo qaban qaabiyeen Gudiyada Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta jamacadaha kampala ayaa looga arinsanayay sidii wax looga qaban lahaa mushkiladda soo wajahday Ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta Jaamacadaha Dalka Uganda. Halkan ka daawo sawiro dheeraad Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Ardayda Soomaaliyeed jaamacadaha c/fataax maxamuud Geedi oo sheegay in uu ku faraxsan... 
Halkudheg:

Xildhibaan ku eedeeyey Ciidamada AMISOM in ay xasuuqa ka wadaan Magaalada Muqdisho

Jun 8, 2010
iyo Saddex Wasiir oo Iska Casilay DFKMG (Oomaar, Indhacadde iyo…) Xildhibaan Cabduqaadir Daahir Muuse (Ciro) oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si kulul u weeraray ciidamada AMISOM kuna tilmaamay in ay xasuuq ka wadaan Magaalada Muqdisho. “Maalin walba waxaa dhintay dad rayid ah oo aan waxba galabsan waxaana la barakiciyaa dadka degan xaafadaha Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan... 
Halkudheg:

Imtixaankii usocday Ardeyda Jaamacadda Muqdisho oo soo Gabagaboobay

Jun 7, 2010
Ardada waxkabarata jaamacada muqdisho kuliyadaheeda kala gedisan ayaa waxaa usoo gabagaboobay imtixaankii ugu danbeeyey ee simisterka labaad sanad waxbarashadeedka 2009-2010 ee jaamacada muqdisho. Halkan ka daawo sawirada Ardayda oo imtixaanka ku jira Imtixaankan oo socday muddo 10 cisho ah ayaa waxa uu soogaba gaboobay June 07, 2010. Madaxa qeybta imtixaanaadka jaamacada muqdisho Dr-maxamed xasan... 
Halkudheg:

“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN

Jun 6, 2010
“Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” Warbixin Qarammada Midoobay.. Cilmi baaris aad u qoto dheer oo Qarammada Midoobay ku samaysay dadka Soomaaliyeed ee qaba cudurka HIV/AIDS ayaa soo bandhigtey akhbaar aad u argagax badan oo muujinaysa sida cudurkaasi uu xawliga ugu... 
Halkudheg:

Soomaaliya waa iib (4) – AMISOM (MUKULAAL-MADAW)

Jun 6, 2010
Hordhac : Boobka Soomaaliya ka jira waxaa kamid ah maxlalka ay sameynayaan ciidamada AMISOM, iyo isdaba marinta ay ku hayaan qaranka. Qormadan waxaan ku eegi doonaa ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho, looguna magac daray nabad ilaaliyeyaalka (African Union Mission in Somalia Peace Keeping) waxaana ka jaawaabi doona su’aalaha kala ah: yaa abuuray AMISOM?, maxay u yimaadeen?, wax ma dhisaan mise... 
Halkudheg:

Ceelbuh oo ka Tirsan Sanaag ayaa Hay’adda Al-Manhal ka qoday Ceel Biyo Macaan leh

Jun 5, 2010
Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceelbuh oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay ka socotey ceel qodid ay wadey Shirkada Furaat ee ceelasha qoda isla makaana ay maal gelisey hay’ada kheyriga ah ee Almanhal ayaa waay shegayaan in guul laga gaarey. Halkan ka daawo sawirada ceelka Degmada Ceelbuh oo ay hore uga qodnaayeen 2 ceel oo aad u tayo yaraa ayaa waxaa ay dadweynaha ku dhaqan magaalada Sheegeen in... 

Shiikh Cali Dheere “Ciidamada Uganda ayaa ugu Shar badan marka loo fiiriyo kuwa Burundi”

Jun 5, 2010
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamudd Raage (Shiikh Cali Dheere ) oo u waramayey warbaahinta ayaa ka waramey Arrimo Fara badan wuxuuna sheegey in ay dagaalka sii wadi doonaan inta ay ka baxayaan Ciidamada Shisheeye is;amarkaan dalka lagu dhaqayo Shareecada Islaamka , wuxuu kaloo ka waramey in dagaalkii dhawaan ka dhacay Waqooyiga Muqdisho oo uu sheegey in ay Khasaaro xoog leh gaarsiiyeen... 
Halkudheg: