Home » Faallo
IFKA HAALO
Waxaanu ku noolnahay adduun ay ceegaagto asraar aanan inoo muuuqan. Uunka ma-muuqatadu wuxuu ku ahaadey xikmad Eebe (kor ahaaye) iyo jarribaad aadamiga laga doonayo in nolosha uu si miyir leh u tallaabsado maankana si hufan u adeegsado. Aanu is-weydiinee, ma la rumeysan karaa in uu jiro nuur inagu hareereysan oo ka baxaya korkayaga, kaas oo leh midabyo lala ashqaraaro, lagana akhristo xaaladaheena...
MA DHAB BAA IN DUMARKA SOOMAALIYEED LAGU IHAANAYSTO SAFAARADDA SOOMAALIDA NAIROBI.?
Sh. Muxammad Idris
Warka websitekan lagu qoray haduu dhab yahay (http://indepthafrica.com), oo Dumarka Soomaaliyeed lagu ihaanaysto Safaaradda Soomaalida ee Nairobi, nimanka Passporka bixiyana ay ku shardiyaan iney gabdhuhu xijaabka qaadaan, si loo sawiro, iyagoo madax qaawan, waa arrin u baahan in si degdega wax looga qabto..wexeyna khilaafsantahay diinta, iyo edebta iyo anshaxa Soomaalida, bal anshaxa...
Waxaan tacsi u diraynaa Ganacsade Xiireeey Qaasim Wehelie Ciise
Anigoo ku hadlaya magaca beesha Karanle , Jaaliyada . Aqoonyahanda culumaadiinka degan North America waxaa tacsi u direeynaa qoskii iyo eheladii uu ka geeriyooday alaha u naxariistee Xiireeey Qaasim Wehelie Ciise, Ganacsadihii Hormuudka u ahaa warshadleeyda soomaliyeed 40 sano ee la soo dhaafay , oo ku geeriyooday Gurigiisa magaalada , Mogadishu, Somalia , waxaan uga tacsiyeeynaa dhamaan caruurtiisa...
UUR DOOX Qaybtii 9-aad Mashruuca Islaamka ee Soomaaliya
Culimmada dacwada wadatashi kaddib waxaa la isku raacay in aanan wali rag noo diyaarsanayn ay dacwada ku istaagto oo u noqda tiirarkii ay ku istaagi lahayd sidoo kale waxaan diyaarsaneeyn dadwaynaha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ciidammada kuwaasoo wali u bislayn in ay hirgaliyaan sharciga Allah ku dhaqankiisa.Sidoo kale waxaa la isla meel dhigay in haddii qolyahan ay ku qancaan maalin maalmaha kamid...
Maanso: ‘QARAN MASUUG’- WT. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
November 09, 2012
Email: mabdalle@gmail.com
Waxaan halkan salaan uga dirayaa dhammaanba ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Maansadan QARAN MASUUG waxay ku socotaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya. Sababta aan maansadan ugu dirayo ayaa daarran khaladaad fara badan oo madaxweynaha iyo kooxdiisa (Dammul-Jadiid) ka galeen ummadda Soomaaliyeed....
Fariin| Q-1aad illaahow na sug
Alxamdulilah wasalatu wasalamu calaa rasuulilah, ama bacdu, Waxaan halkaan idinku soo gudbin doonaa qoraale taxanae ah oo marba mowduuc gaar ah aan kaga hadalo insha allaah, waxaan ku bilaabi doonaa qoraal kooban oo aan cinwaan uga dhignay ilaahow nasug. Warbixinta ay soo saareen guddigii baaritaanka dilkii Dr Axmed Allaha u naxariistee, iyo qiraalada dhalinyarada falka ka qayb qaadatay, cibrooyin...
Daawo Q-2aad Video ay ku qiranayaan kuwii wax ka fuliyey Dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdirahman
Qaybta 2-aad ee Vedio xasaasi ah oo ka hadlaya sidii loo dilay Dr. Ahmed Xaaji Abdirahman, cidii dishay iyo cidii amarkeeda lahayd, xogtaan xasaasiga ah waxaa soo bandhigay gudi gaar ah oo madaxbanaan oo loo xil saaray baaritaanka shirqoolkii lagu khaarajiyey Dr. Axmed Xaaji alle ha u naxariistee.
Markale ayaa Shabakada Halgan shaacisay Vedio xasaasi ah oo ka hadlaya sidii loo dilay Dr. Ahmed Xaaji...
Dacwad la xiriirta dil oo ka socota Maraykanka ayaa Qareenada ka dhex dhalisay muran la xiriira in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 200 mayl-badeed
Sababtoo ah fal-dembiyeedka dilka ah ayaa ka dhacay meel xeebta Soomaaliya u jirta 40 mayl-badeed, taas oo gudaha ka xigta 200 mayl-badeed ee Territorial Waters. Waxaana dhici karta in uu arrintaas kala xakumo Garyaqaan ka tirsan Maxkadda dhexe ee Maraykanka.
Ahmed Muse Salad, Abukar Osman Beyle iyo Shani Nurani Shiekh Abrar ayaa lagu eedeeyey dacwad sababi karta in la dilo taas oo la xiriirta dil...
Geeri waa ka daran yahay Kufsigu
Hordhac: Waxan halka uga ducaynayaa gabadha yarta ah ee sida foosha xun mooryaantu ugu kufsadeen Muqdisho, waxan sidoo kale uga ducaynayaa qoyskeeda iyo hooyadii dhashay gabadha, inuu Ilaahay u caafiyo, samirkoodana ka abaal mariyo. Aad baan uga xumahay xaqdarrada lagula kacay gabadh yar oo 14 jir. Waa ceeb u taal Soomaali oo dhan. Gabaygan waxan kaga hadlayaa Kufsiga iyo dhibaatada uu u geysto bulashada.
Halkan...
SOO DI’-IDDA BIRTA
Muuqaallada uunka ee cajiibka badan waxaa kamid ah bir sidii roobkii inoogu soo de´eysa, taas oo ah raxmad Eebe (kor ahaaye) uu inoogu hagaajinayo dheelli-tirka socodsiinta nolosha dhulka oogadiis. Sanadkii 1963-kii ee qarnigii tegey ayay ahayd markii ugu horeysey oo aadamigu uu xaqiiqsadey in birtu ayan ahayn agab ku sameysmey dhulka gudihiisa, bal ay tahay cunsur ka yimid meel ka baxsan dhulka....
Oktoobarey Sidu Sidii Ma aha
(Maqaal Xiiso Badan)
Maansayahanka iyo Hal Abuurka Soomaalida in badan ayaa Qoraaladooda iyo Suugaantoodaba ay ku cabiran xaalado Taagan, kuwa la soo dhaafay ama imaan kara Mustaqbalka taasoo sida ay u saadaaliyaan ama ay u sheegaan ay wax u dhacaan in kastoo wixii Qeybka ah ama Binu’aadmka ka Cilan uu garan karo oo keliya Allihii Subxaana wa tacaalaha ahaa ee isagu ah karaha wax walba oo qeeybka...
Mar Xaladihii kala Duwanaa ee uu soo Marey Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne
In badan oo ka mid ah Jiilka maanta jooga ayaa laga yaabaa inaysan wax badan kala socon Maraaxiishii kala duwanaa ee uu soo maray Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne iyo asal ahaan wixii uu ahaan jiray iyadoona laga yaabo in ay ku soo indha Bikaacsadeen oo keliya qaabka uu iminka u Dhisan yahay isla markaana intii Dowlada Federaalka aysan Xoog uga saarin dad Barakacayaal ah kuwaasoo ay ka Kiraysteen dad iyagu...
Yaa Banneeyay Boobka Suuqa Bacadlihii Xamar Weyne?
…. Suuqii dhibaatada badan soo maray oo rag ku hanta beeleen isla markaana la helayo dadkii Dhulka ku lahaa goobtaas in maanta xaqoodii la duudsiyo Cadaaladaradda intaa la eg anigu ma garan karo , ma Dawladda ayaa ka duwan Dawladdii hore oo inta dadkii Guryo u dhistay haddana u ogolaatay in ay ku wareejiso sidaa darteed Ganacsatadii Suuqaas xaqa u lahayd waxa ay il gaar ah ku eegayaan Madaxweyne...
Habraaca Kalsooni siinta Dawladda
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Axaddii 14 October ka dalbaday madaxweynaha in uu laba maalmood gudahood Baarlamaanka ku horkeeno ra’iisul wasaaraha magacaaban, Cabdi Faarax Shirdoon, si uu kalsooni u weydiisto.
Gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu madaxweynaha u bidhaamiyey in ay jiraan baahi iyo xaalado dalku ku sugan yahay oo hiil degdeg ah u baahan.
Waxaan jeclaan...
SANNAD GUURADII 58aad. 1954-2012 CALANKA QARANKA SOOMAALIYEED
Maanta oo ah 12kii Oktoober 2012 kuna beegan sannad guuraddii 58aad ee helida astaanta calanka qaranimadda soomaaliyeed, nasiib wanaag xuskani wuxuu ku soo beegmay xili ifafaalihii dowladnimo u dhalatay shacabka soomaaliyeed, taasoo la rajeynaayo in ay soo af jarmaan colaaddii iyo amaano daraddii dalka ka jirtay oo ay aad iyo aad u adkeyd in dadka dhibaateysan in la gaarsiyo gargaar deg deg...
Dilkii Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan dadkii loo hayey oo Sawiradoodii iyo Magacyadoodii lasoo bandhigay
Sida uu faafiyey website-ka halgan.net, gudi loo xilsaaray baaritaanka dilkii Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan ayaa soobandhigay magacyo iyo sawiro ay sheegeen inay yihiin kuwii ka danbeeyey dilkii Dr. Axmed Xaaji oo ahaa Caalim aad ummada Soomaaliyeed u hadal hayeen dilkiisii kadib. Shwikh Dr. Ahmed Haji Abdrahman waxaa lagu dilay magaalada Boosaaso 12/05/2012 isagoo salaada Subax masaajid kasoo baxay....
“Militariga Kenya waqtiga ay ku jirayaan gudaha Soomaaliya waa mid aan lahayn muddo cayiman….” Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Kenya
Barnaamijka BBCHARDTalk oo waraysi (Oct 5, 2012) la yeeshay ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Kenya, ahna musharaxa madaxweynaha, Musalia Mudavadi, ayaa waxa laga weydiiyay muddada ay ciidamada Kenya ku jirayaan gudaha Soomaaliya, waxana uu si qayaxan u sheegay in ay weligood ku jirayaan Soomaaliya.
Weriyaha oo arrintaas ka xaqiijinaya ayaa yiri “Si arrintu iigu kala caddaato, marka aad eegtid...
MAXAMAD ADEEGIHII EEBE ee SUUBANAA (Nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato)
(shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaato)
(( وَمَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِنْ قَبْلِهِ الرُّسُلُ ))
” Maxamad, rasuul mooyee wax kale maahan, kaas oo hortiis ay tageen rusul badan
(Suuradda Aala-Cimraan. Aayadda 144-aad)
Maxamad (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) waa shakhsi kii arkey ay sharaf u tahay oo kii...
UUR DOOX Qaybta 8-aad Mashruuca Islaamiga ee Soomaaliya
Marxaladdii Manaahijta:
1978 wixii ka dambeeyay waxaa la galay marxaladda manaahijta oo qof waliba uu la shaqeeyo dadka ay isku aragtida yihiin dhinaca dacwada, taasoo dhammaan ah ijtihaad ay u arkaan in uu yahay sida ugu wanaagsan ee loo soo celin karo ku dhaqanka shareecada islaamka. Marka la leeyahay manhaj waxaa loo jeedaa sida ugu toosnaasho badan uguna dhow kitaabka iyo sunnada oo loogu soo celin...
Warbixin Culimmadii San Diego ku Xirnaa
IIMAAMKII MASJIDUL -ANSAAR SHEIKH MAXAMED KHADAR IYO WALAALIHII LAXIRNAA XAALADOODII UGU DANBAYSAY.
Sida aad lawada socoteenba waxaa in mudo ah ku xirnaa Magaalada San Diego ee gobalka California ee cariga Maraykanka, imamkii Masajidka al-ansaar sh Maxamed khadar iyo culimo kale oo laxirnayd, culimadaas oo lagu eedeeyey sida ay sheegeen,hayadaha amniga uqaabilsan wadankan, Inay xiriir lalahaayeen kooxaha...
50 Howl-wadeeno Saxaafad ayaa lagu diley Soomaaliya 1992-2012..
Tan iyo burburkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaa meesha ka baxay Amnigii iyo kala dambeyntii umadda Soomaaliyeed hore loogu yaqaaney, waxaana dhacay in la ugaarsado dadka Aqoonta leh oo bulshada indhaha u
ah.
Ugaarsi aan loo meel dayin oo ku saleysneyn qorshe gaar ah balse lagu cirib tirayo dadka wax garadka ah ee bulshada indhaha u ah ayaa noqdey tusbax afka laga furey.
Aqoonyahanada, Nabadoonada,...
ILLEEN SUULKUNA GALLAD BUU AHAA !
Dhambaalka Eebe (Kor ahaaye) ee Quraanka ah, mar walba wuxuu aadamigu ku guubaabinayaa in uu xiiso u yeesho raad-raaca abuurka ee uusan noqon mid la dhaqan ah bahaahinka. Wuxuu inoo tilmaamayaa inaan qiimeyno mudnaanta aanu ka helney xagga Eebe (kor ahaaye) iyo galladaha qiimiga wayn ee bilaashka leynagu siiyay. Aadamiga aanan caqliga adeegsan oo ay caadifaddu ceynaanka u heyso, mar walba waxay nolosha...
Waraysi: Safiirka Suudaan u fadhiya UK
Safiirka Sudan u fadhiya UK, Cabdullaahi Alazreg, waxa uu ka hadlay in Dawlada Ingiriisku ka horjoogsatay wax ka qabashada amniga Soomaaliya.
Waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka iyaga iyo Uk u dhaxeeya iyo waliba xidhiidhka Soomaaliya ay la leeyihiin isaga oo waliba Talooyin badan u soo jeedinaya Soomaaliya.
Waraysiga oo uu qaaday C/raxmaan Xadaana halkan ka dawo:
Read More →
Socdaalkeygii Kenya iyo 12 sano oo isbadal ah
Assalaamu alaykum. Waad salaamantihiin dhamaan walaalaha qeymaha badan ee ku xiran websitekan qaayaha badan.
Maanta iyo maqaalkeena,wuxuu kusaabsanyahay safar 2 bilood ah oo aan ku tagay wadankaKenya12sano kadib.
Kenyaiyo xaaladeeda,waxaad kala socotaan televisionada Soomaalida oo xarun kadhigtey xaafada Eastleigh ee magaaladaNairobilaakinse waxaan isku dayaya inaan kaa siiyo sawir kayara balaaran.
QofkiiKenyabooqasha...