Home » Warar
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay.
Muqdisho: October, 17, 2014-Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdigii uu hoggaaminaayay ayaa maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii uu booqasho saddex maalmood ah ku tegey dalka Faransiiska.
Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhoweeyay Xarunta Madaxtooyada Jamhuriyadda Faransiiska, waxay wadahadal yeesheen Madaxweynaha Faransiiska, Francois...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya ee Maanta
Somalitalk 16-10-2014
Guddiga la socodka Cuna-qabataynta Hubka Somaliya iyo Eritrea oo Warbixin hor leh ka qoray Soomaaliya.
Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritireeya ayaa warar hor leh ka qoray Soomaaliya gaar ahaana Dekadda Magaalada Kismaayo oo Dhuxusha si toos ah looga dhoofiyo.Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhuxusha ka dhoofta...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Bujumbura kula kulmay Madaxweynaha Burundi.
Warsaxaafadeed
Arbaco, 15 October, 2014 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa magaalada Bujumbura kula kulmay Madaxweynaha dalka Burundi, Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweyne ku-xigeenka, Mudane Prosper Bazombanza iyo xubno ka tirsan Xukuumadda oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Burundi, Waxa ayna ka wada hadleen xoojinta...
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxaweynaha Faransiiska
Paris: October 15, 2014- Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa maanta xarunta Madaxtoooyada ee Jamhuriyadda Faransiiska si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
Labada Madaxweyne waxay ka wadahadleen iskaashiga labada Jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Faransiiska ee dhinacyada difaaca, ammaanka iyo horumarinta.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka...
Golaha Imaamyada ee W/Ameerika oo Gurmad lacageed oo Gaaraya $50,000 u diray Gobalka Gedo
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay Masaajidka Wayn ee Abubakar As-ssadique Ee magaalada Minneapolis,Munaasabadaas oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Iimaamyada ee Waqooyiga Ameerika ayna ka soo qayb galeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maraakista Majliska,culumo iyo Martisharaf kale oo faro badan,ayaa Goluhu wuxuu ku wareejiyey Hay’adda Samafalka Ee HARO,Lacag gaarayso...
Dhagayso: Xukuumadda oo ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedka ka socda Hiiraan
Muqdisho, 15, October, 2014….Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi heer Wasiirro ah u magacowday Colaadaha iyo dagaal beeleedyada ka jira deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan, waxana ay Xukuumaddu ugu baaqday kooxaha uu khilaafku ka dhexeeyo inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka oo ay wadahadal ku xalliyaan khilaafkooda.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 15-10-2014
Ergeyga QaramadaMidobay oo Golaha Ammaanka uga war bixiyay xaaladda Somaliya islamarkaana Walaac ka muujiye Khilaafka Madaxda Dowladda.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka qayb galay shirkii Golaha ammaanka QaramadaMidoobay shalay ay ku yeesheen New-york oo golaha ammaanka ayaa ka war bixiyay Xaaladda Soomaaliya.
Nicolas Key Ergeyga ayaa ugu horeynba ka hadlay...
R.W Cabdiweli oo soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dowladda dhexe iyo Puntland
Muqdisho, 14, October, 2014…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee maanta ay kala saxiixdeen dowladda dhexe iyo Puntland, wuxuna ku tilmaamay heshiiska inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo dhismaha dowladdo federaal ah.
Cabdiweli Sheekh Axmed...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo u ambabaxay Dalka Burundi
Muqdisho, 14, October, 2014…. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo gelinkii danbe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal shaqo oo ku tagay Puntland ayaa u ambabaxay dalka Burundi, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa isaga iyo wafdigiisa garoonka ku sii sagootiyay xubno...
Tawakal Express oo Bangi cusub ka furaysa Soomaaliya
War Murtiyeed
Tawakal Money Express oo Billowday Mashaariic Dhismeyaal Bangi (Tawakal Global Bank) looga hirgalinayo Soomaaliya
Tawakal Money Express (Tawakal) Waxay macaamiisheeda sharafta leh iyo dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ku wargalinaysaa in aannu ku gudo jirno yagleelka Bangiga (Tawakal Global Bank) ee Soomaaliya, Mashaariicdaas oo laga hirgalinayo goobo kala duwan oo Soomaaliya ah.
Dhismayaashaas...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 14-10-2014
Boqol Xujay Soomaali ku jirto oo Sanadkan ku Geeryooday Dalka Sacuudiga
Sida ay qortay Jariidad ka soo baxda Sacuudiga ee lagu magacaabo Dawaaf ayaa lagu sheegay in sanadkan xiligii lagu jiray gudashada Waajibaadka Xajka ay Geeryoodeen illaa Boqol Xaaji. Xujaydan ayaa sida lagu soo waramay waxa ay ka kala yimaadeen Dalalka Somaliya, Masar. Yaman. Marooko iyo Ciraaq kuwaasoo sida...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo si weyn loogu soo Dhoweeyey Magaalada Qardho
Garoowe, 13, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Puntland ayaa booqasho ku tegay magaalada Qardho iyagoo ka jawaabaya casumaad uga timi Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.Saraakiisha degmada, waxgarad, arday iyo haween ayaa si...
Shiinaha oo Safaaradiisii 24 kadib Soomaaliya dib uga furtay
Shiinaha ayaa markale dib uga furtay safaaradiisii Soomaaliya mudo dheer kadib, labada dalba waxay ku tilmaameen in dib u furida safaarada ay muhiim u tahay xiriir koodana xoojin doonto. Safiirka loo magacaabay Soomaaliya ayaa ku hadla luuqada Soomaaliga. Qoraal aan kasoo turjunay (Xinhua) ayaa wuxuu u qoraa sidatan.
MOGADISHU, Oct. 12 (Xinhua) “Shiinaha ayaa Axada dib uga furay safaaradiisii...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Canbaareeyey Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FS:
Garoowe, 12, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u canbaareeyey weerarka argagaxiso ee lagu bartilmaameedsaday dad rayid ahaa oo ku sugnaa maqaaxi laga cunteeyo oo ku taalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa weerarkan ku tilmaamay...
Masaajidka Flen ee Sweden (Flens Moske) oo markii 5-aad dhaawac lagaarsiiyey
Daaw: Maamulka iyo Culumnmada Masaajidka Flen ee Sweden oo ka warbixinaya dhaawac loo gaystay Masaajidka, muslimiintana ka codsaday inay gacan ka gaystaan, sidii Markasku usii jiri lahaa.
llaahu Akbar- waa markii shanaad ee la burburiyo Masjidka Flen ee waddanka Sweden. Gurigaan maanta Masjidka ah ayaa markii hore ahaan jiran Kaniisad Illaah qayrkii lagu caabudo, waa arrin muslimiinta degan magaallada...
Kooxo Hubaysan oo Dhaawc u geystey Wariye Cabdirisaaq Black oo u Shaqeeynayey T.V.ga Somali Channel.
Xaaladda Wariye Cabdirisaaq Jaamac Cilmi (Black) ayaa iminka soo hagaagaysa ka gadaal markii subaxnimadii hore ee saaka Kooxo Hubaysan Rasaas ay ku fureen gaari uu watay. oo markaaku sugnaa Suuqa Bakaaraha. Wariyahan oo u shaqeeya T.V.ga Somali Chanel ayaa ku sii jeeday Goobtiisa Shaqo xiligaa ay rasaaseynayeen kooxdaas Dableyda kuwaasoo dhowr Xabadood kala helay Caloosha iyo Gacmaha
Cabdirisaaq ayaa...
Mu’asasada Al-Minhaaj oo soo gabagabaysay dawro ah “Tababarka Tababarayaasha”
waxaa xalay kusoo gababoobay magaalada bosaaso ee gobolka bari tababar
ka socday labadii maalimood ee u dambaysay hoolka shirarka ee mu’asasa
al-minhaaj, tababarkaan oo loo qabtay qaar ka mida ardayda wax ka
barata jaamacadaha magalaada boosaaso ayaa waxaa soo qaban qaabisay
mu’asasada al minhaaj ee dacwada iyo hormarinta, waxaana soo
jeedinayay tababare cabdifitaax cajab oo ah tababare kasoo...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Somalitalk 11-10-2014:
Madaxweynaha DFS oo gaarey Barawe iyo Xarakada Alshabaab oo sheegatey in ay weerareen Diyaaradii uu lasocdey
Madaxweynha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu Hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose ka dib markii dhawaan ay halkaa la wareegaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom , intiii aysan soo Caga dhigan Garoonka...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo furay shirka wada xaajoodka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda FS:
Garoowe, 11, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay shirka wada hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo saddex maalmood ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.Mudane Cabdiweli oo furtitaanka shirka uu ku weheliyey Madaxweynaha Puntland Mudane...
Maamulka Cusub ee Munadamada Beder oo xilka kala wareegay Maamulkii Hore
Gaalkacyo 10.10.2014 Munadamada Beder ee Ardayda kabaxday Machadka Al-Faaruuq oo ah Munadamo ka shaqaysa Faafinta Diinta ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo kula kala wareegay Xilka Maamulka Munadamada Gudoomiyihii Hore ee Munadamada Mudane Muxamed Cabdulaahi Cali (Sayid) , iyo Gudoomiyaha Cusub Cabdirazaaq Cabdulaahi Daahir (Nadaara).
Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Gudiga Cusub ee Munadamada Hogaamin...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo Dhoweeyey Garoowe
Garoowe, 10, October, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan GolihiisaWasiirada iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo oo muhiim ah uu maanta uga bilaabmay magaalada Garoowe ee xarunta Dawlad Goboleedka Puntland. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa gegada diyaaradaha ee Garoowe waxaa...
Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tegey degmada Cadale
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta booqasho hal maalin ah ku tegey degmada Cadale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe,
Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno degaanka ka soo jeeda iyo Taliyayaasha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Nabad Sugidda iyo mas’uuliyiin kale, waxaa si...
Xulashada Jimcaha: Xasuuqii Ciidanka Kenya ka geysteen magaalada Wagalla ee NFD
Xulashada Jimacaha Somalitalk ee toddobaadkan, waxaan ku soo qaadanaynaa xasuuqii ay ciidamada Kenya ka gesyteen magaalada Wagalla ee dhulka Soomaaliyeed ee NFD, muddo hadda laga joogo 30 sanadood.
Markey taariikhdu aheyd 8dii Febraayo 1984, goor habeennimo ah, ayuu kulan qarsoodi ahaa oo ay albaabadu u xiranyihiin uu ka dhacay aqalka dowladda ee degmada Wajeer. Kulankaas oo ahaa mid heer sare ah waxaa...
Boosaaso iyo Minneapolis oo la mataaneeyey
Cabdi Warsame ayaa cod googo’aya ku yiri isagoo ilmada iska tiraya……..
Dowlada oo hoose ee magaalada Minneapolis ayaa maanta cod aqlabiyad ah ugu codeeyey in la mataaneeyo labada magaalo ee Minneapolis iyo Boosaaso. Arintan oo gudiga dowlada Hoose ee Minneapolis u gudbiyey Cabdi Warsame oo ah Mudane laga soo doorto xaafada Cedar iyo Koonfurta Magaalada Minneapolis ee Soomaalida...
Shirkada Golis laga bilaabo Jimcaha Canshuur ayaan ku daraynaa daqiiqadaha lagula hadlo dalka iyo dibadaba
Daawo: Maareeyaha Guud ee Shirkada Isgaarsiinta ee Golis, Siciid Aadan Axmed oo ay weheliyaan madaxda kale ee Shirkada Golis ayaa ku dhawaaqay inay hirgalinayaan canshuurta wacitaanka telafoonka oo ah daqiiqadaha ay isticmaalayaan dadku marka ay lahadlayaan gudaha iyo dibadba, kadib markii dowladu soo rogtay in canshuur laga qaado isticmaalka telafoonka. Hadalkii maareeyaha waxaa ka mid ahaa.
”...




