Home » Maqaallo
Shacabka Jabuutiyoow yaanan qiiqa la idinkugu soo gaban | Ahmed-haadi
Wadanka Jabuuti waxuu ka mid yahay wadamada Afrika ugu dad iyo dhul yar laakin siyaasad ahaan waa wadan uu Alla ugu nimceeyay hogaan iyo maamul aragti dheer taana waxaa ay shacabka Reer Jabuuti dhaxalsiisay ineey ka badbadaan xasilooni darida ka jirto qaaradda Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan qaska iyo qalalaasaha ka aloosan wadamada jaarka la ah ee loo yaqaan Geeska Afrika oo dhamantood saaran doon...
Xannunka Kolestrolka (Atherosclerosis) – Q.1aad
Maqaalkan wuxuu ku saabsan yahay caafimaad,waana maqaalo dhowr ah oo aan ugu tala galay in aan dadweynaha Soomaaliyeed uga faa’iideeyo arimo u muhiim ah noloshooda,si aan gacan uga gaysto dadaalka loogu jiro in loo guntada dhibaatada ku habsatay shacabkeena,taas oo aan u arko in ay tahay waajib saaran qof walba in uu umadda uga faa’iideeyo wixii uu u soo baratay dartood.
Q1aad.
Kolestolka...
DHAMBAAL Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed Qaybta 1aad: Qore Cabdi Shire Warsame
Walaalayaal, saaxiibayaal,
‘Asalaaamu calaykum waraxmatulaahi wa-barakaatuhu.’
Marka dawanka teleefonkaagu uu dhawaaqo oo halowdaada kaddib, hadalka dhagahaaga ku dhaca uu noqdo hooyadaa waa naf-ka-dhawr; sidii aad ugu dheg-raaracin lahayd oo aad u dhageysan lahayd, ugu soo dhawow dhambaalkan.
Marka reer cusub uu dhismo oo ay isguursadaan laba gayaan ah; waxaa loogu duceeyaa, “ilaahay ha idin...
Xaafada Xerada Cirka Uga furan Dunida Koowad Ee Islii
Nairobi Juqurafi ahaan waa Magaalo aad u balaaran oo saran dhulka Buuraleyda fiida sare Ee Gobalka Bartamaha Wadanka Kenya, Marka la eego qaab dhismeedku waa Daaro Dhadheer oo dabaqyo ah dadkuna ay wada dagan yihiin dhismayaal loogu yeero Falaay Iyo Singalo Intaba waana mid ay ku Noolyihiin dad aad u tiro badan xaga baaxada Bey’ada oo ka yar Dareenka Sixmada Dadweynaha,Magaaladu waxa ay dhacdaa...
SIDII SOOMAALIYAY KU SOCOTAA
Waa eray cusub oo ku soo kordhay qaamuuska siyaasadeed ee aduunka,waana mid aan ku kasbanay khasaaraha aan u gaysanay qaran nimadeenii iyo dalkeenii iyo dadkeeniiba.
Waxaa la oran jiray markii hore kolka la doonayo in la tilmaamo xaalad xanuun iyo murugo badan waxaa la oran jiray xaalkaygu ama xaalku waa bariga dhexe laakiin maanta uma baahna aduunka in ay dul taagnaadaan tusaalahaas waxaana arinkaas...
PUNTLAND IYO QODIDDA BATROOLKA:
W/Qorey: Ahmed Mahamoud
AR-AAR:
Run ahaantii horumarka wax soosaarka dhaqaaleed ee umaddi ku talaabsato ayaa ah mida lagu qimeeyo,hadii waddan dhaqaalihiisu kobco,waxaa horumara qaybaha nololeed ee bulshadaasi,sida caafimaadka,waxbarashadda iyo wax soorka cuntadda,isla markaasna waxaa hoos u dhaca jahliga ,cudurka iyo gaajadaba.Waa arin xaqiiqa ah in ay taasi daba socoto dhibaatooyin baaxad weeyn...
DFKMG oo Magaca ka bedeleysa Dugsigii Xaawo Taako
Waxaa Qoray Aadam Hassan ( Xubin Golaha fulinta Alecso )
Xaawa Cismaan (Xaawa Taako )
Go’aan kii Madaxdii J.Somalia ee 1970 kii miyaa qaldanaa mise kan maanta kuwa jooga Villa Somalia ?
Tallaabo iila muuqata gaf laga galayo taariikhda iyo halgankii dadkii dhiiggooda u daadiday Dalka iyo Dadka Somalia ayay dawladda magac ahaanta haattan u jirta qaadatay waa Go,aan la ii sheegay inuu ka yimid madax...
Kulankii ka dhacay Masjidka Abuubakar ee Minneapolis ee uu ka qayb galay Safiirka USA ee Kenya
SomaliTalk.com waxa ay heshay nuqul Video laga duubay kulankaas. Waxaana si waadax ah Video-ga uga muuqda in su’aalo kulul la weydiinayo Safiirka, isaguna si qayaxan ayuu u muujinayaa ujeedaddii uu kulanka uga soo qayb galay, Video-ga ayaan idinku soo gudbin doonaa sida uu ahaa….. SII AKHRI….
Read More →
Mubaarak ma bixi doonaa siddii Bin Caligii Tuuniisiya??
[Diktatooraddii Carabta oo wadnaha farta ku haya]
Kumanaan kun iyo malaayin in ka badan oo banaanbaxayaasha dadka reer Masar ayaa weli si is daba joog ah waxey magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi ka wadaan banaanbaxyaddii ay kaga soo horjeedeen hogaamiyahii dalkaasi ee Maxamed Xusni Mubaarak, kaasoo ay kaga dalbanayeen inuu is iscaliso. Hase ahaatee Mubaarak uma muuqdo inuu diyaar u yahay inuu xukunka...
War Saxafadeed: Khayaano Qaran;Shirkii Adis-Ababa, Itoobiya by Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S)
Asalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu dadweynaha Soomaliyeed meel iyo waa aad joogaanba. Waxaa mahad oo dhan idilkeed iska leh ALLE subxana watacala. hadaba, walaalayaal waxaa sharaf u ah in Xisbiga Shacabka Soomaliyeed (X.S.S) uu idiin soo gudbiyo amaba idinla socodsiino in Kooxdii Imbagheti iyo garabka lagu magacaabo Mucaaradka Djibouti ay ku fashilmeen waxii ay ugu magacdareen dowladwadaaga...
Villa-deena Soomaaliya. Waa maqaal ka hadlaya muranka & inkiraadda heshiisyada waxyeelada
Villa-deena Soomaaliya.
Malmihii ugu dambeeyay waxay dhagaheenu aad u maqlayeen heshiisyo la sheegay in lala galay shirkado kala duwan si ay u maamulaan hanti ummadda Soomaalidu leedahay noocay doonto ha ahaatee. Heshiidyadan oo ay ugu dambeeyeen kuwii lala galay shirkad lagu magacaabo Saracen International & weliba shirkad la sheegay in Japan laga leeyahay taasoo la wareegtay dhismaha magaca internet-ka...
20-sano oo dagaalo sokeeye ay ka socdeen wadanka Soomaaliya, dhalinyaradda ayaa aheed kuwa uga weyn ee laga dhigtey xaabadda la shito.
Qore: Maxamed Cabdinuur Mascud –
Markii kooxiihii jabhadaha ay qabsadeen caasimadda Muqdisho 26-janaury 1991-kii, waxa bilaabatey dhibaato dheer oo qabsatey dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradda oo waayay wadado ay u mari lahayeen dhismaha noloshooda.
Qaar badan oo ku jirey waxbarashada ama shaqeysan jirey ayaa ku dhacday dagaalada aysen filanayn oo dhibaato xoog leh gaarsiinay noloshooda,...
Maxaad ka taqaanaa ganacsiga elektarooniga ah , ( E – commerce ) ?
Hordhac
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Qormadaan ayaan waxaan hadii eebe idmo aan kaga hadli doona moowduuc yar oo kusoo biiray cilmiga ganacsiga kaa oo ah ganacsiga elektarooniga ama (ELECTRONIC COMMERCE ) , Qormadaan yar ayaan waxaan isku dayi doonaa in aan kaga hadlo waxa uu yahay ganacsiga elektarooniga ah , Taariikhdiisa...
Cashuura maalin Mudan in la xasuusto
Bishan aynu ku jirnaa waa bishii Muxaram. Muxaram waa bil ka mida bilaha Islaamka ee uu Ilaahay sida khaaska ah u sharfay. Waa bisha uu sandka Islaamku ku bilaabmo. Waxa ku irta bishan maalin wayn oo la yidhaahdo maalinta Cashuura. Hadaba Maxay tahay Cashuuraa? Fadligeedu muxuu yahay? Casharadee baa laga faa’idaysan karaa? . Jawaabaha su’aalahaas ayaan hadii Alle yidhaado ku eegi doonaa qormadan.
Cashuura...
3-DA DISEEMBER, MAALIN UTINTEEDA AAN LA ILOOBI DOONIN!! Qalinka Abuukar Albadri
Stockholm – 3-dii December ee sanadkii hore ayey aheyd markii hotelka shaamo ee magaalada Muqdisho lagu xasuuqay arday, waalidiintoodii, macalimiintoodii, weriyeyaal iyo masuuliyiin.
Xasuuqa waxaa la sheegay inuu geystay nin naftiisii u huray Janno doonis darteed, kana dhex doonay inuu dilo in ka badan 70 qofood oo marka laga reebo afar wasiir oo dowladda ka tirsaneyd intooda kale ahaa biri mageydo...
Yaa Mudan Hogaankeena | Cabdullaahi Siyaasi
Fariin furan ee ku socoto Wasiirka Kowaad Mudane Maxamed .C.Farmaajo
Ma harsan mana hergelin Soomalida inta jecel in laga baxo dhibaatada dadkeena iyo dalkeena dul taal ee labaatan jirsatay tan iyo inti Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo laguu magacaabay xilka wasiirka Kowaad, wadnaha ayey farta ku haayeen inta uu barlamaanka ka ansixinayo dowladi aad soo magcawday . dadka kuwooda wanaagsan marnaba...
Fadlan Iga Gaarsiiya Fariintaan | Al-Hasani
Ass. Alaykum.Waa maqaal fariin ah ee fadlan iga gaarsii cida ay qusayso. Ma ahan maqaal siyaasadeed ee waa maqaal SASABASHO iyo cabasho walaalnimo. Waa maqaal aan kucabirayo xanuunka iga hayo xaalada murugsan ee wadankeena marayo.
Yaa kuyaboohay xabad joojin 3bilood ah!
Walaalaha kudagaalamaya Somalia guud ahaan, gaar ahaan aaga xamar waa ila fiicnaan lahayd inaay ilaaliyaan xeerarka dagaalka iyo...
Maamulka madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole- Qeybtii 2aad
Maamulka Cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamud Faroole Muxuu qabtay, muxuuse ka gaabiyey
Qeybtii 2aad
Qeybtii hore waxeynu kaga soo hadalnay arimihii uu maamulka cusub soo kordhiyay, qormadana waxaan kaga hadli doonaa inshaa’allaah isla horumarka, annagoo qormada ugu danbeysa ee 3aad uga hadli doona arimihii uu maamulka ka gaabiyey iyo talo guud oo aan u jeedinayo maamulka iyo dhammaan bulshada...
Muwaadin Puntland u dhashay oo Jawaab ka soo saaray maqaal uu qoray Mubaarak Xoosh
Waxaan akhriyay maqaal uu qoray wiil isku magacaabay Mubaarak Xoosh, si shaksi ahna wax uma qorine wuxuu sheegtay xisbi aanan garaneyn meel uu ka jiro. Bilowga qoraalkiisa wuxuu ku sheegay in uu la hadlayo ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Ummadda aad la hadleyso anigoo kamid ah bal aan kuu soo jawaabo.
Dadka qaar ayay ku adagtahay in ay qariyaan waxa calooshooda ku jira oo xumaan...
Maamulka Cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamud Faroole Muxuu qabtay, muxuuse ka gaabiyey | Q.1aad
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta iska leh waxaan leeyahay iga gudooma salaanta islaamka ah ee (ACWW).
Maamulka la magac baxay Puntland waxaa la asaasay sanadku markuu ahaa 1998di, kadibna waxaa uu soo maray marxalado kala duwan oo waxaa soo qabtay xilkeeda madax kala duwan oo runtii...
GAROOWE OO NOQOTAY MUQDISHADII LABAAD
ASCW, Dhammaantiin Ciid wanaagsan ayaan idin leeyahay Soomaaliyeey.
Muddo wax uma soo qorin akhristayaashaydii caalamka igala xiriiri jirey. waxaad waligay iigu barateen wuxuu ahaa WAX u sheegidda qofka soomaaliyeed ama maamulka qallooca ku socda ee aan markaas is dhaho tub qalloocan ayuu ku socdaa. qofka walalkaa ahna haddaadan khatar ka qabanayn ama dhaliil u hayn markaasina af-qoyan looma hadlo...
WELI DUCO MA LAGU DAYEY DAGAALKA SOMALIA?
Assalaamu Alaykum. Aad ayaan idiin salaamaya akhyaarta websitekan qaymaha badan kuxiran!
Waxaan marayna marxalad ay xaq nagu tahay inaan la oyna mustaqka sii fogaanaya, rajaxumada nagu hareeraysan iyo ayadoo aan noo muuqan hifofaalo nabadeed!
Sow kulama aha inaan shaxda wax kabadalno?
Maadama aan galnay sanadkii 20aad oo aan iska dabo wareeganayno, oo dad iyo duunyo lawada basbaxay, daris dhow iyo...
Siyaasadda Cusub ee Dalka iyo Mustaqbalka Geedi socodka Nabadda
Sooyaalka taariikheed ee laga dhaxlay dagaaladda sokeeye ayaa ah mid murugo badan sida ka muuqata siyaasadda dalka Soomaaliya oo maalinba jaha cusubi u janjeedha, taasina waxaa ka markhaati ah waddamo fara badan oo Soomaaliya uu mar ka wada dhacay dagaalka sokeeye oo maanta nabad ah. Soomaaliya oo 100% isku dhaqan isku diin ahina weli waxaa ka jira dagaallo iyo xasuuq aad u darran ,waddamo Afrikaan...
Dowlada Cusub ee Teknooraatiska (Mutacalimiinta) Qurba Joogtaa Rajo Noocee ah ayay wadataa? Maxayse Qaban Karaan?
Laga soo Bilaabo Burburkii Dowladii Dhexe ee Soomaaliya Sanadkii 1991, Waxay Soomaaliya Soo Martay Marxalado Badan oo kala Duwan? Sida ay soomaalidu Tiraahdaba “RAQI WAA KU RAGEED!” Marxaladihaas kala Duwan waxay Soomaaliya u Xayirneyd Raggii Sheeganayay Mas’uuliyada Dalkaas iyo Dadkaas. maadaama ay ahaayeen kuwii dandareyay; rajo saas u buuran Soomaalidu uma aysan qabin inay keenayaan;...




