Home » Maqaallo

Taladaan Lagu Ruugin Waa lagu Rafaadaa | Abdirahman Sheikh Bihi

Dec 29, 2009
Bismillaahi Raxmaani Raxiim, TALADAAN LAGU RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA Shacabka soomaaliyeed ee dega Ethiopia waa shacab qaba dhib aan lasoo koobi Karin. Iyadoo shacabku uu la kulmo abaaro badan, roob li’ iyo rafaad ka imaanaya musiibooyinka kala geddisan oo aan cidina ugusoo gurmanaynin ayaa haddana waxaa usii dheer dhibaatooyin kale oo uga imaanayaa saddex jiho. Xukuumadda Ethiopia ayaa dhawaan wuxuu... 
Halkudheg:

Xaalada Dhabta ah ee kajirta magaalada Galkacyo iyo Cidda xalkeeda leh:-

Dec 29, 2009
Xaalada Dhabta ah ee kajirta magaalada Galkacyo iyo Cidda xalkeeda leh:-   Galkacyo waa magaalo weyn oo soomaliyeed hadana kutaal bartamaha Somaliya halkaas oo kulmisa dhamaan umada Soomaliyeed ahna xarunta ganacsiga guud ee somaliya lagula kala wareego Ganacsiga, hadaba sida aan maqaaladeydii hore aan kaga hadlay waxaa magaalada galkacyo kadhacay dagaal beeleed 1991-1993 khasaaro badana geystey,... 
Halkudheg:

Yaa Innagga hor taagan Nabbadda!!? | Black Yare

Dec 28, 2009
Yaa Innagga hor taagan Nabbadda!!? Intaan garasho soo yeeshayba waxaan maqlayay, hebel wuu dhintay, oo yaa dilay, Aano qabiil ayaa loo dilay oo qabiilkiisa ayaa nin dilay sidaa darteed isaga ayaa loo dilay ninkii, wixii la joogaba arrinkii wuu isbadalay oo qabiil hebel ayaa dilay waa laga soo gudbay, war Cali isagoo Masjidka ka soo baxaya ayaa la dilay, oo yaa dilay, Alshabaab qoomiyad la dhoho ayaa... 

Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan | Amiin Yuusuf

Dec 28, 2009
Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan. Waxaa maalmahan ummadda Soomaaliyeed aad u hareeyey si weyna loo hadal yahay Calanadda kala duwan ee ka soo ifbaxay wadanka Soomaaliya, meelaha dadka isugu yimaadaan ayaa waxaa ka jira guux ku aadan Calanada cusub ee qolo waliba suratay deegaanka ay gacanta ku hayso, dadka qaarkii ayaa leh “War Calankii Soomaaliya ee Buluuga ayaa dhalay Calanada Cusub ee aad aragtaan,... 
Halkudheg:

SOOMAALIYEY KACA: Maansadii – Abdullahi Spanish

Dec 28, 2009
SOOMAALIYEY KACA   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Ubdkaa koraayiyo U halgama karaamada   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Waa kuurgal nacabkiye Yuu mudan kabaalada   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Kebeddiyo karbaashkiyo Kooraha ka dhiidhiya   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Ciyi kolay ku soo dhaxay    Kawlkiina yuu noqon   Soomaaliyey kaca  Kaca oo iskaashada Keenada... 
Halkudheg:

Maanta oo Axada waa Caashuuraa, waa Muxarram 10 keedii

Dec 26, 2009
Caashuuraa Waa Maalin Fadli Badan WQ. Xasan Dhooye [abu xafso] dhooye@hotmail.com Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu Bislaahi Raxmaani Raxiim ::: 1431 Walaalayaal marka hore Ilaahay baa mahad dhamaanteed usugnaatay subxaanahu watacaalaa,Nabi Maxamedna nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato. Walaal waxaan idiin rajaynayaa sanadkaan cusub oo inoo dhashay inuu ilaahay nawaafajiyo khayr... 
Halkudheg: , ,

Sahmintii nolosha Suxufiyintii soo barakacday iyo waxqabad la’aanta ururka NUSOJ.

Dec 25, 2009
Sahmintii nolosha Suxufiyintii soo barakacday iyo waxqabad la’aanta ururka NUSOJ. NUSOJ-“waxanu ka walaacsan nahay xalada suxufiga jooga somaliya” Hordhac. Tan iyo markii dharaar cad lagu dilay magalada Muqdisho Allaha unaxariistee wariyyaasha kala ah 1-Mahad axmed cilmi 2-Ali Iimaan Sharmarke oo labaduba katirsanaa idaacda iyo TV-ga hornafrik ee maglada Muqdisho ayaa waxa mugdi ku yimid niyadii... 

Xeeladaha Guur iyo xiligan adag! | Maxamed cusmaan

Dec 25, 2009
Xeeladaha Guur iyo xiligan adag!  W/Q: Wariye Maxamed Cusmaan New york            Dhibta dagaal iyo qaxarka kale ee nololeed ee dalka ka jira, waxaa ay badeleen qaab nololeedkii qoysaska soomaaliyeed, kuwii horey loo yigleelay iyo kuwii qorshuhu ahaa in la unko.        Qoysaskii horey u dhisnaa ayaa midba meel ka dhacay. Hooyadii iyo qaar ka mida caruurtii meel bay u barakaceen ama... 

Go’aanka Maamulka GPL Ma Musaafurinta Muwaadinka Soomaaliyeed | Cabdiraxiin

Dec 25, 2009
Go,aanka Maamulka  Goboleedka Puntland  Ma Musaafurinta Muwaadinka Soomaaliyeed iyo Madax buuxinta Maamulka itoobiyaa?   Waxaa inta badan maamul goboleedka puntland ku naalloodaan oo ku faanaan   nabada iyo maamulka  iyo nidaamka ay samaysteen ee labadooda gobol Hadana markaad hoos u sii eegto nabada iyo maamulka ay samaysteen waa mid ku kooban Beelaha degaanka ah ee ka soo jeeda labada gobol... 

Puntland: Xaggee u socotaa? | shakibdhowre

Dec 23, 2009
Puntland: Xaggee u socotaa? 22/12/`09 “ Dabkuu shiday gumeystuhu duur saw ma uu galin Diinaarkii uu daadshay Damiin soo ma uu guran Googooye Soomaali oo gobolba meel aadye” Shakib dhowre `93’ Hordhac Ilaa iyo markii sheydaan diiday amarkii Alle “inuu u sujuudo Nabi Aden” waxuu ku dhaaartay inuu adoomada Alle wadada wanaagsan ka leexiyo. Ka dibna waa kii damac iyo waswaas ku riday Nabi Aden... 

Puntland: Dulmi Diidow Dulmi Doon ha noqon | Amiin Yuusuf

Dec 22, 2009
  Markii la riday Dowladdii Max’ed Siyaad Barre, waxaa Jabhaddii xukunka ka riday Max’ed Siyaad Bilaabeen xiligaasi in ay qabiil qabiil u dagaalamaan taasina waxay keentay in dad aan waxba galabsan la laayo, “Waxaan arkay isaga oo taar ku hadlaya ee waa in la dilaa”, “Waxaan arkay isaga oo madfac hogaaminaya ee ha la dilo”, “Waxaan arkay isaga oo la shiraya kooxo faqash ah sidaasna... 
Halkudheg:

Hasheer Dabalaay Gooji Ama Ha Goojin, Wallee Geela Gu’ga Dhali Uunbaa lagugu Tirin | Prof Farjac

Dec 20, 2009
Abaabulkii iyo Hufidii Dr. Maxamed Cadduur, Habayntii iyo isku dubaridkii Eng. Muhiadin Hussein Eid, Qalinkii Prof. Farjac Barlamaanka Puntland wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood oo ay qaab qabiil ku soo xulaan issimada beelaha Puntland deggan qaarkood. Iyadoo markaa beelo badan oo reer Puntlanad ay saamigi ay ku lahaayeen la duusisye oo weli laalan yahay, isla markaana ay weli ka dharsugayaan in ay... 
Halkudheg:

Soomaaliya sidee bay Nabad iyo Xasillooni ku gaari kartaa ? | Daadurey

Dec 19, 2009
Soomaaliya ayaa waxay soo martay marxalado kala gedisan oo aad u adag tan iyo intii ay burburtay Dowladii dhexe ee Dalka Soomaaliya taasina waxay abuurtay Nabadgelyo la’aan ku baahda Dalka oo dhan , waxaanna Xasilooni darradani ka faa’idaysanaya Dad aan Soomaaliya u dhalan oo Dalalkoodii Dembiyo ka soo galay oo la raadinayo oo gabaad ka dhiganaya Xasilooni darrada ka jirta Dalka Soomaaliya... 

Maxaad kala Socotaa Soomaalida ka buuxda Xabsiyada Magaalada Nairobi | Xaashi Dheere

Dec 18, 2009
  Waxaan shalay hawl indho indheyn iyo u Kuurgeilidba ah ku tegey Xabsiyadda , Saldhigyada Booliiska iyo Maxkamadaha sharciyadaa ee magaaladan Nairobi ee xarunta dalka Kenya . Hadii aad doonayso in aad arimahan oo kale wax ka ogaato waxaa waajib kugu ah in aad qal;ab qaadato subaxnimada hore marka aad Salaad subax tukato, si aad uga horumarto Cidhiidhiga iyo isjiidhka dadka faraha badan ee Kiisasku... 
Halkudheg:

Gabay: Godane Weydiiya? | Abwaan Xasan Garaad Warsame

Dec 17, 2009
Ayadoo dadka Soomaaliyed ay ahaayen kuwo siyaabo kala duwan wax is kugu sheego ayaa hadana Gabayadu waxeey kamid ahaayeen waxyaabaha wax la isku tuuso ama wax la isku weydiiyo, waxeyna ka dharagsan yihiin Hal abuurada Soomaaliyeed in dhambaaladooda ay ku gudbin karaan waxa ka soo maaxdo Maskaxdooda, taaso mararka qaar noqota mid ufuran dhamaan dadka iyo hal abuurada Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan... 
Halkudheg:

Shaqaalihii Caafimaadka Ee Lagu Diley Soomaaliya 1992 – 2009

Dec 16, 2009
Shaqaalihii Caafimaadka Ee Lagu Diley Soomaaliya 1992 – 2009  Laga bilaabo 1991 oo aheyd markii ay bur burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya waxa inta badan gobolada koonfureed ee Soomaaliya ka holcayey dagaalo sokeeye oo bur burkii ay keeneen ka sokow galaaftay nolosha kumanaan Soomaali ah oo la diley iyagoon waxba galabsan. Si kastaba ha ahaatee kumanaankaas shacabka ah ee ku dhintay dagaaladaas... 

DAWO WEEYE MAANSADU | Muxyadiin

Dec 14, 2009
DAWO WEEYE MAANSADU.    Waxaan u doortay maansadan DAWO, in aan ku biiriyo Hal-abuurka Deelleyda Qarnigan 21, loogu magacdaray, anoo run ahaantii si gaar ah uga mahadcelinaya dhilintii bilaawday, iyo aragtiyahooda ay ku soo bandhigeen Suugaantooda qaaliga ah, tanoo ka mid noqondoonta sidaan filayo baraarujinta dadka Soomaaliyeed lagu kobcinayo garaadkooda, qiimaynteeda iyo halka ay taariikhda ka... 
Halkudheg:

Ma ka Qayb Qaadanaysaa – Duminta Qaranimada Somaliyeed.

Dec 14, 2009
Ma ka Qayb Qaadanaysaa – Duminta Qaranimada Somaliyeed. Kala qaybinta, Googoyta, Qolo qolaynta, kala Qoqobidda Map u samaynta Somalia , ku dhiiri galinta Jufokasta ama Qabiil walba, Yagleelidda Dowlad Goboleed ama Dowlad u gaar ah, waa horseedka burburka Qaranimada Somaliyeed & Khayraadkiisaba, ka qayb qaadashadeeduna waa khiyaamo Qaran ,waa sida uu u arko Qoraagu Somaliyeey Qabiilada Somalia... 
Halkudheg:

MAXAY GALABSADEEN OO LOO DILAY? | Ibraahim Saalax

Dec 13, 2009
MAXAY GALABSADEEN OO LOO DILAY? Inkastoo si joogto looga soo sheego magaallada Muqdisho, xarunta Soomaaliya iyo meelo kale oo u badan koonfurta Soomaaliya wararka la xiriira qaraxyo iyo dagaallo ay ku le’enayaan dadyow fara badan oo soomaaliyeed, ayay misana iiga duwanayd qaraxii bishan Diseember 3-deedii lala beegsaday Hotelka Shaamow qaraxyadii ka horeeyay. Dhowr siyaabood awgeed ayay iigu reebeen... 

Hurdaayoo Soo Jeede Ku Dhac | Abdullahi Farah Qaarey

Dec 10, 2009
Hurdaayoo Soo Jeede Ku Dhac Aaway Dalkii Aaway Dadkii & Duunyadii Somaliyeey: Ma ogtihiin mase ka war haysaan in ay la soo gudboonaatay Khayraad badeedkii Dalka iyo Baddaba ( Somali Internal waters and Marine resources ) Dhibaatooyin culus, ayna dul joogaan, Maraakiib dagaal, Maraakiibta Kallumaysiga – oo wata shamaago aan waxbaba ka reebaynin – iyo Maraakiibta Sunta xam-baarsan. Maraakiibta... 

Soomaalidda qurbaha iyo Al-shabaab | Siciid Cali Axmed

Dec 9, 2009
Duruufaha dhaqaale iyo siyaasaddeed ee ka jira dhulalka ay Soomaaliddu degaan waxa ay sabbab u noqdeen in dad badan oo Soomaaliyeed ay hoy ka dhigtaan qurbaha- khaastana wadamada galbeedka. Dhibaatooyinka caruurta, khilaafaadka qoysaska, dhaqaalo yirida iyo la qabsi la’aanta nolasha wadammada loo soo qaxay waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ay Soomaalidu kala kulmeen hoygoodda cusub. Dhalliinyaro... 
Halkudheg:

Ha Noqon Shabaabkii Sharta!! | Qore Maxamed Macallin Cismaan (All-man)

Dec 7, 2009
Ha Noqon Shabaabkii Sharta!! Qoraalka oo dhamaystiran ka akhri halkan GUJI…. Fadlan akh-riste ha fududeysan qormadan, shar iyo khayrba, sabab iyo sabab la’aan, hana dhibsan oo hana ku farxin ama dhab ka hadal wuu noqon ama dhalanteede oo waa waxa jira ama dhicikaree, intaas weyga Afeefe sidaad doonto u qaado, mar waa baraarujin, marna waa wax is-weydiin, marna dhoolatus cad ama xujo cad oo... 
Halkudheg:

Dafiraada Alshabab Dulmigay Dhigeen Dibindaabyada Caalamka Dedaal xumada Dowlada KMG ah

Dec 7, 2009
Waxaan halkan salaam uga gudbinayaa Dhaman ummadda somaliyed. Ugu horayn mahad allaah ayay u sugnaatay {swt} nnkh nabigena muxamad {scw}. Marka xiga waxan leyahay allaha unaxariisto umadi lagu halaagay hotel shamow samir iyo iiman allaha kasiiyo eheladooda iyo ummadda somaliyed dhaman. Aqristayasha sharafta lahow qormadan yar waxan uga hadlayaa qarixi hotel shamow iyo waliba dowrka dowlada {kmg}... 

SHUHADDADII SHAAMO …… … Qalinkii Abukar Albadri

Dec 6, 2009
MAQAAL SHUHADDADII SHAAMO …… … Qalinkii Abukar Albadri Ma cabiri karo dareenkeyga, kamana sheekeyn karo waxa dhacay, laakiin waxaan doonayaa inaan dabka uurkeyga ku shidan banaanka u soo saaro si ay ii yara deyso alhumadda aan ka qaaday masiibadda loo huwiyey ummadda Soomaaliyeed. Ugu Horeyn Assalaamu Caleykum, Salaam kaddib,waxaan tacsi tiiraanyo leh u gudbinayaa waalidiintii iyo eheladdii iyo... 
Halkudheg:

Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?

Dec 6, 2009
Qaar weli waxba ma arkaan oo qabiilka ayaa indhaha ka xiray, qaarna xaqa ayay isku dayayaan in ay duugaan xaqdarradana garab ayay siinayaan,xaalka uu waqtigan ku jiro waddankeena wuxuu ka soo hor baxay oo lid ku noqday waxkasta oo wanaagsan, wixii dadka loogu talagaly, jacaylkii laga rabay in uu ka dhex jiro bulsho meel ku wada nool, is-aaminkii, kalsoonidii isku gargaarkii isku naxariistii is dhawrkii,...