Home » Faallo

“Soomaali iyo Carab ayaan deris ahayn, wax diin ahna iima sheegin”

Apr 21, 2011
Aduun tacab aakhiro abaal marin Assallaamu caleykum wr wbr Walaal marka hore waxaad iga guddoonta salaanta islaamka, salaan ka bacdi waxaan idiin rajeynayaa adiga iyo reerkaagaba kheyr iyo barwaaqo. Walaal waxaan kula jeclaystay kheyr maaddaama aad tahay nin kheyr jecel. Walaal waxaan ka xumaaday sida dadka aan muslimka ahayn ee aanu la degganahay aan ugala bakheylnay inaan u sheegno nuurka illaahay... 
Halkudheg:

Xujeyda Siyaasiyiinta Soomaaliyeed!!

Apr 18, 2011
Maqaalka oo sawiro wata ka eeeg halkan Maqaalkaan aan ugu Magacdarey Xujeyda Siyaasiyinta Somaaliyeed halkee u Xaj tagaan? waa Maqaal aan muddo ururrinayey waxaana u soo qaatey Sida Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay u aamineen in Siyaasigaan Tagin Adis-Ababa uu yahay Siyaasi wax badan ay ka maqan yihiin,waxaana mooda in lagu Waajib yeeley tegista Magaaladda Adis-Abab iyagoo og in Itoobiya ay tahay Dowlad... 
Halkudheg:

Barashada Luqadda English. Q.3aad

Apr 18, 2011
Waxaa Mahad dhammaan iska leh Allaha innoo sahlay qaybihii hore, inta dhimmana waxaan Ilaah ka baryeeyna inuu innoo fududeeyo, acmaasheennana ka dhigo mid baraxtiran. Qaybtaan waxay si toos ah ugu xirantahay qaybtii labaad ee ku saabsanayd qaabdhismeedka Tudcaha(Paragraphs). Haddii aadan qaybtii labaad weli soo akhrin waxaan kugula talin lahaa inaad iyada ku hormarto. Madaama aan soo marnay Tuduc... 
Halkudheg:

Caafimaad-darada dhulalka qaboobaha: Qaybta 1aad: Kaalinta caafimaad ee fitamiin D-ga iyo Cudurka Ootisam (Autism)

Apr 18, 2011
… Qoraalkan kooban kuma wada falaqaynka karno dhammaan dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dhulalka qabow, sidaas darteed waxaan xushay arrimaha iigula muhiimsan dhibaatooyinkaas, ahna kuwa ka dhasha fitamiin D yarida iyo cudurka Autism. SII AKHRI….  Read More →
Halkudheg:

DHAMBAAL- Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed – Qaybta 6aad

Apr 17, 2011
Marka cidi ay meel muddo deganaato, ayna u baahato in ay meesha ka guurto; waxaa inta aan reeraha la rarin la diraa sahan soo eegga degaanka maanka lagu hayo. Sida badan waxaa sahanku ka koobmaa ugu yaraan laba qof. Dadka sahanka loo dirayo, waxaa lagu xushaa aqoonta ay u leeyihiin deegaanka; taas oo laga rabo in ay qiimeeyaan carshinta halkaas ka jirta iyo sida degaanku u yahay dalsan ay duunyadu... 
Halkudheg:

Taariikhda dhaqaale & Ganacsi ee soomaaliya ?

Apr 14, 2011
“ Taariikhdu ma gaboowdo ” Gogoldhig / Hordhac Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Qormadaan ayaan kaga hadli doonaa Taariikhda Ganacsi iyo dhaqaale ee dalka soomaaliya  Waxaa afeef ah in qoraalkaan aan loogu tala gelin in uu koobo dhamaan wixii ka dhacay Soomaliya ee quseeyay dhaqaalaha iyo ganacsiga . Sidaa daraaded, dhacdooyinka... 
Halkudheg:

“Lacagta aad masjidka kala baqeesheen waxaa qaadaneyso kaniisada”Q1aad

Apr 10, 2011
Assalaamu Alaykum. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu kusaabsanyahay ‘mulaaxadooyin‘ goos-goos ah oo aan kasoo qoray jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Oslo, Norway, mar aan kutagay booqasho gaaban. Inkasta oo aan maqaalka cinwaan ugu dhigay dhacdo kadhacdey masjidka jaaliyada laakinse waxaan ku soo koobi doona warbixin gaaban oo kusaabsan jaaliyada  iyo dhacdooyin, aniga shakhsiyan iga fajiciyey. Intiina... 
Halkudheg:

Qiyaasta Sawir Gacmeedka Amiin Arts…Maxaa xiga kadib Bur-burka Ururka Al-Shabaab?!.

Apr 10, 2011
Hordhac. Soomaalida gaar ahaan dadka la socda Siyaasada Soomaaliya waxa ay ogyihiin in Magacan Al-shabaab uu soo shaac baxay sanadkii 2006 oo ku beegnayd, wakhtigii Midoowgii Maxaakimta ay ka  curteen magaalada Muqdisho, kuna fideen gobollada koonfurta Soomaaliya. Ururka Al-shabaab ayaa si aad ah u soo shaac baxay xilligii dalka Soomaaliya ay soo galeen Cadowga Ciidanka dalka Itoobiya iyadoo marki... 
Halkudheg:

DHAMBAAL: Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed

Apr 9, 2011
Qaybta 5aad “Qabriga oo aan galaa ka roon qaabka aan nahay; qummaati u kaca oo toosa, Soomaaliyey waa qalibanteene,” waa tuduc ka mid ah heesta Qaylo-dhaan ee uu tiriyay Cabdi Shire (cayaar-jecel), ayna wadar ahaan ugu luuqayso kooxda Qaylo-dhaan. Lo’da duurjoogta ah ee lagu magacaabo lo’-gisi, waxay sida badan u wada socotaa kadimmo tiradoodu u dhaxayso 40-500 oo sac. Lo’dani inta ay wada... 
Halkudheg:

Tacsi: Maryan Maxamed Muuse (Maryan Dabaalato) oo ku geeriyootey Qardho

Apr 8, 2011
Waxaa si gaar ah tacsi loogu dirayaa Zakariya Aadan (Xaayow) oo hooyadiis, Allah ha u naxariistee Maryan Maxamed Muuse (Maryan Dabaalato) ay ku geeriyootey magaalada Qardho. Tacsi: Somali Media iyo Universal TV, ayaa tacsi buuxda waxa ay si wada jir ah ugu dirayaan dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Maryan Maxamed Muuse (Maryan Dabaalato) oo ku geeriyootay magaalada Qardho ee Puntland.... 
Halkudheg:

Kacaanka Maamul Goboleedka 2011

Apr 4, 2011
Waxaa Mar kaliya Dalka Dibadiisa ka bilowdey Dhismaha Maamul Goboleedyo oo salka ku hayo Qaab Beeleed waxayna Magaacbistaan na soo Xasuusineysaa Xiliyo dalka ay soo mareen Abuurista Magacyo markii dambe iska baab’ay Sannadihii Sagaashameedyadii waxaa Shacabka Madax marey dhismaha Ururo siyaasadeed oo marka lagu raadinayey Sad Bursi Waagii USC waxaa la dhisey Magacyo gadaal ay ka raaceyso USC... 
Halkudheg:

DHAMBAAL – Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed – Qaybta 4aad

Apr 4, 2011
Markii sanadkii 1990kii dagaalka sokeeye uu gebi ahaan ka holcay dalkeena, ayna dawladdii dhexe sidaas ku duntay; waxaan ahaa dibolomaasi madax ka ah Safaaradda Soomaaliya ee Tehraan, Iran. Marka aan tago casuumadaha iyo xafladaha oo sida badan lagu martiqaado, ayna isku arkaan dibolomaasiyiinta dalka ku sugan; waxaan aad uga naxi jiray in la i weyddiiyo, ‘xaaladda Soomaaliya ka waran!’. Waxaa... 
Halkudheg:

Isbedelada Dunida Caalamka iyo Xaalladda Guud ee Dalka Soomaaliya

Apr 3, 2011
Dunida caalamka ayaa waddamada soo koraya qaar ka mid ahi waxaa ka dhacaya kacdoono siyaasadeed oo looga soo horjeedo dowladaha xukunkoodii oo ku raagay ee ka talinayey muddo ka badabn afartameeyo sanadood ama in in ku dhow qaarkoodna u tallaabay boqortooyo sida waddanka Baxrayn kuwaa oo ay ka soconayaan qaarkood bannaanbaxyo looga soo horjeedo xukunadaa aan xaqa ahayn ee uu waqtigoodii uu dhammaaday,... 
Halkudheg:

Gabay: Cali Samatar Calankuu u siday…WT- Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)

Mar 29, 2011
03/28/2011 “Soomaaliyoo dawladoo qaranku saan qaaday Oo salab dirays ciidanloo nabad ku saacaysa Cali Samatar Calankuu u siday sarow kaceediiye,” Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine) Gabaygan wuxuu soo baxay taariikhda kor ku xusan. Gabaygan CALI SAMATAR CALANKUU U SIDEY…waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine). Abwaanka ayaa gabaygan ka tiriyey dacwadda xaqdarrada ah ee lagu oogay Gen. Maxamed... 
Halkudheg:

Dhibanayaashii General Mohamed Cali Samantar oo difaaciisa isu-taagay

Mar 29, 2011
Inta aanan u guda gelin dulucda doodayda waxaa jeclaan lahaa in aan idin la wadaago dhacda aan xoog-ogaal u ahaa oo ka dhacady qurbaha oo aan rabo in aan gogol dhig uga dhiga gunta doodayda. Dhalinyara ka mid ah kuwii laga soo barakacayey wadanka Isu-taga Imaaraatka Carabta ka dib markay gaareen 18 sano, maadamaa sida waafaqsan sharciga Isu-taga Imaaraatka Carabta aan ilmaha gaara da’daas lagu... 
Halkudheg:

Qaybta 3-aad | SKA iyo Maamul goboleedyada

Mar 29, 2011
Qormadeena 3aad waxaan idan Alle ku falaanqayn doonaa sida uu heshiiskani u taabanayo maamul goboleedyada sida Somali Land, Punt Land iyo kuwa kale ee wadada kusoo jira. Balse intaynaan u gelin qormadeena waxaa rabnaa inaan isla garano hal arin taasoo ah, horta caalamku Soomaaliya waxa uu u yaqaan inay tahay hal wadan inkastoo ay maamul goboleedyadu sameeyeen horumar dhinac kasta ah leh oo ku dayasho... 
Halkudheg:

DHAMBAAL – Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed | Qaybta 3aad

Mar 29, 2011
Geela marka uu dido, lama hor istaago, lagamana haro. Haddii aad hor istaagto oo aad isku daydo in aad celiso, waa uu kugu tumanayaa; waxaana dhici karta in uu halkaas kugu dilo, isna uu sii dido oo uu cararka aad ugu sii fogaado. Sida ugu fiican oo Soomaalida oo geel-dhaqashada aad u taqaan, ay arrintan ku maarayso; waxaa weeye, in marka hore la hubiyo waxa geellu ka diday, lana aqoonsado jiritaankeeda... 
Halkudheg:

Qodobada heshiiska SKA iyo dowlada | 4aad-2

Mar 24, 2011
Qaybtii 4aad Part-2 | Qaybahii hore: https://somalitalk.com/tag/ska/ Waxaan hore aqristayaasha ugu soo gudbinay qayb ka mid ah qodobada heshiiska dhexmaray shirkada SKA iyo dowlada Soomaaliya taasoo aan u balan qaadnay inaan soo dhamaystiri doono. Hadaba maqaalkan ayaan ugu tala galnay arinta dhamaystirka falaanqaynta heshiiska anagoo diyaar u ah inan ka jawaabno su’aal kasta oo ay nasoo waydiiyaan... 
Halkudheg:

Laas Geel Goob dalxiis:

Mar 24, 2011
3 kun oo sano Nabi Ciise ka hor dad lahaa cilmi u suurageliyey in ay taariikh u reebaan dadka maanta nool Soomaalidu waxay tiraahdaa (cimrigaagu dheeraada geel dhalayuu ku tusaa) oo loola jeedo in ay suuragal tahay in adduunka dushiisa kula kulanto waxyaabo kaa yaabiya, kuwaas oo qaarkood kugu kordhiya waayo-aragnimo indhaha kuu sii furta, dadka waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood marka la cabirayo... 
Halkudheg:

Walaal i sii Shaah Daqran!! | Amiin

Mar 24, 2011
20 kii sano ee ay Soomaalida ku jirtay Dowlad la’aanta iyo fowdada ayaa wax weliba waxaa ku yimid isbedel, haddii aan soo qaadano afka Soomaaliga waxaa ku soo biiray ereyo ka sameysmay xaaladda jirta, ku sii dheeraan meyno in 20 kii sano wixii erayo ah ee soo kordhay aan soo qaadano, balse waxaan soo qaadan doonnaa erayadii soo kordhay intii u dhexeysay 2000-2011 ee dhanka biibitooyinka shaaha laga... 
Halkudheg:

“Dadka dilka, dhaca iyo Boobka ka daaya oo Guyahooda u daaya” Marxuum Maxamed Siyaad Barre

Mar 24, 2011
Aduunkan Shaqsi iyo Koox walba oo Taariikhda soo marta waxbaa lagu xasuusan doonaa, Soomaaliya waxa ka dhacay 20 sano ee ugu danbeesay qof looga sheekeenayo ma jirto, Dhibaatadda nagu heesato daafaha dunida uma baahna in cidna loo sharxo, sida nabad iyo kala danbeyn aan ugu baahanahay ka wada hadal umaba baahna. Qof walba Danbigiisa Alle ayaa kula xisaabtami doono, Kama hadlayo in Maxamed Siyaad Saxnaa... 
Halkudheg:

Qodobada heshiiska SKA iyo dowlada

Mar 23, 2011
Qaybtii 4aad Part-1 Xiriiro badan oo xaga emailka ah oo naga soo gaaray aqristayaasha ayaa waxaa laga maarmaan noqotay inaan u boodno qaybtii 4aad ee qorshaheena, kaasoo ahaa falaanqaynta heshiika dhexmaray dawlada iyo shirkada SKA. Heshiiskan ayaa la saxiixay labo jeer kadib markii ay xubnaha xaga dawladu su’aal ka keeneen qodobo ku qornaa, sida dekeda oo ka mid ahayd meelaha ay shirkadu la wareegayso,... 
Halkudheg:

SKA Soomaaliya: Qaybta 2aad

Mar 22, 2011
Heshiiskani waxa uu saameeynayaa dhamaan umada Soomaaliyeed oo ay ku jirto xitaa dowlada saxiixday. Hadii aan ka bilaawno saameeynta xaga dowlada, waxaad la wada socotaan in aanay dowladu lahayn tabar sidaa u buuran oo ay kula xisaabtanto shirkad wayn oo awoodeedu ay ka dhisantahay dhinac kasta sida dhaqaalaha, lehna qalab military maadaama ay ka ganacsato sugida amaanka (security service) oo hada... 
Halkudheg:

Boqorkii ka cararay boqortooyadiisa | Axmed C/samad

Mar 21, 2011
alwaqaar@hotmail.com Imaamu Axmad iyo Bazzaar baa ka wariyey Cabdullaahi Ibnu Mascuud inuu nabigu (scw) yiri: Reer Banii Israa’iil nabi Muuse ka dib waxay khaliif (madax) ka dhigteen nin khaliifa ah, markaas buu habeenimo dayax ah kacay oo salaad ku tukaday Bayt-almaqdis korkiisa, markaas buu soo xusuustay arrimo uu sameeyay, markaas buu baxay, wuxuuna ku soo daadagey xarig, markaas baa xariggii... 
Halkudheg:

DHAMBAAL – Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed -Qaybta 2aad

Mar 21, 2011
  Mar haddii ay noo caddahay in waddada nala-ku-wado aysan ahayn mid ceel ina geynaysa, balse ay tahay mid cid la’ ku dhammaanaysa; mar haddii ay noo muuqato in maalinba maalinta ka dambaysa ay xaaladda dalkeenu tahay mid ka sii daraysa oo dawyo dhaadheer ka sii dhacaysa; aanan ogsoonahay in aan cidina wax noogu maqnayn, waxna noo soo wadin; maxaa inala gudboon?  Ma daawadayaal baynu sii ahaanaynaa... 
Halkudheg: