Home » Archive Maalinta October 22nd, 2014

Ridwaan Xirsi” Dooda Kenya ee Badda Soomaaliya waa Dhul Balaarsi marnaba ka yeeli meyno”

Oct 22, 2014
Wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa si kulul uga hadlay muranka u dhaxeeya labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya gaarahaana dhinaca Biyaha. Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Soomaaliya dhica Xadka Biyaheeda uu yahay mid iska cad cid hadda muran galin kartana aysan jirin isagoona sheegay in Caalamku aqoonsan yahay Xuduud biyoodka Soomaaliya. Wasiirka ayaa... 

RW. Cabdiweli oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay cudurka dilaaga ah ee Ebolla

Oct 22, 2014
Muqdisho, 22, Oct, 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Burundi, ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Taliyeyaasha Ciidamadda iyo dadweyne faro badan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa... 

War-Saxaafadeed ka soo Baxay Xafiiska Ururka Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SWJ.

Oct 22, 2014
War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ururka Haweenka Suxufiiyiinta Soomaaliyeed oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ey sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaaladda ku horkeenaan Wariyaasha iyo Maamulada idaacadaha SHABEELLE IYO SKY oo Dowladda Soomaaliya wali u xiran. Ururka haweenka suxufiyiinta soomaaliyeed waxa ay hey’addaha garsoorka uga mahadcelinayaan talaabadii ay sida hordhaca u qaadeen oo... 

Casriyeynta diinta hummaag lagu hungoobey! Qaybta 2-aad

Oct 22, 2014
Beloba belo ayey dhashaaye waxaad ogaataa Muctasilada ay Casraaniyiinta bahwadaagta yihiin waxay ka soo alifeysteen Yuhuud iyo Kiristan, waxaa tusaale kuugu filan Muctasiladu waxay yiraahdeen qur’aanku waa shay la abuuray (makhluuq) taas oo ay kaga horyimaadeen Ahlusunnaha oo iyagu aaminsan in qur’aanku yahay hadalkii Alle (Kalaamullaah), aragtidaasi ma ahayn mid Muctasiladu alliftay ee waxaa ugu... 
Halkudheg:

Oktoobareey 23 Sanno kaddib weli waa la Kufaa Kacayaa

Oct 22, 2014
Bisha Oktoobar 21-deeda 1969-kii waxayy ku buuxsameysaa shan iyo Afartan Sano Maaliintii Saraakiil da’yar oo Ciidamada Xoogga Dalka u badan taladii dalka ay la wareegeen Xukuumaddii Rayidka ahaydna ay inqilaabeen. 21kii oktoobar sanadkii 1069kii ayay Dadka Muqdisha ku waabariisteen meel walba oo uu taagan yahay Askeri gashan Tuute iyo Koofiyaddii Halmadka ahayd Qoriguna garabka u suran yahay, meelaha... 
Halkudheg:

Kulan Bulshada looga Wacyigelinayey Khatarta Xanuunka EBOLA oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Oct 22, 2014
Kulan ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Shirkadda Korantada Banaadir (Beco) iyo Golaha Salaadiinta iyo Dib u heshiisiinta iyo Wacyi gelinta Soomaaliyeed kaasoo looga hadley Cududrka Halista ah ee EBOLA ee Dhawaan ka dilaacay Qaar ka mid ah Wadamada Afrika , waxaana ka qayb gaely Qaybaha kala duwan ee Bulshada , Dhaqaatiir , Haween iyo Masuuliyiin ka socotey Dowladda Federaalka... 
Halkudheg:

Hayadd SAF oo Furtey Wajigii Labaad ee ka Wacyiyi Gelinta Bulshada ee Gudniinka Firciiniga

Oct 22, 2014
Waxaa Dib loo furey Wajigii Labaad ee ka wacyi Gelinta Bulshada Gudniinka Fircooniga , waxaana Ololahaan uu ka furmey Qaar ka mid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Gedo , Iyadoo Furtaankii ay ka soo qayb galeen Madax ka tirsan Dowladda Federaalka, Ururrada Haweenka , Dhalinyaro , Madaxda hayadAha Samafalka iyo Marti Sharaf kale. Ugu Horeyntii Waxaa Halkaa hadal Kooban ka soo jeediyey Xoghayaha... 

AL-SHabaab Hum Sharul Bariyah !!! ( أُوْلَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ )

Oct 22, 2014
Horudhac : Akhristoow labo Qolo ayuu Quraanku Sheegay ( أُوْلَئِكَ هُمْ خَيْرُ الْبَرِيَّةِ ) iyo ( أُوْلَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ ) Qolo wuxuu ku tilmaamay kuwa khlaa’iqda ugu kheyr Badan iyo kuwa Khalaa’iqda ugu Sharka Badan . Annigu markaan fiiriyey Al-shabaab,Boco Haraam,Aqim, ISIS ,AL-Qaacidda,Taalibaan IWM , waxaan... 
Halkudheg:

Guddiga Adeegga  Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Ku Jira Isbitaallada Muqdisho

Oct 22, 2014
Guddiga Adeegga Bulshada u qaabilsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa booqday shacabka dhaawaca ah ee ku jira isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho gaar ahaanna dadkii shacabka ahaa ee ay dhaawacyadu kasoo gaareen qaraxyadii lala eegtay qaar ka mid ah maqaayadaha ku yaala magaalada Muqdisho. Ugu horeyn Guddiga Adeegga Bulshada waxa ay warbixin ku aadan xaalada dadkii ku dhaawacmay qaraxyada... 

Sharci Meheradaha Muslimiinta waqtiga habeenkii ay furinyihiin oo la ansixiyey

Oct 22, 2014
Minnepolis: Gudiga horumarinta bulshada iyo sharciyada magaalada Minneapolis ayaa maanta talaada (October 21keeda) meelmariyey isbadel xeerka 13tobnaad cutubka 309 ee la xiriirta sharciga ganacsiga. Isbadelkaan cusub ayaa u fasaxaya ganacsatada maqaaxiyaha iyo meheradaha lagu caweeyo naqshad ogolaansho ah oo ay ku kordhin karaan saacadaha ay furanyihiin si kumeel gaar ah. Gudoomiyaha Degmada Lixaad... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...