Home » Archive Qoraaga
Dalladda SOSCENSA oo qabtey Kulan Wadatashi ah oo looga Hadley Dib u eegista Dastuurka.
Waxaa Magaalada Muqdishu lagu qabtay kulan Wadatashi ah oo ay ka soo qayb galeen Ururada Bulshada Rayidka oo ay wehliyaan Madaxda Jaamacadaha Muqdisho iyo Maamulka Gobolaka Banaadir, waxaa kulankaasi wada tashiga ah looga hadlay arimo dhowr ah oo dhamaantood quseeya dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Dalka u yaala, waxaana laga dooday Qodobada:- Federaalisamka, Muwaadinimada, Doorashooyinka iyo sida...
Wariye Cabdifitaax Kalgacal Waa Wariye Aragga la’ lamana oga Sababta ilaa iyo hadda ee uu u Xiran yahay
Maalintii Afaraad waxaa Dowladda Federaalka u Xiran weriye Cabdifitaax Xasan Axmed oo ku Magac dheeraa Cabdifitaa Gacal oo ah Weriye Aragga La, una shaqeynayey Idaacada Goob Joog ee Magaalada Muqdisho ugana soo Warami jirey arrimha Baraalmaanka Federaalka, ilaa iyo hadda Lama Garanayo Sababaha loo Xirey Wariyaas oo si weyn looga yaqaan Magaalada Muqdisho sidoo kale Dowlada Fedeaalka weli kama...
Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Weerarkii lagu qaadey Jaamacada Gaarisa oo lagu Diley 147 qof
In ka badan mudo 12 Saacadood oo dagaal ah oo ka dhex socdey Jaamacada Magaalada Gaarisa ka dib markii Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Alshabaab ay soo weerareen maalintii Khamiista ahayd .
Weerarkaan oo la sheegey in uu ahaa kii ugu Khasaaraha badnaa ayaa waxaa ilaa haatan la xaqiijiyey in ay ku dhinteen in ka badaN 147 qof oo isugu jira ardey, Macalimiin, Shaqaale iyo Askar , waxaa ku dhaawacmey...
Guddoonka Baarlamaanka Iyo Hay’adaha Taageera Oo Shir Qorsheyn Ah Uu Uga Furmay Kampala
Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo
Hay’adaha taageera Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Kampala ee
caasimadda dalka Uganda uga furmay shir la xiriira qorsheynta howlaha u
harsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed
Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka
Mudane...
Madasha Midnmada iyo Dimoqaraadiyada oo ku Dhawaaqdey in Sannadka 2016-ka la qaban karo Doorasho Xor iyo Xalaal ah.
Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan Balaaran oo ay isugu yimaadeen Madasha Midnmada iyo Dimoqaraadiyada oo ka kooban Xildhibaano, Xisbiyo Siyaasadeed iyo Bulshada Rayidka, waxaana kulankaas looga Hadley Xaalada Siyaasadeed ee uu Haatan uu Dalka marayo iyadoo Kulankaas Diirada lagu saarey sidii Soomaaliya uga dhici lahayd Doorasho Xor Xalaal ah.
Ugu Horeyn waxaa halkaas ka Hadley Gudoomiyaha...
Maxaad kala socotaa Sida loo Wadaagey Xildhibaanada Goboladda Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in horumar laga sameeyey soo xulista Xildhibaanada Dowled Goboleedka Jubbaland oo laysku haystey Maalmihii la soo dhaafay.
Wararka laga helayo Odayaasha dhaqanka iyo Maamulka Jubbaland ee uu Hogaamiyo Shiikh Axmed Madoobe ayaa sheegaya in ilaa iyo hada lagu heshiiyey Xildhibaanadii Maamulka Jubaland ka soo geli lahaa...
Ergayga Qaramada Middobay oo Cambaareeyay weerarka lagu qaaday Hoteel ku yaala Muqdisho
Muqdisho: 28 Maarso – Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya SRSG Nikolas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee shalay lagu qaaday Hoteel ku yaala caasimada Mugdisho, weerarkaas oo sababay in ay dad badan oo rayidah ku dhintaan sida Xog-hayihii Joogtida ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midoobay...
RW. Cumar: “Ujeedka Argagaxisadu waa iney curyaamiyaan goobaha ganacsiga, ayna gumaadaan dadka shacabka ah”
Muqdisho, 28, Maarso, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey weerarkii nabad-diidku ay ku qaadeen shalay Hotel Maka-Al-Mukarama iyo khasaaraha ka dhashay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkii wuxushnimada ahaa lagu dilay 14 qof, oo toban ka mid ah ay ahaayeen...
Soomaaliya oo war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda Yemen, taageertayna xulufada Sacuudiga..
Tr. 27/03/2015
War Murtiyeed ku Saabsan Xaaladda Dalka Yemen
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xiriir walaalnimo oo qoto dheer, mid bulsho oo soo jireen ah iyo darisnimo dhuleed oo dhow la leh dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, waxay aad uga xun tahay dhibaatada gaartay Yemen.
Dowladda Soomaaliya iyadoo ka duuleysa xiriirkaas faca weyn iyo mas’uuliyadda saaran, ka dowlad carbeed ahaan.Iyadoo...
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Booqdey Dhaawacyadii lagu Daweynayay Isbitaalada Wadanka Imaaraadka Carabta.
Dr. Cabdisalaan Hadilye Cumar Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee Soomaaliya oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogey Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa booqasho ku tagey Isbitaalka weyn ee Askarta ee loo yaqaano (Zayid Military Hospital) ee ku yaal Caasimadda Wadanka Imaaraadka ee Abu Dhbi.
Booqashada Wasiir Hadliye ayaa waxaa ku weheliya Danjiraha Soomaaliya ee u fadhiya...
Saddex Madaxweyne oo laga Filayo Gobolada Dhexe. Xaaladda Gobolada Dhexe waxay Taagan tahay “Ku Qabso oo ku wada Qada”
Bulshada Soomaaliyeed qaar waxay is lahaayeen Dadka ka soo jeeda Mudug iyo Galgaduud way ka duwanaan doonaan wixii ka dhacay Kismaayo iyo Baydhabo, oo Gobolada Dhexe waxaa ka soo bixi doono Maamul loo dhan yahay balse waxaa Muuqda Saan saan ah in ay ka Darnaan doonaan Kismaayo iyo Baydhabo waayo waxa Gobolada Dhexe maanta ka taagan mid ka daran wixii ka dhacay Magaalooyinka Kismaayo iyo...
Isbitaal Casri ah oo lagu magacaabo Muqdisho City Hosbital oo laga furey Magaalada Muqdisho.
Waxaa Dhawaan Magaalada Muqdisho laga furey Isbitaal Cari ah oo lagu magacaabo Muqdisho City Hosbital kaasoo lagaaga daaweyn doono Cuduro fara badan oo mararkii hore loo aadi jirey Dalka Dibadiisa .
Isbitaalka oo ku yaalka Degmada Hodan gaar haan Xaruntii Dowladii Cabdiqaasim ayaa waxaa ka howlgala Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib kuwaa oo ku takhasusey Cuduro kala duwan , waxaana...
Daawo Sheekh Maxamed idiris oo digniin Culus u diray Madaxda Dalka, Kana Hadlay Hanti la lunsaday iyo Arimo kale oo Xasaasi ah oo Badda ay ka mid tahay+VIDEO
Muftiga weyn ee Soomaaliyeed Sh Maxamed Idris Axmed ayaa digniin culus u diray Madaxda Dalka Soomaaliya iyo cid walba oo doonaysa in ay Xil qabato, mar uu ka hadlayey Masjidka Abuubakar ee Magaalada Minneapolis, Wuxuuna Sheekha ka deyriyey hantida Qaranka oo la lunsanayo.
Sheekh ayaa garaacay Miiska waxaana isbadalay jawiga Masjidka isagoo ka hadlayey xog ku aadan kheyraadka uu dalka leeyahay oo la...
Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Qatar oo Doha kulan ku yeeshay iyo Heshiisyo ay kala saxiixdeen labada dal.
WARSAXAAFADEED
Doha, Arbaco 18 March 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar, Mudane Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, waxa ayna labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka dheer ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya...
Banaanbax looga soo horjeedo Xaalufinta iyo Boobka lagu hayo Badda Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho.
Cabdulaahi Maxamed Shirwac “ Talyaaniga laba arrimood mid ha yeelo in uu Soomaaliya Saaxiib la noqoto iyo in uu na Bililleysato”
Khadiijo Cabdulaahi Maxamed “Talyaaniga waa na yaqaan Dhagax ayaan Dalkaan uga saarney maanta oo aan Xor nahay marnaba ka yeeli meyno in uu Baddeena Bilililqeysto”
Waxaa Fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Banaanbax Balaaran...
Shaqaale aad u fara badan oo laga eryey Dekedda Muqdisho oo Sameeyey Banaanbax Balaaran
Waxaa Saakey Albaabka hore ee Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho ku hor Banaanbaxay Shaqaale aad u fara badan ka dib markii laga eryey Shaqadii ay ka hayeen Dekedda Magaalada Muqdisho , waxayna Shaqaalahaas Banaanbaxooda uu ahaa mid Nabadeed iyadoo intooda badan ay siteen Kaararkodii Shaqo ee aqoonsiga .
Qaar ka mid aha Shaqaaalaha Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho oo Wajiyadooda ay ka muuqatey...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo kala Direy Golahii Adeegga Garsoorka
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf oo si weyn uga Soo Horjeestey Kala Diristaas
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu kala diray Golaha Adeega Garsoorka Dalka Wareegtada Xafiiska Madaxweynaha ka soo baxadey marka ay aheyd Taariikhda 11/3/2015-ka. ayaa la sheegay Wareegtadaan oo 11-kii Bishaan in wixii...
Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya Qaraxyo iyo Weerar lagu qaadey Madaxtooyada Magaalada Baydhabo
Gaari yar oo lagu soo Xiray Walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhaboo ee Xarunta Gobolka Bay. Warar Is Khilaafsan ayaa ka soo baxaya Qaraxaas Ismiidaaminta iyo sidii uu u dhacay iyadoo wararka qaar ay sheegeen in Qaraxaasi markii uu dhacay ka dib in Ciidan aad u Hubeysan ay Gudaha u galeen Xarunta Madaxtooyada oo ah meel si aad ah loo ilaalyo
Warar...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya.
Djibouti, Arbaco 11 March 2015 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Djibouti, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha dalka Djibouti iyo Mudane Cabdulqadir Kamil Maxamed Ra’isul Wasaaraha dalka iyadoo laga wada hadlay adkaynta xiriirka iyo...
Wasiirka Difaaca “Dowladdu waxay u tanaasulaysaa danta shacabka, kumana kor gor-gortameyso iyagoo dhibaateysan”
Guriceel… Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal shaqo ku joogay gobolka Galgaduud, ayaa kormeer ku gaaray qaar kamid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guriceel, isagoo dhinaca kale kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Har-qadoobe ee qeybta 21-aad halkaas oo ay la wareegeen Ciidamo ka socda AMISOM, isla markaana laga...
“Waxaan ku laabtey Caseeyntii Kabaha markii la Dumiyey Iskuulkeygii ”
Da’diisu 9 Jir waxaa uu ka mid ahaa Caruurta ku shaqeysata Baalashle ama Caseeye ,waxaana ka mid ahaa dadkii uu macaamiisha la ahaa oo mudo Kabaha ka caseeysanayey , mar qura ayaa Bidhaantiisii waayey oo Xitaa waxaan waayey qof aan weydiiyo War iyo Wacaalkiisa, waxaana durba bilaabey in aan u wareego Canug kale oo oo Kabaha ii Caseeye oo aan Macaamiil ka dhigto.
“Saakey markuu waagii baryey...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kormeer kugegey Kampala
Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Gaaray Magaalada Kampalada
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Labaad
ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo gaaray magaalada
Kampala ee caasimadda dalka Uganda halkaasi oo guddiyo ka tirsan
Baarlamaanka aqoon kororsiyo uga soconayaan.
Wafdiga...
Wasaarada Waxbarashada iyo Daladaha Dalka oo isku raacay in la qaado Imtixaan Qaran (National Exam)
Wasiirada Wasaarada Waxbarashada Drs Khadar Bashiir oo ay wahelinayaan
Wasiiru dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha
Waaxda Daladaha ayaa waxey kulan la qaadatay Daladaha Waxbarasha
ahliga ee dalka ka jira.
Kulanka ayaa waxa uu muhiimadiisa ahaa sidii Wasaaaradda iyo Daladha
ay sanadkaan u qaadi lahaayeen Imtixaan Qaran oo ka dhaca Dalka taas
oo ay soo dhaweeyeen Daladaha Waxbarashada...
Somali Government warns illegal companies operating in Somalia
PRESS RELEASE
7/1/2015
The Ministry of Petroleum and Mineral Resources, Federal Government of Somalia has been closely monitoring the illegal activities of ARC, a Chinese company. ARC has been involved in the illegal digging and mining for minerals in the Simodi mountain ranges in the Awdal region of Somalia. These activities are a violation of Somalia’s territorial integrity and national sovereignty....
Wasiirka Difaaca Gen. Diini “Heshiiska aan galabta saxiixnay ujeedkiisu waa Nabad in lagu wada noolaado”.
Guriceel, March 5, 2015…Waxaa booqasho ku yimid Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, wafdi ka socda Dowladda F. Soomaaliya oo hoggaaminayo Wasiirka Difaaca General C/qaadir Sheekh Cali Diini. General Maxamed Xaashi Guulleed iyo General C/laahi Cali Caanood oo ka socda taliska guud ee CXDS. Wada hadal iyo wada xaajood dhinacyo badan taabtay oo dhex maray wafdiga dowladda federalka Soomaaliya...




