Home » Archive Qoraaga

Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Gobolka FAGERSTA ee Sweden oo soo Dhiibey Deeq Lacageed Barakacayaasha Abaaraha .

Aug 24, 2011
Deeqdani oo ay soo direen Soomaalida ku nool Gobolka  FAGERSTA ee Dalka Sweden ayaa waxay u soo wakiisheen Xubin ka mid ah Gudiga Culimada & Ganacsatada Gurmadka Degdega ee Abaaraha .   Walaalaha Soomaaliyeed oo iska soo Aruuriyay lacag Gaareeysa $1,600 ( kun iyo lix Boqol Doolar) ayaa waxay ugu tala galeen in la gaarsiiyo  walaalahooda soomaaliyeed Gaar ahaan waxaa la gaarsiiyay Gabdho... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday Naafada Ciidanka Xooga dalka deeq daawo ahna gaarsiiyay Isbitalka Martini

Aug 24, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday Naafada Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Isbitalkii Martini isagoo dhinaca kalena deeq daawo ah ku wareejiyay maamulka Isbitalkaasi Martini.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku noolyihiin Naafada xooga dalka Soomaaliyeed oo mudadii labaatanka... 
Halkudheg:

Kulan la doonayo in Qaaraan loogu ururiyo Wadamada Abaarta Saameeysey oo maanta ka furmaya Adis-Ababa

Aug 24, 2011
Iyadoo weli Beesha caalamka ay wado gargaarkii la gaarsiinayey dadka Soomaaliyeed ay abaaraha Saameeyaan ayaa waxaa Maalinta berri ah oo ku beegan 25 Ogoosto waxaa Magaalada Adis –Ababa ee Dalka Itoobiya kulan balaaran isugu imaan doonaan  Madax ka tirsan Midowga afrika , waxaana kulankaan Qaaraan loogu aruurin doonaa dadka ay abaaraha Saaameeyeen ee ku nool Wadamada Geeska Afrika gaar  ahaan... 
Halkudheg:

Shareecadda iyo Al-shabaab (2)

Aug 24, 2011
Qeybtan labaad waxaan kaga hadlayaa DR. C/siis Abuu fadal oo ahaa nin Masri ah oo saaxiib la ahaa Ayman Al-dhawaahiri,dhawr sifooyinna ay wadaageen sida in ay isla ahaayeen labo Dhakhtar, waxayna kaloo ka wada tirsanaayeen Xarakada Jihaad Islaamka ee Masar oon horay u soo sheegay in ay ka danbeeyeen Dilkii Anwar Saadaat. DR. C/siis Ayman wuxuu kaga fiicnaa dhanka Cilmiga Islaamiga ah sidaas darteed... 
Halkudheg:

R. Wasaaraha XFKMG oo maanta kumanaan dadweyne ah kala qeyb galay banaanbax ka dhacay garoonka K/cagta ee Koonis Istaadiyam

Aug 23, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FederaalkaKMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kumanaandadweyne ah kala qeyb galay banaanbax ballaaran oo ka dhacay garoonka K/cagta eeIstadaadiyam Koonis ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir waxaanaloogu magac daray (maalinta xornimada ee Muqdisho), iyadoo dadweynihii... 
Halkudheg:

Raiisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qaybgaley Banaanbax lagu Taageerayey Dowladda Federaalka

Aug 23, 2011
Banaanbax uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka ayna ka qayb galeen  Dadweyne ka kala yiimid Degmooyinka Gobolka Banaadir  ayaa lagu qabtey Garoonka Banaadir ee Degmada Cabdicasiis waxayna Dadweynaha ay siteen Boorar ka turjumaya sida ay ugu baahan yihiin nabad ka dhalata Magaalada Muqdisho Banaanbaxaan ayaa waxaa ka Hadley Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka... 

Hayada Horn Africa Develomenta Trust oo Kun Qoys Gaarsiisey Deeq Lacageed

Aug 23, 2011
Waxaa weli socda gargaarka la gaarsiinayo dadka ay Abaaraha saameeyeen ee ku nool Koofurta Soomaaliya , iyadoo taasi ay jirto ayaa Hayada Horn  Africa Development Trust ayaa Deeq lacageed oo ay soo dhiibtey ka qaybisey Magaalada Muqdisho Kaamam ku yaal oo ay ku jiraan dad aad u liita oo saameeysey Abaarta Deeqdaan lacageed ayaa waxay Hayada Qaybinteeda u soo wakiiladatey Hayad kale oo fadhigeedu... 
Halkudheg:

Jaamacadda Muqdisho oo deeq kala duwan gaarsiisay xeryaha Magaalada Muqdisho Barakacayaal ku jira

Aug 23, 2011
Guddiga gurmad abaaraha ee Jaamacadda Muqdisho ayaa gaarsiiyay barakacayaal ku jira xeryaha magaalada Muqdisho deeq isugu jirtay bur, bariis, caano, timir, saliid, dhar iyo daawo. Deeqdan oo ahayd mid ay iska soo ururiyeen ardayda, macallimiinta, maamulka iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa qaarkood, kuwaasoo dhibka haysata walaalahooda Soomaaliyeed ka damqaday. Gargaarkan... 
Halkudheg:

Abaarta waalaga Bixi Doonaa waase Hadii..!

Aug 23, 2011
Allaah ayaa ku mahadsan Xaalad walba oo aan ku jirno, waayo asagaa waxa aan heysano iyo waxa aan weynaba markii hore na siiyay anagoon jirina na Abuuray oo insaan hadana Muslim ah naga dhigay, waxaan aad murugo u leh Dhibaatad gaartay dalkeena hadana kuma imaan Dulmin ama Eex uu Allaah naga galay Umad ahaan ee waxaa Sababay Gaf iyo Dambiyo anaga aan Gacmaheena ku kasbanay. Waxaanan marka labaad... 
Halkudheg:

Yaa kadambeeya boobka maalmahaan lagu hayo raashinkii Abaaraha?

Aug 22, 2011
Iyadoo weli Magaalada Muqdisho ay ku soo qulqulayaan Gargaar aad u balaaran oo ay ugu Deeqeen Dwlado , Hayado iyo Jaaliyadaha Soomaaliyee eek u nool Dibadaha  ayaa Dowladda Federaalka waxay Maareyn la’dahay Ciidamadeeda ku sugan Magaalada Muqdisho kuwaas oo wada Dhaca iyo Boobka lagu hayo Gargaarka Beesha Caalamka ugu talagaleen Dadka ay abaaraha Saameeyeen. Waxaa  maanta Ciidamo ka tirsan... 
Halkudheg:

Shirkii guddiga wadajirka ee Amniga oo maanta markii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Muqdisho

Aug 22, 2011
Waxaa maanta markii ugu horeysay laguqabtay magaalada Muqdisho shirkii guddiga wadajirka ah ee Amniga dalka iyadoo ayshir guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay Amb.Augustine Mahiga iyo kuxigeenka wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsanSoomaaliya Mr. Wafulu Wmanyinyi.Shirkan oo ka dhacay... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii| Casharkii VIII-aad

Aug 21, 2011
Dilka maqaawiirtii Fallaago, inkasta oo ay ahayd dhacdo kooban, misana waxay reebtey utun taariikh dheer socotey. Waxay kala fogeysey cududda qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee isku duddada iyo isku-danta ahaa. Cududdaas oo raggii kacdoonka waday ay doonayeen in ay isla helaan iyada oo is-raacsan si ay  Talyaaniga isaga caabiyaan, waxay dhaawacantay dilkii dabadeed. Bal dhacdadu waxay kamid noqotey saldhigyada... 
Halkudheg:

Warba mahayside maxaad werisaa WERIYE?

Aug 21, 2011
50-kii sanadood ee u dambeeyey saameynta warbaahinta (MASS MEDIA) ama sida lagu naaneyso MASS MANIPULATION way boqol jibaarantey taasoo ay gacan wayn ka gaysaneyso horukaca balaaran ee ay farsamada casriga (Technology) ihi sameeysay, ugu horeeyntii waxaa lagu dhagax dhigay telegraph (halow halow) deeto waxaa xigey Raadiyo, Warside/Wargeys, majallado, Idaacadda la isk arko (TV) iyo hada oo uu wixiiba... 
Halkudheg: ,

shirkadda Golis iyo waxtarkii bulshada intii lagu guda jiray bisha ramadaan ee barakaysan

Aug 21, 2011
Shirkadda Golis Talecom Somalia ayaa ah shirkad u dhisan u adeegidda bulsho weynta Somaliyeed ee ku dhaqan meelaha  ay shirkadu ka hawl gasho. Iyadoo u jeedada guud ee shirkadu tahay qancinta macmiilka, ayaa hadana bisha ramadaan ee barakaysani shirkadu xooga saartaa sidii wax loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan ee ku nool degaamada iyo meelaha shirkadda tabiskeedu gaaro. Hadaba si waxtarka bulshada... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay wafdigii kulanka Amniga ee Naivasha

Aug 21, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr CabdiweliMaxamed Cali Gaas ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdigii dowladda Soomaaliya ugaqeybgalay kulankii socday muddo 4 maalmood ah oo looga arrinsanayey QorshahaQaranka ee Xasilinta Amniga Dalka (National Security Stabilization Plan (NSSP)).Sidoo kale kulankan waxaa joogey Wasiirada Amniga oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisulWasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Difaaca,... 
Halkudheg:

masuuragalbaa in abaaruhu fashiliyaan siyaasadii waxuushka ahayn ee ay adeegsanayeen UN iyo USA & Ethiopiya 21 SANO EE Nasoo

Aug 21, 2011
masuuragalbaa in abaaruhi fashiliyaan siyaasadii waxuushka ahayn ee ay adeegsanayeen UN iyo USA & Ethiopiya 21 SANO EE Nasoo dhaafay ee ahaa baabi inta  iyo isku dirka shacabka masaakiinta ah ee somaliyeed  ayagoo adeegsanayay dagaal oogayaal iyo basaasiin iimaan laawayaal ah oo somali sheeganayo. waxaad arkaysaa marka uu aduunku gurmanayo in dawladaha dariska la ah somaliya iyo UN USA ay murugo... 

Daahir Jaamac Kadiye” Waxaa ku Talin lahaa in Gargaarka Beesha Caalamka lagu Qaybsado Habka 4.5

Aug 21, 2011
Waxa maalmahaan Magaalada Muqdisho ku soo qulqulkayey Wafuud Caalami ah kuwaas oo u yimid in ay  eegaan  xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay saameysey Abaarta iyo Dagaaladda aan dhamaadka lahayn ee ka jira Soomaaliya  ,hadaba dadka Soomaaliyeed ayaa Su’aalo fara badan ka keeney halka ay maraan Deeqaha fara badan ee ay keeneen Beesha Caalamka, iyadoo Gargaarkaas oo lagu tilmaamey kii ugu balaarnaa... 
Halkudheg:

Zakada Fidriga ma ugu gargaari karnaa Dalkeena?

Aug 20, 2011
Zakada Fidriga: Waa waajib in la bixiyo sida uu cadeeyay Nabiga suuban (Nabad galyo iyo naxariis korkiisa allaha yeelee), waxeyna ku waajibtaa qofkii heli kara xeliga ay waajibto wax ka badan quudkiisa iyo quudka dadka uu masruufkooda saaran yahay. Cidda ay ku waajibto: waxey ku waajibtaa qof kasta oo Muslin ah Xor, Adoon, Lab, Dhadig, Qof weyn iyo Qof yarba, dadka dhintay ka hor xeliga ay waajibtay... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Bukaanada Isbital Banaadir kuna wareejiyay dawo ka timid Imaaraadka Carabta

Aug 20, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta booqday Bukaanada ku jira Isbitalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir isaga oo maamulka Isbitaalkana ku wareejiyay  deeq daawo ah oo ka timid ninka iska leh dhaxalka Imaaraadka Carabta Sheekh Suldan bin Khalifa Bin Zayed Al-nahyan. Deeqdan dawada ah ayaa isugu jirtay kuwa caruurta gaar ahaana... 
Halkudheg:

Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka oo sheegey in Awoodii Alshabaab iyo Al-Qaacida Soomaaliya ay sidoodii weli u jirto.

Aug 20, 2011
Horaantii Bishaan waxaa qaybo Muhiim ah ku yaal Magaaladda Muqdisho  ka baxay Xoogagaii Alshabaab ee Dagaalada kula jirey Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada Federaalka , waxaana Goobhii ay ay baxeen Durba buuxiyey Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowladda Federaalka , iyadoo taasi ay jirto ayaa Xogahaya Gaashaandhiga Mareykanka waxaa uu ka dhawaajiyey in Xoogaga Alshabaab iyo Kuwa Al Qaacida yihiin kuwo awoodoodii... 

Muxaadaro kasocota wadanka denmark oo kusaabsan Ramadaanka

Aug 20, 2011
Muxaadaro qiima badan oo kubaxaysa afka carabiga kunasaabsan Bisha barakaysan ee ramadaan  Read More →

Keynaan oo soo gaaray Muqdisho kadibna Booqday Isbitaal Banaadir

Aug 20, 2011
Fanaankii sida aadka ah ugu soo caan baxay koobkii K/cagta adduunka ee lagu qabtay dalka Koofur Afrika Keynan Cabdi Warsame ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana si weyn u soo dhaweeyey madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadweyne fara badan, wuxuuna booqday isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir. Keynaan ayaa booqashadiisa waxay qayb ka tahay booqashooyin ay maalmihii ugu dambeeyey... 
Halkudheg:

Sideen u fahamnaa Quraanka? Q:27aad

Aug 20, 2011
Suurada 106aad Qureysh: Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad. Macnaha Guud ee Suurada Qureysh: Suuradan waxey si gaar... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:26aad

Aug 20, 2011
Suurada 100 aad Al-Caadiyaat: Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Casri kadin, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.   Macnaha Guud ee Suurada Al-Caadiyaat: Suurada waxey si Guud u tilmaantaa Arimaha soo socda:1- Jihaadka in looga Baahan yahay Qalab iyo Hub in loo diyaarsado inta aan la Galin, Farduhuna waxey ka Mid yihiin... 
Halkudheg:

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 25aad

Aug 20, 2011
Suurada 93aad Ad-Duxaa: Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fajri ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad. Macnaha Guud ee Suurada Ad-Duxaa: Suuradan waxey Guud ahaan ka hadashaa Nabi Muxamad (Scw) Nicmooyinka la siiyay Aduunka iyo Aakhirabadaba, si uu Allaah ugu Shukriyo Nicmooyinkaas, waxaana Nicmooyinkaan Nabiga... 
Halkudheg: