Home » Warar
Gudoomiyihii Golaha Samadoonka oo lagu diley duleedka Muqdisho
Iyadoo weli dagaalo ka sii socdaan Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa sii dheer dilal aan la garaneyn Cidda ka dambeysa
Waxaa shalay (Axad Aug 15, 2010) galinkii dambe ay koox bastooladu ku hubaysan ku dileen deegaanka Ceelasha Biyaha gudoomiyihii golaha samadoonka Soomaaliyeed; Sheekh Maxamed Tahliil Warsame.
Marxuumka ayaa xubin sare ka ahaa Midowgii Maxaakiimta Islamiga ah, waxaana uu gudoomiye...
Suxufiyiinta Puntland oo ku gacan sayray Amar ka soo baxay Puntland
Saxaafadda Puntland oo laga mamnuuca “Muuqaalada iyo Codadka” waxa loogu yeeray “Argagaxisada iyo cidda la halmaasha”…
Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdixakim Axmed Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso, Axad August 15, 2010, ayaa sheegay in aan Puntland laga baahin karin “Muuqaalada iyo codadka ‘Argagaxisada’ iyo cidda la halmaasha aan...
Kulammo u socday Soomaalida ku nool xeryaha qaxootiga Kakuma oo la soo gaba-gebeeyey
Xerada qaxootiga ee Kakuma oo ah xero qoxooti oo ku taalla dalka Kenya, gaar ahaan galbeedka fog ee gobolka Rift-valley, Turkana district, waxaa ku nool Soomaali caddadkeedu uu kor u dhaaftay 52,000 oo ruux, qiyaas ahaanna 50% ayey ka yihiin ummadaha baraha badan ee halkaasi hoyga u tahay, taasi oo Soomaaldia ka dhigaysa qolada ugu badan ee ku nool Kakuma. In badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee...
Warbixin Ku Saabsan Habsami U Socodka Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood.
Waxaa magaalada Nairobi ee xaunta dalkan Kenya ku sugan Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal University ee magaalada Laascaanood Pro: C/Risaaq Maxamed Aadan{Lafoolle}.
Hadaba kulan aan la yeeshay ayaa waxaan kala sheekastay Habsami u socodka Jaamacadda Uu Hormuudka ka yahay ee Laascaanood waxaana ka diyaariyey Warbixintan.
Jaamacadda Nugaal oo jirta mudo 5 Sanadood ah ayaa waxay soo martay marxal;ado kala...
Boosaaso: Weriye lagu xakumay lix sano waraysi uu qaaday awgeed
Maxakamda Derejada Koowaad ee Magaalada Boosaaso ee Maamulka Pundland ayaa Lixsano oo Xarig ku xukumey Agaasimhii Idaacadda Horseed ee Magaalada Boosaaso waxaa kaloo lagu ganaaxay ilaa Shan Boqol oo Doolar iyadoo markii uu dhacay Xukunkaas Durbadiiba loo dhaadhiciyey Xabsiga Magaalada Boosaaso.
Agaasimaha oo lagu magacaabo Cabdifitaax Jaamac Mire ayaa waxaa Dacwad ku soo oogey Xeer ilaaliya Maamulka...
Saacadda Dunnida ugu dheer laga dul taagey Magaalada Barakeysan ee Makka AL-Mukarama
Makka oo noqoneysa Bartanka Dunida…..
Dhawaan Magaalada Barakeysan ee Makka Boqortooyadda Sacuudiga waxaa lagu soo gabagabeeyey dhisme Saacad la sheegey in ay ku baxdey Malaayiin Doolar iyadoo inta uu socdey dhismaha Saacadaan ay u soo daawasho tagi jireen Dada fara badan kuwaas oo aad u la yaabey sida loo qurxiyey iyo weliba sida loo dhisey.
Saacadaan ayaa noqneysa Saacada Aduunka ugu dheer...
Sheikh Ibraahim oo lagu fariisiyey Kursigii…..
Guddoomiyaha Jabhadda UWSLF, Sheikh Ibraahim ayaa Khamiistii waxaa la kulmay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Itoobiya Meles Zenawi ee gumaysiga ku haysta dhul iyo Shacab Soomaaliyeed. Kulankaas oo ka dhacay Addis Ababa SII AKHRI
Warbixinta Kulanka Sheikh Ibraahim iyo Zenawi Akhri/Dhegeyso
Warbixinta Kulanka Akhri /Dhegeyso
Read More →
Zenawi: UWSLF waxay ahaan jirey Argagaxiso oo hadda nabadda qaatay markay gobolka ku noolaan kari waayeen
Waxay ahaan jireen Al-Itixaad, Argagaxiso wax xasuuqi jirey…
Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Abab ayaa si qeexan u sheegay in kooxaha heshiiska la gashay ay heshiiskaas qaateen kaddib markii cadaadis xooggan oo la saaray dartiis ay ku noolaan kari waayeen gobolka oo hadda yihiin kuwa aad u taagta daran… SII AKHRI
Shirka jaraa’idu...
Qunsul hore ee Safaaraddii Soomaalida ee Washington oo ku geeriyodey Michigan, USA
Marxuum Cabdi Cawaale Jaamac oo geeriyoodey ….
Inaali-laahi wa’inaa ileyhi raajicuun
Anagoo oo ku hadlayno magaca Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Michigan waxaan tacsi u direynaa dhammaan Qoyska, ehelka iyo Asxaaabta Marxuum Cabdi Cawaale Jaamac gaar ahaan waxaan u tacsiyeeneynaa Xaaskiisa Mudan Sahro Suleymaan, Caruurtiisa iyo ehelkiisa dunida meelo kala duwan ka jaago.
Marxuumka wuxuu lagu...
“Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso Dawlad Soomaaliyeed”
Warbixin/Faallo: Heshiiskii Lagu soo af-jaray Xaaladdii Iskacaabinta oo dhexmaray Jabhadda Soomaali Galbeed (UWSLF) iyo Itoobiya… SII AKHRI…
Qormadan oo ah hoga tusaalayn, waxaan ku falanqayn doonaa heshiiskaas, oo aan soo bandhigi doona tarjumada dhammaan qodobada uu ka kooban yahay heshiiskaas UWSLF iyo Itoobiya iyo caqabadaha ay Itoobiya hordhigtay Jabhadda marka ay aqbashay in ay Shacab...
Mahiga oo Warqaddii Koowaad u soo diray Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool (1)
Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)
Warqar ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool Waraaq (No. 27)
Nayroobi, 12 Agoosto 2010
Saaxibayaasha qaaliga ah,
Dhammaantiina iga guddooma salaam diiran. Waxaan ku faraxsanahay inaan idiin soo diro warqadeydii iigu horeysay ilaa intaan xafiiska la wareegay muddo hadda laga joogo hal bil, amigoo ah Ergeyga...
Shiikh Atam “Waxaan diyaar u nahay inaan wadahal lagalno maamulka Puntland, laakiin waa haddii ay baabi’iyaan Ashahaado la dirir”
Waxaa weli Dagaalo ka socdaa Buuraleyda Deegaanka Galgal oo ka tirsan Maamulka Pundland wuxuu dagaalkaas u dhaxeeyey Ciidamada Pundland iyo Ciidamada Pundland waxaana shalay dagaalo ka dheceen Buuraleydaas waxaana la sheegey in dagaaladaas ay ku dhinteen 8 Rauux oo laba dhinac iyadoo Isbitaalka Boosaaso lasheegay in la soo gaarsiiyey Ciidamo dhaawac ah wuxuuna dagaalkaan ku soo beegmey xili...
“Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso Dawlad Soomaaliyeed”
Warbixin/Faallo: Heshiiskii Lagu soo af-jaray Xaaladdii Iskacaabinta oo dhexmaray Jabhadda Soomaali Galbeed (UWSLF) iyo Itoobiya… SII AKHRI…
Qormadan oo ah hoga tusaalayn, waxaan ku falanqayn doonaa heshiiskaas, oo aan soo bandhigi doona tarjumada dhammaan qodobada uu ka kooban yahay heshiiskaas UWSLF iyo Itoobiya iyo caqabadaha ay Itoobiya hordhigtay Jabhadda marka ay aqbashay in ay Shacab noqotay....
Hey’ada DBG oo sheegtay in website-yo Somali ah ay la tiigsan doonto Maxkamadeed, ayadoona beenisay in la dhacay Xafiiska Hey’ada ee deegaanka km-13.
Ayadoo maalinimadii shalay aheyd ay baahiyeen qaar ka tirsan Warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgala Muqdisho in dhac loo geystay xafiiska Hay’adda Daryeel Bulsha Guud ee Marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan DBG ay ku lahaayeen deegaanka KM-13 ayaa waxaa maanta arinkaasi meesha ka saaray oo beeniyay gudoomiyaha Hey’adaasi oo shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho ku faahfaahiyay arinkaasi...
Soomaalida Minnesota iyo Loollanka Doorashada Gobanatoraha Gobolka
Minneapolis, MN – Waxaa shalay oo bishu ahayd 8/10/2010 dhamaan gobolka Minnesota si xoogleh uga dhacay doorashooyinkii is reeb reebka ahaa ee lagu kala dooranayay musharixiinta xisbi walba ooga qayb gali doona doorashooyinka dhacaya bisha Nofember, 2010.
Haddaba doorashadda dhacday oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa si aad ah loogu loollamayay codka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka...
Khilaaf soo kala dhexgaley Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ka dib markii Dowladda…
Jabuuti oo mamnuucday Diyaaradaha Itoobiya sababna uga dhigtay in ay yihiin diyaarado duugoobay..
Waxaa maalmahan si aad loo hadalhayaa Khilaaf dhinaca Duulimaayada uu soo kala dhex galey Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya kaasoo la xiriirra markii Dowladda Jabuti ay joojisey Diyaaradihii Itoobiya ee imaan jirey wadanka Jabuuti ka dib markii Dowladda Jabuuti ay sheetey in Diyaaradaha Itoobiya ay yihiin...
Arbacada Waa Ramadaan, waxaa iclaamiyey Golaha Masaajidda W/Ameerika
Arbacada oo ku beegan August 11, 2010 waa bilowga bisha Raamadaan ( 1-da Ramadaan 1431), sidaas waxaa Woqooyiga Ameerika ka iclaamiyey Golaha Isutagga Masaajidda.
“Arbacada waa maalin Ramadaan oo la soomayo, caawana waxaa masaajidda lagu tukanayaa Taraawiixda,” sidaas waxaa yiri Sheekh C/llaahi (Abul-fadli) oo kamid ah madaxda Golaha Isutagga Masaajidda W/Ameerika oo warka u xaqiijiyey...
Laba Haween ah oo Mareykanka ku eedeeyey in Taageero Siyaan Xarakada AL-Shabab oo arrintaa iska fogeeyey
Gole ay ku Mideysan yihiin Hogaamiyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Muqdisho laga Abaabulayo ….
DFKMG ayaa la sheegey in ay Hub u direen Pundland ….
Laba Haween ah oo Mareykanka ku eedeeyey in Taageero Siyaan Xarakada AL-Shabab oo arrintaa iska fogeeyey
Doorashadii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koofur Afrika oo si Heer Sare u dhacdey
……..
Gole ay ku Mideysan yihiin Hogaamiyaasha...
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo sheegay in joogitaanka hay’adaha caalamiga gudaha Soomaaliya la kordhin doono
Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)
WARSAXAAFADEED 016/2010
Nayroobi, 10 Agoosto 2010 – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Augustine P. Mahiga, ayaa sheegay inuu ku hanweynyahay in joogitaanka wakiillo ka socda xafiiskiisa ay isa soo tari doonto gudaha Soomaaliya ayna horumarin doonto geeddi socodka nabadda ee ka socda...
Maareeyaha Guud ee Shirkada Kalluumaysiga Xaafuun: Badda Soomaaliya waxaa loo soo kiraystay khuburadii waagii dowladii Maxamed Siyaad ilaa dowladii Cabdirashiid
Maxamed Abshir Taange: Meelaha ay yaaliin HAAMAHA iyo FOOSTOOTINKA aan la aqoon waxaa ka mid ah Degaannada Xaafuun, Bayla iyo Raas Casayr…..
“waxaan kuu sheegayaa dalka aynu ku nool nahay, in la inooka aqoon badan yahay GPS lagu wato oo Mobail-ka la eg, lagana faa’iideysanayo inta aynu isku jeedno” wareysi xiiso badan
Waraysiga Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3)
Maareeyaha Guud ee...
740 arday oo u fadhiisatay intixaankii Jaamacada Somaliya Magaalada Muqdisho oo ay rabshaduhu ka socdaan.
Kuliyada caafimaadka ee jaamcada Muqdisho ayaa Jimcadii lagu qabtay xaflada lagu xirayey semester-ka 1aad isla markaana lagu soo dhaweynayey aradayda cusub ee sanadka 2010 iyo 2011 ka
Halkan ka daawo sawirada
740 arday oo ka mid ah 23 ka fasal ee ay ka kooban tahay jaamcada Somaliya ayaa u fadhisatay maanta imtixaankii kama danbeysta ahaa ee samistar 1aad oo lagu baranayey howlaha caafimaadka iyo daawooyinka...
Cali Cabdi Awaare: Wax sun ah Laguma Aasin Soomaaliya, Cadayn cidii haysaa ha keento
Waraysi ay SomaliTalk.com magaalada Jabuuti kula yeelatay Cali Cabdi Awaare oo ah lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa si qayaxan u beeniyey in Sunta Halista ah lagu duugey Soomaaliya, isagoo sheegay in ciddii arrintaas daliil u haysaa ay keenaan.
Waxa kale oo Cali Cabdi Awaare uu sheegay in ay wadaan baaritaan iyo daba gal ay ku wadaan maraakiibta sida sharci darrada uga kalluumaysata...
Barack Obama oo kulan la qaatey Dhalinyaro ka socotey Qaarada Afrika oo ay ku jirtey Gabar Soomaaliyeed
Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Aqalka Cad ku qaabiley Dhalinyaro ka socotey Qaarada Afrika waxayna ka koobnaayeen Ilaa shan Boqol oo kala matalayey Wadamada Qaarada afrika waxaa Soomaaliya uga qaybgaley Kulankaa Gabar lagu magacaabo Najmo Axmed Cabdi oo ka socotey Urur lagu Magacaabo Golaha Dhalnyarada Soomaaliyeed Iyadoo intii uu socdey Kulankaas Su’aalo lagu weydiinayey Madaxweyne Barack...
Dahabshiil oo Hirgelisay dhismii u Horreeyey ee Xarunta Carruurta Derbijiifka ah
(Hargeisa/Wakaaladaha): Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabashiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa ku wareejiyey ururka ODHA derbi bedkiisu dhan yahay 8352 Mitir oo laba Jibbaaran (96m X87m) oo lagu soo wareejiyey xarun loogu talo galay daryeelka carruurta derbi-jiifka ah oo shirkaddu ka hirgelisey duleedka Xaafadda Maxamed Mooge, Hargeisa.
Munaasibadda hanti-wareejinta ah waxa ka qayb galay Wasiirka...
Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Dr. Saadiq Eenow – Qaybta: 3aad
Qaybtan waxa ay ku saabsan tahay Taariikhda Soomaaliya xilligii bilowgii Islaamku soo gaarey Soomaaliya iyo safaradii ay Soomaaaliya ku yimaadeen bad-mareenadii Carbeed iyo bad-mareenadii Muslimiinta ahaa. Waxa kale oo Sheikh Saadiq Eenow kaga warbixinayaa jidkii ganacsiga ee loo aqoonjirey Wadadii Xariirta ahayd taas oo isku xiriirin jirey ganacsiga Yurubta Koonfureed ilaa Shiinaha, wadadaas oo mari...




