Home » Faallo
Taageeradda Caalamku, Ma Takoor Iyo Toogashaa??!
W.Q;- Maxamed Macallin Cismaan (All-man)
Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com.
Inkastoo uu macno balaaran yahay cinwaanku, haddana ereyadda aanu soo qaadaney, haddii aan si guud u sharaxno, waa ereyo si toos ah dareenka akh-ristaha u taabanaya, waxayna ku timid tabaalaha kala duwan ee ay soomartey Qowmiyadda Soomaaliyeed iyo sida loola dhaqmayey mudo qarniyaal ah iyo xiliga aynu joogno, waana mid...
SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii |Casharkii IX-aad
Go’aankii iska-caabinta ahaa oo ay gaareen qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa gobolka Majeertiinya, waxaa dhinac socdey qorshayaashii uu De Vecchi ku doonayay in uu ku weeraro gobolka. Waxaa xusid mudan in xilligaas uu ahaa isla xilligii xoogga Talyaaniga uu Mudug soo weerarayay. Sida aanu soo sheegney labadaas degaan waxay ahaayeen labada meelood oo markaas gacantiisa ka maqnaa. Talyaanigu...
Difaaca Nabiga Suuban waa ku Waajib Muslimiinta.
Nabi Muxamad (Nabad iyo naxariis korkiisa Alaha yeelee) Xaqiiqdiisa ma jirto cid ka taqaan Rabiga Caalamiinta Abuurtay marka koowaad asagaana cadeyn ugu filan iyo Daliil inuu ku sheegay Kitaabadii uu ku soo dajiyay Nabiyada oo dhan magac ahaan ama tilmaan ahaan sidaan soo sheegnay.
Suurada AS-Saf Aayada 6aad: Xusuusta markii {Nabi} Ciise Ibnu Maryamaku yiri Banii Israa’iil: waxaan ahay Rasuul...
Ogaysiis: Somalichannel TV Sabtida kala soco Qaybta labaad ee “xadaynta Badda”
Barnaamijka Falanqaynta Dhacdooyinka ee Telefishinka Somalichannel kala soco Qaybta labaad ee xadaynta Badda, waxaana marti u ah ra’iisul wasaaraha DFKMG
Maalinta: Habeenka Sabtida oo Axad soo geleyso
Saacadda: 6 pm (Makhrib)
Fadlan su’aalahaaga Soo weydii Ra iisalwasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya Dr Cabdi Wali Maxamad Gaas oo Barnaamijka Marti ku ah, kuna soo dir emailka hoose.
Barnaamijka...
Geedi Socodka Nabadda ee Dalka iyo Mustaqbalka Siyaasadaha Cusub ee Soomaaliya
Hordhaca iyo sooyaalka saadaasha nabadeed ee dalka Soomaaliya ayaa waxaad moodaa inay u gudubtay weji cusub ee siyaasadeed taasoo sahankeedu uu ku rar furtay socdaalkii Taariikhiga ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku tegay dowlad gobleedka puntland si heer qarana loogu soo dhoweeyey booqashadu waxay ahayd mid dhalisay kalsooni iyo wada shaqayn inay yeeshaan DFKMG iyo dowlad goboleedka Puntland...
Muqdishooy yaa ku Dumiyey? – Yaasiin Garaad
Naftaydaay wax ila garo,
gocoshada ka faalee,
Guyaal hore waxaa jirey goo gaa iyo cadalee,
malaha waa af-garashee iga gunud fariimaha…
Soomaalidii hore waxaa caado iyo dhaqan u ahaan jirtey inay in badan ay dareenkooda ku muujiyaan ama ku gudbiyaan qaab suugaaneed, sida Gabeyge, geereerka, guuroowga, heesaha, iwm.
Sidaa darteed ayaa waxaa layiri nin aad ugu fiicnaa cayaaraha miyiga laga cayaaro,...
Sideen u fahamnaa Quraanka? Q: 29aad
Suurada 113aad Al-Falaq:
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 5 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fiil ka dib Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.
Macnaha Guud ee Suurada Al-Falaq:
Suuradan Dadka bartaa in ay Allaah (Cw) kaliya Magan galaan marka ay Dhibaato Naftooda uga baqaan amaba ay Dhibaato sida Sixirka, Isha iyo wax la mid ah ku Dhacdo naftooda, maxaa...
Markaan Shisheeyaha ii Garsoor idhi
Maskaxdaadu marka ay caadi wax u kala saari weydo, waxay culimada caafimaadku ku macneeyaan waxa ay ugu yeeraan “brain malfunction”oo ka yimaada xanuunno badan oo isugu taga maskaxda kana dhiga aalad aan sidii loogu talogalay u shaqeyn amaba isku daadata. Waxay yiraahdaan takhaatiirtu inta aaneyn heerkan soo gaarin waxay soo martaa heerar ay in yar in yar u soo lumiso awoodahii fekerka, xusuusta,...
Saameeynta Saxaafadda Weriyaha xaqdhowr(Qalinkii Maxamed Xaaji) Qaybtii 2-aad
Warbaahinta caadiga ah (Conventional media) sida TV-yada, Raadiyoowga iyo Wargaysyadu waxay aalaaba door wax ku ool ah ka ciyaaraan arimaha bulshada maxalli ahaan iyo caalamiyan ahaanba balse marka ay timaaddo ujeedadii rasmiga ahayd ee loo dhisaalay oo lagu tilmaamo codsiinta inta cod la’aanta ah iyo tabareeynta inta taag la’aanta ah ama hadii aan sida kale u iraahdo waa maxkamad iyo booliis aan...
Gabay: Hannaskiyo Abaaraha …WT Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
08/25/2011
Email: mabdalle@gmail.com
ASC: Waxan ilaaha raxmaanka ah kor ahaaye ka baryayaa inuu ummadda Soomaaliyeed ee ay wiiqeen abaaraha, colaadda iyo cudurradu, uga miciino oo raxmaad u shubo, boggooda subag isu mariyo, talcuusahana ka samata bixiyo, aammiin!. Gabaygan oo soo baxay 08/25/2011 waxa abwaanku ugu ducaynayaa dalkii iyo dadka Soomaaliyeed inay ka raystaan abaarta, cudurka iyo colaadda...
Sideen u fahamnaa Quraanka? Q: 28aad
Bayaan ku Socda kuwa aan Muslimka aheyn
Suurada 112aad Al-Ikhlaas:
Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada An-Naas ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.
Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Tilmaamaha Dhabta ee Rabi lagu yaqaano. Waxeyna Suuradan Tilmaantay Allaah (Cw) inuu kali yahay oo uusan laheyn Mid Shabaha, Mid la mid...
Shareecadda iyo Al-shabaab (2)
Qeybtan labaad waxaan kaga hadlayaa DR. C/siis Abuu fadal oo ahaa nin Masri ah oo saaxiib la ahaa Ayman Al-dhawaahiri,dhawr sifooyinna ay wadaageen sida in ay isla ahaayeen labo Dhakhtar, waxayna kaloo ka wada tirsanaayeen Xarakada Jihaad Islaamka ee Masar oon horay u soo sheegay in ay ka danbeeyeen Dilkii Anwar Saadaat.
DR. C/siis Ayman wuxuu kaga fiicnaa dhanka Cilmiga Islaamiga ah sidaas darteed...
SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii| Casharkii VIII-aad
Dilka maqaawiirtii Fallaago, inkasta oo ay ahayd dhacdo kooban, misana waxay reebtey utun taariikh dheer socotey. Waxay kala fogeysey cududda qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee isku duddada iyo isku-danta ahaa. Cududdaas oo raggii kacdoonka waday ay doonayeen in ay isla helaan iyada oo is-raacsan si ay Talyaaniga isaga caabiyaan, waxay dhaawacantay dilkii dabadeed. Bal dhacdadu waxay kamid noqotey saldhigyada...
Warba mahayside maxaad werisaa WERIYE?
50-kii sanadood ee u dambeeyey saameynta warbaahinta (MASS MEDIA) ama sida lagu naaneyso MASS MANIPULATION way boqol jibaarantey taasoo ay gacan wayn ka gaysaneyso horukaca balaaran ee ay farsamada casriga (Technology) ihi sameeysay, ugu horeeyntii waxaa lagu dhagax dhigay telegraph (halow halow) deeto waxaa xigey Raadiyo, Warside/Wargeys, majallado, Idaacadda la isk arko (TV) iyo hada oo uu wixiiba...
Zakada Fidriga ma ugu gargaari karnaa Dalkeena?
Zakada Fidriga: Waa waajib in la bixiyo sida uu cadeeyay Nabiga suuban (Nabad galyo iyo naxariis korkiisa allaha yeelee), waxeyna ku waajibtaa qofkii heli kara xeliga ay waajibto wax ka badan quudkiisa iyo quudka dadka uu masruufkooda saaran yahay.
Cidda ay ku waajibto: waxey ku waajibtaa qof kasta oo Muslin ah Xor, Adoon, Lab, Dhadig, Qof weyn iyo Qof yarba, dadka dhintay ka hor xeliga ay waajibtay...
Muxaadaro kasocota wadanka denmark oo kusaabsan Ramadaanka
Muxaadaro qiima badan oo kubaxaysa afka carabiga kunasaabsan Bisha barakaysan ee ramadaan
Read More →
Sideen u fahamnaa Quraanka? Q:27aad
Suurada 106aad Qureysh:
Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta.
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.
Macnaha Guud ee Suurada Qureysh:
Suuradan waxey si gaar...
Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:26aad
Suurada 100 aad Al-Caadiyaat:
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Casri kadin, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.
Macnaha Guud ee Suurada Al-Caadiyaat:
Suurada waxey si Guud u tilmaantaa Arimaha soo socda:1- Jihaadka in looga Baahan yahay Qalab iyo Hub in loo diyaarsado inta aan la Galin, Farduhuna waxey ka Mid yihiin...
Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 25aad
Suurada 93aad Ad-Duxaa:
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 11 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fajri ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.
Macnaha Guud ee Suurada Ad-Duxaa:
Suuradan waxey Guud ahaan ka hadashaa Nabi Muxamad (Scw) Nicmooyinka la siiyay Aduunka iyo Aakhirabadaba, si uu Allaah ugu Shukriyo Nicmooyinkaas, waxaana Nicmooyinkaan Nabiga...
Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:24aad
Suurada 86aad Adh-dhaariq:
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 17 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Balad, Muxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Qeybata |Labaad ee Juzka 30aad.
Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhaariq:
Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuraha Caqiidada Quseeya, gaar ahaan waxey Xujooyin Cad cad ka Tilmaantaa Awooda uu Allaah (Cw) uu u leeyahay Soo Bixinta Maalinta Qiyaamaha,...
Sideen u Fahamna Quraanka? Q: 23aad
Suurada 78aad An-Naba’:
Suuradan waxa loogu Magac daray An-Naba’ si ay Dadka u Xasuusiso weynida Akhabaarta Qur’aanka Xambaarsan yahay, waxaa kaloo yaqaan Camma oo ah kalimada ay ku Bilaabato.
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Macaarij ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 30aad.
Macnaha Guud ee Suurada An-Naba’:
Suuradan...
Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:22aad
Suurada 73aad Al-Muzammil:
Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Muzammil, maadama ay ku Bilaabatay Naadin ku Socota Nabiga asagoo Go’ ku Duubduubnaa mar uu ka naxay biloowgii waxyiga, ayaa Allaah ugu yeeray oo ugu Naabiyayay Al-Muzamil.
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 20 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Qalam ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta...
Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:21-aad
Suurada 72aad Al-Jinni:
Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jinni Maadaama si aad ah ay uga Sheekeyso Jinniga Makhluuqa la yiraahdo, Jinniga waa Qeyb ka mid ah Uunka Caqliga lagu Beeray waxaa uuna Mukulaf u yahay Sida Insaanka oo kale waana Xaqiiq jiritaankiisa.
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Acraaf ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan...
Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 20aad
Suurada 70aad Al-Micraaj:
Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Micraaj oo ah Macno ahaan kor u fuulid, maadaama ay Suurada soo Hadal qaaday Malaaigta Samada Kor u Fuusha, waxaa kaloo Suuradan loo yaqaan Sa’ala oo ah kalimad ay ku Bilaabato Suurada.
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 44Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Xaaqqah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Bilowga...




