Home » Warar
Cumar C/rashiid oo Iscasilay iyo Sheikh Shariif oo u dhoofay New York
Labada Shariif oo Qado la qaatay Cumar C/rashiid is casilaadiisii kaddib….
Hay’adda Wararka AP oo sheegtay in Muqdisho la isla dhexmarayey in Cumar C/rashiid lacag la siiyey si uu si tartiib ah xilka isaga casilo…..
Sheikh Shariif oo magacaabay Ra’iisul wasaare kumeel gaar ah
———-
Warbixin: Raiisul Wasaarihii Dowladda Fedraalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid...
Indianapolis, USA: Hooyo Soomaaliyeed oo loo xiray laba Carruurteeda ah oo Dayac u geeriyoodey…
“Kaddib markii ay maqashay in ninkeedu uu xaas kale ku guursadey Kenya ayaa xiskeedii sii tegey..” Sidaas waxaa yiri eheladeeda….
USA: Magaalada Indianapolis ee gobolka Indiana ayaa (Axadii Sept 19, 2010) waxaa guri loogu dhex tegey laba carruur ah oo meyd ah iyo saddex kale oo aad u il daran. Waxaa la xiray hooyadood oo Soomaali ah oo magaceedu yahay Ebyan Farah oo 28-jir ah. Labada...
Maamulka Shangaani: Waxaana uga digeynaa Shacabka Fiisooyinka Sharcidarada ah ee la doonayo in..
Gudoomiyaha Maamulka degmada Shangaani ee Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka war heleen Shirkado Diyaaradeed oo doonaya in sanadkaan dadka Soomaaliyeed ee Xajinaya ay ka iibiyaan Fiisooyin aan sharci aheyn.
Gudoomiyaha Degmada Shangaani ee Dowlada KMG Soomaaliya Ibraahim Max’ed Muqtaar oo ku magac dheer (Babaay) oo ugu waramayay Xafiiskiisa qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in...
Soomaalida Qaxootiga ku ah dalka Uganda oo si aan horey loo arag uga qeyb qaatay xuska maalinta Nabada
Munaasabadani oo ahayd mid si weyn ay u soo maamuustay dawldaa dalka Uganda ayaa waxaa lagu xuseyey maalinta Nabada aduunka ee ku beegan 21 September 2010 taasi oo meelo faro badan oo ka mid ah dalalka africa si weyn looga xusey waxaana ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo ka socday dawladda dalka Uganda iyo hay,addo faro badan oo caalami ah iyo weliba ururada bulshada ee ku dhaqan dalka iyo...
Maxaa ka jira in Dowlada Uganda ay soo faragelisey Khilaafkii u dhaxeeyey Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid
Maxaa ka jira in Dowlada Uganda ay soo faragelisey Khilaafkii u dhaxeeyey Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid
Caasha Axmed Cabdala: Waa adag tahay in Baarlamaanku uu ka laabto Go’aan uu gaarey…..
Cabdiraxmaan Faroole: Shiikh Shariif Baa hortaagan inla dhammeeyo Khilaafka Anagu waa ceshan karnaa Cumar Cabdi rashiid
Iyadoo aan weli wax xal ah laga gaarin Khilaafkii u dhaxeyey Madaxweynaha...
Bandhigga Carwada ugu weyn adduunka ee Shanghai oo Soomaaliya ka qayb gashay
Carwada Shiinaha oo soo bilaabatay May 1 – October 31, 2010 waxaa Soomaaliya u matalay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari….
Xarunta ganacsiga ee China ee Shanghai waxaa ka socda bandhig dhaqameed iyo ganacsi lagusoo bandhigay dhaqamada Aduunka si China oo noqotay xarunta ganacsiga aduunka ay u gu soo bandhigaan dadkooda wadamada uu gaaray ganacsigooda iyo inay fahmaan dhaqamada wadankaas...
Shir Saxaafadeed Lagu Qabtay Magaaladda Minneapolis, MN oo lagu Cambaareeyey Falkii Foosha Xumaa ee Ka Dhacay Magaaladda Caynabo
Golaha Sinaanta iyo Cadaalada Soomaaliyeed ee Xaruntiisi tahay Magaalada Minneapolis,MN ayaa waxay shir jaraa’id ku qabteen xurunta Somali Federation. Shirkaasi waxaa ka soo qayb galay qaar ka mida madaxda jaaliyadda soomaaliyeed, culimada, aqoonyahanada, ardada jaamacadaha, iyo wariyayaal ka kala socday gudaha iyo idaacada caanka ah ee VOA da.
Shirkaa waxaa ka hadlay madaxda ururka si wayna u cambaareeyey...
Doorashada guud ee Iswiidhan iyo kaalinta musharaxiinta Soomaaliyeed.
Maanta oo ahna Axad 19ka sebtember waxaa wadanka Sweden loo dareeraya doorashooyinka wadanka oo ay dadku dooranayaan musharixiinta isu soo taagay doorashada. waxay dadka dooranayaan baarlamaanka(Riksdagen), gobolka(landsting) iyo golaha deegaanka(Kommunfullmäktige).
Waxaana ku baratamay xisbiya farabadan kuwaasoo doonaya inay qabtaan maamulka wadanka. Siyaasada wadanka ayaa waxay ku dhisantahay isxulufeysi...
Dhulkii Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya halkuu ku danbeeyay? Yaase iibsaday?! Q.1aad
Warbixin: Gurigii Safaaradda Soomaalidu ku lahayd Nairobi ee la iibsadey burburkii Soomaaliya kaddib, ciddii iibsatey, taariikhda dhismaha gurigaas iyo xilligii dawladdii Soomaaliyeed iibsatey…..
– – – ***- – –
“Dowladaha Ethiopia, Uganda, Kenya, Burundi iyo Dowladdaha reer Galbeedka Sida Mareekan-ka waa Cadowga koowad ee Soomaaliya Qarnigan 21-aad.” Ibrahim...
Hobyo: Haween isu Diyaarinaya in ay Noqdaan Burcad Baddeed ka dib markii ay ku qanci waayeen…
Maxaa ka Taqaan Magaalo Xeebeedka Hobyo….
Waxaa Dhawaan Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Booqasho ku tagey Wariye Cabduqaadi Axmed Jimcaale wuxuuna soo direy Warbixintaan oo si aad ah uga hadleysa Xaaladda Magaalada Hobyo oo ah Magaalo Qadiimi ah:
Magaalada Hobyo waa Magaalo Xeebeed ka tirsan Gobalka Mudug waxayna qiyaas ahaan dhanka koofureed 260 KM kaga began tahay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta...
Xaflad Sharaf Lagu Abaal Mariyey Ardey Dhawaan Ku Guuleeysatey Tartan Aqooneeyd oo Bosaaso ka Dhacday
Xaflad sharaf aad loo maamuusey ayaa lagu abaal mariyey ardey ka tirsan dugsiga sarre ee Al__Nawaawi ardeydaaas oo ku guuleeystey tartan dhawaan lagu qabtey gobolada puntland tartankaas oo aay ka qeeyb galeen dhamaan dugsiyada sarre ee ka jira puntland,tartan aqooneeydka ayaa maal galineeysay shirkada isgaarsiinta ee Golis Telecom Somalia waxaana tabinaayey raadiyaha “Daljir” xafladaaan ayaa ka...
SHIRWEYNIHII 15AAD SOOMAALIDA SWITZERLAND – LAUSANNE
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.
Waxaa Magaalada Lausanne ee dalka Switzerland lagu soo gabagebeeyey maalintii Axadda 18/7/2010 shirkii 15aad ee waqtiga kulaylaha lagu qaban jirey wadanka, kaasoo soo socdey ilaa iyo 1992 intii ay Soomaalidu si weyn usoo gashay dalka Switzerland, hase ahaatee, maadaama dalkan uu ka mid yahay dalalka waraaqaha aqoonsiga...
Yaa Baxaya, Yaase Joogaya? Sh. Shariif Sh. Axmed, Mise Cumar Cabdirashiid?
Hordhac:
Qormadani waa qormo aan ahayn taxanihii Somalia for sale, waa qoraal aan ugu tala galay bal sida ay wax u socdaan in aan falan qayn ku sameeyo akhristayaashana ay ila akhristaan kadib na aan lasugno wakhtiga, waxaan ka hadli doonaa khilaafka jira iyo marka uu bilaawday iyo khilaaf walba oo dhaca qolaa laga saaraa meesha ee yaa la saari doonaa, yaa baxaya, yaase joogaya.
Baroortu orgiga...
Warbixin: Khilaafkii Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid oo sii xoogeystey
Shiikh Shariif “Aniga is ma haysano Ra’isul Wasaaraha, is ma haysano Guddoomiyaha Baarlamaanka ee waxaan ka aamusi kari waayey Xaaladda uu dalku marayo, waana waajib i saaran inaan aqbalin waxyaabaha qaarkood”
Waa in si deg deg ah isbedel loogu sameeyo Xukumada
Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka laguma Magacaabin Wareegto Madaxweyne
Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif...
Muqdisho: Bannaan bax looga soo horjeedo Gubista Quraanka Kariimka
Dibadbax xoog leh oo ay soo qaban qaabiyeen Xarakadda Mujahidiinta AL shabaab oo looga soo horjeedo gubista Kutubta Quraanka kariimka ayaa Arbacadii ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo hay’addaha Horn relief , Fusenet, Mercy corps oo dalka laga mamnuucay.
Halkan ka daawo Sawirada bannaanbaxa
Dibadxaan oo ay ka soo qeybgaleen dad kor u dhaafaya kumayal ruux ayaa ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah gaalada...
Muqdisho: Warbixin Jaamacadda Xamar
Drs. Muumino Sheekh Cumar: “Jaamacadda Xamar waxaa loo aasaasay daboolidda baahida waxbarasho ee Soomaaliya waxaana lagu dhigaa Manhajkii Jamacaddii Ummadda”
Jaamacadda Xamar oo la aasaasay 15-kii May 1999-kii, ayaa waxaa aasaasiddeeda iyo Fikradeeda lahaa Proff Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo isagu ka mid ahaa macallimiintii wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.
Halkan...
Hay’addaha Haro oo deeq gaarsiisey Xeryaha Duleedka Xamar iyo Rahmah oo Gurmad Gaarsiisey Cisbtaal Martiini
Hay’adda Samafalka Rahmah oo gurmad degdeg ah gaarsiisay naafada Isbitaal Martiini iyo Hay,adda HARO oo fitro dan yarta u qeybisey xeryaha barakacayaasha……..
Hay,adda HARO ayaa raashin fitro ama zakaad ah gaarsiisey qaxootiga ku nool Xeryaha Qaxootiyada ee duleedka Magaalada Muqdisho
Fidradaas ay HARO bixisey ayaa ka koobnayd raashinka galayda ah oo aad ubadan waxaana ka faa’iideystay...
Beesha Caalamka oo dib u dhigtay kullan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Codka Kalsoonida loogu qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid
Maanta (Sept 14, 2010) ayaa la qorsheeyey in xarunta Golaha Shacabka kulan ay isugu yimaadaan Xildhibaanada Baaarlamaanka kadib markii arrintaasi uu codsaday Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Badda iyo Dekedaha Sheekh Maxamed Nuur, waxa uuna ujeedada shirkaan uu ahaa sidii Dowladda uu hogaamiyo Cumar C/Rashiid ay codka Kalsoonida u weydiisan lahayd Golaha Wasiirada.
Hadalka ka soo yeeray...
Xaflad ballaaran oo ay qabteen Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan
iyo Xafladdii Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Shiinaha…..
SUUDAAN:
Raabidada Ardayda Soomaaliyeed ee Caalamiga ah ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay munaasabadda Ciidul fidriga ee barakaysan , Raabidadan oo metesha jamaacadda Ictisaam ayaa kulankan cinwaan uga dhigtay “Midnimaddu waa aasaaska sharafta...
Siihayaha Safaaradda Shiinaha oo khudbo ka jeediyay shir ka dhacay Shiinaha oo loo qabtay Safiirada Africa (Zhejiang International Business Week)
Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha (China) Mudane Cawaale Cali Kullane ayaa ka qeyb galay shirweyn oo lagu casuumay dhamaan Safiirada Safaaradaha Africa ee dalka Shiinaha shirkaasoo loogu magac daray (Zhejiang International Business Week).
Shirkan oo ka dhacay magaalada Hangzhou, Zhejiang Province, ayaa waxaa loo qabtay in lagu dhiirigaliyo ganacsatada Shiinaha ee dooneysa...
Maxaa ka jira In Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay Ereteriya ka codsadeen in ay ka qayb qaadato Xal u helida Somaaliya
Iyadoo Wadanka Ereteriya ay saaran tahay Cunaqabateyn Caalami ah waxaana Cunaqabateyntaas ku soo rogey Qaramada midoobey ka dib markii lagu eedeeyey Ereteriya in ay sii hurineyso Xaalada Soomaaliya isla markana la sheegey in Saanad Meleteri u dirtey Kooxaha ka soo horjeeda Dowalada KMG iyadoo taasi ay jirto islamarkaana Dowladda Ereteriya ay dafirtay ayaa hadana wararka la heleya waxay sheegayaan...
Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho iyo Nairobi ku kala wada Shirar midba kale uu doonayo in uu xilka ka qaado
Cabdiraxmaan Faroole oo sheegey in uu dhexdhexaadinyo Shiikh Shariif iyo Cumar Cabdi rashiid—-
Markii uu Khillaaf uu ka dhex oogmey Madexweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa bilwdey Shirara lagu kala shukaansanyo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada waxayna shirarkaas ku saabsan yihiin khilaafka u dhaxeeya...
Randers, Denmark, Kampala, Cape-Town, Nairobi, Toronto, Minneapolis iyo guud ahaan dunida oo Si heer sare ah looga Ciidey
Jimcadii oo taariikhuna ahayd 10-ka September 2010 waxaa si heer sare ah ciid fidriga loogu tukaday magaalada Randers ee Denmark.
Sifiican ayaana loogu wada ciiday magaalada, markii salaada ciidufidriga latukaday siday caadadu ahayd waxaa bilaabmay khudbadii markay dhamaatayna waxaa halkaa lagu wada cunay macmacaan iyo kaffe iyo shaah muslimiintii halkaa isugu timi jawigu aad buu uga duwanaa ciidihii...
Xarakada Alshabaab oo sheegatay Weerarkii garoonka iyo Warsaxafadeedyo AMISOM, IGAD, UN iyo DFKMG
Warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen AMISOM, IGAD iyo UNPOS
Warsaxafadeedka wadajirka ah oo ay soo saareen AMISOM, IGAD iyo UNPOS ayey ku sheegeen in markii weerarka alagu qaaday Garoonka Muqdishu ay Muqdisho ku sugnaayeen Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Dr Augustine P. Mahiga, wakiilka guddiga Midowga Afrika u qaabisal Soomaaliya Ambassador Boubacar Diarra iyo Kipruto arap Kirwa oo...
CIID MUBAARAK: Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr
Bismillah:
Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ramadaan u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.
Waxaan idiinku hambalyaynaynaa cibaadada suuban, waxaan idiin rajaynaynaa nabad, barwaaqo iyo baraare. Allah cibaabada suuban dhammaanteen ha inaga aqbalo.
Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda...




