Home » Maqaallo

Reer Galkacayo iyo Sharciga Yaa u Garnaqi Doona | Aw-Osman

Aug 13, 2009
Dhacdoonyinka mudoonyinkii ugu danbeeyay ka dhacay Magaalada Gaalkacayo waa mid dadka inta samaha jecel ku noqotay fajaciso iyo dhabana hays, waa arin u baahan in maamulka Puntland iyo Shacabkuba ku eegaaan ilgaar ah, waa dhacdooyin taxane ahaa taas oo lagu gumaadayay indheer garadka, cuqaasha iyo siyaasiyiinta, waa arinta aan hore loogu arag dhaqanka reer Puntland, ahayna mid aysan dadka deegaamadaasi... 

Faallo: Waxyaalaha fashiliyey dowlada sheekh shariif

Aug 13, 2009
Faallo: Waxyaalaha fashiliyey dowlada sheekh shariif Hordhac: Kolkii dowladii uu madaxda ka ahaa C/lahi yusuf ahmed lagala wareegey maamulka soomaaliya, waxaa ay dad badani ku rajo weynaayeen in la heli doono isbedel iyo horumar nabadeed oo la taaban karo. Dadku waxaa ay rajadooda ku saleynayeen afar qodob. – Ciidamadii Itoobiya oo dalka ka baxay – Hogaanka dalka oo ay qabteen rag dhalinyaro... 

Shiikh Xasan AL-Banaa (2)

Aug 13, 2009
Shiikh Xasan AL-Ban,aa ( 2) Waxaan Casharkii hore kusoo sheegnay Dacaayado laga faafiyey Shiikha iyo in ayarrimahaasi been Abuur yihiin, waxaana soo daliilsanay ereyo cad cad oon ta’wiil laheyn oo Shiikha kutubtiisa laga soo wariyey.Haatanna waa Qeyb kale oon ku caddeyneyno shaskhsiyadda Runta ah ee Shiikh Xasan AL-Ban’naa , anigoo u soo hormarinayo waxay Culumaddu ka yiraahdeen. Waxay... 

Maxaad ka taqaanaa Jaamacadda KLIUC ee dalka Malaysia|Xasan Cadde

Aug 12, 2009
Maanta ayaa booqasho waxaan ku tagay Jaamacadda caanka ah ee KLIUC, waxaana soo dhaweyn diiran ka helay mid kamid ah Ardayda Soomaaliyadeed ee wax ka barata Jaamacadaasi, kaasow lagu magacaabo Axmed Ciise Xaaji Axmed. Jaamacadda KLIUC, waxay ahayd xarunta tababarka howlaha guud ee dalka Malaysia, taas oo ay maamuli jirtay wakaalada howlaha guud ee dalkaasi ilaa 1997. Sanadkii 1997 ayaa waxaa laga dhigay... 
Halkudheg: , ,

Xasuuqii Culimmada Tabliiqa|Abdirahman

Aug 12, 2009
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN! Maanta(12.08.2009) waxaa magaalada Gaalkacyo si muslimnimada,soomaalinnimada iyo dadnimadaba ka baxsan loogu xasuuqay culimmo ka tirsan Jamaacatu Tabliig oo badankoodu ahaayeen dad u dhashay dalka Paakistaan.Sannadihii u dambeeyey dalkeenna waxaa ka dhacayey dhibaatooyin iyo falal foolxun oo ugu dambeystii caadi ku noqday dhegaha dadka soomaalida ah.Dadka... 
Halkudheg:

Maxaad ka taqaanaa Jaamacadda University Tecnology Malaysia

Aug 12, 2009
Maxaad ka taqaanaa Jaamacadda University Tecnology Malaysia, Waxbixin kooban oo laga diyaariyey Jaamacada Universiti Tecnologi Malaysia-UTM- (Technological University of Malaysia) waa jaamacada ugu da’da wayn dalka Malaysia marka la dhoho barida handasada (injineernimada) iyo tiknoolojiyada. Inkastoo Jaamacada aad caan ugu thttps://somalitalk.com/web/wp-admin/post.php?action=edit&post=943ahay... 

Maqaal Kahadlaya Mamulka Madaxweyne Shariif|dhoodi

Aug 12, 2009
Waxqabadkii 6-bilood Ee Maamulka Madaxaweynaha lasoo Gamey Bismilahi raxmaani raxiim Asalmu c ww Sidaan lawada socono waxaa kasoo wareegtay mudo 6-bilood ah markii ladoortay madaxweynaha lasoo gamey Sh.Shariif Sh. Axmed waxaan jeclaystay inaan waxyar ka eego waxyaalihii uu kusoo kordhiyey umada Soomaaliyeed oo u hamuun uqabtay nabad aadna usoo dhaweyey xiligii ladooratay iyagoo rajo badan ka qabay... 

Ruqiyaay run sheeg|Nafiso Jaamac

Aug 12, 2009
Maanta ayaan akhrinayey 31/07/2009 qormo af gaalaad ku qornayd oo aad kaga hadleysey sahaminta shidaalka ee Puntland oo aad u bixisay ‘hoggaamiyayaasha Puntland oo weli kulamo qarsoodi ah la leh shirkado shidaal’. Waa run Mrs Ruqiya in kulanku Dubai ka dhacay, in meel dhexe oo shirkadaha iyo dawladda Puntland u sahlan la isugu yimaadona ceeb ma aha, sidoo kale kulankani wuxuu geba gebo... 
Halkudheg: ,

Waxyeelooyinka Qabiilka|Mahad Camal

Aug 12, 2009
Waxaan doonnayaa in aan iidinkugu soo bandhigo qoraalkaan ,waxyeelooyinka Qabiilku uu leeyahay iyo dib udhac umadeena uu u keennay. Qabiilku wuxuu ahaa mid soo jireen ah oo umadadaha aduunkuna ay waxyeelooyinkiisu ay soo wadamareyn, Balse ay jireen dalalbadan oo ka xoroobay waxyeeladiisa, taassoo aysan ku gaarin guusha mar qura, hasa yeeshee ey marxaladdo badan ka soomareyn ,sidii ay uga xoroobi lahaayeen... 
Halkudheg:

Dilka culimada Dareen Naxdinleh| Abul Fadli

Aug 12, 2009
Dilka culimada Dareen Naxdinleh, fariina Xanbaarsan (inaa lillaahi wa inaa illayhi raajicuun)..Waxaa wax laga xumaada ah,dareen naxdinlehna ah,falka waxshinimana ah oo lagu xasuuqay culimada tabliiqa ah.sida uu nabarayo manhajka rabaaniga ah,in dadku haday u hogaansami waayaan una dhaga nuglaan waayaan allihii abuuray,maraana dariiq qilaafsan kii uu u jideeyay,inay la kulmayaan cawaaqib xumo iyo wax... 

Hantiilayaasha caydha ah|Sh. Maxamed Idris

Aug 11, 2009
Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Ma maqasheen, mase aragteen Hantiilayaasha Caydha ah ee gaajada u dhintay? Haddaydaan hora u maqal waa: Soomaalida dadka la yiraahdo!!!! Adduunka Socodkiisu waa cibro iyo casharo waaweyn. Soomaaliduna horay ayey u tiri: “Nimaan Dhul Marin Dhaaya Ma leh”. Adduunka intaan socdaalka ku ahay waxaan wax badan u... 
Halkudheg:

Somali students plan for Malaysia

Aug 10, 2009
Somali students plan for Malaysia Misha Schubert August 7, 2009 AUSTRALIA is considering offering Somali students scholarships in Malaysia – rather than inviting them to study here – to increase the chances that they will return home rather than resettle in Australia. A senior government MP has written to Foreign Minister Stephen Smith with the proposal, after the Somali ambassador to Indonesia... 
Halkudheg: ,

War-baahinta Soomaaliyeed ha garato danaha ummadeeda burburtay|Sooyaan

Aug 10, 2009
War-baahinta Soomaaliyeed ha garato danaha ummadeeda burburtay. Intii ay gobanimmada qaadatay illaa iyo maantadan la joogo ayaad moodaa in guud ahaan xukuumadaha qaaradda Afrika ay dhibaato ka haysato xeerarka iyo sida ay ula dhaqmayaan Suxufiyiinta, ma aha wax ceeba ah dunida 3aad dalalka loogu yeero ama kuwa horu marayba inaad aragto nin weriye oo la handadayo, la xiray, la garaacayo, ama la dilayba,... 

Haddii aad i doorataan Q-2aad|Suldan

Aug 10, 2009
Haddii aad i doorataan! Qaybtii Labaad Haykalka Dowladnimo Your browser may not support display of this image. Haddaba, haddii aad na doorataan, waxaannu idinku haggaynaa horukac iyo hiraal dheer [insha Allaah], waxaannu muujinayaa xilkasnimo, caddaalad, sinaan, maamul wanaag iyo hoggaamin dhab ah. Waxaanuna idinka saaraynaa wakhtiga xun ee lagu jiro, annagoo Ilaahay la kaashanaya, qorshe iyo hindisena... 

Ma adigaa Saxafi ah!?|Zaki

Aug 8, 2009
Qof waliba wuxuu doonayaa ugu yaraan inay jecelyihiin dadka ku nool hareerihiisa, markaad tahay saxafi waxaad doonaysaa inaad bulshada usoo gubdinaysaa warar iyo qoraallo iyo maqaallo xiisa galiya akhristaha. Wariyuhu mahan qof ka shaqeeya Xafiis Xariir Caalamiga (علاقات العامة ) sidaa awgeed maahan qof mar walba udhoola caddeeya bulshada ku xeeran ama xariirka la leh qoraaladiisa, waxaan... 

Barnaamijkii Radio Xoriyo 07 August 2009

Aug 7, 2009
Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo saldhigyo ka smaaystay Duleedka Herar. Shirweynihii Jaaliyadaha Ogadenya oo manta ka furmay London-Uk Bashiir Axmed Makhtal oo lagu xukumay xabsi daaim Labo muwaadin oo ogadenya u dhalatay oo loo gacan galiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya 15 arday oo Maraykan ah oo laga soo qabtay Herar kadibna lasoo masaafuriyey. Waraysi labo qaybood ah oo aan idiinka... 

Shariifku ma gacantuu ka salaamay mase qalbiga|Ugaasyare

Aug 6, 2009
Shariifku ma gacantuu ka salaamay mase qalbiga Mrs. Clinton.? Su’aashan ayaa igu dhalatay kadib markii kulan galabta dhex maray Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mrs. Clinton iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay iyaga oo wada qoslaya ka soo muuqdeen shaashadaha caalamka misana gacmaha is gashaday oo salaan isu dheeli tiran is geliyay gacanta Midig. Inkastoo Alle uun ogyahay, mida qalbiga balse... 

Aqoontaydii Sayfta Banaanka|Muxyadiin

Aug 5, 2009
AQOONTAYDII SEEFTA IYO OORAAHDUU KA RUNSHEEGAY (allaha unaxariisto Warsame Cabdi Shirwac) WARSAME CABDI SHIRWAC “SEEFTA BANAANKA” Uma qaadan qalinka wax aan ka aheyn bal in aan qofnimadii Warsame Cabdi Shirwac, “rabbi jannadii haka waraabiyee” inta aan ka bartay idiinku bidhaamiyo halkan, anigoo kasoo bilaabaya dharaartii iigu horeysay arag iyo maqalba, ee ay indhaheygu ku dhaceen asagoo shir... 
Halkudheg: , ,

Haddaad Na Doorataan SLN|Suldan

Aug 5, 2009
Haddaad Na Doorataan! Qaybtii 1-aad Waa qoraal nooc cusub ah oo ku saabsan horukicinta maanka iyo qaabaynta nooca dowladeed ee dalkeennu u baahan yahay. Nidaam dowladeed oo kasta dadna fekerkeeda iyo horukicinteeda ayey keenaan, qaarna fulinteeda iyo hirgelinteeda ayay ka qayb qaataan. Qoraalkan oo ku soo beegmay xilli doorasho ka socoto Somaliland ayaan doonayaa in aan ku mudmudo maanka dhallinyarada... 

Shippers fret over expected Somali piracy upsurge

Aug 5, 2009
* Monsoon to end soon, shippers braced for attacks * Military guards on ships unlikely given tight resources By Jonathan Saul LONDON, Aug 5 (Reuters) – Pirates are likely to step up attacks on ships off Somalia’s coast in coming months as the end of the monsoon season brings better weather, naval and shipping officials say. Deploying military personnel on vulnerable vessels may be the best... 

Barnaamijkii Radio Xoriyo

Aug 4, 2009
Barnaamijkii Radio Xoriyo 03 August 2009. Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo dagaalo ku naafeeyey ciidanka gumaysiga. Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo jidh-dil,xidhay,kufsi iyo hoob hanti ugaystay dad rayid ah. Gabadh ay ciidamada gumaysig itooya kufsadeen kadibna dileen. Shir sanadeedkii jaaliyadda bariga Africa-faraca Nairobi oo guul ku dhamaaday. Waraysi labo qaybood ah oo aan idiinka... 

Xalku Maanta Muxuu noqon karaa|Odowaa

Aug 4, 2009
Date: Agost 2, 2009 Ku: Cidda ay Khuseyso: Mushkiladda Soomaaliya? Hordhac Xalka maanta muxuu noqon karaa? Inta aynaan xalka iyo meesha uu naga jiro tilmaamin, bal aynu xoogaa dib u fiirino: 1. Sababihii keenay burburkii ku yimid dowladihii jirey 1960-1991?; jawaab gaaban haddii aan ka bixino (maamul xumo, ku saleysan – caddaalad darro iyo qabiil u adeegsi qarankii) 2. Sababihii fashiliyey – dowladihii... 

Waxay ila tahay|Cumar Bille

Aug 4, 2009
Maxamuud Cumar Bille oo ka hadlay isbedelka Puntland. Maxamuud Cumar Bille, oo ka tirsan dhalinyarada reer Puntland, oo ahaan jiray wariye caan ah isla markaasna ahaa nin aad uga faalooda arimaha gudaha ee Puntland markii gaar ahaan uu ka tirsanaa mucaaradka ayaa ka hadlay isbedelka Puntland. Maxamuud oo ka baxay bahda Saxaafada iyo waliba Siyaasada ayaan mudo lagu arag Internetka iyo shaashada siyaasada... 

Somlitalk:Macallinka Bulshada|Amiin

Aug 3, 2009
Somlitalk: Macallinka Bulshada. 1999-kii ayaa dhidibadda loo taagay Web-ka sida weyn u caanbaxay ee Somalitalk oo ahaa web-kii ugu horeeyey ee Soomaalidu ka daalacan jirtay wixii macluumaad ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, waxa uuna indhaha u furay Soomaali badan oo baahi weyn u qabay in ay helaan Web af Soomaali wax ku qora ummadana u dhexeeya layskuna haleyn karo xogta kala duwan ee uu ka soo... 

Qurbacleey iyo qoyska|Sh.Ahmed

Aug 2, 2009
Qurbacleey iyo qalalaasaha qoyska Qoyska waxaa wada unka wiil iyo gabar iska soo dhex doortay dad oo dhan, isuna haya kalgacayl iyo kalsooni weyn. Qoyska waxaa la unkaa iyada oo lammaanaha is guursaday, ehelkooda, asxaabtooda iyo muslinka oo dhan ku wada faraxsan yihiin, waxaana laga fishaa deganaansho, xasilooni iyo is badal wacan oo dhinac walba kaga yimaada nolosha lammaanaha qoyska wada dhistay.... 
Halkudheg: