Home » Archive Qoraaga
Musharaxa Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka
Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim, ayaa isu sharaxay xilka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah.
Xildhibaan kale oo aqoon u leh musharaxa, kana warbixinayey aqoonta uu u leeyahay Suleymaan Maxamed Ibraahim ayaa yiri:
“Xildhibaan Suleymaan waa siyaasi jecel in uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto, aqoon iyo waayo aragnimo durugsanna u leh...
Hey’adda COGWO uu suurtagelisay in Mar kale ay dib isku arkaan gabar yar oo waalidkeeda la’aa Muddo sadax Bilood ah
Waxaa magalada Muqdisho maanta soo gaartay gabar yar oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaliimo Xaaji Cusmaan da’deeduna ay tahay 16-sanno jir, taasoo markii hore Haweynay ka kaxeysatay magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo gaysay magaalada Hargaysa ee maamulka la magac baxay Somaliland.
Haweynada gabadhaas kaxaysatay oo lagu magacaabo Zam Zam ayaa shaqo ahaan waxay u gaysay magaalada Hargaysa,...
Taariikhdiina iyo Wax tarkiina waxaa yaqaana shacabka Soomaaliyeed | Yaasiin Maxamed Xaaji
Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif SHeekh Axmed ma ka badbaadi doontaa dhaqanka wax dumineed ee Shariif Xasan Sheekh Aadan Wasiirka Maaliyadda ee TFGda Xilligan ?? iyo Asxaabtiisa !!
Shariif Xasan waxaa markii ugu horeeysay lagu dhex arkay masraxa siyaasada qasan ee Soomaaliya geba gabadii shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Kenya kadib markuu xubin ka noqday...
Kulan looga hadlayo Mustaqbalka Dawlad Ka Dhalata Soomaaliya oo lagu qabanayo Minnesota
Khamiista April 29, 2010 ayaa kulankaas waxa lagu qaban doonaa William Mitchell College of Law oo ku taal magaalada St. paul ee gobolka Minnesota. GOORMA, XAGGEE, YAAS KA HADLAYA… KA Akhri Halkan…
Read More →
Xaflad Sagootin ah oo Nairobi logu samayay Xulka Dhallinyarada Kubada Cagta ee Somalia.
Xafladaan oo si heer saro ah loo soo agaasimay kana dhacday gudaha Xaafada islii gaar ahaan Hotel Barakat ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuulinyiin kala duwan oo magac ku leh Kubada Cagta Soomaaliya iyo xubno katirsan dowlada FKMG ah ee Somalia.
Halkan ka daawo sawirada
Waxaana kamid ahaa masuuliyiintaas Safiirka Soomaaliyeed ee fadhigiisu uu yahay wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur America, Tababarihii...
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaaladda Mombasa oo Qalabka wax lagu nadiifo gudoonsiiyay Duqa Magaaladda Mombasa.
(Mombasa):-Magaalada Mombasa ee Caasimada labaad ee dalka Kenya ayaa waxa lagu qabtay mashruuc nadaafadeed isla markaasna lagu moojinayay in ay somalidu kaalin wayn ku lee dahay arimaha bulshada ee dalka Kenya.
Halkan ka daawo sawirada
Mashruucaan oo ay fulintiisa fududeeyeen Gudiga Hormaritna Soomaalida ku dhaqan Mombasa isla markaasna ay soo qaban qaabeeyeen jamciyda Dhalinyarada ee marka magaceedo...
“Ahlu Sunna Waljamaaca” oo Cambaarayn Kulul dusha uga Tuuray DFKMG
Abu Yuusuf Al-Qaadi “Dadkii lagu laayey suuqa Bakaaraha waxaa mas’uuliyadooda qaadeysa Dowladda Federaalka”
Iyadoo shalay Bakaaro ay ku dhinteen ilaa iyo dhowr iyo labaatan qofood oo shacab Rayid ah kadib markii madaafiic aad u tiro badan lagu garaacay suuqa bakaaraha iyo agagaarkiisa ayaa waxaa xasuuqaasi aad u cambaareeyey qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna cambaareyntii ugu kululeyd...
Walad Cabdalla oo “niyadjab kamuujiyay muranka ka dhex aloosan Barlamaanka” DFKMG
Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)
WARSAXAAFADEED 08/2010
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan baahida ummadda Soomaaliyeed
Nairobi, 26 Abriil 2010 – Kulankii 17aad ee Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore lagu qabtay xarunta Jaamacadda Dowladaha Carabta...
Qofkii 30-aad oo Soomaali ah oo Lagu Diley Gobolka Alberta, Canada
30 Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu delay Alberta ilaa 2005 …
Wiilka ugu dambeeyey ee la diley waxa uu ahaa dhallinyaro. Waxa uu ka soo jeedaa Soomaali. Waxa uu ku koray magaalada Toronto, waxana uu u guurey Gobolka Alberta ee galbeedka Canada si uu halkaas uga raadsado fursado shaqo. Waxaa Khamiistii meydkiisi laga helay qol, magaalada Fort McMurray ee gobolka Alberta, sidaas waxaa werisey wakaalada...
19 madfac oo Galabnimadii Axadda lagu riday gudaha iyo hareeraha suuqa bakaaraha iyo dhimasho iyo dhawac soo garey dad rayid ah
Inta la hubo 13-qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo dhamaantood rayid ahna way ku dhaawacmeen, duqeyntaas oo ahayd Madaafiic aad u waaweyn oo ka soo dhacaysay xarumaha DFKMG ah iyo kuwa AMISOM ee Muqdisho.
Gabal dhacii Axadda duqeeyn culus iyo dagaalo u dhaxeyey ciidamada DFKMG iyo xoogaga hubeeysan ayaa waxa uu ka dhaceen degmooyinka Ka mid ah magaalada Muqdisho.
madaafiicdaan ayaa lala beegsanayey...
Somali man from Toronto killed in Alberta city
Young man is 30th young Somali-Canadian murder victim in Alberta since 2005
Megan Ogilvie
Ann Hui
Staff Reporters (The Star)
He was young. He was of Somali descent. He had grown up in Toronto, but had moved west for work and opportunity. His body was found Thursday in an apartment in Fort McMurray.
Abdinasir Ali is the 30th young Somali-Canadian man killed in Alberta since 2005. His death is the latest...
315 Xildhibaan oo Doortay Guddi soo magacaaba Guddoon Cusub oo uu yeesho Baarlamaanka DFKMG
Kulan ay magaalada Muqdisho maanta (Axad April 25) ku yeesheen xildhibaano tiradoodu gaarayso 315 xildhibaan ayaa waxay doorteen guddi loo xilsaaray soo diyaarinta guddoon cusub oo uu yeesho baarlamaanka kumeelgaarka ee Soomaaliya, maadaama sida ay sheegeen, uu waqtigii xilku ka dhammaaday guddoonka baarlamaanka.
Xubanahaas baarlamaanka ee ku shiray Hotel Weheliye waxay doorteen laba guddi oo mid...
Dhibaatooyin haysto Soomaalida ku nool Wadanka Konfur Afrika | Nuur Yare
Dhibatoyin faro badan oo ay kamid yihiin Dil, Boob, Dhaawac, Handadaa, Gubid, Jirdil iyo ku dhibtoonshaha helida Sharciyada lagu joogo wadanka Konfur Africa ayey kala kulmaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool halkaas.
Waxeyna inta badan ka sheekeystaan Muwaadininta Soomaaliyeed ee ku ganacsado wadankaas dhibatada anan dhamaadka laheyn ee haysato ayadoona ayayna jirin cid wax ka qabaneyso wax yeelada loo...
DHUL DIHAN IYO DAD DALKA IYO DIBADA BAYLAH KU AH | Mohammed Jarate
Marka kowaad waxaa mahad oo idil ıska leh rabiga cırka taagay tıır la,aan dhulkana goglay,aadmıgana ka dhigay noole idilkıı kan ugu sharafta badan,una doortey nabi maxamed (N.N.K) kii lagu khatımey nabiyada.
Marka labaad waxaan u mahad celinayaa maamulka soomaalıtalk ıyo aqrıstayaasha soomaalıyeed ee sıda joogtada ah u soo booqda mowqacaan.
Haddi aan mowduuceyga gudo galo,waxaan shakı...
Ogeysiis Muhiim ah : Macaamiishii Shirkaddii Barakaat
Ogeysiis Muhiim ah
Waxaa si Xushmad leh looga Codsanaynaa Dhamaan Macaamiishii Shirkaddii Barakaat ee ay uga Xayirmeen hantida lacageed Xawaalad ama Amaano la dhigtay meel kasta oo ay aduunka ka joogaan in ay nagala soo Xiriirraan Email-kaan
bbsmog2010@hotmail.com ama
Tell +25215500979 ama 652930
Mog Somalia
Si loola Socodsiiyo meesha ay wax marayaan fadlan ha nagala Daahina Xiriirkiina...
In ka badan 300 xildhibaan oo isku raacay in uu gudoonka barlamanku waqtigiisii dhacay, una goodiyey Sheikh Shariif haddii uu sharciga ilaalin waayo
Xildhibaanada Baarlamaanka oo tiradoodu gaareyso 309 xildhibaan ayaa isku dhaarsaday in kulanka maalinta Axadda (April 25, 2010) ay sharciga iyo qaranka difaacayaaan, ayagoo ugu baaqay madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, in uusan “guddoonkii hore” hor keenin baarlamaanka, haddii kale in foolxumo tii ugu darnayd ku dhici doono hadduu guddoonkii hore keeno baarlamaanka. Waxaa xildhibaanadu...
Kalfadhigii Barlamanka DFKMG uga furmi lahaa guriga ummadda oo mar kale dib loo dhigay sababtu maxay tahay?
Shirkii Barlamaanka ugu danbeeyey waxa uu ahaa shirkii Agoosto 2009 ee ay ku diideen heshiiskii is afgarad ee dowladaha Kenya iyo Somaliya wixii intaa ka danbeysana golaha xildhibaanada barlamanku wuxuu galay xaalad koomo ah….
Kalfadhigaan oo la filayey in uu manta (April 22, 2010) ka furmo golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib u dhac ku yimid sida ay shegayaan wararka rasmiga...
Xerada Kakuma: Warbixin iyo Soo gaba-gabayn Card badalkii ka soconayey xerada
Raashinka qofku leeyahay waa: Sadex kiilo oo bur ah, kiilo digir ah, kiilo boorash ah, sedex kiilo oo ugaali ah, saliid rubac ah iyo furka caagada shanta litir ah oo cusbo / milix ah…
Galab nimadii Taladada bishuna ay tahay 20-04-010 waxa soo gaba gaboobay Card badalkii ka soconayey Xerada kaakuma oo bilowday bisha 16 keedii ayaa waxa uu ku dhacay si nabad ah ayadoo ay shaqeynayeen dhamaan...
Ismaaciil Hurre Buubaa: Dowladda Norway aniga oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ah ayay iga codsatay in aan kala hadlo Badda Soomaaliya
Waxana uu sheegay in Norway warqad u soo dirtay, laakiin uusan warqaddii uga jawaabin. Arrinta lagala hadlayey oo ahayd heshiis (is-afgarad) ee badda Soomaaliya….
Waraysi dhinacyo badan oo Ibraahim Da’ud uu Nairobi kula yeeshay Ibraahim Buubaa, kana hadlaya siyaasadda Soomaya, aragtidiisa ku aadan Somaliland, aragtidiisa DFKMG & ASWJ, doonyaha sida sharci darrada uga kalluumaysta badda...
Qoraal ku saabsan wax qabadka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha federaalka oo ay u gudbisey gudiga dastuurka….
Warbixin uu ku saxiixan yahay Wasiirka Dastuurka DFKMG, Madoobe Nuunow oo ku saabsan wax qabadka wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka oo loo gudbisey gudiga dastuurka iyo arrimaha federaalka baarlamaanka 16/04/2010 oo nuqul kamid ah soo gaarey aan henay hoos ka akhri…
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Qoraalka wasiirka Wasaaradda Dastuurka...
Walad Cabdalla: Warqad ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee u nool Dalka Dibaddisa. (war. Number 24)
United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)
Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasada Soomaaliya (UNPOS)
Nairobi, 19 April 2010
Asalamu calykumIgagudoma Salan diran
1. Intabadan xiliga guga oo aan filayo in uu ka dhacaayo inta badan dalaka aaddegan-tihiin, ayaa la imaanaaya inta badan rejo ku saabsan mustaqbalka. Waxaan rajeynayaa in warbixinteydan joogtada ah ee aan siinayo...
Waxyeelooyin kala duwan oo ay ciidamada Gumeysigu u gaysteen dad rayid ah
Ciidamada qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo cagta mariyey qaar kamid ah saldhigyada ciidamada gumaysiga Itoobiya.
— Masuuliyiin ka socotay gumaysatada itoobiya iyo dabaqoodhi hor ordayay oo loo diiday inay shir ku qabsadaan hotel ku yaala magaalada Mineapolis.
— Qorshayaal cusub oo gumaysigu doonayo inuu ku cunaqabateeyo shacabka si ay gaajo ugu le,daan.
–Dil iyo dhaawac loogu...
Kalfadhigii Baarlamaanka DFKMG oo mar kale dib u dhac ku yimid
Warar laga helnay xubno ka tirsan barlamanka dowlada fadaraalka KMG somaliya ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid shirkii la filayey Axadda in uu ka furmo guriga ummada.
Shirkaan oo la filayey in uu golaha xildhibaanda baarlamaanka uga furmo guriga ummadda ayaa dib loo dhigay muddo, kulankaas oo ah kalfadhigii baarlamaanka DFKMG uu markisii ugu horeysay ku yeelan lahaa gudaha guriga shacabka,...
Guddoomiye Xigeenkii Baarlamaanka DFKMG oo Is Casilay: “Waxaan ahaa Magac u yaal”
oo xilka aan hayo kuma shaqaynayn, muddo dhawr sano ahba magac u yaal, markii shir la qabanyo uun ayaa la ii yeeri jirey —
Warkan ayaa ku soo beegmay xilli khilaaf soo kala dhex galay Sheikh Shariif iyo Aadan Madoobe…
Cismaan Cilmi Boqorre oo ahaa Guddoomiye Kigeenka labaad ee Baarlamaanka DFKMG ayaa maanta (17 April 2010) waxa uu shaaca ka qaaday in uu xilkii iska casiley, kaddib markii...
Xildhibaanoo ka tirsan DKMG Soomaaliya oo nabad ku baaqay
Ayadoo dhawaan uu cirka isku sii shareeray khilaafka ba’an ee u dhaxeeya guud ahaan masuuliyiinta DKMG Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaanada DKMG Somaaliya ayaa waxaa misna jira qaar ka tirsan xildhibaanada soomaaliya in ay quud dareynayaan sidii ay ku mideyn lahaayeen guud ahaan afkaarta Xildhibaanada Soomaalia oo baryihii ugu danbeeyay laga dheehan karay in uu ahaa mid aad daran.
war saxaafadeed...




