Home » Maqaallo
Dhambaal Furan oo Xambaarsan Talo iyo Tusaale ku Wajahan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya .
Soo Dhawoow Dhakhtaryahow Cusubi Dhaawac baan Qabaa Waadna Dhayi kartaa.
Mudane Madaxweyne waxaan ka mid ahay Shacabka Soomaaliyeed ee ku leh soo dhawoow kuuna muujiyay Taageerada iyo Dhiirri galinta,Ilaahay hakaa dhigo Dhakhtarkii Daweyn-lahaa Dhaawaca iyo Uur ku taallada Shacabkaaga Aaamiin,
HOR-DHAC:
Mudane Madaxweyne Gacantii Nadiif ah oo Daahir ah ayaa wax Daahirisa,hadaan dib u Milicsanno...
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA CULIMMADA SOOMAALIYEED
BismiLLahi AlRaxmaani AlRaxiim
Asalaamu calaykum wa raxmatuLLahi wa barakaatuHu.
Salaan ka dib;
Ummadaha muslimka ah culimmada diintu waxay ka cayaartaa doorka ugu weyn markay noqoto barbaarinta iyo wacyigelinta bulshada,halka ay dalalka aan muslimka ahayn ay doorkaas siiyeen culimmada iyo khuburada culuumta maaddiga ah ee kala duwan.Marka ay dalalkaas aan muslimka ahayni arkaan khatar kusoo fool leh...
Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi…Gabay ku socda Musharixiinta (Qore: Maxamed Xaaji)
Qaadiroow midkii khayr kujiro, Qoomka ku badbaadi
Qarankii jabee aan la helin, Kaadir qalab qaata.
Umaddii qaxdee aan la hanan kala qorsheynteeda.
Madficii qarxee aan la huwin, Qaaya nabadeedba.
Qabyaalladii dhacdee aan la hubin, Halista qiiqaysa.
Qabtii qarni-biloowgaan ka nahay, Qulubka koowaade.
Qulubkiyo khilaafkaan ka nahay, Qaybta koowaade.
Quruumaha aduunkaan ka nahay, Qaati iyo dayro.
Qaaradda...
“GAANDI” UGA YEERA:
Gaadiidka awrka hayinka ah goror ma daadshaanka
Gacaleeye, caaddila, gadhwade, geesi xog ogaal ah
Galoo kala gur-gura oo raggii Gaandi uga yeera!!
Maashaa Allaah, Waa Ilaah Mahaddiis, marba haddii Shirkii Ansixinta Dastuurku guulaystey, xilkiisii ummadeedna ka soo dhalaalay … waddankana u gawracay Qaanuun maal-kaga-kaca ah… Allaa I lehe, arrinku sidii badiba shaadaliga, bunka iyo saloolka loogu...
Islaamiyiinta dalka Soomaaliya oo laga miirey baarlamaanka cusub halka cilmaaniyiintu ay heleen 90% xubnaha baarlamaanka cusub
Muqdisho, Soomaaliya
Baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga miirey dhamaan xubnihii islaamiyiinta ee soo galay baarlamaanka kadib heshiiskii isbahaysigii Asmara ee uu horkacayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu la galay dowladdii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya 2004.
Baarlamaankan cusub ayaa waxaa ay xubnihiisu u badan yihiin 90% qurbo joog ku adag mabda’a cilmaaniyadda oo qaba...
Murashixiinta iyo Mashaqada ololaha!
Waxaa dadkoo dhami u dhegtaagayaa saacadaha is guraya iyo maalmaha gabaabsiga ah ee ka hadhay Xiligii loogu magacdaray kala guurka, dadkoo dhami waxay ku mashquulsan yihiin ogaanshaha, daqiiqad kasta ee harsan, waxaa isha iyo dhegtaba lagu hayaa dhawaqa ka soo baxaya caasimadda Muqdisho, oo ah gogoshii ugu horraysay ee muddo 20 sanadood ah la dhigo dalka dhexdiisa, ee lagu dooranayo dowlad...
Warqad furan oo ku socota Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka:- Dastuurka KMG ah Sharci daro ayuu ahaanayaa ,ergada ha ansixiso ama yeysan ansixinine!
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Ilaah ayaa iska leh mahad oo dhan.Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato nabigeenii Muxammad.
Intaas kadib Waxaan jeclahay inaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba usoo bandhigo in Dastuurka KMG ah uu sharci daro yahay haddii ergada ansixiso ama haddii ay diidanba.
Waxaana doodeyda ku saleynaa waxyaalo qaanuuni ah oo waafaqsan waxyaalaha soomaalida ay ugu horey...
Baaq ku socda Ummadda Soomaaliyeed: Qodobka Khuseeya badda iyo dhulka, hallaga saaro Qabyo Qoraalka Dastuurka Cusub
Waxaa markale baaqday shirkii la doonayey in lagu ansixiyo Dastuurka, kaas oo la doonayey in uu ka furmo Muqdisho (Sabti July 21, 2012) ayaa la sheegay in uu u “baaqday arrimo farsamo”.
Waxaa xaqiiqo ah in Ummadda Soomaaliyeed ay la wada socdaan damaca ay Keenya ku raadineyso in ay ku boobto dhulbadeedka Soomaaliya ayadoo u mareysa dariiqad kasta si ay ugu hirgasho mashruucaas wajiyada...
Farriin, Gurmad Qaran – Farriin ku Socota Oday Dhaqameedyada Soomaliyeed ee ku Shiraya Muqdisho
Tuesday, June 26, 2012
Ardayda (Ohio Somali Student Association) iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee deggan Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay u diraayaan baaq ama fariin loogu magac daray “Gurmad Qaran” oday dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ku shiraya Muqdisho.
Baaqaan ama farriintaan ayaa hadafkeedu yahay in ardayda iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee Gobolka Ohio ay xusuusiyaan odayaasha...
Amisom iyo Soomaalidu waa kala maan
Waxaa is weydiin mudan, ciidamada Amisom ee Soomaaliya jooga, ma waxay soomaaliya u soo galeen in ay dajiyaan qalalalaasaha ka oogon mudada dheer, ayna dhaliyaan nabad waarta? mise inay la dagaalamaan kooxo ay u arkaan awood kobacooda khalkhal inuu galinayo amnigooda qaran iyo guud ahaan amniga wadamo kale oo iyaga jaal la ah.
Sida runta ah su’aashaas ka jawaabideedu, waxaa ku dheehan faham...
Meeyey Gu’gii Carbeed?
Tan iyo markii ay kacadoonada barkaysan ka bilowdeen Wadamada Carbeed ee ay ka talinayeen Madaxdii kali taliska ahaa ee xooga ku haysay Shacuubtooda laga soo bilaabo Tuunis Masar Liibiya Yaman iyo Siiriya, kacdoonkaas oo loogu wanqalay ama loo bixiyey Gu,gii Carbeed ayaa dadka qaar waxaa ay iswaydiinayeen oo ay saadaalinayeen in dabayshaas caafimaad ay mar un Badda soo talowdo oo ay Geeska afrika...
Oday dhaqameedka, maanta ummaddaa magan u ah
Oday dhaqameedka Soomaaliyeed, magac kasta ha loogu yeeree, waxaa booskii iyo kalmadii ay bulsha weynta Soomaaliyeed ku dhex lahaayeen la wareegay, 50-kii sano ee u dambeeyay taariikhda Soomaalida, siyaasiyiin, iyo dagaal oogayaal, waxayna noqdeen aalad ku jirta gacmaha labadaa koox oo hadba dhanka ay doonayaan u weeciya, wuxuuna arinkaasi dhaxalsiiyay shacabka Soomaaliyeed, dhibaatooyin fara badan...
Midnimo ayaan magac ku leenahay
Midnimada waa haybad aan la hormari karin, waa quwad aan la loodin karin, waa magac aan muran la galin karin oo aan marna la qaybin karin, waa jiritaan aan laga jeedin karin jihada uu rabo, waa sharaf aan shaki lakalin karin.
Midnimadu waxay tahay macanaheeda “xoog, xoolo iyo xikmad” waxaan haysano inay mid yihiin si aan umaarayno dhamaan waxii dhib ah oo inasoo wajaha gudaha iyo...
Shirqoolka Garoowe iyo Kala Kaca Punt Land | Cali Baadiye
Qoraalkaan la magacbaxay Shirqoolka Garoowe iyo Kala Kaca Punt Land qaybtiisii kowaad haddaan intaas uga gudubno, maanta waxaa nala habboon inaan si kooban u eegno Aayaha Punt Land halkuu u jiheysan yahay, annagoo ka ambaqaadayna maamulka xilka inoo hayaa siduu wax ku wado, siduu moodayo inuu reer Punt Land ka yeelikaro, siduu ugu talogalay inuu aragtidiisa oo keliya ku meelmariyo, sida damacu u tusay...
AL-ANDALUSTA QARNIGAN (Somaliya)
Qormadii: Nuur Cilmi Xalane
Email: warsan54@gmail.com, elmi5754@hotmail.com
Magaca Al-Andalus iyo taariikhda ku hoos-aassan waa hubaal ah in qeyb yar oo Qowmiyaddeenna ka mid ahi ay wax ka og yihiin. Waxa aad taariikhdan ula socda, gaar ahaan culimada Somaaliyeed ee diinta Islaamka ku fogaatay iyo aqoonyahanno faro-ku-tirisa oo taariikhda Islaamka bartay.
Magaca oo afka Carabiga ka soo jeeda,...
Dastuurka dad wareeriska ah iyo danaha ka dambeeya..! (Qalinkii Maxamed Xaaji)
CARAWEELO ama ARAWEELO sida la sheego waxay la maqan tahay godobtii ragga oo ay DHUFAANI jirtey waloow ay ku baxday gacanta ninkii ay is tiri ”WAA DOQONE ISKA DAA” kaasoo ahaa ‘ODAY BIIQE’ lkn halkii ay howlmaalmeedkeeda ku qabsan jirtey oo lagu sheego meel ka mid ah buurta DAALO ayay ilaa maantadan dadku booqdaan iyadoo ay RAGU dhagxiyaan meeshii balse Waxaa CAJIIB ah in ay...
Dastuurka qabyada ma qasabbaa in la qaataa?!
Dastuuroow maxaad tahay?
Dastuurku waa nidaam qoran oo ku seesan xeer ummadeed ku salaysan heshiis iyo is afgarad bulsho, xeer ummadeedkan ayaa ah mid la waafajinayo marxaladda nololeed ee dhaqan dhaqaale ee meeshaas ka jirta, waana in lagu saleeyaa laguna sargooyaa qaabkii ay ummada xeerkaas loo samaynayaa u heli lahayd nidaam dowlideed, oo ku fadhiya sinnaan cadaalad, horseedi karana nabad iyo...
TACSI: Beeldaaji Faarax Beeldaaje Cabdullahi oo ku Geeriyoodey dalka UAE
Waxa Habeenimadii Axadda 8-dii April 2012 ku geeriyoodey Cusbataal ku yaal Magaalada Al Cayn ee dalka UAE Allaha u naxariistee Beeldaajaha Guud ee Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdulahi Beeldaaje Maxamed.
Waxaan tacsi tiiraanye leh annagoo ah qoyska reer Xaaji Faarax gaarsiinaynaa eheladii, Qaraabadi iyo umada soomaliyeed.
Waxaa tacsidan diraya:
1. Xaaji Ibraahim Xaaji Faarax
2....
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo soo Saaray Nidaam Cusub oo ku Wajahan Heshiisyada Ciyaartoyda iyo Tababarayaashooda
Waxaa maanta Hatelka Saxafi ka dhacay shir ay isagu yimaadeen Masuuliyiinta Xiriirka kubadda Cagta , Guddiga Fulinta Gudoomiyayaasha Kooxaha Heerka Koowaad , Iyo Tababarayaashooda , waxaana Kulankaan looga Hadley sidoo loo furi lahaa Hoyyaalkii Kubadda Cagta ee Soomaaliya ee Sannadka 2012 iyo Nidaam Cusub oo ku wajahan Heshiisyada lala galayo Ciyaartoyda iyo Tababarayaashooda
Halkan ka daawo sawirada
Kulankaa...
Xaalado Mushaar la,aan ah oo soo wajahday ciidamada midowga Africa ee AMISOM
Xaalad lacag la,aaneed oo soo wajahday ciidamada midowga Africa ee
AMISOM kuwaas oo aan wax mushaaro ah aysan garin mudo 5 bilood ah
inkasta oo ay gaareen goobo ka baxsan gudaha magaalada Muqdisho .
Arinta mushahar la,aanta ah waxaa wax ka qorey wargeysyo reer galbeed ah
oo wax kala socdey xaalada dhaqaale ee heysata ciidamada midowga
Africa ee AMISOM waxaana arintaa u fududeeyey oo xiriir xaga
taleephonka...
GABAY:Hurgumo
Tixdan magaceeda waxaa layiraahdaa: “hurgumo”waxaan curiyay mudo dhaway waxayna ka hadlaysaa dhibaatada Soomalida guud ahaan,iyo xaalada iyo marxaladaha kala gedisan ee maalin walba ina soo wajahayaa , colaadaha , abaaraha, khilaafyada, shisheeyaha faragelinta wada dhinac walba .
tixdani waasidane ka bogasho wacan.
Hal abuurka suugaantu ma ahan hayb wax loo dhimo’e
Waa hibo Ilaahay baxshiyo haybad...
TACSI:Xaajiyo Sacdiyo Aw Axmad Cali
Inaa lilaahu Wa inaa ileyhi raajicuun.
Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd.11.03.2012 ku geeriyootay magaalada Nairobi ala ha unaxariistee Xaajiyo Sacdiyo Aw Axmad Cali
Dhamaan qoyska reer Barre xaaji Samatar waxey tacsi tiiraanyo leh u diyaraan reer Yaasiin Xaaji Maxamed Ibraahim oo ay hooyadood ahayd dhamaan dadkaasi waxay marxuumada eebe uga baryayaan in ilaahay qabrigeeda u waasiciyo janatul firdowsana...
Aflagaadada Culimada Cibaado ha Moodin!!!
Aflagaadada Muslimiinta Carabkaaga ka ilaasho!!
Illaah waxaa uu ku Mahadsan Nicmooyika muuqda iyo kuwa aan muuqan uu noo hibeeyay, nicmooyinkaasna waa kuwa aysan suura gal ahayn in tiro lagu kobo, waxaanse rabaa inaan mid kaliya wax ka iraahdo.
Nicmooyinka weyn ee qaaliga ah waxaa ka mid ah nicmada Carabka kaasoo ah nicmo naloo siiyay inaan illaah ku Caabudno magaciisa iyo raali waxa uu ku yahay kaliya...
Soomaali Nabad Xaq ma u leedahay?
Qandaraaska nabad u qoonso Soomaalida:
Su’aashu waxeey tahey horta mujtamaca soomaaliyeed xaq ma u leeyihiin ineey nabad ku noolaadaan?
QANDARAAS! QANDARAAS! QANDARAAS! Waa fursadii aad sugeeyseen ee ha moogaan!
Mudanayaal, (Marwooyinka uma furna qandaraaskaan waqti xaadirkaan maadaama aysan diyaar u aheeyn ineey xasuuqaan ubadkooda, waalidkood iyo walaalahood) ha ka qadinina mashruuca laga taajiro...
Nin ku Dilay Har Kuuma Jiido
Dowladda Ingiriiska oo gummeysiga Taqasus ku leh waxaa tusaale u ah in gumeystaha uu mansab ahaan ka sareeyo midka la gummeysto,sidaas daraadeedna waa in marna dadka la gummeysto loo muujinin haba yaraatee wax jil-jileec u muuqdo ama naxariis,waa in qofka la gummeysto ad-adeegnimo loola dhaqmaa ilaa laga gaarsiiyo ilbaxninmo lagu kal soonaan karo.
Fikradda sidaas ah ayadoo ay jirto ayaa Ingiriiska...




