Home » Warar
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo booqday Degmada Balcad
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa sheegay C/weli gaas oo Talaada 26-kii June 2012 uu booqasho ku tegeyBalcad. Warsaxaafadeedka ayaau qornaa sidan:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Degmada Balcad ee Gobalka Sh/ Dhexe.
Muqdisho, June, 26, 2012 ———- Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday Degmada Balcad...
Maxaa ka soo baxay Kulankii Shiikh Shariif iyo Meless Zanawi
iyo Taliyaha Ciidamada Itoobiya Jeneraal Gabra oo soo gaarey Muqdisho…
Madaxweynaha DFKMG Jamhuuriyada Soomaaliya Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Malez Zenawi, Waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya labada wadan, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha DFKMG iyo xukuumadiisa “horumarka ay ka gaareen dhinacyo...
Dastuurkii Lagu Soo Saxiixay Nairobi oo Muran Gelinaya Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya
“Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafka soohdimaha caalamig ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi…” waa qodob lagu siyaadiyey Dastuurkii lagu soo saxiixay Nairobi Jimacadii June 22, 2012
Guddiga madaxa bannaan ee dastuurka qabyo-qoraalka ayaa shaaca ka qaaday in nuqulkii ugu dambeeyey ee dastuurka e lagu soo saxiixay Nairobi uu ka duwan yahay...
Golaha Wasiirada oo Shir Deg Deg ah Isugu Yimid Galabnimadii Isniinta
iyo Wasiirka Dastuurka oo iska fogeeyay eedeyntii Gudigga madaxa banaan ee Dastuurka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa tibaaxay in kulan degdeg ah oo golaha xukuumada FKMG ay isniintii ku yeesheen Muqdisho in ay ku go’aamiyeen Inuu furmayo shirkii ansixinta Dastuurka 12, July, 2012 isla markaasna waxa uu goluhu ansixiyey Gudi Farsamo ee soo ulitaanka ergada oo magacyadoodu hoos ku qoran...
Shiikh Shariif iyo Axmed Siilaanyo oo lagu wado in ay Kulan yeeshaan
Sheikh Shariif oo u dhoofay Itoobiya:
Warar aanu ka helnay dhinaca Madaxtoonyada waxay sheegayaan in Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaamiyo lagu wado in ay u ambabaxaan dalka Imaaraadka Carabka halkaasi oo lagu wado in ay kullan kula yeesheen Madaxweynaha Maamulka la magacbaxay Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo oo isna la sheegay in uu isaguna ku sii jeedo imaaraadka.
Sheikh Shariif...
Gudoomiyaha Qoxootiga Soomaalida Ee Dalka Jabuuti Calidaahir Xasan Cali Oo Fariin Culus U Direy Bulshadda Caalamka Iyo Ummadda Soomaaliyeed
“Wixii Aan Laga Daalin Libintooda Maalin Baa La Helaa… Ummadda Soomaaliyeed Dhammaan Waxaan Ka Codsanayaa In Ay Dhigaan Qoriga Gacanta Iyo Kan Maskaxdaba”
Xaflado lagu xusayo Sannad Guuraddii 61-d ee ka soo wareegtey markii dhidibada loo taagey Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa lagu qabtey Xerooyinka Qoxootiga Cali Cadde, Hol Hol iyo Hoteelka Sharitoon ee Caasimadda dalka Jabuuti 20/06/2012-ka.
Munaasabadan...
Madaxweynaha Shiikh Shariif oo sheegey in uu soo Dhaweynayo Ciidamada Itoobiya ee Dagaalka kula jira Xarakada Alshabaab
Xiligii Maxaakiimta: Taangi Itoobiya Marnaba Dalkaan laguma qabsan Doono .
Madaxweynaha DFKMG Shariif oo ka mid ahaa saxiixayaashii roadmapka oo shir kaga qayb galay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Sabtidii waxa uu ka hadlay xiriirka Somaliya iyo Itoobiya.
Sh. Shariif ayaa Xukuumadda Itoobiya Xiriirka kala dhaxeeya dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ku sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan isla...
Guddiga South Central Aids Commission (SCAC) oo ka Warbixisey wax Qabadkeedii Sannadkii 2011 iyo Caqabadihii ka Hor yimid
“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…
Warbixinta: Guddiga South Central Aids Commission (SCAC)
Waxaa Bishaan 20-keeda ilaa 21-da lagu qabtey Hotel Ambasadoor ee Magaalada Muqdiosho Kulan lagu soo bandhigayey...
In ka Badan 14 Muwaadiniin Soomaali ah oo Siyaabo kala Gooni Gooni ah Loogu Dilay Dalka Koofur Afrika Todobaadkii Hore
Saraakiisha ciidamada ammaanka ee Dalka Koofur Afrika ayaa warbixin Todobaadlaha ay ka qoreen dhinaca shilalka Dilka ayay ku sjheegeen in Todobaadkii aynu soo dhaafnay Dalkaas lagu dilay Illaa afar iyo Toban Muwaadiniin u dhashay Dalka Soomaaliya.
Dilalkan oo ka kala dhacay Magaalooyinka ku yaal Wadanka Koonfur Afrika ayaa Soomaalida la dilay waxaa sidoo kale loo gaystey Boob Hantidoodii lagu dhacay...
Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Cod Dheer Mareykanka ugu Sheegey Halka uu ku Sugan yahay Xiligan
Shiikh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka mid ah Saraakiisha Sar Sare ee Xarakada Shabaab isla markaana ka mid ahaa Xubnihii Todobada ahaa ee dhawaanta Maraykanku Madaxooda Lacagta Dul Dhigay ayaa markii u horeeyay arrintaa ka hadlay.
Rooboow oo maalinimadii shalay Salaadda Jimcaha kaddib Masaajid ku yaala Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay kula hadlay taageerayaashiisa ayaa sheegey in Maraykanku...
Nairobi: Baaq ka soo baxay Saxiixayaashii Roadmap-ka
Warsaxaafadeed:
Baaqa Wadajir ah ee Wadatashigii Saxiixayaasha Khariidada Dhameystirka Xilliga KMG
Nairobi, 22 June 2012
Saxiixayaasha khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya, waxay kulan ku yeesheenNairobi, Kenya laga bilaabo 20 ilaa iyo 22 June, 2012 si ay wadaxaajood dheeraad ah uga sameeyaan higelinta khariidada dhameystirka kumeelgaarka Soomaaliya. So gaar ah waxay diiradda u saareen...
Dagaal u Dhaxeeyay Ciidamada Dawladda KMG iyo Xarakada Shabaab oo ka Dhacay Ceelasha Biyaha laguna Diley Sarkaal sare oo Dowlada ka tirsan
Dagaalkan oo ahaa Dagaalka loo Yaqaano Jid Galka ayaa subaxnimadii hore ee saaka (oo Jimce ah) waxaa soo qaaday Ciidamada Xarakada Shabaab kuwaasoo Weerar ku ekeeyay Sal dhig ay Ciidamada dawladda FKMG ku lahaayiin Degaanka Ceelasha Biyaha.
Dagaalka oo Muddo soconayay ayaa wararka halkaa ka imaanaya waxaa ay sheegayaan in uu jiro Khasaare soo kala gaaray dhinacyadii dirirtu u dhaxaysey iyo waliba dadka...
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida oo Mamnuucay in Hub lala soo Dhex Galo Xeebta Liido
Muqdisho: Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida Gen. Xasan Maxamed Xuseen Mungab ayaa manta Boqolaal Dhallinyara ah kula hadlay Xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho.Guddoomiye Mungab ayaa sheegey in Xeebta Liido ay tahay meel ay u soo dabbaal iyo dalxiisba tagaan Mas’uuliyiinta dawladda, qaybaha kala ee Bulshada isla markaana loo baahan yahay in goobtu ay u muuqato Goob ammaan ah.Guddoomiayaha...
Guddoomiyaha Degmada Hodan oo ka Warbixiyay Dad Gaajo Ugu Dhintay Degmada Hodan
iyo Xuseen Carab Ciise oo ah Ku simaha Raiisul Wasaaraha oo maanta soo Bandhigey Lamaanayaal u Dhashay Dalka Koofur Afrika oo Af Duub ahaan Loogu Haystay Soomaaliya.
Warbixin Degmada Hodan, Muqdisho:
Guddoomiyaha Maamulka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ka war ixyay Xaaladda Nololeed ee barakacayaasha ku sugan Degmadaasi. Dhabaneey ayaa sheegey in Degmadaasi ay ku sugan...
Warbixin ku saabsan Shirkii u Socdey Dawladda KMG Somaliya iyo maamulka Soomaaliland
Iyadoo maalinimadii shalay si rasmi ah uu u bilowdey wada hadaladii u dhaxeeyay dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya iyo maamulka SoomaaliLand ayaa wararka naga soo gaaraya shirkaasi waxa ay sheegayaan in si habsami leh ay u soconayaan.
Shirka oo ay goob joogayaal ka yihiin qaar ka mid ah Beesha caalamka ayaa dhinacyadu waxa ay halkaa isku weydaarsadeen Aaraadooda iyadoo dhinaca Soomaaliland ay aad...
Nairobi: Khudbadii C/weli Gaas ka jeediyey Shirka Nairobi ee Saxiixayaashii Roadmap-kai
Waxaa magaalada Nairobi ka furmay shir ay ka qayb qaadanayaan saxiixayaashii Roadmap-ka, shirkaas oo uu soo qaban qaabiyey ama sahley xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya UNPOS.
Waxaa shirkaas ka qayb qaadana DFKMG, Puntland, Galmudug, Ahlusuna iyo UNPOS ee Mahiga.
Warsaxaafadeedka hoose oo ku saabsan khudbadda waxaa soo saaray xukuumadda FKMG
Warsaxaafadeed
Qudbadii uu ka jeediyaya...
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga oo gaaray dalka Turkiga iyo soo dhoweyn diiran oo loo sameeyey
iyo Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay Wefdi ka socda dowladda Faransiiska…
Warbixin Turkiga:
Ankara, June 20,2012——Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Amb. Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa galabta soo gaaray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga isaga oo saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho.
Safiirka ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey xubno uu hor kacayay...
Shirka Saxiixayaasha Road Map-ka oo ka furmaya Nairobi oo lagu tilmaamey Dalxiisayaal- Garoowe laba jeer, Gaalkacyo, London, Adis-Ababa, Stanbul 2 jeer
iyo Wasiirka Amniga Qaranka oo si kulul u beeniyey inuu Jiro Khilaaf u Dhaxeeya Xukuumadda iyo Odoyaasha Dhaqanka.
iyo Xildhibaano Daahir Ciiro ”Kulankii Raiisul Wasaaraha iyo Odayaasha Dhaqanka wuxuu ahaa Mid Xukuumada Dano Gaar ah ka lahayd”
Shirka Saxiixayaasha Road Map-ka oo ka furmaya Nairobi
Waxaa Maalinimada berri ee ku beegan Arbaco ah lagu wadaa in magaalada Nairobi ee Dalka kenya...
Xukuumadda FKMG oo sheegtay “In cid kasta oo haysta hanti gaar loo leeyahay ay deg deg ugu celiso qofkii iska lahaa”
Shir ay yeesheen golaha Wasiirada DFKMG ayaa lagu go’aamiyey “In ay danbi tahay in qof haysto hanti gaar loo leeyahay.” Waxaana go’aanka wasiiradu intaas raaciyey “In cid kasta oo haysta hanti gaar loo leeyahay ay deg deg ugu celiso qofkii iska lahaa.”
Hoos ka akhri warsaxaafadeedka
War Saxaafadeed Golaha Wasiirada oo Galabta Isugu Yimid Shir Looga Hadlayo...
C/weli Gaas “khilaafaadka la isku heysto oo ah Odayaasha sax ma ahan…”
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ”Haddii aad Tihiin Odoyaasha Dhaqanka Masiirkii Ummada ayaa Gacantiina ku jira, Waqtiga waa Ciriiri ee Dedejiya Ansaxinta Dasuurka”
Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz oo ah Ra’iisul Wasaaraha dawladda federaalka KMG Soomaaliya ayaa manta la kulmay odoyaash Dhaqanka ee uu shirku uga soconayo Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeynba war bixino ka dhagaystay...
Xildhibaan Suleymaan oo sheegay in Shiikh Shariif uusan laali Karin Qodobo ka mid ah Axdiga
Iyadoo maalinimadii shalay Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha dawladda ku meel Gaarka SoomaaliyaM Shiikhj Shariif Shiikh Axmed uu ku Laalay qaar ka mid ah Qodobada Axdiga ku meel gaarka ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Barlamanka ku meel Gaarka Soomaaliya.
Xildhibaan Suleymaan Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamanka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa sheegey in Madaxweyne...
Hoggaamiyaha Xarakada Shabaab Fariin uu soo direy ku Sheegay Inaysan Dagaalka Joojineyn inta AMISOM ay ku Sugan Yihiin Gudaha Soomaaliya.
Shiikh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubeyr Hoggaamiyaha Guud ee Xarakada Shabaab oo Cod Maqal ah soo dhigay Barta Internetka ayaa ka hadlay Dagaalada ka soconaya Soomaaliya.
Abuu Zubeer ayaa sheegey in Dalka Muslimka ah ee Soomaaliyeed ay ku soo Duuleen Cadowga islaamka oo ay Hoggaaminayaan Xukuumadaha Maraykanka iyo Itoobiya.Soomaaliya ayuu sheegey Amiirku in ay tahay Dal lagu soo duuley ha yeeshee...
Jamaacada Al-ictisaam oo Madaxda dhaqaka u jeedisay baaq ku saabsan xulista xubnaha Baarlamaanka
بسم الله الرحمن الرحيم
الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على محمد وعلى آله وأصحابه
Waxgaradka Soomaaliyeed waxaa diinta, dalka iyo dadka ka saaran xilweyn oo Ilaahay hortiisa la weydiin doono. Haddaba Jamaacada Al-ictisaam bil kitaabi wassunnah iyada oo dareensan xilkaas, isla markaasna gudanaysa waajibka naseexada waxay...
Madaxweynaha DFKMG oo laalay Qodobbo ka mid ah Axdiga KMG ah oo Khuseeya Qorshaha Road-Map-ka
Sheikh Shariif oo la Wareegey Awoodii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya –
Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo saarey Wareegto waxayne, Wareegtadaas u Qorneyd Sidatan:
Xeer Madaxweynaha LR 202 Taariikh 14/6/2012
Laalid Qodobbada qaarkood ee Axdiga KMG ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Markuu arkay: Qodobka 39,aad Farqada 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu...
Shiikh Shariif oo Amrey in Hantidii ay lahaayeen Salaad Gabeyre , Caynaanshe iyo Dheel dib loogu Celiyo Dhaxtooyadoodii
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta amar ku bixiyay in hantidii maguurtada aheyd dib loogu Celiyo dhaxaltooyada Marxuumiinta kala ah S/Guuto Salaad Gabeyre Kediye, Marxuum S/Guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo Col C/qaadir Dheel.
Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha DFKMG ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha markuu arkay Xeerka...




