SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Qoraalkii Norway: Khiyaano Qaran oo Qayaxan

  • Warbixin SomaliTalk.com | July 25, 2014
    ______________________________

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo ka qaybgalay xafladdii xiritaanka kalfadhigii 4aad ee Golaha Baarlamaanka oo qabsoomay 22kii July 2014, ayaa sheegay in uu Qaramada Midoobay (QM) u gudbiyay warqad ku saabsan xadeynta Badda Soomaaliya.

Madaxweynuhu, wuxuu sheegay in qoraalka ay QM u gudbiyeen 21kii July 2014 ay diyaariyeen khubaro Soomaali iyo shisheeyeba isugu jirta , kuwaas oo lagu soo kireeyay cashuurtii laga uruuriyay shacabka Soomaaliyeed (gadaal ayaan ka rki doonaa cidda bixisay kharashka). Waxaa kale oo uu madaxweynuhu sheegay in ay gudbiyeen wixii xuquuq ahaa ee ay Soomaalidu laheyd, cidna aysan dacwo u qabin, ciddii dacwo qabtaana ay meelaha loo dacwoodo u dacwooto.

Haddaba SomaliTalk oo dib-u-eegid ku sameysay qoraalka loo gudbiyay QM ayaa waxay ogaatay in khudbadda Madaxweynuhu ay aheyd mid lagu marin-habaabinayo shacbiga Soomaaliyeed. Waxaa waadax noqotay in qoraalka madaxweynuhu gudbiyey ay diyaarisay Norway. Qoraalkaas Norway waa mid dhabarjebin ku ah go'aankii xalaasha ahaa ee ay baarlamaanka Soomaaliya ku diideen heshiiskii is afgarad (MOU), wuxuuna ka marqaati kacayaa sheegashada Kenya ay qayb sheeganeyso Badda Soomaaliyeed.

Sida qoraalka ku cad, warbixinta loo gudbiyay QM oo sida muuqata aysan Soomaalidu wax badan kala soconnin, waxaa diyaariyay oo iska kaashaday; Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway, hay'adda bartoorka u qaabilsan Norway iyo hay'adeedda sameysa khariidadaha (mapping).

Waxaa kale oo xusid mudan in DFS diyaarinta gudbinta warbixintan uu ka caawiyey Mr. Harald Brekke, oo ahaa xubin ka tirsan guddiga xadaynta badaha intii u dhaxaysay (1997-2012). Mr. Harald Brekke waa reer Norway, waana isla ninkii Kenya ka caawiyay qoraalkii rasmiga ahaa ee ay Kenya u gudbisatay QM (May 6, 2009), kuna sheeganeysay bed weyn oo badda Soomaaliyeed ka tirsan.


Khariidada Kenya gudbisatey oo muujinaysa xad-gudubkeeda badda Soomaaliyeed
(eeg UN website)

Waxaa is weydiin mudan waxay tahay: Madaxda DFS ma la socdaan doorkii uu Mr Harald Brekke ku lahaa sheegashada Kenya? Haddii aysan madaxda Soomaalidu waxba kala socon ninkaan, waa ku ceeb. Haddii wax ka ogaayeenna, waa in ay ka jawaabaan sababta ay qoraal xaasaasi ah oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed ay ugu aamineen shaqsi ay taariikhdu madowdahay, mugdina ku jiro, horena uga eexday Soomaalida.

Yaa bixiyey Lacagta ku baxday diyaarinta dabinkaan?

Sida kor ku xusan, Madaxweynaha DFS Xasan Sh.Maxamuud markii uu hadalka ka jeedinayay xiritaankii kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka wuxuu sheegay in kharashka ku baxay diyaarinta warbixinta loo gudbiyey QM ay tahay mid laga bixiyey cashuurta laga qaado shacabka Soomaaliyeed. Laakiin, warbixinta uu madaxweynaha u gudbiyey QM (July 21, 2014), waxaa ku cad in Dawladda Norway ay bixisay gebi ahaanba kharashka ku baxay diyaarinta warbixinta iyo gudbinteedaba. [All expenses related to the preparation of the present submission have been covered by the Government of Norway.]. Waa yaabe Madaxweyne Xasan ma wuxuusan si fiican u akhrin qoraalka uu gudbiyay, mise si ula kac ah ayaa loo marin habaabinayaa umaddaan la dulmayo?

Qoraalka Norway waa khiyaano Qaran

Marka si deggan loo akhriyo warbixinta ka kooban 23 bog ee Norway u diyaarisay badda Soomaaliya, taas oo madaxweynaha DFS uu u gudbiyey Qaramada Midoobay asagoo aan marsiin baarlamaanka, waxaa si cad u soo baxaya qodobadan:

1. Waxaa la soo cusboonaysiiyey "muran gelintii Badda Soomaaliya", waxaana warbixintu ku celcelinaysaa in uu jiro aag kamid ah badda Soomaaliya oo lagu muransan yahay. Waxaana aad iyo aad u cajaa'ib badan in mid ka mid ah khariidadaha la socda warbixinta lagu asteeyey dhul-badeedka Soomaaliya qaybtiisa u dhow Jubada Hoose in muran la geliyey (eeg sawirka hoose) - waxaana xusid mudan khariidada muranka muujinaysa in Soomaaliya gudbisey, halka khariidada Kenya gudbisatay ay mujinayso in Kenya dhulkaas sheeganayso (waa tabcadii iyo xeeladdii ay Kenya raadinaysay laga soo bilaabo 2009 oo uu u hirgelinayo Madaxweyne Xasan.. waa aqbalaad dhulkayga igu qabso, iyo sheegashada Kenya oo si miyir la'aan ah loogu meeldayayo.)


Khariidada ay diyaarisay Norway ee uu madaxweynaha DFS u gudbiyey QM
(eeg UN website)
(Khariidada inta buluugga ah ee saddexagalka waa badda Soomaaliya ee muranka la geliyey)

2. Waxaa la soo cusboonaysiiyey heshiiskii is afgaradka badda ee Kenya & Soomaaliya - Taas waxaa daliil u ah in warbixinta ay ku qoran tahay sidan: Macluumaadka ay hadda Soomaaliya gudbisay waxaa ka mid ah aag ay ku muransan yihiin labada dal ee xeebta, waxaana Soomaaliya diyaar u tahay in ay wada-xaajood la gasho Kenya si loo gaaro heshiis ama is-afgarad... "Somalia is ready to enter into consultations with the Republic of Kenya with a view to reaching an agreement or understanding..." (waa arrintii uu diiday baarlamaankii KMG ahaa oo boodhka laga jafay ... waxaana arrimahani ku soo beegmeen ama soo shaac baxeen xilli la fasaxay baarlamaankak hadda jira). Waa mucjisee maxaa keenay in Kenya ay sheegato oo ku dooddo in ay leedahay bad kaabiga u saaran Kismaayo, halka madaxda Soomaaliduna ku doodayaan in lagu muransanyahay?


Bogga 9aad ee qoraalka Norway ee madaxweynuhu gudbiyey QM
(eeg UN website)

Sidoo kale warqad uu madaxweynaha DFS u diray UN-ka June 30, 2014 waxaa ku cad sidan: “Meelaha EEZ-ka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu deris kala yahay dal kale oo xeeb leh, waxaa markaas Jamhuuriyadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada xaajood kala gasho dalka xeebta aragtidooda xadeeynta EEZ-ka badda”.


Warqadda uu saxiixay madaxweynaha DFS eeg halkan

3. Qoraalkaan loo diray QM wuxuu badda Soomaaliya qaybta TERRITORIAL WATER ku soo koobayaa 12 mayl-badeed, sidaasna meesha laga saarayaa Law no. 37 oo dhigaya in badda Soomaaliya Territorial Sea/Water uu yahay 200 mayl-badeed. (Halkan ka eeg faraqa u dhaxeeya 200nm oo EEZ iyo 200nm oo Territorial Water)


Bogga 7aad ee qoraalka Norway ee madaxweynuhu gudbiyey QM
(eeg UN website)

Maxaa ku aasan afeefta Norway?

Waxaana xusid mudan, oo wax lala yaabna ah, in dowladda Norway ay ka afeefatay qoraalkii ay iyadu maalgelisay oo ay diyaarisay. Waxay ku afeefatay in aysan shaqo ku laheyn cawaaqibka ka soo baxa qoraalkan, waxayna afeeftaas ku muujisay isla qaybo ka mid qoraalkaas. Sow haddaba cajiib ma aha in qoraalkii ay Norway diyaarisay ay sharuuud ka dhigtay in aysan masuul ka ahayn natiijada ka soo baxda ee xagga sharciga ee la xiriirta xadaynta badda? Waxaa Muuqata in Norway ku baraarugsantahay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii uu qoraalkani hirgalo. Waayo waxa cad in ay Soomaaliya ku waayi karto baaxad aad u weyn badeeda ah. Taasna waxaa laga yaabaa iney keento dood iyo dacwooyin sharci oo daba dheeraada. Nasiibdarro, waxa ay ka afeefaneyso Norway uma muuqdaan madaxda Soomaalida ee maanta.

Maxaa la gudboon Soomaalida?

Shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaankoodu waxay horay uga dhiidhiyeen isku daygii fashilmay MOU. Maanta tan taagani waa mid ka sii halis badan middii shalay. Waxaa Soomaalida la gudboon in ay aad u feejignaadaan, kana horyimaad iskudayada xaqooda lagu duudsiinayo.

Faafin: SomaliTalk.com |  July 25, 2014

Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37.


Dec 20, 2012 Wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Norwey Mr. Heikki Holmas booqday Muqdisho, lana kulmay madaxweyanaha DFS iyo guddoomiyaha baarlamaanka ... EEG HALKAN

***** Akhri Law No 37 oo AfSoomaali loo rogey *****
 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: