Home » Warar

Shiikh Shariif oo ka badbaadey Weerar ay ku qaadeen AlShabaab iyo Kismaayo oo ay Duqeeyeen Maraakiibta Militariga Kenya

May 30, 2012
Waxaa weerarka ku dhaawacmay 7 qof oo uu ku jiro Afhayeenka Ururka Ahlusuna.. Waxaana ku dhintay askari kamid ah ilaalada Sheikh Shariif… — Iyo Maraakiibta Militariga Kenya oo duqeeyey Magaalada Dekeda Kismaayo… Warbixin: Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Axmed ayaa Talaadadii May 29, 2012 waxa uu ka badbaadey weerar ay koox hubaysani jidka u galeen isagoo marayey agagaarka meesha... 
Halkudheg:

Sheikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Sheegayin Itoobiya in ay Ku Fashilantay Duulaankii ay ku soo Gashay Gobolada Koofureed.

May 30, 2012
Sheikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee xarakada Shabaab ayaa markii u horeeyay ka hadlay Duulaankii Ciidamada Itoobiyaanka oo gacan siinaya kuwa Dawladda federaalka Soomaaliya ay ku soo galeen qaybo ka mid ah Gobolada Koofureed ee Soomaaliya. Abuu Mansuur ayaa sheegay in damicii Ciidamada Itoobiyaanka ee ahaa inay gebi ahaanba Dalka Soomaaliya ay isku ballaariso... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo oo Talaadadii soo gaaray magaalada Istanbul

May 30, 2012
Istanbul, May 29, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Istanbul ee caasimadda labaad ee dalka Turkiga halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale safarkiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka... 
Halkudheg:

Madaxweynaha DFKMG oo Booqday Degaanadii loo Barakacay iyo Degmada Afooye ee Shabeelada Hoose

May 30, 2012
Shiikh Sharif Shiikh Axmed oo ah Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada Dawladda ayaa maanta socod ku kala bixiyay inta u dhaxaysa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye oo dhawaan kia baxeen xarakada Shabaab. Sheikh Shariif iyo Saraakiishan la socotay ayaa markii ay gareen degaanka Ceelasha Biyaha halkaa kaga degay Gaadiidkii... 
Halkudheg:

Shirkii odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka oo maalintii labaad si habsami leh uga soconaya Istanbul iyo 4 kooxood oo loo qeybiyay

May 29, 2012
Istanbul, May 29, 2012– Shirkii odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada Rayidka ah ayaa maanta maalintii labaad si habsami leh uga soconaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaasoo ay ku shirsan yihiin ku dhowaad 400 oo ergooyin kala matalaya qeybaha Bulshada Rayidka, Qurbejoogta, Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, waxgaradka iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliyeed. Halkan ka daawo Sawirada... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiwali Gaas “…Axdi Qarameed Laguma Shaqeyn Karo…” Shir Jaraa’id – Video

May 29, 2012
“Dastuurka Waxaa Loo Ansixnayaa si kumeel gaar ah” Prof Gaas – “Dastuurku Wuxuu u Baahan Yahay Afti, Si Loo Qaadana Waxaa Loo Baahan Yahay Tirakoob oo Wadankuna Nabad Gelyo Yahay Ama Xor Yahay, Intaas oo Dhan Hadda Lama Suubin Karo, Waxaana Loo Ansixinayaa Si KMG-nimo Ah…” Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maal mahii la soo dhaafay booqasho ku tegey dalka... 
Halkudheg:

Shir Caalami ah oo ku saabsan “Mustaqbalka Bangiyada Islaamka” oo lagu qabtey Jaamacada Al-Madinah

May 29, 2012
Shir looga hadlayey “Mustaqbalka Bangiyada Islaamka” oo eey soo agaasintey Jaamacada caalamiga ah ee Al-Madinah (Al-Madinah International University), ayaa waxaa lagu qabtey Library-ga Ummada ee Selangor (Public Library of Selongor), kuna taala magaalada Shah Alam ee Boqorka Selongor uu daganyahay, ee wadanka Malaysia. Halkan ka daawo sawirada Jaamacada Caalamiga ah ee Al-Madinah, waxeey ka mid... 

Warar Is-khilaafsan oo ka soo baxaya Qarax aad u Xoogan oo ka dhacay Nairobi Kenya

May 28, 2012
Wararka ka imanaya Kenya ayaa qaarkood tibaaxeen in qaraxii Isniintii ka dhacay Nairobi ay sababtay koronto oo uusan ahayn bombaano. Dhanka kale warar kale ayaa sheegay in uu ahaa qarax bambaano. Booliska Kenya waxay sheegeen in qaraxaas ay sababtay Korontada ama fiilooyin koronto o qarxay. Ra’iisul wasaaraha Kenya Odinga ayaa isagu shegay in aysan u dul qaadanayn kuwa qaraxa geystey oo laynaya... 
Halkudheg:

Maxaa ka jira in Dowlada Turkiga ay Dooneyso in Sannadkaan Dalkeeda lagu soo Doorto Xubnaha ka mid noqonaya Dowladda Cusub ee Soomaaliya

May 28, 2012
iyo Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM Howgalo ay ka Sameeyeen Degmada Af Gooye ku soo qab qabtey Dad gaaraya 100 Qofood Warbixin Turkiga: Dowladda Turkiga oo Soomaaliya soo faragelisey Xiligii Abaaraha ka dilaaceen Soomaaliya ayaa hada muuqata in ay u Xuubsiibaneyso sidii ay ugu lug yeelan lahayd Siyaasada Soomaaliyaa ka dib markii ay 23 Feberaayo ee Sannadkaan 2012 shirkii London ay kaga dhawaaqdey... 
Halkudheg:

Prof. Gaas oo Nairobi kula kulmay Odinga, ugana warbixiyey xaaladda Soomaaliya

May 28, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa tibaaxay in ra’iisul wasaaraha DFKMG uu warbixin dheer siiyey Raila Odinga taas oo kusaabsan “xaaladda dalka iyo horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dalka iyo sida ay Soomaalidu uga go’antahay soo afjaridda xilliga KMG ah oo uu sheegay in madaxda Soomaalida ay Addis Ababa heshiis taariikhi ah ku soo gaareen oo ay la socoto jadwal mucayan... 
Halkudheg:

Shirkii odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

May 27, 2012
Iyadoo ay labadii maalmood ee ugu dambeysay ku soo qul qulayeen caasimadda labaad ee dalka Turkiga ergooyin boqolaal gaaraya oo matalayay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Bulshada Rayidka ah ee xubno ka socday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa saaay ka si rasmi ah uga furmay hotel Dedeman Hotel shirkaasi. Halkan ka daawo sarirrada shirka Shirkan oo furmay abaara 9:00 subaxnimo waxaana shirka furay Wasiirka... 
Halkudheg:

Xarakada Al Shabaab oo Sheegtay in Degaanadii ay ka Baxeen uu Bixitaankoodu Xeelad Dagaal ahaa dib ugu soo laaban doonaan Muqdisho

May 27, 2012
iyo Dawladda Federaalka KMG oo Sheegtey in ay Sii Wadi Doonaan Dagaalada ay kula jiraan Xarakadda Al Shabaab — Afhayeenka dhinaca Hawlgalada ee Xarakada Shabaab Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay degaanadii ay Ciidamadooda ka baxeen iyo sababta keentay inay halkaa ka baxaan. Af hayeenka Shabaab ayaa sheegey in tani ay tahay Xeelad Dagaal balse aysan jirin wax awood darri ah oo Ciidankooda... 
Halkudheg: ,

Warbixin: Ardayda wax ka barata dalka Sudan

May 27, 2012
Xaflad ballaaran oo si heersare ah loo soo agaasimay isla markaana ay kasoo qeybgaleen Ardayda Wadankaan Suudaan wax ka barata iyo xubnaha jaaliyada Soomaaliyeed isla markaana lagu soo dhaweynayey Wafuuda Dowladda FKMG ah iyo Hay’adda Maareynta iyo ka hortaga masiibooyinka ayaa lagu qabtay Hoolka Shirarka Caalamiga ah ee Jaamacada Africa. Halkan ka daawo sawirada Ururka Ardayda Soomaaliyeed iyo... 
Halkudheg: ,

Shirkii 11-aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika oo Minneapolis kafurmay

May 27, 2012
“Hal ku dhiga shirka Sanadkan ayaa ahaa Tayeynta Hay’ada NACSI” Minneapolis: Waxaa si rasmi Shalay iyo Maanta uga socda Masaajidka Abuubakar As-Saddique ee Magaalada Minneapolis shirkii 11-aad ee Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika loona soo gaabiyo (NACSI), shirka waxaa kasoo qayb galay golaha shuurada oo matalaya 18 Maraakis/Masaajid iyo golaha fulinta oo ka kooban 5- xubnood,... 

Kibaki “Xaalada Sidii Hore way Dhaantaa ee waa in Dib loo celiyaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya”

May 26, 2012
Madaxweynaha Dawladda Kenya oo Khudbad u jeedinayay Shacabka Kenya ayaa soo hadal qaaday Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Bariga Dalka Kenya isagoona ugu baaqay ina ay dalkooda dib ugu laabtaan. Madaxweyne Kibaki ayaa sheegey in qaxootiga Soomaalida sababtii ay dalkooda uga soo baxeen ay ahayd Nabadgelyo Xumo sidaa darteedna ay xaaladdu iminka dhaanto sidii ay ahayd muddo ka hor.Madaxweynaha Kenya... 
Halkudheg: ,

Mahiiga oo Faafiyey Qoraalkii lagu saxiixay Shirkii Adis Ababa

May 25, 2012
Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Mahiga, ayaa maanta (May 25, 2012) waxa uu faafiyey qoraalkii ay saxiixeen ka qayb galayaashii shirkii Adis Abab lagu soo gabagabeeyey May 23, 2012. Qoraalkaas oo ay ku saxiixan yihiin Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif, Guddoomiyhii hore ee baarlamaanku xilka ka qaaday Shariif Xasan (laakiin qoraalka Adis Ababa ku saxiixay “guddoomiyaha... 
Halkudheg:

AMISOM oo Sheegtay in ay la wareegeen Afgooye

May 25, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan ay Jimacdii May 25, 2012 la gudbeen websiga Shabeelle, lana wareegeen gacan ku haynta magaalada Afgooye. Afgooye waxaa hore gacanta ugu hayey Al Shabaab. Faahfaahin dheeraad ah kama soo bixin AMISOM. Waxaana warsaxaafadeedka lagu soo koobay in Ciidamada AMISOM la wareegeen Afgooye. “AMISOM Press Release –... 
Halkudheg: ,

Nin Turki ah oo Ganacsade ah oo lagu dilay Suuqa bakaaraha

May 24, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay golaah wasiirada DFKMG ayaa sheegay in ay “tacsi u direen dowladda iyo shacabka turkiga oo xalay nin Turki ah oo ganacsade ah lagu dilay suuqa bakaaraha. Hay’adaha amniga ayaa wada baaritaan arrinkan la xiriirta si loo oggaado sababta keentay dilka ama sababta ninkan uusan u soo wargelinin hay’adaha amniga joogistiisa suuqa bakaaraha.” Warsaxaafadeedka oo... 
Halkudheg:

Wariye Axmed Caddoow Canshuur oo Lagu Toogtay Gudaha Degmada Dharkeenleey

May 24, 2012
Waxaa goor dhow Kooxo Bastoolado ku Hubaysani ay ku Toogteen Degmada Dharkeenleey Wariye lagu Magacaabayay Axmed Caddoow Canshuur, una Shaqaynayay Idaacadda Shabeelle Muqdisho . Wariayaha ayaa xilliga Dilka loo gaysanayay waxaa uu ku sugnaa agagaaraha Suuq Boocle ee Degmada Dharkeenleey kolkaasoo Kooxo Bastoolado ku hubaysan ay halkaa ku Toogteen. Kooxaha Dilka u gaystey Wariyahaas ayaa goobtii isaga... 

Qodobadii ka soo Baxay Shirkii Saxiixayaasha RoadMap-ka ee Adis-Ababa oo “u Muuqda kuwa loo soo Qorey…”

May 24, 2012
Waxaa Magaalada Adis-aba lagu soo gabagabeeyey Shirkii Saxiixayaashii Road Mapka oo muddo Saddex maalin ah halkaa ka socdey waxaana Shirkaas hareeyey Murano la xiriira habka loo wajahayo Road-Map-ka waxaana Aakhiritaankii ka soo baxay Qodobo aad u ad-adag oo fulinteedu waqtigu ku yar yahay. Hase yeeshee Dipolomaasi ku sugan Magaalada Adis-Ababa oo diidey in magaciisa la sheego ayaa noo sheegey in Qodobadaan... 
Halkudheg:

Golaha Wasiirada oo isku raacay in Shirkadda Hormuud wax lug ah ku laheyn eedeymaha ay soo jeedisay QM

May 24, 2012
Warsaxaafadeed (Muqdisho, 24 May 2012) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta baaritaan rasmi ah oo ay hay’adaha amniga ku sameeyeen eedeyn Qaramada Midoobey u soo jeedisay Shirkadda Hormuud 17kii Febraayo oo lagu eedeeyey arrimo dhowr ah. Wasiirku waxuu sheegay in baaris dhamesytiran oo lagu sameeyey shirkadda isla markaana lala xiriiray hay’adha Qaramada... 

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax lagula Beegsadey Bartamaha Magaalada Ceel Buur ee Gobolka Gal Gaduud.

May 24, 2012
Magaalada Ceel Buur ee Gobolka Gal Gaduud Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Maanta Kolonyo Ciidamada Itoobiyaanka ah qarax lagula Eegtay gudaha Magaalada Ceel Buur.Qaraxan oo ahaa nooca Miinada Sheeda laga maamulo ayaa la sheegey xiliga Ciidamadaas lala beegsanayay in ay ku sii jeedeen Ceel ku yaala gudaha Magaalada si ay biyo uga soo dhaansadaan. Qaraxaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay... 

Maamulka gobolka Banaadir oo soo bandhigay 24-Kartoon oo KHAMRI ah iyo raggii watay

May 24, 2012
Kadib howl gal ay sameeyeen ciidamada nabd gelyada degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen rag watay KHAMRI Orginal ah oo ku jiray Kartoomo kama koobnaa 24 Box ayaa waxaa saxaafadda usoo bandhigay Afhayeenka maamulka gobolka iyo guddoomiyaha degmadaasi. Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo saxaafadda kula hadlayay irida hore ee saldhiga... 

Shaqaalaha shirkadda Golis oo lagu tababaray daryeelka macaamiisha

May 24, 2012
Shaqaalaha shirkadda Golis oo lagu tababaray daryeelka macaamiisha Bosaaso: qaar ka tirsan shaqaalaha shirkadda Golis ayaa lagu tababaray sida ugu wanaagsan ee loo dar-yeeli karo macaamiisha shirkadda Golis Halkan ka daawo Sawirada Tababrkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey xafiiska xiriirka dadweynaha ee shirkadda Golis Talecom Somalia, waxa uu tababarkuna socday labo maalmood iyadoo ay ka faa’iideysteen... 
Halkudheg:

Saxiixayaashii Road Map-ka ee Shirka Addis Ababa uga Socdey oo galey Maalintii Saddexaad

May 24, 2012
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis Ababa waxay sheegayaan maalintii Seddaxaad magaalada Addis Ababa ka socda shirkii Madaxda Soomaalida oo looga hadlayey sidii loo dhameystiri lahaa dhamesytirka Xilliga KMG ah oo ay Madaxdu ka wada hadlayeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin, Oday dhaqameedyada Muqdisho ku sugan, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka yar ee jira, sidii loo soo xuli lahaa Ergeda... 
Halkudheg: