Home » Warar
Qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya oo Berri Shir uga Furmaya Dalka Jabuuti
Waxaa la filayaa in dalka Jabuuti uu berri oo ay bishu tahay 9 Juun uu ka furmo shir Muddo Lix Maalmood Soconayaa kaasoo la sheegey in ka qaybgalyaasha qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasada ee ka jira Dalka Soomaaliyeed waxaana shirkaan looga hadlayaa arrimo la xiriira Dastuurka Qabyada si iyana Xisbyada wax ugu biiriyaan Dastuurka weli Ansaxintiisa lagu Muransan yahay.
Xisbiyada Siyaasadda ee ka...
Dowlada Mareykanka oo $33 million oo Doolar ku Bixinaysaa Macluumaad laga helo Madaxda ugu Sareysa Xarakada Al-Shabaab
Maraykanku waxa uu $7 million ku bixinayaa asaasaha al-Shabab, Axmed Cabdi aw-Maxamed; sidoo kale waxaa $5 million lagu bixinayaa mid kasta oo kamid ah magacyadan Ibraahim Xaji Jaamac, Fu’aad Maxamed Khalaf, Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Mukhtaar Roobow; waxaa kale oo midkiiba $3 million lagu bixinayaa Zakariya Ismaaciil Axmed Xersi iyo Cabdullaahi Yare, sidaas waxaa sheegay saraakiil ka tirsan...
Raiisul Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya oo Xaaladiisa Caafimaad ka soo Reyneyso ka dib Marki uu galey Shil Gaari
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga ahna Wakiilka Soomaaliya ee Midowga Yurub Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde isla markaana mar Raiisul Wasaare ka soo noqdey Soomaaliya ayaa Gaari uu Saarna Gaari kale ku dhacay.
Gaariga uu Safiirku saarna ayaa sida ay wararku nagu soo gaarayaan waxaa uu ku dhacay Gaari kale xilli uu ku sii jeeday Shir Wakiilada Midowga Afrika ay kaga qayb galayeen Shirka Midowga Yurub...
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo Deeq Gaarsiisay Qaar Ka Mid ah Isbitaalada Magaalada Muqidsiho
Shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ka mid ah shirkada isgaarsiinta kuwa ugu waa weyn ee ka howlgala Dalka Soomaaliya ayaa Deeq isugu jirta Shidaal iyo Joodariyaal waxay gaarsiisay Qaar ka mid ah isbitaalada waaweyn ee Magaalada Muqdisho .
Isbitaalada Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom Deeqda Gaarsiisay ayaa waxaa ka mid ah isbitaalada Keysaney iyo kan Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir.
Ugu...
Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo Sheegay in ay la Socdaan Lacagaha la Sheegayo in la Lunsaday
Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro oo ka tisan Mudanayaasha Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay Hadalkii dhawaan ka soo yeeray Banka Caalamka oo sheegayay in ay jiraan Lacago la Musuq Maasuqay.
Xildhibaankan oo ka tirsan Xildhibaanada Xilkii Guddoomiyanimo ka qaaday Guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa arrintaa si qoddo dheer uga hadlay.
Xildhibaan...
Addis: Madaxweynaha D. Puntland oo Kulan la Qaatay Issimada iyo Bulshada Rayidka ah
6 June 2012 — Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa la kulmay Issimada iyo Bulshada Rayidka ah ee Reer Puntland uga qeybgalay shirkii Istanbul 2 Somalia (31 May 2012 ilaa 1 June 2012).
Halkan ka daawo Sawirro
Shirkaan oo dhacay Talaado (5 June 2012) ayaa lagu qabtay hoolka shirarka hotel ku yaala Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka...
Dr. C/raxmaan Baadiyoow oo Sheegay inuu ka mid Yahay Murashaxiinta u Taagan Xilka Madaxnimo ee Soomaaliya
(Xilligii Qoriga Wuu Dhammaaday, Waxaa la Joogaa xilligii Aqoontu Talin lahayd)
Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa maanta sheegay inuu ka qaybgalayo Doorashada Madaxweynimo ee Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo bisha Ogoosto ee sannadkan.
Halkan ka daawo Sawirada
“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan u istaago tartanka Madaxweynimo ee Soomaaliya...
Imtixaankii oo usoo gabagaboobay iskuulada hoos yimaado Mu’asasada Al-qalam
Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2011-2012 ayaa usoo gaba gaboobay iskuulada hoosyimaado Mu,sasada waxbarashda iyo horumarinta ee Al-qlam , iskuuladaas oo kala,ah: Dugsi sare ee Amiir-nuur -G/haarey, Dugsi hoosedhexe ee Gogol-G/haarey, iyo Dugsi hoosedhexe ee Salaama-Tuulobarwaaqo.
Halkan ka daawo Sawirro
Munaasabada loogu tala galay xiritaanka iskuulada ayaa waxaa lagu kala qabtay Amiirnuur secondary...
Banaanbax Lagu Taageerayo Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Istanbuul oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Dibad baxan oo ay ka soo qayb galeen Boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Degmada Xamar Weyne ayaa waxaa uu ka dhacay Degmadaas.
Dadkan Dibadbaxa dhigayay oo watay Boorar iyo caleemo qoyan ayaa waxa ay socod ku soo kala bixiyeen wadooyinka dhex mara Degmada Xamar Weyne iee Magaalada Muqdisho.
Dadkan dibadbaxayay ayaa ugu dambayntii ku soo Uruuray Fagaare...
Odayashii Dhaqanka ee ka qayb galay Shirkii Istanbuul oo ku soo laabtay Muqdisho
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FKMG ayaa tibaaxay in Muqdisho ay ku soo laabteen Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee Istanbuul kaga soo qayb galay shirka.
Hoos ka akhri warsaxaafadedka:
Halkan ka daawo sawirada soo dhaweynta
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo maanta garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed
Muqdisho, June, 03, 2012———- Ku simaha...
Madaxweynaha DFKMG oo Warbixin ka siiyey Shirkii Stanbul Madaxweynaha Tanzania.
iyo Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo Cambaareyna u soo Jeedisey Maamulka Soomaaliland —
Warbixin Tanzaniya: Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee ka qayb galay Shirkii Istanbul ayaa iminka soo gaaray Magaalada Daara salaam ee Dalka Tanzaniya.
Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa markii ay halkaa gaareen waxaa halkaa...
Baaqii Gabogabada Shirka Golaha Imaamyada Soomaalida Waqooyiga America ee Sanadka 2012ka
الرحمن الرحيما الله بسم
Minneapolis, Minnesota
Ilaahay ayaan ku mahadinaynaa nagu guuleeyey guul inuu ku soo dhamaaday shirkii 11aad ee golaha imaamyada waqooyiga America oo sanadkan lagu qabtay Masjidk Abubakar As-saddique ee magaalada Minneapolis Minnesota.
Goluhu wuxuu u dardaarmayaa jaaliyaadka muslimka ee Soomaaliyeed ee dibadda iney diintooda qabsadaan
masaajidda iyo imaamyada...
War-saxaafadeed ay soo saareen Beelaha Digil Mirifle.
Maanta oo bisha Juun tahay 2da 2012 ayaa waxaa shir isugu yimid magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga Malaaqyada, Salaadhiinta, Waxgaradka iyo bulshada rayidka ee beelaha Digil Mirifle (DM).
Ka soo qeyb galayaasha shirka oo kor u dhaafay 70 ayaa waxay ka wada hadleen natiijooyinkii ka soo baxay shirka Istanbuul ee dowlada Turkiga u qabatay Soomaaliya iyo dhibaatooyinka hor yaal beelaha DM.
Shirkaas...
Sheikh Cali Dheere oo Sheegey in Dagaaladii Dhawaan ka dhacay Deegaanada Afgooye ay ka qayb qaateen Ciidamadda NATO
Afhayeenka Guud ee Xarakada Shabaab Shiikh Cali Maxamud Raage oo la hadlay Idaacad ka mid ah Idaacadaha Codka xarakada Shabaab ku hadasha ayaa ka warbixiyay dagaaladii dhawaan lagaga qabsaday magaalooyin Muhiim u ahaa xarakada.
Sheikh Cali Dheere ayaa sheegey in Dagaaladii ka dhacay degaanadii ay ka baxeen in ay ka qayb qaateen Adduunka oo dhan oo aan u kala harin
Af hayeenka ayaa hoosta ka Xarriiqay...
Heshiis Is-Afgarad (MoU) oo Adis Ababa ku kala saxiixdeen Kenya iyo AU
Waxaa maanta (Sabti June 2, 2012) heshiis is-afgarad ah (MoU) ay Kenya ku saxiixday Adis Ababa, kaas oo ku saabsan in Kenya ay ciidan iyo sahay ku biirineyso AMISOM.
Heshiiskaas Is-Afgaradka waxaa Kenya u saxiixay wasiiru dawlaha difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji, dhanka Midowga Afrikana waxaa u saxiixay Ramtane Lamamra oo Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka iyo nabadda.
Arrintaas oo ay AMISOM warsaxaafeed...
Xusni Mubaarak oo Xabsi Daa’im Lagu Xakumay
Qaahira: Madaxweynahii hore ee dalka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak, ayaa maxkamad ku taal dalka Masar waxay ku xukuntay xabsi daa’im ama madaxaagu haku furto.
Da’diisu hadda waa 84 jir.
Xusni Mubaarak ayaa lagu eedeeyey in uu amar ku bixiyey dilkii loo geystey dad mudahaarad u dhigayey si nabad gelyo ah oo ay kaga soo horjeedeen xukunkiisa.
Markii uu qaadigu ku dhawaqay xukunka xabsi daa’imka...
Xaflad lagu xusayey sanadguuradii 1aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga DADKA oo Muqdisho lagu qabtay
Xaflad balaaran oo lagu maamuusayey sanadguuradii 1-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga dadka ayaa maanta lagu qabtay magaalada
Muqdisho, waxaana munaasabadaas ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada haweenka, Fanaaniin, odayaal, qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Soomaalida, dadweyne fara badan oo watay boorar iyo marti sharaf kale.
Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo...
Ururka Ahlusunnah oo Shirka Istanbul ku tilmaamay “Waqti Dhumis”, oo aysan aqbalayn wax kasta oo ka soo baxa…
Ururka Ahlusunnah Wal-Jamacaaca ayaa si kulul u dhaliilay shirka Istanbuul…
Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Ahlusunnah ayaa sheegay in aan ururukooda si rasmi ah loogu casumin shirka Istanbuul, waxaana kuwo la soo dhoodhoobay ay shirkaas ku tageen magaac Ahlusunnah ayagoo aan matalin ururka, ayuu yiri Eng. Cabdisalaan Aaden Xuseen oo ah madaxa arrimaah siyaasadda ee Ururka Ahlusunnah kuna...
Shirkii Istanbul oo Furmay
Waxaa maanta magaalada Istanbul maanta (May 31, 2012) ka furmay shirkii Soomaalida loogu qabanayey dalka Turkiga.
Shirkaas waxaa ka qayb galay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mahiga, madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif, Ra’iisul wasaaraha DFKMG C/weli Gaas.
Waxa kale oo ka qayb galay maamulada Puntland iyo Galmudug oo ay uga qayb galeen C/raxmaan Faroole iyo Caalim iyo ururuka...
Kenya oo sheegtay in ay Qabsadeen Afmadow
Telefishanka Citizen ee Kenya ayaa baahiyey in afhayeenka militariga Kenya uu sheegay in ciidamada Kenya ay qabsadeen magaalada Afmadow.
Major Chirchir ayaa dhanka kale Twitter-kiisu ku sheegay in “Ciidamada Kenya (KDF = Kenya Defence Forces) ay qabsadeen magaalada AFMADOW”.
Waxa kale oo uuu sheegay in ciidamada Kenya qabsadeen maagaalada HAYO.
Waxa uu intaas ku daray in ay dileen 6 ka...
Dawladda Boqortooyada Ingriiska oo ka Hadashay Arrimaha Shirka Istanbuul
Xoghayaha arrimaha Dibedda Britain , William Hague aya ka mid madaxda calaamka ee ka qeyb galaya shirka Istanbul. Mr Hague aya qoraal uu ku dabacaay bogga uu ku leeyahay Facebook kaga hadlay hormurka la garay kadib shirkii London ee Soomaliya.
Fadlana hoos ka eeg qooralka William Hague ;
1da Juunyo waxaan joogi doonaa Istanbul oo aan kaga qaybgeli doono shir ballaaran oo caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya,...
Range Resources oo Sheegtay in ay Ka Baxayso Shidaal Sahaminta Puntland ee ASX….
Suuqa Ganacsiga Australia ayaa waxaa soo foodsaaray cabsi kaddib markii ay soo shaac baxday in Shirkada Range Resouces ay u muuqato in ay soo afjarayso maal gashigeedii sahaminta shidaalka Puntland ee Saamiyadda Suuqa Australia….
Mr. Landau: “So let’s take Puntland out…”
Range Resources oo Sheegtay in ay xooggeeda u wareegeyso Trinidad iyo Colombia
Madaxa shirkadda Range...
“Si looga Baxo Kumeel Gaarka waa in la helo Dastuur iyo Baarlamaan Tayo leh” Prof Gaas – Shirka Turkiga
Shirka Istanbul: “Waxaa muhiim ah in la soo afjaro xilliga KMG ah oo dalku uu ku soo jiray KMG muddo 12 sano ah.. Haddaba si looga baxo KMG waxaa lama huraan ah in la helo dastuur iyo baarlamaan tayo leh…” Sidaas waxaa yiri Prof. Gaas.
Warsaxaafadeedka hoos ka akhri:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Madax Dhaqameedyada iyo Bulshada Rayidka ah
Ra’iisul Wasaaraha...
Puntland oo Ka Laabatay Qaadacaaddii Shirka Istanbuul
Wararka ka imanaya magaalada Adis Ababa ayaa sheegay in Puntland ay ka laabatay qaadacaadiii shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa warar ku dhaw waxaa laga soo xigtey in uu wadahaadal la galay dawladda Turkiga iyo DFKMG. Waxaana wararku tibaaxeen in Turkigu uu Puntland ka aqbalay...
Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Subaxnimadii Hore ee Maanta ka Dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.
iyo Ra’iisul Wasaare Gaaz oo Cambaareeyay Weerarkii Shalay lagu qaaday Kolanyadii Gaadiid ee Galbinaysey Madaxweyne Shariif.
iyo Afhayeenka Dhinaca Ciidamada ee Xarakada Shabaab oo Sheegey inay Dileen Saraakiil Sare oo ka Tirsan Ciidamada Kenya.
Warbixinadii Amiin Yuusuf:
Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Subaxnimadii Hore ee Maanta ka Dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.
Inta la Xaqiijiyay Lix Askeri...




