Home » Warar
Xubnaha shirka Nairobi lagu casuumay kooxaha ay madalaan iyo xog ku saabsan shakiga shirka
Waxaa isa soo taraya shakiga Dowladda KMG ay ka qabto shirka Qaramada Midoobau ay ku qabaneyso 12-ka bishan, kaasoo casuumaadiisa la wada gaarsiiyay Kooxaha Soomaalida oo dhowr xubnood ugu qeybgalaya shirka.
Ujeeddada ugu muhimsan ee shirka ayuu ku sheegay Danjire Augustine P. Mahiga dib u soo nooleynta sidii uu wadahadal u dhexmari lahaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, si ay aragti midaysan...
Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo oo u Ambabaxay Magaalada Nairobi ka dib Markii uu Deg Deg ugu Yeerey Mahiga
Xildhibaan Nuur Wabar “Waxaan ku Talinayaa in Madaxda Sare ee Dowladda Xaliyaan Khilaafkooda haddi kale waxaa ka Faaiddeysan Doona..”
Iyadoo 12 Bishaan la qabanayo Shir looga hadlayo arrimaha kala guurka ee Dowladda Federaalka kaasoo ka dhacaya Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya ayaa Arbacadii (Apr 6) waxaa dalka ka Ambabaxay Wafdi uu Hogaaminayo Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi...
Khilaafka labada Shariif oo saameyn Weyn ku yeeshey qaar ka Mid ah Rag Xilal ka hayey Dowladda Federaalka
(Warbixin Dheer) –
Khilaafka u dhaxeeye Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa marba marka ka dambeysa wuxuu u muuqdaa in uu sii xoogeysanayo ka dib markii Rag ku dhawaa Gudoomiyaha Baarlamaanka uu daaqada kala baxay Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif .
Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa deg deg Xilkii uga qaadey Gudoomniyihii Maxkamada...
DFKMG: Hay’adaha QM waa inay u soo guuraan Muqdisho 90 cisho gudahood
Warsaxaafadeed –
(Muqdisho – Isniin, 04 April 2011) Maadama Dalka Soomaaliya uu muddo 20 sano ah ku jiray xaalado adag, isla markaana hay’adihii dastuuriga ahaa ay soo mareen marxalado kala duwan ayaa hadda waxaa muuqda ifafaalo horumar oo u baahan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaalada socda oo ay ka mid yihiin soo celinta amniga, dib-u-habeynta dhaqaalaha,...
Maamuul Goboleedka Pundland oo wada Qorshe ay ku Heshiisinayaan Ururka Ahlu Sunna oo Dhawaan Laba Hogaan kala sameystey
“…Mahiga wuxuu Hilmaamey wixii ay Qaramada Midoobey u soo Magacowdey…”
Iyadoo dhawaan uu Khilaaf soo kala dhex galey Ururka Ahlu Suunna ee Gobolada Dhexe ka dib markii ay laba shirk ay ku kala qabsadeem Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Caabud Waaq ee Gobolka Galgaduud kuwaas oo kala sameystey laba Gudoomiye iyadoo taasi ay jirto ayaa warar aan ka helney Magaalada Garoowe...
Minneapolis: Shir Su’aalo Lagu Waydiinayey Madaxda Dawladda oo Ka Dhacay Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center
Waxaa lagu qabtay xarunta Abuubakar As-Saddique Islamic Center (Qolka shirarka/Aroosyada) shir uu soo qaban qaabiyey xafiiska xuquuqda shacabka iyo xoriyadooda oo lagu casumay hay’adaha sharci ilaalinta qaybaheeda kala duwan oo dhan. Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya bulshada soomaalida iyo laamaha dowlada ee kala duwan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin...
DFKMG oo madax ka tirsan Qarammada Midoobey ka mamnuucday Soomaaliya
DFKMG ayaa soo saartay qoraal ay “kaga mamnuuceen inay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya isla markaana aysan wax shaqo ah fulin karin madaxa Afrikada bari iyo koofurta ee xafiiska sarre xaquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay (Office High Commissioner for Human Rights –OHCHR-) iyo wakiilka Qaramada midoobay ee xuquuqda aadanaha isla markaan ah madaxa qaybta xaquuqul insaanka ee xafiiska siyaasadda...
UN: Kulanka loo qabanayo Soomaaliya oo Dhici doono 12ka iyo 13ka bisha April 2011
Dowladda Federaalka iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka Hor yimid Shirka Nairobi –
Ergeyga Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in kulankii “wada tashiga uu Nairobi ka dhici doono April 12 iyo 13, wuxuu ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay ka soo qaybgalaan kulanka,” sidaas waxa uu ku caddeeyey warsaxaafadeedka hoose:
Xafiiska Qaramada Midoobay...
Golaha Wasiirada DFKMG oo Qaadacay Shirka Nairobi ee ay Qaban qaabinayso Qarammada Midoobay
iyo Afhayeenka Baarlamaanka DFKMG oo Magacaabey Guddigii Doorashooyinka –
iyo Cawad Axmed Casharo oo ka Digey shirka ay qaban qaabineyso Qaramada Midoobey –
iyo Shir lagu qabanayo Nairobi oo Golaha Wasiiradu sheegeen in DFKMG aysan ka qaybgalayn shirkaas — (Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada 31.03.2011)
Warbixin:
Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Magacaabey Guddigii Doorashooyinka...
Dood Cilmiyeed Taabaneysa Xasaasiyadaha Dalka Soomaaliya oo Lagu Soo Geba-gebeeyey Hoteel Kempinski ee Caasimadda Dalka Jabuuti
Dood cilmiyeed si wada jir ah ay uga qayb-qaadanayeen Gudigga Dibu-heshiisiinta Baarlaamka, Gudiyadda madaxa bannaan ee Dibu-heshiisiinta Qaranka DKMG, Gudigga Qabyo-qoraalka Dastuurka, Xubin Wasaaradda Dibu-heshiisiinta, wakiilo ka socda Xafiisyadda Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha DFKMG, xubno ka socdey Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug, Ururka Ahlusuna Wal-jameeca iyo Xubno ka...
War-bixin xaalada guud ee abaarta Puntland oo ka sii daraysa
Puntland State of Somalia –
Garowe –
WAR-SAXAAFADEED
Guddiga Abaaraha heer qaran ee Dowladda Puntland ayaa maanta isugu yimid shir deg deg ah uu ku saabsan xaalada guud ee abaarta ku habsatay dhamaan Gobollada Puntland oo ka sii daraysa iyadoo uu shirkaasi gudoominayay Madaxweyne Dr. C/raxmaan Max’ed Faroole, goob joogna ka ahaa Madaxweyne-kuxigeenka Dowladda Puntland, Gen. C/samad...
Qarammada Midoobay oo Qabanqaabinaysa Shirweyne Soomaalida loogu qabto Nairobi
Is qab qabsi ku aadan Shirka ka dhacaya Nairobi oo soo kala dhex galey Maamul Goboleedyada –
Cabdiraxmaan Faroole oo ka Dalbadey Qaramada Midoobey in la qabto Shirweyne Dib u heshiisiineed oo lagu soo xulo Xildhibaanno Cusub –
Xildhibaano ka digey Shirka ka Dhacaya Magaalada Nairobi
7Abriil ee fooda nagu soo haysa ayaa lagu wadaa in Magaalada Nairobi uu ka dhacayo Shir ay qaban qaabadeeda...
Dood ku Saabsan Qabyo Qoraaleed Dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtey Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee Suudaan
Dood cilmiyeed looga hadlaayey qabyo qoraaleedka dastuurka soomaaliya ayaa waxaa ay ku qabsoontay jaamacada international university of Africa oo kutaala bartamaha magaalada Khartoum ee xarunta wadanka sudan.
Doodaani ayaa waxaa markaasi soo qaban qaabiyey ururka ardeyda qaanuunleyda soomaaliyeed ee ku dhaqan sudan,waxaana kasoo qeyb galay aqoonyahano soomaaliyeed ,safiirka soomaaliya sudan...
Golaha Wasiirada DFKMG oo Go’aamiyey in Doorashadii la qaban lahaa Agoosto 2011 Dib loo dhigo ilaa Agoosto 2012
iyo in DFKMG waqtiga loo kordhiyo muddo Hal Sano ah…..
Golaha Wasiirada DFKMG oo maanta (Axad March 27, 2011) ayaa Goluhu wuxuu go’aamiyay in dhamaan dawlada FKMG ah waqtiga loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici laheyd August 2011 dib loogu dhigo ilaa August 2012.
Shirka Wasiirada DFKMG waxaa ka soo baxay Warsaxaafadeedka u qornaa sidan:
Warsaxaafadeed shirka...
Maxamed Dheere oo Xabsiga laga sii daayey ka dib markii Maxkamada Gobolka Banaadir ay ku weysey wax Dambi ah
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay Xabsiga ka sii deysey Gudoomiyihii Hore Gobolka Banaadir Maxamed Cumar (Maxamed Dheere ) ka dib markii lagu eedeeyey in isaga rag kale ay ka dambeeyeen Dil iyo Dhaawac loo geystey dad dhigayey Banaanbax Nabadeed oo lagu taageerayey Madaxweyne Shiikh Shariif oo uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir
Maxamed Dheere oo Bil 10 Cisho ku xirnaa Xabsiga...
Khilaafkii u Dhexeeyey Laba Shariif oo Meeshii ugu saraysay Maraya
Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Qarka u saaran in uu Albaabada isugu Dhufto Xarunta Kalfadhiga Baarlamaanka islamarkaan..
Shariif Xasan oo Beeshiisa u sheegey in uu yahay Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Haddii Caalamku igu Gacan siiyana waxaan Gacanta Dowladda soo gelinayaa Deegaanada Digil iyo Mirifle
Shiikh Shariif oo Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Murankooda...
Shiikh Shariif oo soo saarey War- Saxaafadeed lagu soo beegey Imaanshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka
(Ma aha in Waqtigaan lagu Mashquulo Murano iyo Is Qabqabsi Siyaasadeed oo Fursad siinya..)
Madaxweynaha Dowladda Federalka Shiikh Shariif Shikh Axmed ayaa maanta soo saarey War Saxaafadeed ku aadan Arrimaha Doorashada wuxuuna War-saxaafaddeedkaan ku soo beegmey Xili uu maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan mar uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha...
Ciidamada AMISOM Oo Duqayn Ay Dadku Dhinteen Ka Geystay Suuqa Baraakaha Muqdisho
iyo Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Deegaanka Geedweyne Ee Gobolka Gedo Oo Kufsi Fool Xun U Geystay Hooyo Soomaali ah oo Uur Leh – Waraysi seyga hooyada la kufsaday—
Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM Oo Xili Uusan Jirin Dagaal Duqayn Ay Dadku Dhinteen Ka Geystay Suuqa Baraakaha Ee Magaalada Muqdisho
Duqeymo loo adegsaday madaafiic oo ay dad rayid ah ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen ayaa...
Siyaasiinta Soomaaliyeed oo ku sii qulqulaya Caasimada Wadanka Itoobiya si ay Taageero ugu Helaan…
Bisha August ee foodda nagu soo hayso (2011) ayaa la filayaa in la qabto Doorashadii Madaxweynaha iyo tii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda waxaa durba bilowdey ololihii Tartanka Doorashada waxaana haatan loo kala ordayaa sidii taageero looga raadin lahaa Beesh Caalamka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana taageerada ugu badan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka raadinayaan Dowladda Itoobiya...
41 Sanno Kadib Shirkadda Dahabshiil oo u Dabaaldegeysa Sannad Guuraddiin Koobaad Banki Ku Shaqeeya Shareecadda Islaamka oo Laga Furey Dalka Jabuuti
Xaflad lagu xusayo sannad guuraddii koowaad ee Dahabshiil Banka International Jabuuti oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Dahabshiil Bank, xubno ka mid ah Culumaa’udiinka waaweyn ee dalka Jabuuti iyo martisharaf kala duwan ayaa lagu qabtey Guriga Ummadda ee caasimadda dalka Jabuuti 20/03/2011.
Halkaan ka daawo sawirada
Munaasabaddan oo ahayd mid lagu soobandhigayey sannad kadib wax qabadka Dahabshiil...
Raiisul Wasaare Farmaajo oo Qirtey in Dowladiisa ay Heshiis la gashey Shirkad Mareykan ah
Webka Somalitalka oo dhawaan soo bandhigey in Raiisul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu heshiis Qarsoodi ah la galey Shirkad Mareykan ah oo lagu Magacaabo park-strategies (LOBBYING FIRM) oo ah Shirkad Dulaal-Ololayn ah ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray Farmaajo (Hoos ka akhri warsaxaafadeedka) iyo wareysi uu siiyey Idaacadda Codka Mareykanka Qaybteed Soomaaliya VOA-Somali ayuu wuxuu ku qirtey...
Dood Cilmiyeed lagu qabtay dalka Malaysia
iyoo Ardeyda soomaaliyeed ee ku nool Malaysia oo soo bandhigey hidaha iyo dhaqanka ay soomaaliya leedahay
Dood Cilmiyeed Xiisa leh oo lagu qabtay dalka Malaysia
Dood cilmiyeed si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hallka weyn ee Jaamacada islaamka caalamiga ee dalka Malaysia. Doodan ayaa waxaa soo agaasimay Golaha Horumantia Soomaaliyeed ee afka qalaad lagu yiraahdo Somali forum for Progress...
Harddanka Siyaasadeed ee u Dhaxeeyey laba Shariif oo gaarey Meeshii ugu Sareysey ka dib Markii…
Isbaheysi Dhexmarey Shariif Xasan iyo Cali Maxamed Geedi —
Iyadoo fooda nagu soo heyso Doorashadii Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo mida Gudoomiyasha Baarlamaanka iyo ku xigeenadisa ayaa waxaa durba bilowdey ololihii Doorashadaas gaar ahaan midda Madaxweynaha waxaana socda kulumo lala yeelanayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Beesha caalamka.
Shiikh Shariif oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka...
8630 Neef lo’da oo laga daweeyey cuduro kala duwan
Maamulka islaamiga ah ee Wilaayada Shabeellada Hoose oo soo gaba-gabeeyey howlo ay ku daweeyeen 8630 Neef lo’da, oo laga daweeyey cuduro kala duwan, halka qaarkoodna la siiyey daawo lagu naaxinayo.
Dhaqaatiir aqoon durugsan u leh xanaanada xoolaha kana tirsanaa wasaaradii xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee dowladii hore ee Soomaaliya oo ay shaqasiisey wilaayada Shabeellada hoose ayaa ka qayb-qaadanayay...
VIDEO: Soomaalida Minnesota oo Taageertay Masjid Abubakar
Barnaamij Jimacadii March 18, 2011 laga siidaayey Telefishanka Somali Media ee Minneapolis ayaa si weyn loogu taageeray Masjidka Abuubakar Saddiiq, arrintaas oo ka dambaysay kaddib markii dhowaan Congress-ka Maraykanka lagu qabtay kulan dhegeysi ahaa oo xubno kamid dadkii ka hadlay ay toos uga hadleen magaca Masjidka Abuubakar. SII AKHRI….
Read More →




