SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CALI BAADIYE

MUDUG POLITICAL FORUM

(GOLAHA SIYAASIGA MUDUG)

Ujeeddo: Shirqoolka Garoowe iyo Kala Kaca Punt Land

(Qaybtii Labaad)

  • KU: Islaan Ciise Islaan Maxamed      -Garoowe

  • OG: Dhammaan Isimada Punt Land   -fadhigooda

  • OG: Dhammaan Reer Punt Land       -Dibed iyo Daakhil

ARAAR

  • Haddaa Bay Ku Dhaanteynayaan
  • DhimeyWadaadkiiye
  • Dhulka Waa Ka Soo Fuurijirey
  • Dhawr Anoo Maqane
  • Goortaan Wax Dhabannaaninjirey
  • Waabay Dhowdahaye!

Aayaha Punt Land

Mudaneyaal

Qoraalkaan la magacbaxay Shirqoolka Garoowe iyo Kala Kaca Punt Land qaybtiisii kowaad haddaan intaas uga gudubno, maanta waxaa nala habboon inaan si kooban u eegno Aayaha Punt Land halkuu u jiheysan yahay, annagoo ka ambaqaadayna maamulka xilka inoo hayaa siduu wax ku wado, siduu moodayo inuu reer Punt Land ka yeelikaro, siduu ugu talogalay inuu aragtidiisa oo keliya ku meelmariyo, sida damacu u tusay inuu cidkasta xoog ugu muquunin karo, iyo arrinta aaye-ka-talinta Punt Land siduu keligiis u falkinayo isagoon cidna kala tashan, una qabin inay jirto cid la wadaagta oo mudan inay ka hadasho, ama juuq ka oronkarta masiirka Punt Land, iyo inaan tilmaan ka bixinno waxa laga saadaalin karo waddadaasi xagga ay u socoto, iyo sida la arkijirey halkay maridoonto.

Dawladnimada:

Dawladnimo, siday nala tahay, waa maareynta nolosha Dal iyo Dadka, dhinac kasta oo laga eegaba, xagga agaasinka iyo jiheynta talada guud oo loo yaqaan Siyaasadda, xagga horumanita bulshada caafimaad ahaan iyo aqoon ahaanba, xagga shaqada iyo shaqaalaha, xagga dhaqaalaha iyo kobcintiisa, xagga amniga iyo nabadgelyada, iyo xagga dhaqanka iyo soo-jirennka dadka oo wixii maanta la yahay ay ku raad-joogaan wixii shalay la ahaan jirey;

Intaas marka la buuxiyo ayaa Dawladnimo inay jirto laga hadlikaraa, haddaba waxaa gudboon inaan eegno arrimahaas maxaa inoo buuxa, maxaa inoo bilaaban oo weli qabyo ah, maxaase inaga maqan ama an xisaabtaba inoogu jirin?

 I.     Maamulka talada inoo hayaa wuxuu aaminsanyahay, oo meelkasta iyo markasta ku doodaa inuusan wax raad Dawladnimo ah oo isaga ka hor jirey Punt Land ugu imaan, maantana dibedda iyo daakhilkaba la wada aqoonsan yahay heerka caalamiga ah ee an ka gaarney siyaasadda, hase yeeshee markaan kala soocno wixii run ah iyo wixii khayaali ah, waxaa marag leh shirkii haweenka Soomaaliya lagu sheegay, cayaarihii kubada cagta Gobollada Soomaaliya, shirarkii UNka iyo TFG oo dhmmaantood Garoowe lagu qabtay, intaasi waa jiraan, waxayna muujiyeen Garoowe oo caasimadda Punt Land ahi inay goob aamin ah oo shir lagu qaban karo tahay, waana guul iyo sharaf an waayahaan Soomaakidu helikarin, waxaa labeeya in Odayga Punt Land, oo xin iyo  dhabiil kula jira Shiikh Shariifka Maxaakiimta, uu xaafadda Baraxley ee Gaalkacyo ka dhigtay Dawlad Goboleed u dhiganta Punt Land, oo Mr Mihiigaha UNka intuu Nairobi ugu geeyey inuu aqoonsado ku khasbay, taasina waa run jirta hadday maamulkeenna guul siyaasadeed u tahay, guusha seddexaad waa in madaxda xilka inoo haysaa taladii an u dhiibanney la wadaagtey qolo awal dibedda ka joogtey, waa xisbigii magacyada badnaa oo Al-Itixaad ku soo bilowday haddana qayb ka mid ahi Al-Shabaab tahay, dadka inta kalena, oo mudanka hoggaanka dhaqanka qoraalkaani ku socdaa ku jiraan, uu ka maarmay una caddeeyey inaysan talada la wadaagin, kuna fara gelinkarin, intaas wixii an ahayn oo guul siyaasadeed ah haddii maamulka xilka hayaa sheegto waxaan leennahay ma jirto ee waa sawir khayaali ah oo odayga madixiisa keliya ka guuxaya, ciddii intaas wax ka duwan oo muuqda ama la taabankaro haysaana waa noo tilmaami kartaa;

II.    Waxaa la hubaa xaggaa arrimaha Waxbarashada iyo Caafimaadka Punt Land inay heer wanaagsan oo la mahadin karo ku suganyihiin, hase yeeshee maamulkaan iyo kuwii xilka uga horreeyey midna abaal kuma laha wixii horumar ah oo ka jira arrimahaas, waxaana marag iyo caddeyn ciddii doonaysa ku filan inay aragto wixii Miisaaniyad ahaa oo la qoray teer iyo 1998dii ilaa maanta oo dhammaan muujinaya in aan weligeed qoondaha arrimaha Bulshadu gaarin 10%, heerka wanaagsan oo manta ka muuqdana waxaa gaarsiiyey, abaalkeedana iska leh dadaalka xilkaska iyo aqoonyahanka reer Punt Land oo iskood isu xilqaamay, meelkastana ka sameeyey Dugsiyo Hoose/Dhexe/Sare ilaa magaalooyinka qaar Jaamicado ay ka bilaabeen, iyo Isbitaallo Casri ah oo daboolay baahida Shacabka;

III.   Maamulka xilka hayaa, waddo kasta ha u mare, dhaqaalaha Punt Land wuxuu ku soo kordhiyey:

  • Canshuurta badeecada la dhoofiyo iyo midda la keeno la gaarsiiyey in ka badan 300% oo misaal ahaan shayga 50US$ ku yimid oo lagu canshuurijirey 5US$ waxaa hadda lagu canshuuraa 15US$, sidaasna ku talagalka dakhliga ee miisaaniyadda sannadlaha wuxuu kordhay seddex jibbaar, iyadoo la joojiyey canshuur-dhaafkii maamulladii ka horreeyey u sameyn jireen ama samafal ku yimaada ama muwaadin keensado oo waxtar caam ah u soo kordhinaya dadweynaha, kana qaybgelaya horumarka guud ee Dalka,Canshuuraha Birriga oo maamulladii hore ka gaabsadeen, tabar yari awoodda dhaqaale ee dadweynaha iyo sababo la mid ah darted, oo maamulkaani 70% ka dhaqangeliyey magaalooyinka waaweyn,
  • Canshuur-bixiyaha oo sharci ahaan lagu khasbay badeecadiisa inuu ku canshuurto lacagta Shilin Soomaaliga iyadoo sarriifka doollarka loo gooyey  1US$ = 30.000SoSh, hadduu qiimaha suuqa maalintaas la simanyahay, hadduu ka badanyahay, iyo hadduu ka yaryahayba, taasi cilmiga dhaqaalaha inay ka mid tahay iyo in kale ciddi aqoon u leh ayaa ka jawaabi doonta,Maamulkaani intuu xilka hayey sicir-bararka Punt Land, iyo guud ahaanba Soomaaliya, wuxuu u badnaa inuu fadhiyo oo sabbeyntiisu yarayd wixii ka horreeyey sannadkaa 2012ka, hase yeeshee bilihii la soo dhaafay wareer iyo isbeddel dhibaato an la koobi karin Shacbiga u geystey ayaa ku soo kordhay, misaal ahaan sarrifkii muddo dheer ku xasillanaa 1US$ = 30.000 SoShu wuxuu bilaabay hoos u dhac an xawligiisa la qiyaasikarin oo laba bilood keliya ku gaarey 1US$ in lagu sarrifo 20.000 SoSh, iyadoo qiimaha badeecada an waxba iska beddelin, isla markaas dawladdu canshuurteeda weli ku qaadayso in doollarku joogo 30.000 SoSh,
  • Baaxadda lacagta soo gashay gacanta maamulka seddexdii sano ee uu xilka hayey ciddii rabta waxay ka ogaankartaa miisaaniyadda ay sannad walba horgeeyeen Barlamaanka oo la ansixiyey, laakiinse in la ogaado wixii lagu qabtay waa adagtahay, waayo wixii mushaaro ku baxay, oo haddii la buunbuuniyo an 30% ka badnayn, mooyee inta kale wax lagu qabtay oo ama mashaariic ah, ama baahi maamul iyo mid amni iyo nabadgelyo ah toona ma muuqato,
  • Ugu dambeyn xaaladda dhaqaale ee Punt Land waxaa sawir cad ka bixinaya in qoyska biilkiisu ahaa 200 US$, oo laba bilood ka hor ay ku filnayd, maanta inaan 400 US$ ku filnayn;

IV.  Maamulka talada Punt Land  haya guushiisa ugu weyn, oo dibed iyo daakhilba, meelkasta iyo markasta uga faanaa inuu bixiyo mushaarka shaqaalaha dawladda oo maamulladii hore aysan bixin jirin, arrintaasina waa runtii oo ilaa hadda marag baan uga furaynaa, hase yeeshee labo masalo oo ninka faanayaa usan weligii sheegin ayaa jira:

-   Midda kowaad waa inuu markuu qoladii ka horrysey xilka kala wareegey uu shaqaalaha Dawladda iyo Ciidankaba in ka badan 40% ruqseeyey, sidaasna uga leexday aragtidii Cadde Muuse marar badan ku sheegay inay xilligaan Punt Land gef ku tahay in la bakhtiiyo Dab u shidan Qoys reer Punt Land ah, saas darteed shaqaalaha maamulkaani mushaarka u siiyo joogtada waa shaqaalihii Dabku u shidnaan jirey barkiis;

-   Tan labaad mushaarka maamulkaani joogtada u bixiyo waa afar qaybood oo is-le’eg, sida miisaaniyadda ka muuqata, oo Madaxtooyada, Golaha Wasiirrada, Golaha Barlamaanka, iyo shaqaalaha iyo ciidanka oo meel ah ay kala qaataan, taasoo macneheedu yahay mushaarka la bixiyo 70% waxaa qaata goleyaaha sare, 30%ka soo haray ayaa shaqaalaha Dalka oo dhani (oo ciidamadu ku jiraan ) qaataan;

Haddaba, qofka shaqaalaha ama askariga ah, oo sidaas in wax yihiin xog ogaal buuxa u ah, hadduu daacadnimo xilka u gudanwaayo oo ‘’Qowda Maqashii, Waxna ha u Qaban!’’ ku joogo, ma la yaabi karaa inaan Amni iyo Nabadgelyo weyno, in Dhaqaaluhu burburo, in Dalku faraha ka baxo oo siduu maanta ku suganyahay noqdo, iyo in maanta laga hadlo tolow jiritaanka Punt Land iyo Aayaha dadkeedu maxay noqondoonaan?

V.  Arrimaha Amniga iyo Nabadgelyada waxaan si faahfaahsan uga soo hadalnay qoraalkaan qaybtiisa hore oo ku noqonmayno, hase yeeshee waxa marnaba an la dhayalsan Karin, digniinta heerka halistu gaarteyna an la dhammeyn karin waa arrinta Cawabari-la’anta joogtada noqotay ee ka jirta dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Punt Land oo weliba dilka iyo qaraxa lala beegsanayo dadka intiisa birmagaydada, Ciidanka Amniga, Madaxda Hey’adaha Dawladda, sida Wasiirrada, Xildhibaannada Barlamaanka, iyo weliba Masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Garsoorka, haddana maalin walba warbaahinta Dalka iyo midda Dibedda oo BBC iyo VOA ka mid yihiin ay wixii dhacay, intii dhimatay, goortii iyo meeshii dhibaatadu ka dhacday joogto ula socdaan, saacado gudohoodna Idaacadaha ka siidaayaan, ummaddiina Cabsi awgeed ay noloshooda Bandow ku soo rogeen, intaas oo an cidina moogay marka maamulka talada hayaa dafiro oo ku doodo inuu dalkaan ka hirgeliyey oo ku guuleystey Amniga iyo Nabadgelyada waxaa Xaq noqonaya shacbku inuu dawladdiisa ka aamin baxo oo beenaaleyaal u aqoonsado madaxda oo dhan ilaa kan ugu sarreeya, kana xiriir furto, oo kalsoonida kala noqdo, marka dambena toos uga soo horjeesto oo sidaas Dalku ku burburo;

 VI.     Qodobkaan waxaan ku soo qaadaynaa xaqiiqa jirta oo haddii annaan isku baraarujin laga yaabo reer Punt Land, intii la dhalatay, iyo sokeeye iyo shisheeyeba inta wanaagga la jecelba, inay qoraalkaan iyo dareenka uu xambaarsan yahay ka arkaan aragtiyo kala duwan oo khilaaf dhaliya, xaqiiqadaasna waxaan ka soo ambaqaadaynaa dhalashadii Punt Land;

  • Shirweynihii Garoowe ee 1998dii, wixii ku kulmay waxay ahaayeen ergooyin Beeleed, oo laga soo wakiishay shan Gobol iyo hal Degmo, oo ay soo xuleen Nabadoonnadu, oo Isimada Tolku soo ansixiyeen, sidaasna ku xambaarsan Codka Beelohooda oo xalaal ah, Ergooyinkii kulmay waxay ka taliyeen aayaha Beelihii ay ka yimaadeen, waxay oggolaadeen oo isku raaceen inay sameystaan maamul ay ku midoobaan oo masaalixdooda u maareeya muddo ku meel-gaar ah, waxay dejiyeen Xeer ku meel-gaar ah oo lagu dhaqmo xilli kooban oo kala guur ah oo markuu dhammaado looga gudbo Dawladnimo rasmi ah, intaas markay tabeeyeen, oo u codeeyeen, oo isku raaceen, waxay hor-geeyeen Isimada Tolka, ee ahaa Hoggaanka Dhaqanka Beelaha, oo tashigaas dadkooda aqbalay, lana qaatay, una guddoomiyey oo sidaas ku Ansixiyey aasaaska Punt Land, halkaasna waxaa ku dhismay Maamul Beeleed ama Toleed loo xilsaaray inuu Dalka iyo Dadka xilka saartay gaarsiiyo Dawladnimo Goboleed, kuna simo inta la soo celinayo Dawladnimadii Qaranka Soomaaliyeed, saas darted wixii ka soo baxay Shirweynahaas ma ahayn Dawlad, mana lahayn Dastuur ku ansaxay Afti Dadweyne iyo Nidaam Sharci ah oo Dadku Codkiisa ku sheegto waxa uu rabo iyo cidduu Xilka u dhiibanayo toona, lama sameyn hab-dhaqan sharci ah oo lagu dhaliilo ama wixii tabasho ah lagu muujiyo oo lagula xisaabtamo madaxda iyo masuuliyiinta xilka haysa, intaasi markaysan jirin lama oronkaro Dawlad ayaa jirta, xataa haddii la adeegsado Heykal dhisme, sida Golayaasha Xukuumadda, Barlamaanka iyo Garsoorks, ama lala baxo magacyada Dawladaha, sida Madaxweyne, Wasiirro, Dibutaati iyo wax la mid ah;
  • Waxaa xusuus mudan madaxdii Xilka loo dhiibey 1998dii inay shacabkii quursatay, ammaanadiina dhinac isaga riixdey, kuna talagashay inaan danaha iyaga u gaarka ah mooyee wax kale laga hadlin, markii xilligii xilhaytoodu ka dhammaadayna waxy goosteen inay intii sano oo ay doonaan ku darsadaan, iyagoo filaya inaan cidina ka hadlikarin, wixii mucaarad ah oo ka hadlana in xoog lagu muquuniyo oo cagta la mariyo, hase yeeshee malahaas waa tii lagu beeniyey, taloxumadaas cawaaqibkii laga dhaxlayna waa la yaqaan oo waxay raad lama illaawaan ah ku leedahay Taariikhda reer Punt Land;
  • Maamulkii Maxamed Cabdi Xaashi oo muddada yar xilka hayey sida la wada xusuusan yahay waa damcay inuu kororsado muddada Xil-Hayntiisa, hase yeeshee labadii Oday oo midna ka horreeyey midna ka dambeeyey ayaa isugu habar-wacday oo damacaas ka horjoogsadey, saas darteed wuxuu xilka hayey waqtigii yaraa oo ka harsanaa kororsigii maamulkii ka horreeyey marooqsaday, uiyo ammaanadii ku qornayd ee ahayd in la sameeyo Dastuur Rasmi ah, Afti, Tirakoob, iyo Doorasho Guud oo dadweynuhu Codkiisa ku sheegto wuxuu doonayo iyo cidduu xilka u dhiibanayo, haddaba Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu dhaxlay, kaddibna qoladii ka dambeysey ku wareejiyey Maamukii Tolka;
  • Cadde Muuse waxaa lagu doortay oo xilka uu ku qabtay qoraal lagu sheegay Dastuur ku meel gaar ah oo qoladii Cabdullaahi Yuusuf degdeg ku falkiyeen markuu ka dhaammaaday Axdigii Xalaasha ahaa oo an Afti Dadweynela soo marin, ama xataa Ergo la mid ah middii 1998gii Punt Land dhistay,qoraalkaas oo raad xalaal ah an lahayn markuu xilka ku qabsaday, Cadde wuxuu ballan qaaday afartiisa sano ku hirgelindoono Dastuur, Afti, iyo Doorasho xalaal ah, laakiin ballankaas ma fuline sidii wuxuu raacay waddadii ay mareen raggii xilka uga horreeyey, ammaanadiina waa ku takrifalay, bal waxaaba la oronkaraa sidii Oday Dhaqameedkii sinjigiisu ka soo jeedey ayuu Dal iyo Dadba u maamulay, aakhirkiina isagoo haba yaraatee aysan ka muuqan wax damac kororsi ah, sida Odayaashii ka horreeyey, ayuu xilkii Maamul-Toleedka ku wareejiyey qolada weli xilka haysa, oo iyagana lagu doortay dastuurkii magac-u-yaalka ahaa oo hadba marka xilli is-beddel la gaaro lala soo baxo, boorka laga jafo, loona cuskado xil-kala-riixashada oo keliya, kaddibna meel la isaga tuuro;

VII.  Madaxweyne Faroole markuu xilka la wareegey, isagoo malaha aaminsan hal-ku-dheggii ‘’Isbeddelka’’ ee Obaamaha Mareykanku berigaas curiyey, raggii hoggaaminta Punt Land ayaantaas u tartamay oo dhanna hadaaqa u ahaa, wuxuu muujiyey inuu ka duwan yahay Odayaashii ka horreeyey, waxaana ugu muhimsanaa Isbeddelka u soo kordhiyey:

--- Amarkii u horreeyey oo qoraal ah oo ku socda dhammaan Ilaha iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Punt Land wuxuu bixiyey subixii 08/01/2009, labo saac kaddib markii lagu dhawaaqay in doorashadii isagu ku adkaaday oo madaxweynaha cuussub ee Punt Land loo doortay isaga yahay, degdeggasina wuxuu tilmaan u yahay inaan Odayaashii xilka hayey xurmo, xishood, iyo xaq dhawr toona istaahilin, loona baahan yahay in degdeg khasnadaha Dalka looga xayiro, inuu awoodda aad iyo aad ugu oomanaa, mar hadduu helayna wuxuu doono sameyn karo cidduu doonana ku tumankaro, iyo arrinta ugu khatarsan oo ah inuu horeba u aaminsanaa dhaqaalaha Dalka in Madaxweynuhu leeyahay oo hantidiisa uu gaar ahaan u lahaa sideedii uu uga xisaabtamo, saas darteedna haddii shalay Cadde iska lahaa manta in isagu yeeshay, loona baahanyahay inuu ka gaaro intaan qoladii hore kala bixin;

--- Isbeddelka labaad oo Odaygu soo kordhiyey waa siduu Golihiisa wasiirrada u soo xuahay oo markii hore dad badani u riyaaqay laakiin sidii la moodey arrintu noqon weydey, waayo wizii Dalka ka jirey oo Odaygu la wareegey sidaan kor ku soo sheegnay waa Maamul Toleed oo Beeluhu Axsaab u yihiin, Odayaasha iyo Isimaduna afhayeen u yihiin, Goleyaashana lagu fadhiyo xulka iyo saxiixa hoggaan-dhaqameedka Beelaha ilaa la gaarayo Nidaam Dastuuri ah oo Dadku codkiisa leeyahay, Axsaabtuna afhayeen u tahay, haddaba dhaqankii Punt Land ee Nidaam-Beeleedkaas ku dhisnaa inuu tuurayo oo xulashada Wasiirradiisa ka talagelin doonin Oday iyo Isim toona ee isagu cidduu doono xilka uu dhiibanayo ayaa Faroole ku dhawaaqay, laakiin sida ciddii xog ogaal ahi ka warqabto si caam ah oo loo siman yahay arrintaasi uma hirgelin, balse Beelaha qaarkood iyo Isimada qaarkood waa laga baqay oo wixii beeshooda khuseeya waa laga talageliyey, waxaase lagu tuntay oo taladoodii laga kaaftoomay inta badan Beelaha reer Punt Land, gaar ahaan Gobollada Bari, Karkaar iyo Mudug;

--- Isbeddelka kale ee Faroole ku soo kordhiyey nidaamkii maamul ee Punt Land waa inuu soo dhisay Gole Wasiirro oo ka kooban dhawr iyo konton xubnood, oo marka laga reebo tobaneeyo uu kala soo haray maamulkii isaga ka horreeyey, inta kale uu ka keenay Australiya, Yurub, iyo Mareykanka, dadkaasina waxay u wada dhasheen reer Punt Land, waase Dad u Dhaartay, lana siiyey Jinsiyadda Dalalka ay ka yimaadeen, waxayna intooda badani isku nooc ka yihiin inay la qabsan waayeen dhaqamadii ay ku biireen sababo ay ka mid yihiin saldhiggii waxbarashadoodii hore oo yaraa, da’dooda oo xilligii waxbarashada dhaaftay. Xilligii xoogsigana ama dhaaftay ama ku dhow, burbur qoys oo iyaga iyo xaas iyo carruur wixii ay dalalkaas la tageen kala firdheen markay nidaamkii nolosha cussub qaayibiwaayeen, intaas iyo inkale oo dhibaato ah, oo Soomaalida 5ta Qaaradood u kala firxatay badankoodu qabaan, ayaa Faroole u yeertay koox ka mid ah dhibbaneyaashaas iyagu isu yaqaan magaca Qurbe-Joogta oo malaha ay isku ammaanayaan, Dalalka ay tageenna looga yaqaan Qaxootiga Maganta la Siiyey, Afka Soomaalidase weligeed lagu oronjirey Dagaagga oo macneheedu yahay dadka ay ku habsatey dhibaato dabiici ah sida Abaar dhaafisay wixii ay xoolo dhaqdeen oo cayrnimo iyo gaajo dartood uga barakacay degaankoodii iyo guryohoodii si ay ugu yaraan nafttoda u badbaadiyaan, ama dhibaato iyagu isu geysteen sida colaad iyo dhac mooraduug ah oo xeryaha la isu madoobeeyo, sidaasna wixii nafta la baxsankaraa ay cagaha wax ka dayaan oo aysan gadaal soo dhugan ilaa ay meel uun ka cidgalaan, taasina waa wixii Xamar iyo guud ahaanba Soomaaliya ka dhacay 1991dii;

--- Haddaba koox ka mid ah dadkayagii ka badbaadey halaaggii Colaadda Sokeeye ee 1991-1993dii. oo naftooda ula Dagaagtay Qaaradaha Adduunka, markay heleen fursad ay dib ugu soo laabtaan dhulkoodii iyo dhaqankoodii oo ay si dhab ah ugu hiloobeen, iyagoo weliba Wasiirro ka ah, kumanyaal doollarna si toos ah iyo si dadbanba bilwalba ku xisaabtamaya, waxa ay soo kordhin karaan ama laga filikaraa waa wax aad u cayiman oo ay inoo sheegikaraan dadka bartay Cilmiga Abuurta Aadanaha ama Odayaasha Ruugcaddaaga ah oo waayo-aragga ah oo haysta Murtida soo jireenka ah oo oronaysa – ‘’Rag waa Jid la mar, Jabad la deg, ama Jidiin la cun!’’. Tilmaan ahaanna dhaqanka kooxdaas seddexdii sano ee maamulkaani xilka hayeyna waxaa lagu soo koobikaraa:

--- Xubnaha kooxdaasi, midkastaaba xagga aqoonta heer kasta ha ka gaare, waxay ka simanyihiin sidii la arkijirey dad waayo arag ah, oo madani reer magaal ku soo barbaaray ah, dalmar miiran oo toddobada Badood u kala gooshay wada ah, oo xaajo kasta oo la soo qaadoba wax ka oronkara, haddana waxaa xaqiiqa ah oo reer Punt Land oo dhani xog ogaal u yahay on seddexdaas sano laga waayey wax Ra’yi ah ama Rabitaan ah, wax Caqli ah ama Cod ah, oo ka duwan Ra’yiga iyo Rabitaanka Faroole, fadhiga Golaha Xukuumadda iyo fagaare kale toona;

--- Madaxweyneyaashii Punt Land ee Faroole ka horreeyey Islaamaha u dhaxa iyo Ilmihii ay dhaleen, oo qaarkood Jaamacadaha ugu sarreeya ka soo bexeen, ayaa ama la joogey ama booqasho ugu imaanjirey, dhaqankooduna wuxuu ahaa mid aad u asturan oo ku kooban wixii iyaga iyo waalidkood gaar u ah hadday Talo siinayaan iyo hadday hawl u qabanayaanba, hase yeeshee maamulka Faroole wuxuu ku caanbaxay in carruurtiisu si toos ah oo buuxda faraha ula galeen, ugana dhex muuqdaan arrimihii dawladda oo dhan ilaa xag laga shakiyo cidda run ahaan talada Punt Land haysa oo go’aannada kama dambeysta ahi ka soo fulaan, ma Wiilasha mise Odayga?, waxaaba marar badan xusuusta ku soo dhacda oo la is-weydiiyaa tolow maamulkeenna ma la moodaa Dalka Shiinuhu  siduu ahaa sannadihii u dambeeyey cimriga Duqii Mao Tse Tung oo dhulyaalka uu ahaa oo naagtiisa iyo seddex saaxiibbadeed ahi awoodda kala wareegeen?!;

--- Haddaan xoogaa xilligii maamulkii Cadde Muuse dib ugu noqonno, waxaa la wada xusuusan yahay Barlamaanka Punt Land oo Golaha Wasiirrada xisaabtan ugu yeeray, midkii ay caddaato inuusan xilkiisa gudanna Cod u qaadaya oo hadduu aqlabiyad waayo uu xilkii wasiirnimada waayayo, in Faroole oo ah Wasiirka Qorsheynta uu aroortii weeraray Barlamaanka, oo inuu qabsado oo laftiisaba xiro damcay isagoo ka horegaya inaan Cod kalsooni isaga loo qaadin, balse damacaasi guulgarreystay, afar dhallinyaro ahina naftooda ku weydey, isagiina xilkii ku waayey, haddana muddo labo sano ka yar uu isla Barlamaankii oo isla Xildhibaannadii xilka wasiirnimada ku aaminiwaayey u soo hor istaago inay Madaxweyne u doortaan, arrintaas la yaabka ahna waxaa ka sii yaabsaday inay aqlabiyad an hore loo arag ugu doorteen Madaxweynaha cussub ee Dalka!;

--- Barlamaanka Punt Land oo cabsi ay naftooda u baqeen darteed Madaxweyne ugu doortay ninkii ay shalay wasiirnimada uga qaadeen inuu xilkiisii gudan waayey, waxaan qabnaa oo Xeerka Islaamka iyo midka Madaniguba si buuxda u caddeynayaan inuu subaxaas, 08/01/2009lii, xooray ammaanadii Hoggaanka Dhaqanka Beelaha reer Punt Land oo wakiil ka ah Shacabka ay u soo xuleen oo u dhiibeen oo loo Dhaariyey, sidaasna Barlamaan ahaan uu ku jiritaan belay, ciddii xaqiiqadaas shaki ka qabtana waxaa caddeyn ugu filan in awoodda Odaygu gaartey inuu xilka ka qaado Xildhibaanno ka hadlay danaha Beelihii ay wakiilka u ahaayeen oo gudanaya waajibkooda, dambi kalena an gelin;

--- Golaha Garsoorka oo sharci ahaan u ah awoodda seddexaad ee Dawladda, looguna talagalay inay ka madax bannaan tahay labada Gole ee kale, sidii loo aasaasay Maamulka Tolka Punt Land, wuxuu weligii ahaa Qabyo laga baqay in la dhammeystiro oo awooggiisa la gaarsiiyo sida Dastuurku qabo, ama u yeesho Ilko Run ah wax kala goynkara, sababtuna waa caddahay oo Madaxweyne ku talagalkiisa horeba ahaa inuu Af iyo Addinba wuxuu doono sameeyo, Sharciga Dalkana siduu doono ugu tunto, cid ka sarreysa ama lagu dacweeyaana aysan jirin, markuu xilka qabsado la yaab ma aha in isaga mooyee cid kale aysan helin Ilko wax gooya iyo awood isaga ka madax bannaan toona, saas darteedna ilaa 1998dii madaxdii xilka qabatay waa diiddey inay dhisto Maxkamadda ugu muhimsan Garsoorka oo turjubaanka u ah Xeerka iyo Dastuurka Dalka, ahna midda keliya oo Shacbigu uga dacwoonkaro dambiyada Dawladdu gasho, taas oo ah dhaliil iyo dhimmanaansho soo jireen ah waxaa ku soo kordhay intii uu jirey maamulka Faroole cabsi ka dhalatay Dil si gaar ah loola beegsado madax iyo masuulba inta ugu muhiimsan shaqaalaha Garsoorka oo cidda geysata an weligeed la soo qaban laguse eedeeyo Al-Shabaab, ruqso degdeg ah oo u soo baxda masuulkii maalin uun Alle ka yeersiiyo Erey ay qoonsadaan Odayga iyo qoyskiisa iyo kooxda loo yaqaan Aaran Jaan oo belada ah, iyo tan seddexaad oo ah in maamulkaani kororsiimo fiican ku daray Miisaaniyadda Garsoorka, intaas oo la isku daray waxay noo dhashay in Garsoorka Rasmiga ah oo ka jira Punt Land uu yahay hadba waxay jecelyihiin Madaxweynaha iyo qoyskiisa oo keliya;

VIII.  Dastuur iyo Dimoqraadiyad-

Shirweynihii aasaaska Punt Land, sida la xusuusanyahay, waxaa lagu ansixiyey Axdigii Ku-Meel-Gaarka ahaa ee noqday saldhigga Maamulka Tolka reer Punt Land xilliga kala guurka ah oo muddadiisa loo go’aamiyey inay noqoto Seddex Sano, iyadoo Axdigaasi caddeynayo in Maamulka xilka qabtay ku diyaariyo muddadaas gudeheeda Dastuur Dawlad Dimoqraadi ah ka hirgeliya Punt Land;

Himiladaas Dadka reer Punt Land damcay inuu Aayiha noloshiisa ku ambaqaado, kaddibna ku horseedo soo celinta Qarannimadii Soomaaliya, 1998dii ilaa manta oo 14 sano ka soo wareegey, weli Eebbe uma aqbalin oo inta badan Shacabku waa quustay, inkastoo ay jiraan dad weli rajadaasi u nooshahay oo ka dhursugaya in mar uun Alle xilka ugu dhiibo qolo ku dayata Maamulka Hargeysa oo hankaas oo kale yeeshay, dhawr iyo toban sano ka horna ku guuleystey;

Arrimihii guuldarradaasi u dhacdayna waxaa laga tilmaamikaraa:

  • Siyaasi Beeleed oo madaxnimo aad ugu jeellan, isla markaasna ogsoon inuusan helikarin kalsoonida Shacabka, laakiin farsamooyinka ay ka mid tahay awood-ku-dhabiiltanka qabyaaladda, odayaal-kicinta, istaaf iyo ilaalo wadashada, ma-daalennimada iyo meelwalba iska muujinta, iyo muluqmuluqda an mabda’ loo yaqaan lahayn ee hadba ururkii ama kooxdii ayaantaas fursad fiican haysata laga mid noqdo, iyo camallo kale oo foolxun hadduu adeegsado, laga yaabo inuu mar uun basiibku saacido oo si lama filaan ah uu ku soo baxo, kaddibna u leexdo sidii uu danihiisa  oo sida badan lacag-uruursi ku kooban uga faa’iideyn lahaa;
  • Xurmo la’anta wixii Xeer ama Sharci ah oo hortiis Dalka ka jirey, laftiisana lagu doortay oo xilka loogu dhiibey, iyo xulashada koox sharci darradaas ku oggol oo ugu adeegta oo rabitaanka shakhsigaas mooyee an wax kale ka hadlikarin;
  • Doonista iyo falkinta farsamo kasta oo uu ku kororsado muddadii xil-haynta ee loogu talagalay, laguna doortay, xataa haddii ay farsamadaasi la gasho inuu ku duulo Beelo ama Maamullo Soomaaliyeed oo daris la ah degaamada uu xukumo;
  • Uruurinta iyo Hubeynta dhallinyarada gaashaan-qaadka ah ee Beesha isagu ka dhashay oo ku abaabulan inay kursiga adeerkood daafacaan oo ku dhintaan, waxa ay helayaan ama ku haystaanna tahay mushaar askari oo keliya;
  • Diidmada ama ka-dabaalashada rabitaanka Shacbiga uu talada u hayo, oo kolleyba an lahayn dariiq Sharci ah oo ay u maraan ama ku muujiyaan wixii ay ka doonayaan madaxda masuuliyadda u haysa, iyo wixii dhaliil ah ama cabasho ah oo meel ay geeyaan iyo cid ay u geeyaan toona aysan jirin, marka laga reebo Isimka iyo Odayaasha dhaqanka oo keligood ka hadlikara danaha Beelohooda;
  • Qodobbadaas an kor ku sheegnay iyo kuwo ka liita ayaa sabab u ahaa, seddex maamul oo is-beeley iyo 14 sano kaddib aasaaslii Punt Land, inuu weli noo jiro Maamulkii Toleed oo la isku ogaa inuu jirayo seddex sano oo ku-meel-gaar ah, oo qoladii xilka loo dhiibey noogu xilsaarnayd inay ku diyaariso Dawlad run ah oo Dastuur buuxa leh, oo Shacabku Madaxdiisa toos u soo doorto;

IX.   Arrintaas Dastuurka iyo Dimoqraaddiyada waxaa maamulka Faroole ku soo kordhiyey haddaan dhawr qodob ka soo qaadanno waxaa noo muuqda:

  • Axdigii ku-meel-gaarka ahaa ee Punt Land lagu aasaasay markuu dhammeystay seddexdii sano ee cimrigiisu ahaa, wixii lagu beddeli lahaana la waayey isagu waa jiritaan beelay, sida la wada xusuusan yahayna maamulkii xilka hayey wuxuu diyaariyo qoraal degdeg ah oo laga ansixiyey barlamaanka, laguna sheegay Dastuur ku-meel-gaar ah, hase yeeshee Shacabka intiisa badani waa ku diiddey farsamadaas, waxaana ka dhalatay khilaaf iyo dagaal sokeeye oo mood iyo noolba khasaare lixaad leh geystey, kaddibna waatii labadii garab ee look ala jabay Odayaashii kala hoggaaminayey miyirka Alle ku soo celiyey oo ay iskood u heshiiyeen, si sharaf iyo ammaan mudanna garabyadii isugu soo celiyeen, iyadoo qodobbadii heshiiskaas lagu saleeyey midnimada iyo jiritaanka Punt Land iyo Dastuurkii degdegga ahaa ku-meel-gaar loogu dhaqmayo la isla qaato ilaa xilligii ay suurto gal noqoto in Afti rasmi lagu ansixiyo;
  • Maamulkii Cadde Muuse oo Dastuurkaas ku-meel-gaarka ah lagu soo doortay markuu xilka la wareegey wuxuu ballan qaaday inuu Aftidii iyo Axsaabtiiba hirgelin doono, hase yeeshee ma muujin dadaal iyo rabitaan toona, inkastoo uu sannadkii xilkiisa ugu dambeeyey uu guddiyaal dib-u-eegis Dastuur sameeyey, wixii soo diyaariyeenna uu Barlamaanka ka ansixiyey;
  • Maamulka Faroole markuu xilka la wareegey wuxuu hawlgalkiisa ka bilaabay inuu Barlamaanka ka soo ceshado Dastuurkii ay hore u ansixiyeen oo Aftida dadweynaha keliya sugayey, si degdeg ahna wax uu ka beddelo iyo wax uu ku darsadaba u dhammeeyey, isla laba bilood gudohoodna labada Goleba uga soo ansixiyo, kaddibna boorsadiisa ku xirto oo an dib dambe warkiisa loo maqal;
  • Waa isla dhaqankii Odayaashii hore iyo damacoodii muddo-kororsiga looga bartaye, Faroole markuu labo sano iyo siddeed bilood xilka hayey ayuu bilaabay sheekadii Dastuurka iyo Dimoqraaddiyada;
  • Wuxuu ka bilaabay inuu magacaabo xubno u badan shaqaalaha maamulkiisa oo uu ku sheegay inay noqonayaan Guddiga Doorashada Punt Land, oo hal qof ah mooyee inta aysan buuxinkarin shuruudaha dhexdhexaadnimada, si cadna ay uga muuqato inaysan ka madax bannaanayn rabitaanka Odayga;
  • Tillaabada labaad wuxuu ka dhigay inuu muddada xil-haynta maamulkiisa inuu ku kororsado hal sano isagoo ku saleynaya Dastuurkiisa la ansixin doono oo uu ku qortay muddada xilka Goleyaashu inay noqon doonto shan sano, iyadoo si looga hortago muran iyo qaylo ka timaadda dadweynaha iyo ciddii mucaarad ku ah isaga iyo madaxnimadiisa, uu diyaariyey qoraal sheegaya in jiritaanka maamulkiisu yahay shan sano, labada Golena ka ansixiyey, Lifaaq Dastuurka la socda oo lala ansixin doonana laga dhigayo;
  • Tillaabada seddexaad waa cidda ansixinaysa Dastuurka iyo Lifaaqiisa muddo kordhinta oo noqonaya dad dhawr boqol ah oo Gobollada laga keenayo oo ay soo xulanayaan Odayga, Wasiirradiisa, iyo Guddoomiyeyaasha u magacaabay, nooca dadkaasina waa inay noqdaan kuwo wixii loo keenaba gacan-taag ugu codeynaya, gunnadooda yarna daneynaya oo keliya!;
  • Shirqoolka Garoowe qaybtiisa weli qarsoon waxaan  saadaal ahaan ka sii sheegaynnaa, berrina ad nala arkidoontaan, iyado Maxamed Xasan Barre iyo saaxiibbadiis ansixiyeen 3 ama 5 Xisbi oo Oday Faroole wada leeyahay, oo ku kala qoran Isaga iyo xubno raggiisa ah oo araan Jaan iyo ilma Madaxweyne ka kooban, wixii Xisbi ah oo ay la timaaddo cid kalena lagu horjoogsadey Xeerka Shimbirolaaye!;
    • Qorshaha noocaas loo dhigay oo maamulka Faroole ilaa maalintii xilka loo dhiibey uu kas iyo ku talogal u jeexday hadduu moodayo waddo haloosi ah oo guul iyo xarrago ugu dhammaandoonta, waxaan oron lahayn inta goori goor tahay odayow hurdada ka toos, oo hareerahaaga dhugo, oo waxa ad falkinayso Dadka reer Punt Land waa arkaan, waana garanayaan, meeshaad u socotana waxaad ugu tegaysaa waa fashal, guuldarro, iyo burburka Punt Land, waayo markaad ku tashato inaad masiirka ummadda keligaa marooqsato waa hubaal waxaad ka dhaxahsaa oo waa in lagaa tashado oo jidkii Khaatumo loo dareeraa;

Talo-Wadaag ama Kala-Tashi

A)     Reer Nugaaleed guud ahaan, iyo gaar ahaan Islaan Ciise Islaan Maxamed oo annagoo dhan Mudan noo ah, waxaan Qaylo-Geys uga nahay shirqoolka iyo talo-marooqsiga maamulka Faroole ka wado Garoowe ee an qoraalkaan uga soo xog-warrannay, oo dhammaan Gobollada Punt Land ka koobantahay bilahaan la soo ghaafay looga hadlayey, oo lagu codsanayey in maamulku shacabkiisa siiyo xaqa ay u leeyihiin ka qayb galka tashiga aayohooda, gaar ahaan arrinta Dastuurka iyo habka loo marayo Ansixintiisa,

Waxaa la wada oggolyahay oo raalli laga yahay Dalku inuu Dastuur yeesho oo laga gudbo Maamulkii Tolka ee la sameeyey 1998dii, loona gudbo Dawlad Dastuuri ah oo shacabku codkiisa uga qayb galo masiirkiisa iyadoo la marayo nidaamka Axsaabta Badan oo Dimoqraaddiga ah;

Waxaa la garowsan yahay duruufaha khasbaya in Shirweyne la mid ah midkii Punt Land lagu dhisay laga Waco Garoowe oo Dastuurka lagu ansixiyo;

Waxaa la doonayaa in Talada la Wadaago, oo xurmo iyo tixgelin ayaa Dadka deeqikartee, talo-marooqsiga iyo Anaa Iri-da la joojiyo;

Haddii maamulka Faroole Talo-Wadaag diido, waaba diideye!. oo ay ku filan tahay Oday Siyaasi ah inuu la heshiiyey, odayaal Baaleed oo koobanna uu si gaar ah Haabeen dhoweyd ula faqay, waxaa naga Ergo ah in foolxumadaas laga fiirsado, oo Shacabka laga daayo, oo gaar ahaan Mudug laga daayo;

Haddaan xaajadaas la dabaqaban waxaa xigidoona in Cid waliba Aayeheeda gaar uga tashato oo Gobollada hadderba sii firdhayaa ku dhiirradaan jidkii Khaatumo iyo Casayr Land, ama ka sii fogaadaan;

Nugaal iyo maamulka Faroolana waxaa hor imaandoonta jawaabtii Maxamuud Geelle Yuusuf ka bixiyey mar la su’aaley qiimeynta Kacaankii oo ahays isagu ilaa aakhirkii inuu aaminsanaa in Kacaanka iyo Hoggaankiisuba toosan yihiin, laakiinse ay dib ka caddaatay inay habowsanaayeen, waayo ‘’Qaran dhisan oo ay habeen la wareegeen ayaa Gacantooda ku Burburay’’;

B)     Gobolka Mudug wuxuu soo maray seddex marxaladood oo kala ahaa xilligii Gobannimada la qaatay oo Qaranka Soomaaliyeed dhismay oo Dalka loo qaybiyey siddeedda Gobol oo Mudug noqotay afarta Degmo oo kala ah Hobyo iyo Ceelbuur oo koonfurta Mudug la yiraahdo, iyo waqooyiga Mudug oo ah Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, marxaladda labaad oo ahayd markii Kacaankii Maxamed Siyaad uu kala gooyey oo ka dhigay Mudug iyo Galguduud oo mid waliba afar Degmo ka kooban tahay, iyo marxaladda seddexaad oo markii uu Qarankii burburay, Qabyaaladdii iyo Dagaalkii Sokeeyena Soomaaliya ka holceen loogu kala soocmay Qabiilka iyo Sinji-Raaca, kaddibna ay abuurmeen Maamullada Tolka ee Punt Land, Soomaali Land, iyo wax la mid ah oo ilaa iyo manta weli lagu suganyahay, oo haddana weli la moogyahay, ama la is moogeysiinayo inaan waddada qabiilka Qarannimadii lagu gaarikarin, laguna gaaridoonin, saas darted ciddii seddexdaas marxaladood soo joogtey su’aal an laga maarmidoonin ayaa hor taale waa inay mar uun wax iska weydiiyaan;

Waxaa kale oo reer Mudugga Punt Land u yaal inay dib u eegaan sababta Oday Cabdullaahi Yuusuf Gobolladu ugu sinnaayeen oo uu Mudug wax gaar ah ugu qabanwaayey, oo Cadde Muuse Bari ugu eexday (Garoonka, Maxjarka, Sunami, dayactirka Waddada, iyo mashaariic yaryar oo kale)? Maxaase Oday Faroole ugu mintiday Garoowe oo keliya, Dalka intiisa kalena madaxa uga duubtay, marka lagu daro Nugaal inteeda kale?;

Ugu dambeyn abaabulka Mudug ka socda oo shalay ku jiheysnaa inuu codkiisa maqashiiyo maamulka Faroole, oo gaarsiiyo Talo-Wadaagga iyo Caddaaladda keliya inuu ku ansixinkaro Dastuurka iyo Dimoqraaddiyadda muddada dheer la sugayey, waxaa muuqata abaabulkaasi maanta inuu u jiheysanyahay ‘’Faroole waa naga tashadee xaggee Talo kale ka doonnaa iyadoo Tolnimada iyo wada Dhalashada Mudug iyo sideedii u jirto, una jiridoonto?’’; Taladaasna waxaa ka mid noqonkara in Mudug lagu celiyo sidii ay ahaanjirtey xilligii Gumeysiga iyo markii Qaranka Soomaaliyeed Dhashay;

C)     Qarannimadii Soomaaliya oo in la soo celiyo geed dheer iyo geed gaabanba loo fuulay, sokeeye iyo shisheeyena iyagoo an u kala harin la baadigoobay, ilaa iyo haddeerna la soo waayey, waxay nala tahay inay ka dhowdahay in dib loogu noqdo halkii Isticmaarku uga tegey, kaddibna raadkeeda halkaas laga soo raaco, oo meeshii ay ka weecatay laga soo toosiyo, halkaasna waddada toosan laga soo ambaqaado, taladaasna waxaa fursadda ugu fiican oo 20kii sano oo la soo maray haysta Dawladda TFG ee hadda xilka haysa, oo Soomaaliya u horseedi karta Nidaamka Federaalka oo ku saleysan siddeeddii Gobol ee 1960kii oo lahaan jirey Xudduudo an Qabiil ku dhisnayn sida maamullada hadda jira oo Soomaalidii u kala soocantahay qabyaaladda, weligeedna an Qarannimo lagu gaaridoonin!.

Cabdirisaaq Shiikh Cismaan – Cali Baadiye

Wakilka Golaha Siyaasiga Mudug

 reydabqacley [A T ] hotmail . co . uk

Qaybtii Koowaad ka akhri Halkan
 

Qoraalladii hore ee Cali Baadiye


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;