Home » Warar
Cabdi Qaasim Salaad Xasan “Baarlamaanka Go’aan kaliya lagama Rabo ee waxaa laga Rabaa in uu Maxkamad soo taago kuwii ka dambeeyey Heshiiskii Hore ee Badda iyo kuwa Hadda ku Howlan ”
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa isna ku biiriyey Codkiisa ololaha looga soo horjeedo in Baddda Soomaaliya la xadeeyo taasoo ay ku Howlan yihiin Xubno ka tirsan Dowladda Fedraalka islamarkaana ay soo Bilaaban tahay xiligii uu Raiisul Wasaaraha Dalka ka ahaa Cumar Cabdirashiid. Sii AKhri
Halkan hoose ka dhegeyso codkii Madawenihii hore ee soomaliya
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/Cabdiqaasim.mp3]
SII...
Cabdullaahi Shiikh Xasan Caddow (Ashhad) oo isku soo Sharaxay Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho
Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Ashhad) oo ka mid Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku biirey Xubnaha isku soo sharaxay Xilka Gudoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ah Xilka marka la fiiriyo Muhiim u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaan maadaama Gobolka Banaadir ay ku nool yihiin dad gaaraya ilaa Saddex Milyan oo qof
Mar aan wax ka weydiiyey Sababta uu Xiligaan uu isugu...
Xukuumadda oo shacabka ugu baaqday inay feejignaadaan, iyadoo Turkiguna u soo gurmday dadkii ku dhaawacmay qaraxa
Ku-Simaha Ra’iisul-wasaaraha ayaa shacabka ka codsaday inay noloshooda caadi ka dhigaan. “Cabsida ugu weyn ee ay argagixisada qabaan waa in nabadda iyo noloshu caadi ku soo noqdaan. Waxay u arkaan inay nabaddu tahay cadowgooda koowaad. Waa inaynaan u oggolaan inay hadafkooda ku guuleystaan,” ayuu yiri Mudane Cabdulwahaab Ugaas Khaliif.
Ku-simaha wuxuu hadalkaan jeediyay kaddib markii uu soo gabagaboobay...
Baaq iyo Cambaareyn Qaraxii Muqdisho ee 70 qof ku dhinteen
Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Cali Kaar oo Cambaareynaysa Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
Waxay hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Cali Kaar aad uga xuntahay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Xaruntii Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha ee ay ku baabe’een dad badan oo Ardey u badnaa oo aanan waxba galabsan.
Dadka Qaraxaas ku baaba’ay...
DFKMG oo ku dhawaaqday 3 maalmood oo baroordiiq ah, iyadoo dhimashada qaraxiina ay korortay
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG aya au qoraa sidan:
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo loo sameynayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxii shalay ee uu dhiigga badan ku daatay ee ay ku geeriyoodeen tobannaan qof, ayna ku dhaawacmeen tiro kale.
“Madaxweynaha wuxuu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo loo sameynayo dadkii...
Xarun ay Degenaayeen ilaa Sideed Wasaaradood oo Dowladda Federaalka ka tirsan oo lala Beegsadey Qarax Ismidaamin ah (Warbixin)
Talaadadii Markii ay saacadu tahay Afartii iyo Barkii Subaxnimo ayaa Xarun ay Degen yihiin Dhowr Wasaaradood taasoo loo yaqaan Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo ka soo horjeeda Xarunta CID Waana Goob si aad ah loo ilaaliyo waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah ka dib markii Gaari Xamuul uu galey Xaruntaas oo marka ay ahayd meel aad u mushquulsan waayo waxaa waayadaan Mushquuliyey ardey fara badan oo...
Golaha Wasiirada oo shir aan caadi aheyn ka yeeshay Qaraxii maanta
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:
Golaha Wasiirada
Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan deg deg ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho iyagoo kaga hadlay falkii lagu beegsaday Xaruntii Harkaha iyo Saamaha ee KM4 halkaasoo fariisin u aheyd qaar ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumada, gaar ahaana kuwii adeega Bulshada.
Shirkan oo ahaa aan caadi...
Kulankii Baarlamanka oo Cod ah Halkan ka Dhegeyso
Baarlamaanka ayaa Isniintii dhegeystey Admiral Faarax Qare iyo Shiikh Aadan Madoobe… Waxaana baarlamaanku u ballamay in ay doodda ku saabsan badda sii wadayaan maalintii saddexaad… Dhegeyso
Read More →
Warbixin ku saabsan Afduubka Marie Dedieu oo u Dhalatey Faransiis oo laga soo afduubey Xeebaha Kenya
Deegaanka Xarar Dheere ayaa waxaa waayadaan dambe ay Hoy u noqotey in la keeno Deegaankaas Maraakiibta laga soo afduubo Xeebaha Soomaaliya hase yeehee waxaa waqtiyadaan Dambe ku soo biirey in Deegaankaas la keeno Dadka Ajaaniibta ah ee iyana laga soo afduubo Xeebaha Dalalka Dersika la ah Soomaaliya waxana dhawaan Deegaankaas la geeyey Haweeney u dhalatey u Wadanka Ingriiska ka dib markii laga soo...
Admiral Faarax Qare oo ka hor Hadley Kulankii Baarlamaanka Soomaaliyeed sheegeyna in Badda Soomaaliya Duulaan lagu yahay
Waxaa kale oo Baarlamaanka hadal ka jeediyey Gudoomiyihii Hore Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe… iyo Baarlamaanka oo Dooda Badda u ballamay in ay sii wadayaan maalintii saddexaad… Sii AKhri
Read More →
Wasiirkii hore ee Badda: “Xadaynta Cusub ee EEZ waxaa gacan ku leh Hay’ado Shisheeye, sida Heshiiskii Is-afgarad (MoU)”
Wasiirkii Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG ee xukuumaddii Farmaajo oo waraysii ku saabsan badda Soomaaliya siiyey VOA ayaa dhaliilay qodobka Roadmap-ka ee xadaynta EEZ… Sii Akhri
Read More →
Hayadda Human Care oo Tababar ku saabsan Habka ugu Casrisan ee loo Baaro HIV/AIDS U Qabatey Shay-Baariistayaal
“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…
Hayadda Human Care oo ah Hayad ka shaqeysa Gudaha Dalka iyadoo kaashaneysa Shirkadda SD (Standard Diagnostics INC ) oo ah Shirkada ka ganacsata qaybaha kala...
DFKMG marna ma aqbalin mana taageerin dacwooyinka uu wado Peter King.
Warsaxaafadeed Ka soo Baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, Axad October 2, 2011:
Mudanaha Aqalka Mareykanka ee Peter T. King, ahna Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Amniga ayaa dhowaan ku shaaciyey boggiisa internet ka in Dowladda Soomaaliya ay taageereyso dacwadaha ka dhanka ah Muslimiinta ee uu wado. Dowladda Soomaaliya marnaba ma taageerin dacwadaha is-daba jooga ah ee uu ku dhawaaqay bishii...
Abwaan Badmaceeye: “Baddeenu Ma Gadanto Mana Is Dhinto”
Maxamuud Warsame Faarax oo ku Magacdheer Badmaceeye oo ka mid Siyaasiyiinta Soomaaliyeed isla markaana ah Abwaan Soomaaliyeed ayaa wax ka weydiiyey arrimo la xiriira Duulaanka la rabo in lagu soo qaado Badda Soomaaliya taasoo ay wado Dowladda Federaalka Ku meel Gaar iyo Dowlado Shisheeye maadaama uu hore wax uga yiri Wejigii hpre ee lagu doonayey Badda Soomaaliya in lagu boobo isla markaana ka tiriyey...
DFKMG oo kordhineysa ciidamada ilaaliya xeryaha barakacayaasha
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa kordhienysa Ciidamada Gaarka ah iyo Ciidamada Deegaanka ee ka howlgalaya xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho, kuwaasoo xeryaha ka howl-geli doona habeen iyo maalin si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah barakacayaasha.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay maanta booqdeen Xerada Badbaado oo ah tan ugu weyn magaalada...
Shir looga hadlayay Mabda Xagjirnimada iyo saameynta ay ku yeelan karto Soomaalida qurba joogta oo lagu qabtay Holland.
Shirkani oo ahaa mid aad u ballaaran oo looga hadlayay saameynta mabda xagjirnimada ay ku yeelan karto dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa lagu qabtay magaalada Deh Haag ee xarunta siyaasadda wadanka Nederland, waxaana ka soo qeybgalay Aqoonyahano Soomaaliyeed iyo Ajaaniib lagu casuumay.
Shirkani ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Dalmar Foundation ee xaruntiisa tahay dalka Nederland...
Channel4: DFKMG oo iska indha tireysa Kufsiga lagu hayo Dumarka ku sugan Kaamka Badbaado, Muqdisho
Sidaas waxaa sheegay Telefishanka Channel 4 ee dalka UK oo si aad uga hadlay dhibaatada xooga weyn ee ka taagan xerada barakacayaasha ee BADBAADO, dhibaatadaas oo ah ah ay halkaas ka taagan tahay kufsasho aad u ba’an oo lagula kacayo dumarka soo barakacay, arrintaas oo u dheer gaajada iyo cunto laann dadka haysata.
Xeradaan waxaa la sheegay in dumar badan lagu kufsado xeradaas, 10 dumar ah...
Wasiirka Badda oo fara galiyey Xornimadii Wadanka, Jabinayana Sharciga Badda Soomaaliya
Wasiirka Badda oo sheegay in Badda Soomaaliya xad lahalan – Shirkii Wadatashiga ayaa waxaa loo qabtay 19-ka December (2011) in laga hadlo EEZ-ka, taako badda ah lama dhiibi doono, waxaana ahay ninka masuulka ka ah badda. SII AKHRI…
Read More →
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo lagu casuumay Machadka daraasaadka Arrimaha Dibedda ee Denmark
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG aya atibaaxay sidan:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Professor Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka qeybgalay kulan ay Machadka daraasaadka Arrimaha Dibedda ee Denmark soo qabanqaabiyeen, halkaas oo uu ka jeediyey khudbad ama cashar xiiso badan oo uu ugu talo galay ardayda Jaamicadaha ee dalka Denmark. Kulankan ayaa waxaa goobta ku soo...
Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Urur Goboleedka IGAD iyo Bankiga Horumarinta Afrika Ee Lagu Qabtey Caasimadda Dalka Jabuuti.
Aqoon is-weydaarsi socodey laba maalmood oo ay ujeedadiisu ahayd bilowga mash-ruuca ka hortaga abaaraha iyo horumarinta xoolaha ee Geeska Afrika oo socon doona mudo 3-sanno ee soo socota, isla markaana ay si wada jir ah u sooqaban qaabiyeen Urur Goboleedka IGAD iyo Bankiga Horumarinta Afrika oo ay ka soo qayb galeen khubaradda xannaanada xoolaha, Beeraha IWM ee wadamadda Urur goboleedka IGAD, xubno...
Warsaxaafadeed golaha Wasiirada oo maanta aqoonsaday Golaha Kumeelgaarka ah ee Liibiya
Golaha Wasiirada ee Xukuumada
Federaalka KMG ah Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga
ahaa ee khamiislaha waxayna uga doodeen qodobo kala duwan oo ay ugu
horeysay barnaamijka deeqaha waxbarashada ee dowladda Turkiga iyo weliba
aragtida dowladda ee golaha kumeelgaarka ee Qaranka Liibiya.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha...
Dowladda Federaalka oo loo Gudbiyey Su’aalo looga Digayo in 19 Desember ay Gasho Heshiiska Xadeynta Badda Soomaaliya
Suaalahaas gacanta laga saarey Dr Xuseen Cali Cilmi oo ah la taliyaha Siyaasada ee Raiisul Wasaaraha , wuxuuna isagan u gudbiyey Masuuliyiinta ka sareysa ee Xafiiska Raiisul Wasaaraha si ay ugu gudbiyaan Golaha Wasiirada maadaama uu Maqnaa Raiisul Wasaaraha. Sii Akhri
Read More →
Warsaxaafadeed Ku-simaha R.W. oo maanta kormeer howleed ku tegay Dekeda iyo Kaamka Rajo
Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna
Wasiirka Ganacsiga iyoWarshaddaha Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen
Ugaas Khaliif oo ay wehliyaan xubno isugu jira Wasiiro, Wasiir ku-xigeeno iyo
Wasiiru dowleyaal ayaa maanta booqasho howleed ku tegay Dekedda weyn ee
magaalada Muqdisho iyo Xerada barakacayaasha ee Rajo ee degaanka Jaziira.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuurgalay habsami u socodka howlaha Dekedda oo
si...
VIDEO: Falanqaynta Dhacdooyinka: Badda Soomaaliya
Telefishnaka Somali Channel ayaa barnaamij dheer ka diyaariyey badda Soomaaliya, barnaamijkaas oo lagu waraystay khubaro kala duwan iyo xubno ka tirsan DFKMG DAAWO
Read More →
IGAD oo ka mid noqoneysa La-guddoomiyeyaasha Guddiga Farsamada ee Dhaqan-gelinta Qorshaha Tusmeysan
Xukuumadda FKMG ayaa ku dhawaaqday in Ururka IGAD uu ka mid noqonayo La-guddoomiyeyaasha Guddiga Farsamada ee Dhaqan-gelinta Qorshaha tusmeysan.
IGAD waxay ku biireysaa la-guddoomiyeyaashii horay u jiray oo kala ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda FKMG, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, iyo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga...




