Mar Xaladihii kala Duwanaa ee uu soo Marey Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne
“ Yaabee Ma Dawladda ayaa ka Duwan Dawladdii hore”
In badan oo ka mid ah Jiilka maanta jooga ayaa laga yaabaa inaysan wax badan
kala socon Maraaxiishii kala duwanaa ee uu soo maray Suuqa Bacadlaha Xamar Weyne
iyo asal ahaan wixii uu ahaan jiray iyadoona laga yaabo in ay ku soo indha
Bikaacsadeen oo keliya qaabka uu iminka u Dhisan yahay isla markaana intii
Dowlada Federaalka aysan Xoog uga saarin dad Barakacayaal ah kuwaasoo ay ka
Kiraysteen dad iyagu sheegey inay Badbaadiyeen kana Badbaadiyeen burburkii
saameeyay qaybaha kale ee dalka.
Sanadihii lixdameeyadii ayaa loo celiyaa bilowgii Suuqaas walow laga yaabo in ay
ka sii horeysey Xiligii Suuqaas Budka loo dhigay, waxay Taariikhda faca weyn ee
Magaalada Muqdisho ay noo sheegeysaa in Suuqaas Xamar weyne uu ka mid ahaa
meelihii ugu horeeyay ee ay ka bilaabantay Xaddaaradda iyo ilbaxnimada, waxaana
igu Maqaala ah in mar sii hore uu ahaa meel lagu iibiyo Khudaarta, Digaagga,
Xaabada, Ikunta, Badarka, Dalagyada kale ee Dalka ka baxa sida Waambaha,
Digirta, Masagada iyo wixii la mid ah waxaana la dhihi karaa waa Suuqii ugu
horeeyay ee ganacsigu ka amba qaado Dalka Soomaliya.
Suuqa Xamar weyne hadaan ka hadlo Ganacsigii ka jiray ma is weydiinay wixii uu
Dhismihiisu ka koobnaa wuxuu ahaa Suuq Balo Balo ka samaysan waxaana la dhihi
jiray Suuqa Bal Bala weyn kaasoo Dhalashadii Kacaanka wax xoogaa is bedel ah
lagu sameeyay iyadoona laga dhisay Dhismo weyn oo dhowr qaybood ka kooban halka
qaybta kalena uu ka ahaa Jiingado Suuqaas oo ahaa mid furan oo aan lahayn qaybo
kala go’an.
Muddo kaddib ayaa dhowr ka mid ahayd Ganacsatadii Suuqaas ayaa waxa ay
go’aansadeen inay ku daraan qayb Dharka lagu iibiyo maadaama Suuqa badankiisu
ahaa Raashiin iyo Khudaar, fikirkaas oo ahaa mid si weyn loogu diirsaday ayay
Ganacsatadaasi ka fikiraan sidii Suuqaas ay uga dhaqan gelin lahaayeen qaybta
Dharka iyagoona markiiba ku tallaabsaday in arrintaas ay weydiistan Xukuumadii
markaas jirtay oo weydiisteen in loo Sharciyeeyo maadaama Dhismihii Bacadluhu
ballaartay isla markaana dadka u soo Dukaameysi tagaya ay aad u sii kordhayan
maalinba maalinta ka dambeysa iyadoo ayna dhici jirtay in mararka qaarkood looga
soo Dukaameysi tago Soomaaliya oo dhan Goboladeeda kala duwan.
Xaaji Maxamed Xasan oo ka mid ahaa dadkii Aas-Aaska u dhigay Suuqaas oo aan kala
sheekeystay arrimaha Suuqaas ayaa ii sheegey in iyagu Sharciyan ay Dhulkaas u
lahaayeen isla markaana Dawladdu u Sharciyeysey isagoona intaa sii raaciyay
“Markii hore waxaan bixin jirnay Cashuur maallinla ah oo ay Dawladda Hoose naga
qaadan jirtay” kaddib markii uu Suuqii sii weynaaday ayuu wuxuu sheegey Xaajigu
in ay bixin jireen Cashuur Sanadeedkii.
Suuqaas Bacadlaha Xamar weyne wuxuu noqday Suuq aad u weyn oo laga heli jiray
wax walba haba ugu weynaado iibsiga Dharka markii ay aragtay Dawladdu in Suuqu
kordhayo Dhaqaala badana uu ka soo Xaroonayo ayay waxay bilowdey in ay naga
qaadaan Cashuur ay ugu magacdareen Macaash Macaash taasoo uu sheegey in ay
ganacsatadii qaadi waayeen maadaama laga qaado Cashuur Maalinla ah iyo mid
Sanadla ah. Iyo tii Macaash Macaashka.
Xaajiga oo hadallkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Xukuumaddii Milateriga
ahayd ee xiligaas jirtay ay u qoreen cabasha ah inaysan Xamili Karin Cashuurahaa
faraha badan ee laga qaado taasoo Dawladduna ay ku adkaysatay in Cashuurahaas la
bixiyo maadaama uu dalku ku jiro Kobcin Dhaqaale.
Xaaji Maxamed ayaa sheegey in mar kale ay weydiisteen Xukuumadda in Cashuur
Dhimis loo sameeyo maadaama ay Suuqa ku soo kordheen Ganacsato Dharkii ka
ganacsanaysa isla markaana wadata Gaari Gacmeedyo kuwaas oo hor istaag ku
sameeyay ama caqabad ku noqotay Ganacsigoodii hase yeeshee in kastoo Dawladdii
dagaal ay la gashay Ganacsatadaas Suuqa ku soo korortay haddana waxa ay ku
guulaysan weydey inay xakameyso Gaari Gacmeedyadii caqabada ku ahaa Ganacsatadii
Shutuuda Ganacsi lahayd.
Mar uu Xaajiga ka jawabaayay Su’aal aan weydiyay oo ahayd maxaa kuugu yaab
badnaa intii aad Ganacsiga Bacadlaha ku jirtay wuxuuna iigu jawaabay “Koox
Ganacsata ah oo Dharka keenta ayaa waxa ay na hoos geliyeen Dhar uu ku Sawiran
yahay Calanka Itoobiya iyadoo la ogyahay cilaaqaadka Soomaaliya iyo Itoobiya
xiligaas ka dhaxeeyay halkii uu marayay taasoo Dharkaas aan ku mutaysanay in
nala xiro anagoo dhowr ah iyadoo Xarigeenana loo aaneynayay Dharka uu ku
Sawirnaa Calanka Itoobiyaanka oo naloo arkay inaan taageerayaal u nahay Itoobiya
iyadoo kuwii Dharkaas nagu khaldayna ay dalka isaga baxsadeen taasoo Dawladuna
muddo baadi goob ugu jirtay” .
Xaajiga waxaan weydiinayay waqtigii uu Suuqaas gubtay wuxuuna ku jawaabay
“1983dii Xilli Habeenima ah ayuu dab qabsaday Suuqaas kaasoo baabi’iyay dhamaan
qaybihii kala duwanaa ee Suuqaas iyo Hantidii taalayba oo ay ugu horeeyeen
Dharkii yaalay Bacadlaha iyo lacagihii ganacsatada halkaa u taalay oo aysan
cidna u badbaadin Shilin keliya halkaasoo nin Habeenkaas fiidkiisii Hantiile
ahaa markii uu Waagu baryayna fara marnaan la soo toosay ”
Xiligaas wixii ka dambeeyay Xukuumadii Dalka ka arriminaysey waxa ay bilowdey
Barnamijyo dhowr ah oo ay ugu horeysey in la diiwaan geliyo gebi ahaanba
Ganacsatadii halkaas ganacsiga ku lahayd sidoo kale waxa ay bilowdey in halkaas
laga bilaabo Mashruuc Suuq cusub oo casri ah oo soconayay muddo dhowr Sano ah
iyadoona loo ballan qaaday Ganacsatadii halkaas ku lahayd Ganacsiga in mudnaanta
Koowaad iyaga ay leeyihiin.

Suuqa Bacadlaha Xamarweyne:
Sawirka: Google image search.
Dhowr Sano kaddib waxaa la soo af jaray Dhismihii Suuqaas iyadoona la bilaabay
in Furayaashii Suuqaas lagu wareejiyo ganacsato la xaqiijiyay in halkaas ay ku
lahaayeen ganacsi wallow ay jireen dad yar oo loo gartay in iyaguna wax laga
siiyo Suuqaas iyadoo xiliguna uu ahaa xiligii ay sii ciireysey Xukuumaddii
Siyaad Barre Ganacsatduna aysan Nasiib u yeelan in ay Calfadaan Suuqii Casriga
ahaa ee markaas faraha laga qaaday Dhismihiisa.
Waxaan weydiiyay Xaajiga inuu dib u soo laabto ganacsigii Suuqii Bacadlihii
Xamar weyne wuxuuna isagoo si aad ah u niyad xun ku jawaabay “Maya Maya’ waayo
maanta Magaalada Muqdisho waa wada Suuq iyo Carwo suurta galna ma aha in
ganacsigii waagaas uu dib u soo laabto isagoona xusuustiisa ku reebey waagaas in
ganacsigooda looga iman jiray illaa Itoobiya iyo dalal kale oo Mandiqadda ku
yaala marka laga yimaado Gobolada Soomaaliya isagoona Tusaale u soo qaatay
waagaas in qof jooga Hargaysa uu Taleefan u soo diro kana soo dalbado Dhar kala
duwan,maanta Hargaysa waa isku filaantay goboladii kalena waa isku filaadeen”
ayuu su’aashaas kaga gaabsaday isagoona dhinaca kalena ii raaciyay “Dharku
Maanta waa Balli Balli” .
Sumcaddii uu Suuqaas ka gaaray dhinaca Horumarka ganacsiga waxaa sii caawinayay
oo Dacalka ku hayay meeshii loo yiqiin Meymanka ama Suuqii Dahablaha Xamar Weyne
oo Bacadlaha la Deriska ahaa halkaasoo lagu iibin jiray ama ahaa Suuqa ugu
ballaaran ee Dahabka, maantase Dahabkii meel walba ayuu yaala Boosaaso,
Gaalkacyo Kismaayo Hargaysa halkii awal loo soo aadi jiray Magaalada Muqdisha.
Haddaba Suuqii dhibkaas loo soo maray oo rag ku hanta beeleen isla markaana la
helayo dadkii Dhulka ku lahaa goobtaas in maanta xaqoodii la duudsiyo
Cadaaladaradda intaa la eg anigu ma garan karo , ma Dawladda ayaa ka duwan
Dawladdii hore oo inta dadkii Guryo u dhistay haddana u ogolaatay in ay ku
wareejiso sidaa darteed Ganacsatadii Suuqaas xaqa u lahayd waxa ay il gaar ah ku
eegayaan Madaxweyne Xasan Shiikh, Ra’iisul Wasaare Shirdoon iyo Guddoomiyaha
Baarlamanka Jawaari iyagoona ka dhul sugaya sida loo wajaho qaybinta Suuqaas ,
sidoo kalena waa in ganacsatada cusub ee Hantidooda galinaya Bacadlaha Xamar Weyne in ay
Alle uga baqaan oo Xoolahooda ku raadsadaan meel Xalaal ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Nail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Aragtida
Dadweynaha: Ra'yigaaga ka dhiibo HALKAN...
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2012
|