Home » Warar
Yaa ka dambeeyey in Ciyaartooydii Eretereya ku baxsadaan Magaaladda Nairobi
Warar ay baahiyeen saraakiil dhanka ciyaaraha ah oo ka tirsan Afrika ayaa sheegay in 12-ciyaartoy oo ka mid ah xulka Qaranka dalka Eritrea oo uga qaybgalay dalka Kenya ciyaarihii bariga iyo bartamaha Afrika ay goosteen
Nicholas Musonye oo ah xoghayaha guud ee xiriirka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ayaa saxaafadda ugu sheegay Magaalada Nairobi ee dalka Kneya in tababarihii xulka Qaranka Eritrea...
Joornaaliisteyaashii Lagu Diley Soomaaliya 1991 – 2009
Dhicidii xukunkii Maxamed Siyaad Bare ee 1991 iyo dagaaladii sokeeye ee ka danbeeyey ee ay Soomaalidu ku dad, dal iyo duunyaba beeshay waxa marka laga tago shacabkii faraha badnaa ee lagu diley ka sokow ay dagaaladaas iyo fowdadii dabajoogtayba galaafteen nolosha suxufiyiin fara badan oo la diley iyagoo doonaya iney dunida u soo bandhigaan masiibadii heysatay Soomaalida.
Fiiro Gaar ah: Maqaalkan...
Minneapolis: Barnaamijka Maktabadaha Degmada Hennepin ee December ilaa Febraayo
check (www.hclib.org) for updates.
BARNAAMIJTA MAKTABADDA DEGMADA HENNEPIN EE DIISEEMBER – FEBARAAYO 2009/2010
BUUG, CDyo, DVDyo, KUMBUYUUTARRO, BARNAAMIJ, ADEEGYO KALE
Maktabadda Degmada Hennepin waxay bixinaysaa boqollaal barnaamij oo lacag la’aan ah xilligan qaboobaha oo loogu talagalay caruurta, dhalinyarada iyo dadka waaweyn. Barnaamijtaas waxay bilaabanayaan bisha Diiseembar (http://www.hclib.org/pub/events/)....
Kenya: Soomaaliya Xal miyey la dooneysaa misa xal la’aan?.
FAALLO::: Kenya: Soomaaliya Xal miyey la dooneysaa misa xal la’aan?.
Xaalada Soomaalida ku nool Kenya iyo mida Ganacsi. Sidoo kale warbaahinta iyo doorka dowlada Kenya ee Xalka Soomaaliya.
Wadanka Kenya waxuu kamid yahay Dalalka dariska dhow la ah Wadankeena Soomaaliya, waxuuna door firfircoon uu ku leyahay Siyaasada Soomaaliya, ayadoo dad faro badan oo Soomaaliyeed ay dagan yihiin Wadankaan, sidoo...
Al shabaab oo xayiraad saartay hay’ada Mine Action
بسم الله الرحمن الرحيم
Taariikh : 17-12-2009.
Bayaan ku aadan Howlaha Hay’ada Mine Action.
Laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 17-12-2009, Hay’ada hoostagta qaramada Midoobay ee loo yaqaano Mine Action waa mid xiran.
Tilaabadan ayaa waxaa qaaday Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah kadib markii diraasad qoto dheer uu ku sameeyay dhaqdhaqaaqyada iyo ujeedooyinka...
Warsaxaafadeed: Suldaan Axmed Dhore Farax
Kulan balaaran oo ay ka qeyb galeen xubnaha odoyasha dhaqanka ee beelaha hawiye oo lagu soo bandhigay hagardaamooyinka loo maleegayo bulshada islaamka ee somaliyeed .
Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedka oo ayaa waxaa uu u qoraa sidaan
Hordhac ………
Waxaa laga wada dharagsan yahay caqabada ugu weyn ee hortagan nabada ka dhalata dalka somaliya in ay tahay faragalinta shisheye ee lehmid ciidan iyo mid...
Arday ka Qalin Jabisay Schoolka Al-Aqsa Ee Nairobi
Arday ka Qalin Jabisay Schoolka Al Aqsa Ee Nairobi
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Dec 15, 2009: Xaflad aad looga soo sheqeeyay islamarkaana ay ka qalin jabiyeen Arday tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 1500 oo Arday ayaa waxaa ay ka dhacday holka wayn ee lagu magacaabo islii mool oo ku yaalo badhtamaha magaalada Nairobi..
Munaasabadan Qalin Jabinta aya waxa iskugu yimi Aqoonyahano iyo Culima Awdiin...
Hambalyo Sanadka cusub ee Hijiriyadda 1431
Hambalyo Sanadka cusub ee Hijiriyadda 1431
Caawa ayaa la filayaa in uu curto Sanadka cusub ee Hijriyadda Islaamka 1431, waana bisha Muxaram oo ah bisha la bixiyo Zakada, iyadoo taasi jirto ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarugsaneyn dhalashada sanadka cusub ee Islaamka taas oo lagu sababeeyey kadib markii ay qabatimeen sanadka Miilaadiga oo isagu haatan maraya 2009, maalmo kadibna la geli doono 2010.
Dalalka...
Kooxda Caalamiga ah ee la Xiriirka Arrimmaha Soomaaliya (ICG) oo ka hadlaysa aayaha Soomaaliya
WAR-SAXAAFADEED 033/2009
Kooxda Caalamiga ah ee la Xiriirka Arrimmaha Soomaaliya (ICG) oo ka hadlaysa aayaha Soomaaliya
Nayroobi, 16 Diisembar 2009 – Wakiillo ka socda in ka badan 30 dal oo isugu jira kuwo caalami iyo kuwo gobolkaba ah ayaa ku shiraya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya 17ka bishan Diisembar. Waxay ka wadahadli doonaan arrimo wax ku ool ah oo lagu taageerayo dowladda...
Bosaso: Tababar lagu baranayay Saxaafada oo ay soo qaban qaabisay Jimciyada Tadaamun oo la soo gaba gabeeyay
Tababar lagu baranayay Saxaafada oo ay soo qaban qaabisay Jimciyada Tadaamun oo ku soo gaba gaboobay Magaaladan Boosaaso
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Ku dhowaad 30 qof oo isugu jira Arday wax ka barata Dugsiyada Sare ee Magaaladan Boosaaso iyo Dad Aqoonyahno ah ayaa maanta waxaa uu siminaar ku saabsan Barashada Saxaada uga soo Gaba gaboobay Xarunta Hay’ada Tadamun Social Society ee Magaaladan...
Garoowe: Siminaar loo qabtay xubno ka tirsan Saxaafadda
Halkan ka daawi sawiro dheeraad ah
Garoowe:-Magaalada Garoowe ee Xarunta dowlada Puntland ayaa waxaa siminaar mudo dhan 2casho ah ugu soo gebageboobay ilaa 9 Suxufi oo ka mida kuwa kahowlgala degaanada Dowlada Puntland iyo 6ka tirsan Wasaarada Warfaafinta iyo Howlaha guud,Waxaana siminaarkan Maalgelisay Hay,adda UNHCR Waxaana Fulisay Wasaarada Warfaafinta dowlada Puntland.
Furitaankii siminaarkan ayaa...
Cabdi Qaybdiid oo loo magacaabay Wasiirka Macdanta DFKMG
Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa (December 14, 2009) waxa uu Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid u magacaabay wasiirka Macdanta iyo Biyaha.
Cabdi Qaybdiid waxa uu badalayaa Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo xilkaas hore u hayey. Oomaar waxaa loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare oo uu ka geeriyoodey Prof Ibaraahim Caddow oo ku dhintay Qaraxii hotel Shaamow (Dec 3, 2009).
Wareegtada...
Deegaanka raadeerka oo ay isaga sii qulqulayaan dadkii daganaa
Madaafiic xoogan ayaa (Habeenkii Talaadada) la sheegay in qeybo ka mid ah wadada warshadaha isku dhaafsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo xoogaga ka horjeeda.
Dadka deegaankasi ayaa ku waramay in madaafiicda ay ku dhacayeen xaafado dad rayid ah dagan yihiin.
Madaafiicdaan ayaa ka dhacayay inta u dhaxeysa Wasaaradii hore ee gaashaandhiga iyo Kuliyadii Jaala-siyaad halkaasi oo ay ku kala sugan...
19 qof oo ku dhaawacmey Qaraxii ka dhacay Hotel Shamow oo loo qaadey Sucuudiga
19 qof oo ku dhaawacmey Qaraxii ka dhacay Hotel Shamow oo loo qaadey Dalka Sucuudiga
Dadkii ku Dhaawacmey Qaraxii 3 –da bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Shamow, ee ku jiray Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi, ayaa loo qaaday dalka Boqortooyada Sacuudiga gaar ahaan Magaaladda Riyaad .
Dhaawacaan oo tan iyo 5tii Bishan lagu daweynayay Isbitaal lagu magacaabo...
Agoonta Ayuub Marka oo Xustey Sannad Guuradii labaad ee Maana Xaajow
Agoonta Ayuub Marka oo Xustey Sannad Guuradii labaad ee Maana Xaajow
Xarunta oo Codsanaysa in dib Xoriyadoodii lagu soo celiyo Shaqaalihii Hayadda WFL
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Xarunta Suldaan C/raxmaan Sulddaan Cali Ciise(AYUUB) iyo goobo kale oo badan, waxaa maanta ka dhacaya 2 Munaasabadood oo kala ah, 1. Xuska Maalintii ay geeriyootay Marxuumad Maana Suldaan C/raxmaan( Maana Xaajow)....
Wuxuu kaalmo u heley Tikidhkii wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo Kharashka Isbitaalka
Wuxuu kaalmo u heley Tikidhkii wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo Kharashka Isbitaalka
Shariif Aybakar Max’ed iyo Abshir Max’ed Xuseen waa dhibanayaal cudurradooda dalka gudihiisa wax looga qaban waayay, waxayna ka codsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed inay gacan ku siiyaan sidii ay u heli lahaayeen daweyn dibadda ah.
Shariif Aybakar waa 30-jir ay buro kaga taallo daanka bidix taasoo...
Taariikh Nololeedkii Halgamaa Cali Barduuro 1919-2009
TAAARIKH NOLOLEEDKII HALGAMAA CALI XASAN CALI (CALI BARDUURO) OO KOOBAN
Alle ha u naxariistee waxaan dib u milicsanaynaa Taariikh Nololeedkii Cali Xasan Cali (Barduuro) oo ahaa Halgamaagii ugu dambeeyay Ururkii dhalinyarada SYL Ee Gobonimo doonka islamarkana Keenay Xoriyada aynu hadhsanayno Ee aynu ku naaloonayno.
Alle ha u naxariistee Wuxuu Halgamaa Cali Xasan (Cali Barduuro) ku dhashay Degmada...
London: Bannaanbaxii looga soo hor jeeday Xasuuqii Ardaydii iyo Aqoonyahanadii Hotel Shaamow
Isu soo baxii magaalada London ee loogu baroordiiqayay Ardaydii iyo aqoonyandii ku naf waayay qaraxii Hotel shamoow
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Boqolaal soomaali ah oo ka tiiraanyeysan dhacdadii naxdinta laheyd ee ay naftooda ku waayeen dad isugu jira Arday,Aqoonyahano, Macalimiin, Dhaqaatiir, wariyayaal iyo Waalidiin, ayaa isugu soo baxay bartahamaha magaalada si ay u muujiyaan dareenkooda...
Garoowe: Siminaar muddo 6 maalmood ah uga socday culimaudiinka oo la soo gabagabeeyay
Siminaar muddo 6 maalmood ah uga socday culimaudiinka deegaanada puntland oo maanta (dec 12) lagu soo gabogabeeyey xarunta wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Garoowe.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Siminaarkani oo ay soo qaban qaabisay hay’ada UNFPA islamarkaasna uu fulinayey ururka PUPA ayaa maanta waxaa lagu soo gabogabeeyey xarunta wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Garoowe
Aqoon iswaydarsigani...
Kenya oo Lagu Daray Guddiga Sharci Dejinta Socdaalka Badaha Adduunka
Kenya oo Kursi ku yeelatay Guddiga Sharci Dejinta Socdaalka Badaha Adduunka
Guddiga (IMO) ee Sharci Dejinta u kala gooshidda Badaha waxa uu hoos yimaadaa Qarammada Midoobay
Kenya ayaa loo doortay in ay xubin ka noqoto Guddiga Caalamiga ah ee sharci dejinta Socdaalka badaha adduunka ee loo yaqaan IMO (International Maritime Organization), arrintaasi waxay Kenya ka dhigeysaa in ay saamayn ku yeelato,...
Sheikh Shariif ”waxaa la idiin tababarayaa in aad Badda Soomaaliya ka difaacdaan kooxaha Burcad Badeedka”
Sheikh Shariif Sheikh Axmed”waxaa la idiin tababarayaa in aad Badda Soomaaliya ka difaacdaan kooxaha Burcad Badeedka”
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya ayaa la hadlay ciidammada Badda Soomaaliya, isagoo ka dalbaday inay isku diyaariyaan sidii ay u difaaci lahaayeen Badda Soomaaliya ayna hortegi lahaayeen burcadbadeeda.waayadaan dhibaato...
Qofkii ugu danbeeyey ee ka tirsanaa Asaasayaashii ururkii SYL oo maanta ku geeriyoodey Nairobi.
Star FM. November 10, 2009. Nairobi, Kenya.
Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyoodey ALLAHA u naxariistee Cali Xasan Cali oo kamid ahaa aasaasayaashii ururkii SYL.
Cali Xasan ayaa in muda ah xanuun sanayey, waxaana la keenay magaalada Nairobi dhawaan si cudurka hayey dawo loogu helo.
Uggu danbeyntii Cali Xasan Cali wuxuu ku geeriyoodey magaalada Nairobi isagoo ay dadiisu aheyd...
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM oo ku baaqay in la labanlaabo dadaallada ku aaddan nabad soo celinta
WAR-SAXAAFADEED 032/2009
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammadda Midoobay oo maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka ku baaqay in la labanlaabo dadaallada ku aaddan nabad soo celinta
Nayroobi, 10 Diisembar 2009 – Ergeyga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmah Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, SRSG, ayaa ku ku baaqay in la labanlaabo dadaallada ku aaddan nabad soo celinta laguna...
Afhayeenka Ximan iyo Xeeb oo soo kormeeyay Mashaariic ka socota Degmadda Cadaado
Afahayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed Cumar Hagafey ayaa maanta kormeer ku soo kala bixiyay qaar ka mida dhismooyinka maamulka, dugsiyo iyo isbitaalka magaalada Cadaado oo ay ka socdeen howlo dhismo iyo shaqooyin kale.
Mudane Maxamed Cumar ayaa ugu horreyntii soo kormeeray xarunta cusub ee Maxadtooyada oo dayactir lagu hayay uu ku dhow yahay gebagebo, wuxuuna ka qaybgalay howl iskaa...
Shir Looga Hadlaayo Burcadbadeeda iyo Saameynta ay ku yeesheen Dhaqaalaha Aduunka oo ka dhacay dalka Holland.
Shir Looga Hadlaayo Burcadbadeeda iyo Saameynta ay ku yeesheen Dhaqaalaha Aduunka oo ka dhacay dalka Holland.
Halkan ka Daawo Sawirada Shirka….
Waxaa maanta ka dhacay dalka Holland magaalada Den haag shir aad u balaaran kaas oo looga hadlaayo Burcadbadeeda Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelatay dhaqaalaha aduunka. Shirka waxaa soo qabanqaabiyey ururo ay iska leeyihiin qurbajoogta Soomaaliyeed...




