Home » Archive Qoraaga
Dalladda SOSCENSA oo Qabatey Dood Wadaag ku Saabsan Sameynta Siyaasad Qaran oo lagu Hago Howlaha Samafalka iyo Adeegga Bulshada ee Dalka.
Talaadadii oo ay taariikhdu ahayd 10 December 2013 waxay Daladda SOSCENSA ku qabatay Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdiso kulan wada Tashi ah oo ay ka soo qayb galeen Xubno ka socda Dowladda, Hay’adaha samafalka, iyo Ururada Bulshadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.
Kulankaan ayaa wuxuu daba socdaa kulan ay Daladdu horay u qabatay Bishii August 2013 kaas oo laga soo saaray talooyin ku saabsan...
Dalka Soomaaliya xor ma ahan ee waxuu ku jiraa gumeysi dadban (Neocolonialism) – By Aden Colujoog
Wax badan waxay dhagahaha yaga maqlaan dal hebel waa xor, dal hebelna xor ma ahan! Haddaba, su’aasha meesha taalaayi waxay tahay, maxaa lagu kala gartaa dalka xorta ah iyo kan aan horta aheyn?
Inta aanan gudo galin ka jawaabista su’aasha sare iyo gundhigga qormadaan, aan isku dayo in aan fasiro erayo macnahooda afka qalaad (Ingiriis ama Latin) naga soo galay oo la xariira qormadaan, kuwaasoo sida...
Baarlamaanka Soomaaliya ka Dooday Hindise Sharciyeedyo Khuseeya Badda iyo Qaxootiga
Fadhiga Baarlamaanka waxaa goob jooge ka ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka badda Soomaaliya Admiral Faarax Qare…
Kalfadhigii Sedaxaad Fadhigiisii 37aad ayay xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya waxay Axad December 8, 2013 isugu yimaadeen xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho. Fadhiga waxaa oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa waxa...
Dagaal Saacado Socdey oo ka dhacay Degaanka Birta-Dheer ee Gobolka Gedo .
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal qaraar uu ka dhacay Degaanka Birta dheer oo u dhaxeeya Magaalooyinka Garbahaareey iyo Baar-dheere. Dagaalkan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda iyo kuwa Xarakada Shabaab ayaa ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana uu saacado fara badan soconayay.
Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday ciidamada Dawladda kuwaasoo weerarkooda...
Ra’iisul Wasaare Saacid oo ka qeybgalay Aaska Marxuum Xil. Maxamed Warsame Maxamed “Feysal”
Muqdisho, -Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka ka qeybgalay aaska Marxuum Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed “Feysal” oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaare Saacid halkaasi ka jeediyay erayo tacsi ah.
“Bismillaahi Raxmaani Raxiim, Innaa lillaahi wa inaa illaahi raajicuun, xildhibaan Maxamed Warsame Feysal wuxuu ahaa nin geesi ah, Wadani...
Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo Bosaso ku soo Bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed
Xaflad Lagu Soo dhaweenayay Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo u sharaxan Doorashada Madaxtinimadda Puntland ayaa shalay lagu qabtay Hoteelka Juba ee Magaaladda Bosaso, Halkaasoo uu ka jeediyay Barnaamijkiisa Siyaasadeed ee Doorashadda.
Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen Ganacsato, Cuqaal, Nabadoono, Aqoonyahan, Culuma’udiin Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haweenka ayuu musharuxu wuxuu ku soo bandhigay...
Mudane Maxamud Xaaji Xasan Cali Askar Oo ugu Cad Cad Musharixiinta Ra’iisal Wasaaraha Dalka Soomaaliya
Xiligan oo laga Dhursugayo Madaxweyne xasan sheikh maxamuud inuu
keeno bedelkii Raisal Wasaare saacid oo dhowaan xilkii laga qaaday ayaa
laga dareemayaa xafiska Madaxweynaha dDwlada Somalia xulufaysiga xam
xamta hoose oo aad ugu badan islamarkaana uu ka jiro xarig jidadka
siyasadeed ee kala riixashada jagadan Raisal Wasaarenimo ee Dowlada
Somalia .
Mudane Maxamud Xaaji Xasan Cali Askar oo la sheegey...
Hay’adda Iniskoy oo Malmahaan waday Wacyigelin looga hadlaayo Xuquuqda Haweenka Soomaailyeed
Laga soo bilaabo 25 November waxaa guud ahaan Soomaaliya ka bilowday Barnaamijyo wacyigelin ah oo ku aadan Xuquuqda Haween iyo dhibaatooyinka loo geysto waxaana baramaijyadaas Ololaha ah loo qabanaayey qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culumaa’udiinka, Haweenka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, waxaana sababaha loo qabtay Ololahaas ay ahaayeen sidii bulshada loogu jiheyn lahaa ama loogu...
Ra’iisul Wasaare Saacid “Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed “Feysal” wuxuu ahaa shaqsi nagu weyn”
Muqdisho, December 6, 2013—–Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo dhamaan xubnaha golaha Wasiirada, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Feysal) isaga oo xusay in xidhibaan Feysal uu ahaa shaqsi aad ugu weyn ummadda Soomaaliyeed, isla markaana kaalin muhiim ah uga jiray howlaha Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri...
Madaxtooyada Soomaaliya: Xafiiska Warfaafinta waxa uu raali gelin ka bixinayaa qalad ka dhacay mid ka mid ah howl-wadeenada.
Madaxweyne Xasan Sheekh” Nelson Mandela wuxuu ka mid ahaa hogaamiyayaasha dunida kuwooda aadka loo xushmeeyo”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu uga tacsiyeeyey dhammaan umaddda Afrikaanka ah gaar ahaan Shacabka iyo Dowladdda K/Afrika geeridii ku timid Madaxweynihii Hore ee K/Afrika Nelson Mandela.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaare “Saacid” oo si kulul u cambaareeyey qaraxii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaaladda Boossaaso, tacsina u diray dadkii ku geeriyooday
Muqdisho, —Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka bahal nimada ee lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan
“Waan cambaareynayaa qaraxii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ee lagu laayay dadka shacabka aan waxba galabsan.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Shirdoon ayaa tacsi u diray dadkii...
Warsaxaafadeed: Golaha Wasiirada oo aqbalay go’aanka Baarlamaanka
Muqdisho, December 5, 2013—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa yeeshay ayaa si buuxda u aqbalay markii labaad go’aankii golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee uu gaaray taariikhdu markay aheyd 2-da bisha Dec. 2013.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa qodobada looga...
Maxaa Xigi Doono Ridistii Xukuumadii Saacid
Yaa Noqon Doona Raiisul wasaaraha 16-aad
Iyadoo Maalintii Shaley ahayd Dec 2, 2013 Baarlamaanka Soomaaliya uu Codka Kalsoonida ku Tuurey Raiisul Wasaarihii Xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon ayaa qaar ka mid ah Qaybaha Bulshada , Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano waxay aragtiyo kala duwan ka bixyeen qaabkii loo ridey Raiisul wasaaraha
Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo isagu ahaa nin si aad ah uga soo Horjeedey...
Hayadda SCAC iyo Agaasinka Caafimaadka Wasaaradda Adeega oo si Wadajir ah u Xustey Maalinta AIDS-ka Adduunka 2013
Halkii maalin oo kasta waxaa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS uu ku dhacaa 7,000 qof oo ku nool dunida dacaladeeda, taas oo ka dhigeysa in halkii saac oo kasta uu qiyaastii cudurkaasi asiibo 300 qof. AKHRI
Sida ay sheegtay Hay’adda WHO iyo UNAIDS, 35.3 million ayaa qabay cududrka dilaaga ah ee AIDS/HIV sannadkii 2012, dadka sannadkaas u geeriyoodey cudurkaas waa 1.6 million oo qof.
“Soomaalida...
Baarlamaanka Soomaaliya oo Kalsoonidii kala laabtay Ra’iisul Wasaare Shirdoon
Ra’iisul Wasaare Saacid oo Xilkiisii waayey:
Dood dheer kaddib, ayaa Maanta Isniin Deceember 2013 waxaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya cod gacan taag ah ugu codeeyeen in xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon lagala laabto kalsoonida.
Guddoomiyaha baarlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada cod bixinta, waxana uu sheegay in 249 xildhibaan ay codkooda dhiibteen. Waxaana...
Baarlamaanka Soomaaliya oo Diidey in uu Hor yimaado Ra’iisul Wasare Shirdoon si uu isaga difaaco Mooshinka kalsoonida loogala laabanayo
Kulan ay maanta, Axad December 1, 2013 isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka DFS oo tiradoodu gaarayso 247 xildhibaan ayaa looga dooday sidii laga yeeli lahaa codsi uu Ra’iisul Wasaraha Dawlada Federaalka usoo gudbiyey baarlamaanka, kana dalbaday in loo ogolaado in uu baarlamaanka hor yimaado si uu isu difaaco, una difaaco xukuumadiisa oo laga keenay mooshin dhan ka ah ee la doonayo in kalsoonida...
Xildhibaano ka soo jeeda Deegaanka Taleex oo Cabdiraxmaan Faroole ku Eedeeyey in uu ka Dambeeyey Dagaalkii ka dhacay Degmada Taleex
Iyadoo Dhawaan uu Dagaal ka dhacay Degmada Teleex ayaa Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobollada Sool, Sanaal iyo Cayn ee maamulka Khaatumo State of Somaliya ayaa cambaareeyey dhibaatooyinkii ay shacabka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in uu masuul ka yahay Madaxweeynaha maamulka Puntland Mudane C/raxmaan Faroole.
Cali...
Warsaxaafadeed: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ugu magac-daray Marxuum Axmed Qeybe.
Mogadishu, 30,November 2013 –Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomacy-yiin iyo masuuliyiin kale oo lagu xusayey Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan Qeybe ayaa...
Dawladda Federaalka Soomaaliaya waxay ka tacsiyaynaysaa khasaarihii dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex
iyo Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha- Guud ee Qarammadda Middobay oo ugu baaqay dadka ku nool Gobolka Sool in ay Nabadda ilaaliyaan.
Warsaxaafadeed DFS:
Muqdishu, November 30, 2013 ……… Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa u tacsiyeeyay dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay...
Dhakafaar | Qore: Xiddig
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
Xiddig@gmail.com
“Yaa qeexi kara ereygan macnihiisa,” ayuu macalinkii afka Soomaaliga dhigayey ku yiri ardaydii inta sabuuradda “dhakafaar” ku qorey.
Waxa uuna sii raacshey, “waxaan rabaa maanta qof walba maskaxdiisa inta uu ka shaqaysiiyo in uu tusaalayaal toolmoon oo ku aadan ereygan uu keeno, qof walbana waxaan weydiinayaa waxa ku kelifey...
Taliska Ciidamada Amisom ee ku sugan Baydhabo oo la Wareegay Ammaanka Xarun Maamul Goboleed loogu Sameynayo Lix Gobol
Iyadoo Xarunta ADCda Magaalada Baydhabo ay ka socdaan abaabulka Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Koofureed ee Soomaaliya ayaa waxaa arrintaa ka warbixiyay Malaaq Shiino oo ka mid ah Odoyaasha Beelaha Digil iyo Mirifle oo haatan ku hawlan abaabulka Shirkaas.
Malaaqa oo waraysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in iminka Gabogabo ay marayso Hawlihii u diyaargarowga Shirweynaha dhawaan la filayo inuu halkaa...
Qoondo gaar ah oo loo sameeyey Hay’adda Xadeynta Badda Soomaaliya iyo Hayado kale
Shirkii Golaha Wasiirada oo Ansaxiyey Miisaaniyadda 2014
Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodi caadiga, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Miisaaniyadda sanada 2014, Gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee Bangiga Dhexe, iyo arrimaha Amniga.
Ugu...
Dowladda Kenya oo ku Gacan Seyrtay Codsi Uga yimid Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dalkeeda
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Kenya ayaa mar uu booqday Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee Dha-dhaab ee Waqooyiga bari ee Dalkaas oo ay ku jiraan Qaxooti fara badan oo Soomaaliyeed .Wasiirka ayaa intii uu booqanayay Xeryahaas ayaa waxaa uu kuur galay Xaaladda halkaa ka jirta iyo sida ay dadka Qaxootiga Soomaalida ah ee halkaa ku sugan ay isugu diyaarinayaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen...
Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kala dareeray kulan la doonayey in kalsoonida lagala laabto Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya
Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Axadii Nov 24, 2013 ku kala dareeray kulan loogu qaybiyey Mooshin la doonayey in xilka looga xayuubiyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Mooshinkaas oo aan lagu soo lifaaqin magacyadii xildhibaanada saxiixay ayaa baarlamaanku buuq badan kaddib lagu kala dareeray. Waxaana la sheegay in dib la isugu soo laaban doono Sabtida Movember 30, 2013.
12-kii...
War saxaafadeed: Golaha Wasiirada ayaa maanta dood adag ka yeeshay miisaaniyada sanda 2014
Muqdisho,24, Nov.2013…Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga dhagaystay warbixino gudiyo wasiiro oo loo kala diray gobolada shabellooyinka iyo Hiiraan, Miisaaniyada sanadka 2014. Waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
Ugu horayntii Ra’iisul Wasaaraha...




