Home » Warar
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Mar kale baaq u Diray Dagaalyahanada Ashabaab.
Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa baaq u diray dagaalyahanada Shabaab isagoona u kala qaybiyay Laba Qaybood. Madaxweynaha ayaa ugu horeynba Ajaaniibta ka bar bar Dagaalanta Xarakada Shabaab sheegay inaysan jirin wax kala dhaxeeya Soomaaliya wax wada hadal ah oo ay la galayaana aysan jirin isagoona sheegay in Soomaaliya Shacabkeedu uu Muslim yahay Muslinimadana...
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo hor Jeestay in IGAD Maamul u Sameeyso Gobolada Jubbooyinka
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dalalka Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay qorsheynayaan in Maamul Goboleed ay u magacabaan Gobolada Jubbooyinka, waxaana madaxweynaah DFS loogu baaqay in uu arrintaas wax ka qabto….
Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse Baantuu oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Jubbooyinka ayaa ka hadlay xaaladaha ka jira Gobolka Jubada Hoose. Mudane Baantuu ayaa...
Warar iyo Warbixino ku saabsan Xaaladda Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose
Hooyo Faadumo Maxamed “Aad baan u Naxay markii aan Maqley in Ciidamo Kenyaan ah ay soo galeen Kismaanyo sow ma aha kuwii aan uga soo cararey Narobi ee sida Xun iigaley weliba Wiilkeygii iga Diley”
Dowlada Mareykanka oo Beenisey in ay ku lug lahaayeen Duulaankii lagu soo qaaday Magaalada Kismaanyo
Iyadoo Xaalad Kacsanaan ahi ay ka jirto Magaala Madaxda Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo ayaa waxaa...
Al-Shabaab oo Xalay Saqdii dhexe Ka Baxay Kismaayo
“Waxaan dagaal-yahanada-yada ka saaray magaalada Kismaayo saqdii dhexe ee xalay (Sept 29, 2012)”, sidaas waxaa yiri afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage, sida ay qortay hay’adda wararka ee Reuters.
Waxaana uu ku hanjabey in ay degdeg u soo weerarayaan. “Cadowgu weli magaalada ma gelin. Marka ay magaalada Kismaayo galaan waxaan ka dhigeynaa goob dagaal,” ayuu...
Wararkii Ugu Dambeeyey Xaalada Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose
Warar soo kala horjeeda oo ka soo baxaya dagaalka Jubbada Hoose iyo xaaladda Magaalada Kismaayo..
Xukuumadda Kenya afhayeen u hadlay ayaa sheegay in Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa amisom ay gaareen qaybo ka mid ah Magaalada Kismaayo. Caris Akuna af hayeenka dawladda Kenya ayaa sheegay in Ciidamada huwanta ay gaareen gudaha Magaalada kismaayo iyadoo wax iska caabin ah aysan kala kulmin...
Ciidamo Kenya oo Xaley Saqdii Dhexe Maraakiib lagu keeney Xeebta Magaalada Kismaanyo
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaanyo ee Gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in Xaley waqti dambe Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa waxaa la sheegey in lagu soo daadiyey Xeebta Magaalada Kismaanyo ka dib markii ay ay halkaa keeneen Afar Markab oo kuwa Dagaalka ah oo ay leedahay Dowlada Kenya.
Markii Ciidamaas ka soo degeen Xeebta waxa Bilowdey dagaal Qaraar kaasoo uu dhaxeeya Ciidamada Kenya...
Dawladda Ingiriiska oo ugu Yaboohday Toban Milyan Euro Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Iyadoo shirkii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay uu ka soconayo Magaalada New Yorka ee carriga Maraykanka ayaa haddana waxaa jira shirar shirkaas bar bar soconaya. Kulan ka dhacay Magaalada New York ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska William Hague kaasoo ka hadlay is bedelada ka soconaya gudaha Dalka Soomaaliya.
Xoghayaha ayaa sheegay in dawladda ingiriisku...
Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqeeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo
Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaya duqeyn Diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geesteen Magaalo Xeebeedka Kismaayo ee Xaruunta J/Hoose. Goobjooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in tiro Gantaalo ah ay ku soo dheceen Garoonka ,kuwaa oo laga maqlayay xaafadaha ay ka koobana tahay kismaayo.
Goob joogahan ayaa sheegay in aan la xaqiijin karin khasaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay...
Dowladda Kenya oo Qiratay in Ciidamadooda Xasuuq ka geysteen Gobolka Jubbada Hoose
Askeri ka tirsan Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Hawl Galka Amisom ayaa Maalinimadii Axadda ee aynu soo dhaafnay si barer ah ugu Toogtay 10 Ruux oo Muwaadiniin Soomaali ah Toogashadaas oo ay si aad ah uga caroodeen Shacabka Soomaaliyeed Dilka Dadkan rayidka ah ayaa muran badan dhaliyay iyadoo Xukuumadda Kiinyana ay ballan qaaday in arrintaa ay baaritaan ku samayn doonto isla markaana tallaabo ka...
Saraakiisha Ciidamada Dawladda ee Jubbooyinka oo Ciidamada Kenya ku Eedeeyay Xasuuq ay ka Gaysteen Gobolka Jubada Hoose.
iyo Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo Sheegay in ay Baarayaan Wararka Sheegaya in Dad Rayid ah Ciidamada Kenya ku Xasuuqeen Gobolka Jubada Hoose
iyadoo Maalinimadii Shalay Degaanka Janaay Cabdalla uu ka dhacay Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Shabaab ayaa haddana waxaa jira Eedeymo soo baxaya ee sheegaya in Ciidamada Kiinyaanku Xasuuq u gaysteen Dad...
Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed oo lagu Diley Muqdisho
Waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu diley xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dilka marxuumka warsaxaafadeed ka soo saaray guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari oo yiri “waxaan xildhibaannada Baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle naxariistii jano ha siiyee Marxuum Mustaf Xaaji Maxamed oo baarlamaanka ka...
Ardeydii Jaamacadii Saxaafadda ee Lafoole oo Tacsi u Diraya Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyoodey Wariye Xasan Yuusuf Absuge
Ardeydii Jaamacdii Sxaafadda ee Lafoole oo Tacsi u Diraya Qaoyskii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyoodey Xasan Yuusuf Absuge oo Dhawaan ku Geeriyoodey Magaalada Muqdisho waxaa Tacsida Diraya Ardeydii ay Isku Fasalka ahaayeen oo kala ah
1-Cabduqaadir Mxamed Hiraabe
2-Cismaan Maxamuud Sheekhow
3-Xuseen Xasan Cali
4-Jaamac Cismaan Kaarshe (Iimaan)
5-Maxamed Caili Ciroole
6-Caddeey Maxamed Yuusuf
7-Dhool Cabdulaahi...
Socodkiiu Ciidamada Kenya ee Kismaayo oo Hakad galey ka dib markii Ciidamadii ugu badnaa Xarakada Al-Shabaab ay ku Daabuleen Kismanyo
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xaalad Degganaansha ahi ay ka jirto gudaha magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ka dib markii meelo Duleedka ka ah maalmihii ugu dambeeyey ay ka jireen Dagaalo aad u qaraar kuwaas oo u dhexeeyey Ciidamada Kenya oo hgarabsoiionaya kuwa Dowladda iyo Xarakada Alshabaab
Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in...
Shacabka Muqdisho oo Xaley ku soo Salaley Daryanka Madaafiic ku Dhacdey Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho
Madaafiicda nooca loo yaqaano Hoobiyaha ayaa habeenkii xalay ahaa ku dhacay qaybo ka mid ah Degmooyinka Boon Dheere iyo Shibis ee Magaalada Muqdisho. Madaafiicdan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeryooday illaa afar qof halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadkii dhaawaca ahaa ayaa Subaxnimadii hore ee saaka (Khamiis Sept 20, 2012) loola carar cisbitaalada ka dib markii xaley ay Guryahooda ku haysteen...
Wareysi: Denjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Guulwade
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade), ayaa waxaa waraysi la yeeshay Maxamed Macallim Cusmaan ALLMAN ee SomaliTalk Jabuuti.
Waraysigaas oo Guulwade kaga hadlayo isbedelka ka dhacay Soomaaliya ka daawo video-ga hoose:
Read More →
SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii
FSNAU iyo FEWS NET waxay baahinayaan siideynta warbixin ay ku midoobeen oo ah “SOOMAALIYA: Saadaasha Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Guga 2012 Dabadii”. Qormadani waxay gudbineysaa halka ay marayso xaaladda sugnaanta cuntada iyo nafaqada waqtigan (Bisha 7aad 2012) iyo sadaasha muddooyinkan (Bilaha 8aad-9aad 2012) iyadoo dib loo eegayo dhacdada loo badinayo. Waxay qormadu koobaysaa xogta guud...
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud “Kenya ugu Dulqaadanmeyno in ay u Gefto Madaxweyneheenii Hore ee Shiikh Shariif”
Sam Ongeri “Shiikh Shariif waxaa uu ka mid Dadkii noo soo Gurmadey, Marka Ruux kuu soo Gurmadey Sideen u Eedeyn karnaa”
Madaxweyne Xasan sheikh Maxamud oo Shir Jaraaid ku qabtey Xarunta Madaxtooyada ee Filla Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyey warkii ka soo yeerey Wasiirka arimaha Dibada ee Kenya Sam Ongeri ka dib markii uu Madaxseynihii hore ee DFKMG Shiikh Shariif ku eedeeyey in uu ka dambeeyey...
Shiikh Shariif “Hadalka Wasiirka Kenya waa mid aad looga Xumaado,waana mid aan Kaalmeyneyn Wada Noolaansha Labada Wadan”
“Kenya Haddii Shidaal Qodaneyso iyo Haddi Dhul Soomaaliyeed Goosaneyo waxay U taala Dowlada Cusub iyo Shacabka aniga Masuuliyadaas waan soo Gutey mana rabo in aan Dhex galo wax la soo Dhaafey”
Madaweynihii hore ee DFKMG Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyey Hadalkii ka soo yeerey Wasiirkii Arimaha Dibada ee Kenya...
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya oo Shiikh Shariif ku Eedeeyey inuu ka Danmbeeyay Isku Deygii Dhawaan la isku Dayey in Lagu Khaarijiyo Madaxweyne Xasan Shiikh.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Dalka Kenya qaarkood ayaa Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Kenya waxa uu wax ka qoray Qarixii dhawaan ka dhacay Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho. Sam Ongeri Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya ayaa sheegey isagoo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka soo baxda Magaalada Nairobi inuu si weyn uga shakisan yahay in isku deygaasi uu ka dambeeyay Shariif Shiikh...
Maxay tahay Sababaha ay Dowladda Kenya Maamulka Pundland uga Maqnaadeen Caleemo Saarkii Madaxweyne Xasan Shiikh
iyo Dowladda Kenya oo ku Eedeysey Shiikh Shariif in uu ka ,Dambeeyey Qaraxii Hotel Jasiira —
Iyadoo Maalintii shaley oo Axad ahayd la Caleema saarey Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa hadana madax lagu martiqaadey Caleemo saarkaas ayaa ka baaqsadey in ay ka soo qayb galaan, waxaana ka mid ah Madaxweynaha Dowlada Kenya Kibaki iyo Madaxweynaha Mamulka Gobleedka Pundland Cabdiraxmaan faroole,...
Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oo ay ka qayb galeen Madaxweynah Jabuuti, Raiisul Wasaaraha Itoobiya , iyo Raiisul Wasaare kuxigeeka Turkiga iyo Madax kale
Waxaa Goor dhow Dugsiga Sare ee Booliska kusoo gabagaboodey Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud waxaa ka qayb galey Xafladaas Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle , Raiisul Wasaaraha ku meel gaarka ee Itoobiya Xayle Maryam, Rasiil wasaare ku xigeenka Turkiga Baker, Raiisul Wasaare ku xigeenk wadanka Uganda, xaghayaha Jaamcadda carabta Samiir...
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sii jeeda Magaalada New–York ee Cariga Mareykanka
Waxaa la filayaa in 23 bishaan September uu Dalka ka ambabaxo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana uu tagi doonaa Magaalada New York ee Cariga Markeykanka halkaasuu kaga qayb geli doono Shirkii Sannadlaha ahaa ee Qaramada Midoobey oo ay ka qayb galaan Madaxda Dunida.
Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegey in safarkaan uu yahay safarkii ugu horeeyey ee uu dalka uga ambabaxo iyadoo...
Soomaaliya: Banaanbaxayaal Careysan oo ka soo Hor Jeeda Filimkii Lagu AfLagaadeeyay Nabigeena NNKA
iyo Ahlu Sunnah oo sheegay in ay Bar tilmaameedsanayaan kuwii aflagadana u gaystay Rasuulka Suuban SCW..
Waxaa Maanta qaybo ka mid ah Gobolada Soomaaliya si weyn la isugu soo baxay banaanbax looga soo hor jeedo Filimkii dhawaan lagu af lagaadeeyay Diinta Islaamka iyo Nabigeenii Suubanaa Naxariis iyo nabadgelyo Dushiisa ha ahaatee.
Banaan baxyadan ayaa meelaha ay ka dhaceen waxaa ka mid ah Magaala...
Cabdiraxmaan Faroole oo Isku Shaandheyn ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada islamarkaana ku sii jeeda Muqdisho
Wareegto ka soo baxaday Xafiiska madaxweynaha Maamul Goboleedka PuntLand ayaa qaar ka mid ahaa Golaha Wasiirada Xilkii Wasaaradaha ay hayeen looga qaaday.
Wareegtada oo soo baxday Sept 15, 2012 Ka Akhri Halkan
Wasiirada Xilalkoodii waayay waxaa ka mid ah Caasha Cabdi Geelle Wasiirkii arrimaha haweenka iyo Qoyska taasoo xilkaasi haysey mudadii Todobada sana ahaydee la soo dhaafay iyadoona lagu bedelay...
Banaanbax Looga soo Hor Jeedo Filimkii Lagu Af Lagaadeeyay Rasulkeena NNK ha Ahaatee oo Jimcadii ka Dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo.
In ka badan Boqolaal Dad ah oo caraysan ayaa Jimcadii Socod ku Maray Wadooyinka waaweyn ee Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Dadkan ayaa waxaa ay ka careysnaayeen Filim dhawaan lagu sameeyay Dalka Maryakanka oo meel uga dhacyay Diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed Nabadgelyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.
Dadkan oo wejiyadoodu Caro aad ah ay ka muuqatay ayaa waxaa watay Boorar...




