Home » Warar
Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa dhaawaca halis ah oo loo gaystay weriye Xasan Matoore
Habeenkii Arbacada ayaa Degamada Afgooye ee Gobalka Sh/hoose kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa meel ku dhow gurigiisa waxa ay rasaas la beegsadeen weriye madaxbanaan oo lagu magacaabo Xasan Max’ed Abiikar (Xasan Matoore), waxaana la sheeg ay in weriyaha looga tagay mayd ahaan kadib markii ay ku dhaceen ilaa iyo afar xabadood.
Dhaawaca Xasan Matoore ayaa la sheegay in uu ahaa mid halis ah waxaana...
Soomaalida Deggan USA ee haysata Sharciga Kumeel gaarka ah ee TPS oo waqtiga loogu daray 18 bilood
Amy Klobuchar oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Maraykanka ayaa Warsaxafadeed ay ka soo saartay Washington waxay shaaca kaga qaaday in Talaadadii (November 2, 2010) laanta socdaalka dawladda Maraykanku ay muddo 18 bilood ah kordhis ku samaysay sharciga kumeel-gaarka ah ee loo yaqaan Temporary Protected Status (TPS), taas oo loo kordhinayo Soomaalida ku dhaqan Maraykanka ee fiisadaaas hore u haystey.
Sharciga...
Ra’isal wasaaraha DFKMG oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ay hogaaminaysay haweenayda kaaliyaha u ah xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee dhinaca Caruurta la Askareeyo.
Muqdisho: Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ee uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo ka koobnaa 7 Xubnood, islamarkaana ay hogaaminaysay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta lagu Askareeyo goobaha ay dagaalada ka jiraan Haweenayda lagu magacaabo Miss...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo la dhaariyay
Munaaabad balaaran ayaa Isniintii (Nov 1, 2010) lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia taasoo lagu dhaarinayay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ay shalay codka kalsoonida ah siiyeen mudayaasha Baarlamaanka.
Munaasabadan oo aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha dowladda FKMG ah...
Cambaareyn aad u kulul oo loo jeediyey Ciidamada Amisom ee Xasuuqaya dadka Rayidka ah
Waxaa isa soo tarayaa Cambaareynta loo jeedinayo Ciidamada Amisom ee maalin kastaa Madaafiicda la dhacaya dadka Rayidka ee ku nool Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyadoo Duqeyntii ugu dambeysey ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 20 qofood waxaa ku dhaawacmey ilaa 80 qofood kuwaas oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo Guryahooda iyo Goobahooda ganacsiga ugu tagtey Madaafiicda waxayna Cambaareyntii ugu...
Xubnaha Baarlamaanka oo Cod Gacan Taag ah ku Ansaxiyey Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo
Codbixintii baarlamaanka oo noqotay: waxaa ogolaatey 297, waxaa diidey 92, waxaa ka aamusey 2 xildhibaan….
Kal fadhi uu maanta (Axad Oct 31, 2010) isugu yimid Golha Baarlamaanka uuna shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka FKMG Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa looga doodey qaabkii loo ansaxin lahaa Raiisul Wasaaraha uu dhawaan soo Magacaabey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif...
Hay’adda CDHR oo Ururada Bulshada u qabatay Siminaar ku saabsan Nabadda
Waxaa Hotelka Saxafi labo ee Magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyey siminaar ku saabsanaa habka loo dhaliyo loona maareeyo Nabadda, waxaana siminaarkaan soo qabanqaabiyey Haya’adda Center for Democracy and Human Right oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano CDHR, waxaana ka qaybgalay siminaarkaasi ilaa iyo 30 xubnood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad...
Xildhibaan Rooble “Jaatarku Kuma Qorna In Codku Gacantaag Yahay iyo Qarsoodi Inuu Yahay, Laakiin Xeer Hoosaadka Baarlamaanku Ku Shaqeeyo Waxaa Ku Qoran…” wareysi
Agaasimaha Guud W/Dibu-heshiisiinta Mr, Xirsi Yuusuf Barre “Anigu 4.5 Kuma Joogo hada aan kula hadlaayo oo layguma soo xulin, Wasiiradda iyo Xildhibaanadda Waa Suurta Gal In Lagu Soo Xuley…” Wareysi
Daadka Siminaaradda iyo Shirarka Lagu martiqaado, Madaxda Sare ee DFKMG, Wasiiradda, Xildhibaanadda, Agaasimayaasha Wasaaradaha oo Sanadkii Labaad Ka Socda Gudaha Dalka, Dowladaha Deriska ah iyo Kuwa...
Shir Dib u Heshiisiin Soomaaliyeed oo lagu qaban doono Kampala, Uganda?
Maxaa ka jira in Beesha Caalamka ay wado Qorshe lagu Abaabulayo Shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo Cusub…
Markii is mariwaagu dhex maray madaxda sare ee dowladda federaalka isla markaana uu weli codka kalsoonida uusan helin Ra’isul Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in beesha caalamka ay wado qorshe lagu qabanqaabinayo shir...
Mahiga oo Garoonka Muqdisho kula kulmay Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan
Arbacadii Oct 27 oo uu baaqday kulankii loo balansanaa Baarlamaanka, ayaa magaalada Muqdisho waxaa tegey Ergeyga gaarka ee xoghayaha Guud ee UN u qaabilsan arrimaha Soomaliya, Mahiga, waxana uu Garoonka diyaaradaha kulan kula yeeshay Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan oo beryahan khilaaf xooggan soo kala dhexgalay, islamarkaasna saxaafadda isku weydaarsanayey wareegtooyin soo kala horjeeda oo ku saabsan...
Gudoomiyaha Hay,adda Gar-Gaarka ee Rahmah Relief Foundation oo ka warbixiyay Wax qabadka hay’adaasi
Hay,adda Gargaarka Dadka dhibaataysan ee Rahmah Relief Foundation (RRF) Ayaa kawar bixisay xaalada ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku barakacay Deegaanada Ku hareeraysan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka
Gudoomiyaha Hay,addaasi Mr Cali moxamed Jimcaale ( Cali Ooyaaye ) ayaa warbaahinta u sheegay in xaalada Dadka barakacayaasha ah ay sii xumaanayso ayna jiraan dhaawacyo Badan oo isbitaalada...
5 Jaamacado Soomaaliyeed oo ka mid noqday 12kun ee ugu sareeya Jaamacadaha Adduunka
Prof. Cabdirizaaq Maxamed Aaden (Lafoole) oo habeenimadii Sabtida ee Axaddu soo geleysey (Oct 24, 2010) Soomaalida deggan Minneapolis uga warbixiyey waxbarashada heerka jaamacadeed ee dalka Soomaaliya, ayaa rajo weyn iyo yididiilo ka muujiyo.
Lafoole waxa uu dadkii kulanka ka soo qayb galay dhex dhigay su’aal ahayd “immisa jaamacadood ayaa Soomaaliya lahayn ka hor Axad 30-kii December...
Shariif Xasan oo ka jawaabey Warsaxaafadeedkii Sh. Shariif, Baarlamaankana isugu yeeray Arbacada kuna codeeyaan si Qarsoodi ah
“codaynta kalsoonisiinta wasiirka koowaad ma noqon karto gacantaag sida uu qabo xeerhoosaadka oo qeexaya in kalsoonisinta wasiirka koowaad ay tahay qarsoodi..”
“Baarlamaanku ayaa leh awooda doorashada Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Kalsoonisiinta wasiirka koowaad iyo golihiisa iyo kalanoqoshada intaba.” sidaas waxaa ku jawaabey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG
Kaddib...
Shiikh Shariif oo Daboolka ka qaadey in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si ula kac ah isu hor istaagey Ansaxinta Raiisul Wasaaraha
“Qodobkan 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka wuxuu ku saabsan yahay marka loo codaynayo hindise sharci ee kuma saabsana kalsooni u qaadid Raysul Wasaare cusub iyo xukuumadiis toona.” Sidaas waxaa qoray Warsaxaafadeedka Xafiiska Madaxweynaha DFKMG…
Ka dib markii dhawaan uu Raiisul Wsaaraha la magacaabay hortey Golaha Baarlamaanka si uu u weydiisto Codka Kalsoonida ayaa waxaa dhacay...
Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FKMG ah Muxuu ka qabaa Noocyada Codbixinta Baarlamaanka KMG
iyo Kulankii baarlamaanka ee la filayey Sabtida oo la baajiyey….
“Codbixintu waxay noqon kartaa Qarsoodi ama gacan taag.. …” .. “Codbixinta lagu ansixinaayo xukuumadda iyo barnaamijkeeda waa magac ugu yeerid.”.. “Haddii ay codsiyo badan oo kala duwan yimaadaan waxaa mudnaanta iska leh codbixinta qarsoodiga ah.” Sidaas waxaa dhigaya qodobka 43aad ee...
Khudbadii Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif uu kaga hadlay Qoraallada Farmaajo iyo 4.5
Buugga Thesiska ee uu June 2009 qoray Maxamed C. Maxamed Faramaajo ayaa nuqullo ka mid ah waxay gaareen xildhibaanada baarlamaanka FKMG, taas oo sababtay in Madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, uu Arbacadii Oct 20, 2010 xildhibaanadda u jeediyo khubad ku saabsan buuggaas. Waxa kale oo Sheikh Shariif baarlamaanka u caddeeyey in xukuumaddiisu ku dhisan tahay 4.5, hadalkaas oo ka dambeeyey kaddib markii...
Prof. Cabdi Samater “Buuga uu Qorey Raiisul Wasaaraha Cusub waa mid loogu gefey Labadii Madaxweyne ee ugu horeeyey Soomaaliya”
BUUGGII MURANKA DHALIYEY EE RA’IISUL WASAARAHA CUSUB KA AKHRI SOMALITALK…
iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka hadlay Buuga Muranka dhaliyey oo uu Qoray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee la magacaabay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo….
DHEGEYSO Sheikh Shariif | DHEGEYSO Prof. Samatar
::: Buugga Muranka Dhaliyey Ka akhri HALKAN
Buugga Thesis-ka oo Faramaajo qoray 01 June...
Khudbaddihii Shariif Axmed, Shariif Xasan iyo Farmaajo ka jeediyeen Baarlamaanka iyo buuqii ka dhashay
Kalfadhigii Baarlamaanka DFKMG oo Buuq ka dhashay lagu kala dareeray ayadoo aan la ansixin ra’iisul wasaaraha ..
Kulankii baarlamaanka DFKMG ayaa Arbacadii (Oct 20, 2010) lagu kala dareeray kaddib markii uu ka dhashay buuq ku saabsan qaabka loo ansixnayo ra’iisul wasaaraaha DFKMG (Gacan taag ama qarsoodi).
Kalfadhiga baarlamaanka oo ay ka soo qayb galeen xildhibaano lagu qiyaasay 381 xildhibaan...
Faarax Macallin “Waxay Soomaaliya ka degi la’dahay waa Dowladda Mareykanka”
Faarax Macalin Max’ed oo ah guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya oo u waramayay warbaahinta Nairobi ayaa wax laga weydiiyey xaaladda murugsan ee Soomaaliya waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay ka degi la’ dahay Dowladda Mareykanka oo faragelin ku haysa arrimaha Soomaaliya isagoo sheegay in mar kasta ka abuurto Soomaaliya dagaalo iyo in ay isku hubeysto dadka Soomaaliyeed oo iyagu mar kasta...
Caawinaaddii Norway ee Batroolku ma Fashilantay?
Norway oo cadaysay in wada shaqayntii Kenya & Norway ee mashruucii batroolka aan wax badan laga gaarin, kaas oo ay Norway kaga baxday 2 million koroon …..
Bishii June 2010 waxay Norway soo saartay warbixin uu (May, 2010) saxiixay Wasiirka Tamarta iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Erik Solheim, oo ku saabsan sida Norway uga caawiso waddamada soo koraya maaraynta iyo ka dheefsiga shidaalka...
SOMPED oo qabatay dood ku saabsan sidii Suxufiyiinta Soomaaliyeed u yeelan lahaayeen Sharci gaar ah
iyo Soomaali ka qeyb gashay bandhig dhaqameed ka dhacay dalka Malaysia…
Warbixinta SOMPED ee Muqdisho:
Waxaa Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyey Dood socday mudo afar maalmood ah, waxaana Doodaas soo qabanqaabiyey Somali Media for Peace and Development (SOMPED) waxaana looga hadlayey sidii ay saxaafadda u sameysan lahayd Xeer gaar ah ( Media Self Regulation) waxaana...
Sheikh Shariif oo Cambaareeyey Weerarkii Ahlu Sunah ku qaadeen Magaalada Cadaado
Wararka ugu dambeeya oo ka imanaya Cadaado ayaa sheegaya in maamulka ximan iyo xeeb ay dib ula wareegaan magaalada cadaado…
Warbixinadii hore ee weerarkii Ahlu Sunah ku qaadeen Cadaado hoos ka akhri.
Xaruntii Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Degmada Cadaado oo lala wareegey ka dib markii ay Duulaan ku soo qaadeen Ahlu Sunnah…
Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa...
Sheikh Shariif oo magacaabay Raisulwasaare cusub ee DFKMG
Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) oo aah 48-jir oo loo magacaabay ra’iisul wasaaraha DFKMG….
Shirjaraa’id oo uu maanta (Oct 14, 2010) ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Vila Somalia madaxweynaha DFKMG sheikh shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu ku magacaabay Raisulwasaare cusub kaasi oo indhawaalaba la filayey in uu soo magacaabo.
Madaxweynaha dawlada FKMG soomaaliya ayaa waxa...
Shirkad Itoobiyaan ah oo iibsatey Dhammaan Saamiyadii Batrool Baarista Dhulka Soomaali Galbeed
Shirkadda PETRONAS ee laga leeyahay Malaysiya oo dhammaan saamiyadeedii Bartool iyo gaas baarista ee Dhulka Soomaali galbeed ku wareejisey SouthWest Energy ….
Addis Ababa waxaa lagaga dhawaaqay in shirkadda SouthWest Energy (oo ay leeyihiin Ethiopian) iyo PETRONAS (Malaysian) uu heshiis dhexmaray ku saabsan in shirkadda Itoobiyaanka lagu wareejiyey saamiyadii shidaal sahaminta ee shirkadda PETRONAS...
DFKMG oo Aan Ka Qaybgelin Shirka Looga Hadlayo Shuruucda Badaha Caalamka iyo Dhaqangelintooda oo Ka Furmey Dalka Jabuuti.
Shirkan oo looga hadlayo arrimaha burcad badeed iyo xoojinta iskaashiga dowladaha kulaala bad-weynta Hindiya iyo badda cas, waxaan ka soo qayb gelin Dawladda Federaalka KMG ee Soomaaliya, laakiin waxaa ka soo qayb galay Itoobiya…
Khabiirada badaha in ka badan 14 dal oo isugu jira dowlado Afrikaan iyo Carab, iyo ciidamada ka hawlgala Xeebaha dalka Soomaaliya iyo Ururka badaha caalamka ayaa Siminaar...




