Home » Warar
Ciidamada Midowga Africa AMISOM oo weriye u shaqaynayey BernamaTV ku diley Muqdisho
War deg deg ah Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo rasaas ku furay
Gaari ay la socdeen Dhaqaatiir ajaaniib ah oo ka soo jeeda mid ka mid ah
wadamada asiyada fog.
Risaas ay fureen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa sababatay
dhimashada camiraman u shaqeeynayey BernamaTV oo saarnaa gaari ay wateen
dhaqaatiir u dhalatay dalka maleysiya xili ay marayeen inta u dhaxayso
Garoonka diyaaradaha...
Walaalo Soomaaliyeed oo ku Nool Ingiriiska oo Deeq lacageed soo Gaarsiiyey Caruur Agoon ah
Iyadoo weli ay socdaan gargaarka la gaarsiinayo dadka ku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaliya ayaa Deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Walaalo Soomaaliyeed oo ku nool Cariga Ingiriiska oo kala ah Yuusuf Garabeey iyo Cismaan Cabdi Xasan Black .
Deeqdaas oo gaareysey Saddex Boqol oo Doolar ayaa la gaarsiiyey Caruur Agoon ah oo si aad ah ugu dhibaateysnaa Magaalada Muqdisho waxaana Deeqdaan Gacanta ka...
Ardaydii ka qalinjabisay Raabidada Caalamiga ah ee Azharu-Shariif oo doortay guddomiye
Waxaa guddoomiye doortay ardaydii ka qalin-jabiyay Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif, kaddib kulan ay maanta oo Khamiis ah ay ku yeesheen hoteelka Bakiin ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay 50 ruux oo ahaa dadkii kasoo qalin-jebiyay Al-Azhar, waxayna guddoomiye u doorteen ustaad Mukhtaar Maxamed Yuusuf kaddib markii loo qaaday cod qarsoodi ah isagai yo xubno la tartamayay.
Halkan ka...
Gurmadka abaaraha iyo doorka ay kaqaateen jaaliyada Copenhagen.
Wadanka Denmark gaar ahaan Caasumada wadankaas ee Copenhegan ayaa jaaliyada degan halkaasi waxaay deeq gaarsiiyeen walaalohooda ay abaaruhu halakeeyeen ee koonfurta soomaaliya.
Deeqdaas oo ahayd lacag gaareysa 20.000$ waxaana loo wakiishay inay qaybiyaan Markazka Ibnu-baz ee Magaalada Muqdisho.
Nooca cuntada laqaybiyey ayaa waxay ka koobnaayeen Bariis,bur iyo saliid.
Raashinka waxaa lagaarsiiyey Gobolka...
Madaxweynaha DFKMG oo kulan la qaatey Wafdi ka socdey Hayadda Qaramada Midoobey UNHCR
Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa Xafiiskiisa ku qaabilyay Wafuud uu Hogaaminyayo Madaxa guud ee Hayada UNHCR Mudane António Guterres.
Madaxa UNHCR António Guterres ayaa sheegtay in booqashadiisa Magaalada Muqdisho ay tahay mid uu ku muujinayo taageeradiisa uu la garab taagan yahay shacabka iyo Dowlada Soomaliya.
António Guterres ayaa sheegay in Wakiilkiisa...
Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq gaarsiisay Tuulada Madax Waraabe oo ka tirsan Degmada Xudur ee Gobalka Bakool.
Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa waxay deeq gaarsiisay Tuulada Madax Waraabe oo ka tirsanTtuulooyinka Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool
Dadka Tuulada ku nool cadadkooda waxaan lagu qiyaasi karaa ilaa 200 Qoys intooda badan waxay ahaayeen dad Xoola Dhaqato ah balse ay si ba’ani Abaari ugu dhufatay waxaa ka dhamaaday dhamaan xoolihii, Runtii waa dad ay daruufi...
Sawirro: Sidii looga ciidey Toronto, Minneapolis, Columbus, Switzerland iyo Shiinaha
Muslimiinta ku dhaqan daafaha caalamka ayaa Talaadadii u dareeray salaadda Ciidul Fidriga. Hoos ka daawo sawiro kamid ah qaybo kamid ah sidii looga ciidey Toronto, Minneapolis, Columbus, Shiinaha iyo Jaamacadda Muqdisho oo Zakatul fidri qaybisay….
Hambalyada Ciidda iyo Toronto Canada…
Toronto:-Waxaa maalinkii Talaadada oo ay ah taariikdu ahayd August 30,2011 lagu tukaday Markazka weyn ee...
Gudiga Culimada iyo Ganacsatada Gurmadka Degdega ah oo qeybiyay Deeq lacag ah oo ka soo gaartay qaar ka mid ah Soomaalida ku Dhaqan Dalka Newsland.
Gudiga Culimada iyo Ganacsatada Gurmadka Degdega ah oo qeybiyay Deeq lacag ah oo ka soo gaartay qaar ka mid ah Soomaalida ku Dhaqan Dalka Newsland.
Deeqdaan ay Gudiga Culimada iyo Ganacsatada Gurmadka Deg dega ay qeybiyeen ayaa waxaa soo gaarsiisay Gabadha lagu Magacaabo Farxiyo Awbaari taasoo Cadadkeeda Gaarayay $4,000 (Afar kun oo Doolar ah ) ayadoo horay Gudiga u soo Gaarsiisay $1,000 (kun Doolar...
Ciidamo ka tirsan Xarakadda Al Shabaab oo Dhulatus ku sameeyey Magaalada Muqdisho intii lagu guda jirey Ciidul Fidriga
Iyadoo weli ay sii Socoto faxadii iyo Damaashaadkii Ciidul Fidriga ayaa Ciidamo ka tirsan Xarakadda Alshabaa waxay Dhoolutus balaaran ka sameeyeey Qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho gaar ahaa wadooyinka ku dhow dhow Xeradii Hore ee Masalax ee Suuqa Xoolaha oo ay weli ku xoogan yihiin Xarakadda Alshabaab.
Ciidamo aad u fara badan ayaa wata Noocyadda Hubka ee Garbaha laga rido ayaa markii hore waxay...
Reysala wasaare ku xigeenka DFKMG Cabdi wahaab oo qaabilay wasiirad.
Wasaiirada Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga Gunnille Carlsson ayaa waxay tagtay magaalada Muqdisho iyadoo lakulantay Press conference Acting Prime Minister H.E. Abdiwahab Ugas Hussein.
Wuxuu yiri wasiirku waxaan isku afgaranay inay umada dhibaataysan caawinaan iyagoo horayna u caawini jirey waa siduu hadalka udhigaye.
Waxaana muuqata ayuu yiri maadaama ay wasiiro imanayaan in muqdishii xortahay maanta.
Reysal...
Sidii looga ciidey wadanka Switzerland ee Magaalada Zurich
Waxaa maanta oo ahayd maalin barakaysan eecaalamka islaamka oo dhana laga ciiday bulshada islaamku qolo waliba ay hadana si gaar ah u ciiday oo ay Maalintan qaaliga ah u maamuustay Hadaba sidee looga ciiday wadanka switzerland Gaar ahaan Magaalada Zurich.
Waxaa Xaflad wayn i ka dhacday oo lagu maamuusay Maalinta ciidul Fidriga wadanka Switzerland xafladan oo...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Salaadii Ciida Dadweynaha Burtinle halkaa kula Tukadey
Raiisul Wasaare Dr.Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqosho ku tagay magaalada Burtinle halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay xilli ay maanta ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga waxaana Raiisul Wasaaraha uu Salaada Ciida ku Tukaday Magaalada Burtinle. Maamulka Burtinle ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu Deegaanka soo booqdo Raiisul Wasaaraha Dowladdda Federaalka Soomaaliya...
Walaalo Soomaaliyeed oo ku Nool Magaaladda Orebro Dalka Sweden oo Deeq lacageed gaarsiiyey Goobaha loo Barakacay
Walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Sweden gaar ahaan Magaaladda Orebrto ayaa Deeq ay iska soo ururriyyeen waxay gaarsiiyeen Walaalahooda ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho gaar haan Goobaha loo Barakacay .
Deeqdaan ayaa walaalaha Maqan u soo wakiisheen inuu uu ka gaarsiiyo dadka Dhibaateeysan Walaalka Faarax Shidane oo ku sugan Dalka Sweden halka uu isna u soo Wakiishay inuu u qeybiyo...
Madaxweyne Shiikh Shariif oo Salaadii Ciidda Fidriga kula Tukadey Xarunta Madaxtooyada Xubno ka tirsan Dowladiisa iyo Marti Sharaf kale
Iyadoo maanta ay tahay maalimtii Koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa inta badan Soomaaliya si weyn looga ciidey hadii aan fiirino dhinaca Madaxtooyadda ee Filla Soomaliya waxaa Salaadii Ciid lagu tukadey Masjid ku dhexyaal Xarunta Madaxtooyada oo lagu magacaabo Masjidka Shuhaddaa waxaana kala qayb galey Madaxweyne Shiikh Shariif iyadoo ay ku wehliyeen qaar ka mid Xidhibaanada Baarlamaanka ,...
Sidii looga ciiday wadanka Denmark gaar ahaan(Randers)
Wadanka Denmark ayaa maanta laga wada ciidey Ciidul-Fidrigii,gaar ahaan waxaa muslimiinta degan magaalada Randers aykuwadaciideen hal meel muslimiintaas oo kakooban Soomaali,Carab, Afgaanistaan iyo african aykamidyiin Kongo sa,iir.
Tagbiirtii kadib ayaa waxaa bilaabmay salaadii oo loo istaagey kabacdina waxaa khudbad qiima badan halkaa kajeediyey Khadiibka magaaladaa Sheekh Cabdalla Alcarab.
Markii...
Heshiis Iskaashi oo Garoowe ku Dhexmaray DFKMG iyo Puntland
Waxaa magaalada Garoowe heshiis ku Dhexmaray DFKMG iyo Puntland. Waxaana qodobada lagu heshiisay saxaafadda u akhriyay Dr. Axmed Caydiid Ibrahim, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka KMG ah.
Hoos ka akhri qodobada heshiiska:
SII AKHRI…
Read More →
Minneapolis: Xarunta Abubakar oo direysa Tahniyadda Ciidda iyo Goobta Salaada Ciida
Taqabalalaahu minaa wa minkum Saalixal Acmaal, Ciid Mubaarak, Ciid wanaagsan.
Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center Culimmadeeda iyo Maamulkeeda waxay muslimiinta u dirayaan hambalyada Ciidul Fitriga sanadka 1432 ee Hijradii Nabiga kadib. Waxaan idin leenahay ku ciida farxad iyo ammaan meelaad joogtaanba.
Read More →
Columbus, Ohio: Hambalyada Masjid Ibnu Taymiyah iyo goobta lagu tukanayo ciidda
Muslimiinta ku dhaqanmagaalada Columbus ee gobolka Ohio iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargelinayaa in salaadda Ciidda lagu tukanayo goobta hoos ku qoran:
Wixii faahfaahin dheeraad ahna La xiriir:
Masjid Ibnu Taymiyah Ohio USA
ama wac telefoonka hoos ku qoran:
Khariiddada hoose ka eeg goobta lagu tuknayo salaadda ciida iyo waqtiga la tukanayo.
CIID MUBAARAK…..
Read More →
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo umaddaha Muslimiinta farxada ciidul Fitriga owgeed hambalyo u diraya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa ummaddaha Muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed hawada u marinaya dhambaal ku aadan hambalyada farxada Ciida Soonfureed (Ciidul Fitr).
Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan farxada Ciida wuxuu si gaar ah hambalyo...
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Spain iyo wefdi ay hogaamineysay
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Spain Mrs. Soraya Rodrigas waxaana sidoo kale ku wehliyay safiirka Spain u fadhiya dalka Kenya iyo xubno ka socday hay’adda cuntada adduunka ee WFP.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo...
Masaajidka Abubakar As-saddique ee Minneapolis iyo habeenkii 27 aad ee Bisha barakaysan ee Ramadaan.
Masaajidka Abubakar As-Saddique oo ah Masaajidka labaad ee ugu wayn Maraykankaa sida cilmi baaris lagu wado Xarumaha Islaamiga ah oo ku yaar Maraykanka oo soo bixi doonta dhowaan ay hor dhac ahaan u tibaaxday, si wanaagsan oo dagan waxaa AAIC uga socday barnaamijta Rammadaanka, tobankii bari oo hore Sh. Maxamed Idris iyo bisha Ramadaan ayaa si wada jir ah usoo martiyey Masaajidka abuubakar, Sh. Maxamed...
Shacabka Muqdisho oo Ciidaan ugu soo Beegantey iyagoo ay isugu Darsameen Abaar , Colaad iyo Cuduro
Dadweynaha Muqdisho ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyey ee ay isugu Diyaarinayaan Ciidul Fidriga waxaana Suuqyada Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo Mushquul waxaana isku garbinayo dad fara badan kuwaas oo doonaya in ay si farxad leh ugu qaybqaataan Ciidul fidriga
Ciida oo la filayo in ay dhalato maalinta Berri Talaado ah ayaa waxaa sidoo kale Mashquul ah Xarumaha lagu iibiyo waxyaabaha...
Deeq lacag ay soo Direen Jamaacada Masjidka Ibnu Cutheymiin ee Dalka Ingiriiska gaar ahaan Xaafadda Leicester.
Deeqdaan ay iska soo ururiyeen Jamaacadda Masjidka Ibnu Cutyeymiin ee Dalaka Ingiriiska Gaar haan Xaafadda Leicester ayaa waxay ugu tala galeen in ugu gargaaraan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaateysan oo ku waxyeeloobey Abaaraha Dalka ka jira.
Qeybinta Deeqdani lacagta ah ayaa waxaa loo soo Wakiishay Sheekh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka dhibaateysan oo si aad ah ugu baahnaa uguna soo beegantey...
Shirkadda SKA Soomaaliya oo si kulul u Beenisey in Diyaaradaha Sida Gargaarka ay ku soo Rogeen Khidmad .
Shirkadda SKA ee Soomaaliya oo Hka Howl gasha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho ayaa si kulul u beenisey Warar ay faafiyeen qaar ka mid Waraabinta Soomaalida taasoo ku aadaneyd in Shirkadda SKA ay Khidmad ku soo rogtey Diyaaradaha Gargaarka u sida dadka Soomaaliyeed ay Abaaraha Saameeyeen waxayna Warkaas ay shirkadda ku tilmaantey kuwa aan Sal iyo Raad toona lahayn.
...
Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo Gaarey Magaalada Garoowe islamarkaana Kulan Saddex Geesood uu la yeesheey Maamulka Puntlanad
Waxaa maanta Magaaladda Garoowe ee Maamulka Puntland gaaray wafdi balaaran oo uu Hogaaminayey Madaxweynaha Dowladda Federaal KMG Sharif Shiikh Axmed waxaana Garoonka Garoowe ku soo dhaweeyey Raiisul Dowladda Federaalka oo maalmahaan ku sugnaa Magaaladda Garoowe iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Wafdiga Madaxweynaha DFKMG ayaa kulamo la yeesheey Masuuliyiinta Maamulka...




