Home » Warar
Kulan lagu Dardar Gelinayo Dadaalka Beesha Caalamka ugu Jirto Dagaalka Burcadeeda Soomaaliya oo ka Dhacay New-York.
Kooxda Xiriirka ee la Dagaalanka Kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida Meelaha ka Baxan Xeebaha Soomaaliya ayaa Fadhigoodii 16-aad ku yeesheen Magaaladda New-York ee Xarunta Qaramada Midoobey 14-kii Bishii May , waxaana Kulankaaas Shir Gudoominayey Ururka Midowga Afrika
Kooxda u Midoowdey la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa Kulankooda waxay Diirada ku saareen in Muhiim tahay in Talaabooyin...
Eng Yarow Shariif Aadan oo u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay wax ka qabto Duqeymaha Ciidamada Kenya ka wadaan Degmada Jilib.
Iyadoo Maalmahaan Diyaarado laga leeyahay Wadanka Kenya ay Duqemo ku hayaan Magaalada Jilib iyo Deegaano ka tirsan Degmadaas oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa Arrintaan si aad uga Hadley Gudoomiyaha Hogaanka reer Goleedka ee Jubbooyinka Eng Yarow Shariif Aadan , waxaana uu sheegey in Dhowrkii Maalmmood ay Duqntaasi Socotey ay Dhibaato ka soo gaartey dad Beeraleey oo ku Dhan Degmada...
Wasiirkii Amniga Qaranka ee Xukuumada Soomaaliya oo iscasilay
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo aqabalay Iscasilaadii Wasiirka Amniga Qaranka —
Wasiirkii Wasaarada Amniga Qaranka ee Xukuumada Dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xalay oo Axad soo gelaysey (May 24, 2014) si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirka amniga.
C/kariin waxa uu arrintaas ku dhawaaqay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho.
Iscasilaadda...
RW Cabdiwali: ‘Ciidamada amnigu waxay ka hortageen weerar khasaaro badan geysan lahaa”
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:
Muqdisho, 24, may, 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Taliyaasha Ciidamadda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa galabta booqday Xarunta golaha Shacabka oo lagu soo bandhigayay 7dii dhagarqabe ee maanta weeraray xarunta golaha...
Wasiirka Warfaafinta “Kor u-qaadida tayada iyo aqoonta saxuufiyiintu waa saldhig horumarka warbaahinta Soomaaliya.”
Mogadishu,– Wasiirka Warfaafinta, Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa u hambalyeeyey 138 suxufi oo maanta dhamaystay koorso waxbarasho ku aadan “sida loo qoro wararka raadiyaha” waxuuna yiri “Hambalyo ayaan leeyahay 138-da suxufi ee maanta u dabaaldagaya dadaalkoodii iyo natiijadii waxbarashadii, shakina iigama inay saameyn balaran ku yeelan doonaan horumarka warbaahinta Soomaaliyeed.” Waxaana uu...
Golaha Wasiirada oo ansixiyey Hindise-sharciyadeedka iibka Qaranka
Muqdisho, May 22, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Hindise-sharciyadeedka Iibka Qaranka iyo heshiis dhinaca xog ururinta ah oo ay dowladda Soomaliya la gashay shirkadda CGG oo laga leeyahay waddanka Switezerland.
Hindise-sharciyadeedkan oo lagu wado...
Jaamacadda Caalamiga ee Horseed oo Daahfurtey Mashuurca PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT EE MASTER DEGREE.
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu Daah Furayey Barnaamjjka PAN AFRICAN E- NETWORK PROJECT ee Master Degree-ga waxaana Munaasabadaan ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,Xildhibaano,Dibolomaasiyiin, Masuuliyiinta Jaamacada Horseed , Macalimiinta , Ardeyda Wax ka Barada Jaamacadda Horseed iyo Marti Sharaf kale .
Barnaamijkaan oo ah Barnaamij...
RW. Cabdiwali oo ka qayb galay xaflad lagu soo bandhigayey waxqabadka Turkiga ee Soomaaliya
Muqdisho, -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxaana uu komeer ku sameeyay waaxyaha kala duwan ee Telefeshinka iyo Raadiyaha Qaranka, isagoo dhinaca kale kulamo gooni gooni ah la qaatay howlwadeenada wasaaradda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Wasaaradda Wasiirka Warfaafinta Mudane...
Khudbadda Madaxweynaha ee Munaasabadda 15ka May 2014
Waxaad ka warhaysaan in maalmo dhawayd ay qaar ka mid ah xildhibaannada Soomaaliyeed ii soo jeediyeen baaq, sidaan horay u sheegay, qof kasta xor buu u yahay aragtidiisa, anigana waxaan soo dhawaynayaa kala duwanaanshaha aragtida iyo xorriyadda ra’yiga, waxaanna diyaar u yahay inaan la fadhiisto cid kasta oo ka mid ah xildhibaanadaas, kana wada hadalno waxyaabaha ay sheegayeen aanna isla fahamno...
War Saxaafadeed: Warbixinta Xaaladda Dalka ee Wasiirka Warfaafinta
Muqdisho, 17 May 2014, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Mustaf Dhuxulow, oo shir-jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, isagoo sheegay in dowladdu ay ka go’antahay waxqabad iyo horumar si shacabka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah sanadka 2016ka.
Wasiirka ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “ Mudadii 4-ta bilood aheyd ee xukuumadani jirtay waxaan ku guuleysanay inaan...
Gudoomoyaha Jaamacadda Imam oo kulan furan la yeeshay Ardayda & Macallimiinta Jaamacadda.
Jaamacadda Imam waxa ay qabatay Kulan Furan oo ay u qabatay Ardayda taasoo ay kazoo qeyb galay Gudoomiyaha Jaamacadda, Dr.XasanAlbasri Sh. C.qaadir, sidoo kale qeybaha kala duwan eeMaamulka Jaamacadda, Macallimiinta iyo Marti Sharaf kale.
Kulanka oo ahaa mid xiiso gaar ah lahaa waxaa lagu bilaabay Kalmado Baraarujin ah oo ay soo jeediyeen Macallimiinta qaar ka mid ah sida: Ustaad C.raxman Barrow ...
Maamulka Ximan iyo Xeeb oo Gacanta ku dhigay Caruur fara badan oo la Safrinayay.
Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka warbixiyay laba qof oo ay ku qabteen Degaanadooda kuwaas oo ku wajahnaa Magaalada Gaalakcyo ee Gobolka Mudug.Afhayeenka Maamulkaasi Carays Maxamed Xaaji oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku wargeliyay Waalidiinta ay Ilmahaas ka maqan yihiin in ay la soo xiriiraan Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Afhayeenka ayaa sheegay in Nin iyo Haweeney Caruurtaas safrinaysey ay gacanta ku dhigeen...
RW. Cabdiwali: “Maanta waa maalin taariikh ah, waxaan muhiim ah inaan si wada jir ah u xasuusano aabayaashii xorrnimada “
Warsaxaafadeed:
Muqdisho, 15, May, 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda lagu xusayey 71 guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ururkii dhalinyarada gobonima doonka Soomaaliyeed ee (SYL). Munaasabadan ballaaran waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa lagu qabtay Garoonka kubada...
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo u yeertey Madaxa TV-ga Universal
Waxaa nasoo gaarey Nuqul ka mid ah Qoraal ka soo baxay Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir oo loo qaybiyey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta islamarkaana uu ku Saxiixnaa Gudoomiyha Maxkamadaas Dr.Xasan Maxamed Cali (Wariiri) waxaana Qoraalkaas Baafin ah oo Tirsigiisa ahaa Ref-MRGB/151/2014BG soona baxay 4-5-2014 uu u Qornaa sidatan :-
Maxkamada Gobolka Banaadir waxay Baafineysaa Madaxa TV-ga...
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyey weerarkii Baydhabo
Iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sh. Axmed oo ka tacisyeeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Baydhabo, diyaaradna u diraya dhaawaca
Muqdisho, May 12, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen muwaadiniin aan waxba galabsan. Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu...
Bayaan ka soo baxay Nadwadii lagu soo gabagabeeyey Johannesburg
NADWO KA SOCOTAY JOHANNESBURG OO LA SOO GABAGABEEYAY
Waxaa lagu soo gabagabeeyay caawa 11/05/2014 bacdal maqrib masjidka imaamu shaafici ee ku yaalo Johannesburg nadwo diineed wayn oo ay soo qabanqaabiyeen majliska albayaan qaybtiisa dacwada ee gobolka Gauteng nadwo diimeed ciwaankeedu uu ahaa shareecada iyo nolosha.
Nadwadaas oo ahayd tii koowaad ee sanadakan ayaa waxaa ay furantay maalintii jimcada...
Saameeynta Kooxaha Burcad Badeeda ku yeesheen Ganacsigii Soomaaliya.
Cabdi Abshir Dhoore “Saameynta waxay ka timid Maraakiibtii wax soo Daabuli jirtey oo Caymiskoodii Kor u kacay”
Xiligii Qaybo ka md Dalka ay ka Dilaaceen Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka Qowleystada Xeebaha Soomaaliya kuwaa Maraakiibta Maraya Xeebaha Soomaaliya ay halkaa ka soo qafaashaan, kuwaa oo Aakhirkii Mraakiibtaas ka qaata Lacago Madaxfurasho ah ka dib marka ay Muddo haystaan Maraakiibtaas,...
Xildhibaan Xuseen Nuur “ Xasan Shiikh waxaa u Wanaagsan in uu aqbalo Taladii Xildhibaanada ee ahayd in uu iscasilo”
Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey inuu la kulmayo Xildhibaanadii ka soo saarey Bayaanka —
Iyadoo markii uu dalku ku soo laabtay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku baaqay in la dhowro Nidaamka Dawladnimada isla markaana xiligan aan loo baahnayn in la keeno fikrado khilaaf abuuraya ayaa arrintaasi waxa ay u cuntami weydey qaar ka mid ah Xildhibaanadii dhawaanta Bayaanka soo saaray.
Xildhibaan...
Soomaaliya oo Noqotey Dalka Labaad ee ee ugu Dhimashada Badan Haweenka Umul Raacda
Xaflad lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Umulisada oo ka Dhacdey Magaaladda Muqdisho
Waxaa Vila Suldaan ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasbad ku aadan Maalinta Caalamiga ah Umulisada Adduunka (International Day of Midwife) waxaana Munaasbadaas ka soo qayb galay Masuuliyiin ka trisan Dowlada Fedraalka , Maamulka Gobolka Banaadir , Hayadaha Samafalka oo ay ugu horeysa Hayadda UNFPA, Ururka...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maanta Booqasho ku tegay Magaalda Marka
Muqdisho, 07, May, 2013…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar shaqo ku tegay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka, Wasiirro, Xildhibaano iyo saraakiisha Ciidamadda Dawladda, AMISOM iyo qaybaha bulshada ee degmada Marka.
Soo-dhawaynta...
Qarax ka dhacay Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen xoghayahii hore ee gobolka Banaadir CabdiKaafi Hilowe Cismaan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisii
Ra’iisul Wasaare Cabdiwali oo ka tacsiyeeyey shacabkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho
Muqdisho, May 03, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka tacsiyeeyey qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo galaaftay shacab Soomaaliyeed ee an waxba galabsan. Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay xoghayahii hore ee gobolka...
Xarunta SWDC oo lagu Qabtey Munaasabad Shahaadooyin lagu Gudoonsiinayey Gudoomiyayaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxaa Xarunta Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC) ee magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad lagu soo Dhaweynayey waxqabadkii Gudoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir,waxaana Munaasbadaas ka soo qayb galey Dhamaan Gudoomiyayaashii hore , Madaxda Xarunta iyo marti sharaf kale .
Ugu horeynwaxaa halkaa ka hadley Sahro Axmed Maxamed oo ka mid Madaxda Xarunta SWDC, waxayna uga Mahadcelsey Gudoomiyayaashii...
Munaasabad lagu Xusayey Maalinta Saxaafadda Adduunka ee 3-da May oo ay soo Agaasintey Hay’adda Relief International oo ka Dhacdey Muqdisho.
Bashiir Cali Maxamed “Relief International waxay Fureysaa Xarun lagu Barto Cilmiga Saxaafadda ,waxayna ugu Horeyn Tababareysaa 140 Ardey
Munaasabad ku Aaadan Maalinta Saxaafadda Adduunka ee 3 May 2014 ayaa waxay ka dhacdey Hotel Jasiira ee Magaalada Muqdisho waxaa Xafladaas soo qaban qaabiyey Hayadda Caalamiga ah ee Relief International waxaana ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,Qaybaha...
Cabdulaahi Xasan Isaaq “Ma aha Qunsulkii Kenya ee waa Barasaabkii Gobolada Jubbooyinka ”
Cabdulsaaaahi Xasan isaaq oo ka mid Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolada Jubboyinka ayaa mar uu u Waramayey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa wax laga weydiiyey Qunsul Dowladda Kenya u soo Magacowdey Gobolada Jubbooyinka kaasoo la sheegey in uu dhawaan Waraaqihii Aqoonsiga ka Gudoomey Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe , waxaana uu sheegey in ay arrintaas ay Xadgudub ku tahay...
Machadka EISA oo Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasada u qabtey Tababar ku saabsan Talaabooyinka loo baahan yahay Doorashada 2016
Kulankaan oo ay soo qabanqaabisey Machad lagu Magacaabo Electoral Institute for Sustainable Democracy in Africa (EISA) oo inta badan qaabilsan Arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurada ayaa waxaa uu ka dhacay Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho iyadoo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Ururada Bulshada Rayidka iyo Axsaabta Siyaasadeed ee dalka ka jira ee aan weli la diwaangelin, waxaana...




