Home » Qoraallada Halkudhegga "gaas"

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa soo gabogabeeyey booqashadiisii Kuwait soona gaaray Nairobi

Dec 6, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan ku joogay booqasho rasmi ah dalka Kuwait ayaa si heer sare ah loo soo sagootiyey oo uu Ra;iisul Wasaaraha Kuwait iyo golahiisa wasiirada ay soo ambabixiyeen halkaas oo kaarbet guduuudan loo dhigay, isla markaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidanka Kuwait ka tirsan. Ra’iisul Wasaaraha... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la Kulmay Amiirka Kuwait

Dec 4, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan: Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta soo gaaray dalka Kuwait ayaa kulan dheer la qaatay Amiirka Dalka Kuwait Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal ee Kuwait iyo Somalia, arrimaha Soomaaliya sida amniga, gar-gaarka... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kumay Amiir-ka Qatar

Nov 30, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan gaar ah la qaatay Amir ka Qatar His Highness Emir Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Doha ayaa kala hadlay Amir ka Qatar arrimo farabadan oo ay ka mid yihiin xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha amniga, dib-u-heshiisiinta,... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Nov 28, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Hamad Bin Jassim Bin Jabr Al-Thani. Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Qatar ee magaalada Doha ayaa labada Ra’iisul Wasaare waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Qatar iyo Somalia iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka qotada dheer... 
Halkudheg:

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray maanta

Nov 26, 2011
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Sayn Bekir Bozdag ayaa maanta soo gaaray Muqdisho. Wafdigan heerka sare ah waxaa ka mid ah Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Dr Kani Torun, Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Caafimaadka, Cevdet Erdol, Xubno baarlamaanka Turkiga ah sida Sayn Huseyin Tanriverdi, Sayn Selcuk Ozdag, Muzaffer Yurttas, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada oo galabta ciyaar K/cagta uga qeybgalay Xeebta Liido

Nov 25, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada ayaa galabta ciyaaro Kubadda Cagta uga qeybgalay Xeebta Lido ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciyaartan uu daawanayay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Mudane Cali Mahdi Maxamed oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya. Ciyaartan oo aheyd mid... 
Halkudheg:

War saxaafadeed kasoo baxay golihii wasiirada oo uu shirgudoominayey Reysal wasaare Cabdiweli Gaas.

Nov 24, 2011
Shir ay maanta isagu yimaadeen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga, waxqabadka Xukuumadda, mataaneynta booliiska iyo wasaaradaha dowladda, iyo adeegyada bulshada. Ugu horreyntii guddiga heerka wasiir ee amniga ayaa warbixin buuxda siiyey golaha sheegayna in amniga caasimadda wax badan laga qabtay... 
Halkudheg:

Shir jaraa,id oo ay maanta ku wada qabteen Reysalwasaaraha DFKMG iyo Radhika Coomarswamy magaalada Muqdisho.

Nov 23, 2011
Waxaa maanta kulan qado ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wefdi sare oo ka socday UN-ka oo ay hogaamineysay Radhika Coomaraswamy oo ah kuxigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha difaaca Caruurta, waxayna kulanka kadib wadaqabteen shir jaraa’id oo ay ku faah faahinayeen waxyaabaha ay ka wada hadleen. Wuxuu yiri waxay noogu... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta ka qeybgalay Kulan Dood wadaag ah, su’aalaha shacabkana ka jawaabayey

Nov 23, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ka qeybgalay kulan ay soo abaabushay hay’ada CRD oo ah kulan noocii ugu horreeyey ee uu Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed ka qeybgalo isagoo ka jawaabayey su’aalihii ay weydiinayeen ka soo qeybgalayaashii kulanka iyo weliba Qurbo joogta Soomaaliyeed oo si toos ah internet ka ula socda barnaamijka. Kulankan oo ay soo abaabushay hay’adda... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday xerada Xanaanada caruurta ee Al-Birri oo ay ku jiraan caruur agoon ah

Nov 22, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday xerada Xanaanada caruurta ee Al-Birri oo ku taala degmada Hodon ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku jiraan 700 oo caruur u badan agoon iyo kuwo ay qoysaskoodu awoodin inay waxbarasho geeyaan halkaasoo lagu baro qur’aanka iyo waxbarashada kale ee Iskuulka. Halkan kadaawo masawiro dheeir ah Xaruntan... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta kormeer howleed ku tegay saldhigyada Booliska

Nov 22, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kormeer howled ku tegay qeybo ka tirsan saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho isagoo sidoo kalena soo kormeeray mushaar bixinta ciidanka Booliska oo ka soconeysa Dugsiga Tababarka ciidanka Booliska ee Jen. Kaahiye Ex. Iskoola Bolisiyo.   Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed: Dowladda FKMG ee Soomaaliya oo ku dhawaaqday Guddiga Wadajirka ah ee Roadmap ka

Nov 20, 2011
Muqdisho, November 20,2011—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga Wadajirka ah ee habraaca marxaladda kala guurka ah “Rodmap” 2011/2012. Dhaqangelintii Roadmap ka ayaa u socda si habsami ah iyadoo lagu guuleystay in wax badan laga qabtay howlahii uu tilmaamayey habraaca marxaladda kala guurka “roadmap” 2011/2012. Hoos ka dhegeyso... 
Halkudheg: ,

Warsaxaafadeed: Ra’iisl Wasaaraha oo maanta u dukaameysi tegay Suuqa Bakaaraha

Nov 20, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u dukaameysi tegay Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn suuqyada dalka isla markaana ay dowladdu dib u howlgelisay kadib markii waqti kooban uu hakat galay howlihiisii ganacsi. Ra’iisul Wasaaraha oo ay safarkiisa ku wehlinayeen saraakiisha Booliska iyo kuwo... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha wasiirada ee maanta

Nov 17, 2011
Golaha Wasiirada ee Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya ayaa manta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaan ee dalka, bannaynta dhismayaasha dawladda, Mashrruuca Guriyeynta ee dawladda Turkiga ballan qaadey, la dagaalanka musuqmaasuqa,... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay galabta kulan looga hadlay Amniga Muqdisho iyo dib u soo celinta Bilicdeedii

Nov 16, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa shir guddoomiyay kulan ballaaran oo looga hadlayay Amniga caasimadda (Mogadishu Stabilization Plan), Bilicda magaalada iyo sidii goobihii dowladda dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda, waxaana kulankan ka soo qeybgalay guddoomiyeyaasha 16-ka degmo, saraakiil ka socotay hay’addaha... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta shirar muhiim ah la yeeshay wufuud ka socotay Q/midoobay

Nov 16, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ballaaran kula qaatay xafiiskiisa Muqdisho wufuud ka socotay Q/midoobay oo ay kala hogaaminayeen kuxigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay Christian Manhall iyo xiriiriyaha Q/midoobay ee gargaarka Mark Bowden waxaaana kulamadani looga kala hadlay arrimaha Roudmap-ka iyo wixii ka qabsoomay iyo weliba caqabadaha jira,... 
Halkudheg:

Wasiirka Warfaafinta iyo La-Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha oo UK uga qeybgalay Strategic Communication Masterclass 2011

Nov 11, 2011
Seminarkan oo socday 31 October – 2 November ayaa ka soo qeybgalayaasha waxey ka kala yimaadeen Somalia, Pakistan, Democratic Republic of Congo, the US, Nigeria, Somalia and the Middle East, iyo saraakiil ka socday Wasaarada Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Difaaca iyo Wasaaraha Deeqaha ee UK, UNICEF, UNHCR, Wasaaradda Difaaca US, NGOs and khubaro la –taliyeyaal dhanka warfaafinta ah. Seminarkan socda... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed kasoo baxay golaha wasiirada DFKMG

Nov 10, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan: Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho iyagoo ka hadlay qodobo u badnaa dhanka amniga iyo gargaarka. Kulankan oo uu shir guddoominayay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif... 
Halkudheg:

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo hay’addaha gargaarka ugu baaqay inay dardargeliyaan bixinta Mucaawinooyinka

Nov 8, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa ku bilowday in Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo uu wehliyo Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Badda Mudane Aadan C/llaahi Aadan ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho isagoo u kuurgalay Raashinka gargaarka ah ee la keenayo Dekedda iyo habsami u socodkooda. Ra’iisul... 
Halkudheg:

Madax ka tirsan Dowladda oo sanadkan Gudanaya waajibaadka Xajka

Nov 2, 2011
Mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan dowladda ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Aadancadde International iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Barakeysan ee Makkah ee dalka Sucuudiga halkaasoo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka sanadkan.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo... 
Halkudheg:

Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG oo kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga

Oct 25, 2011
Warsaxaafadeed: Ra’iisul-wasaare-ku-xigeen, ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa magaalada Ankara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Veci Gönül iyagoo ka wadahadlay arrimo la xiriira sidii dalka Turkigu uu gacan uga siin lahaa Soomaaliya dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Labada wasiir waxay si qota dheer uga wadahadleen arrimaha... 
Halkudheg:

Xukuumadda DFKMG oo tacsi u dirtay Turkiga.

Oct 24, 2011
Xukuumadda Federaalka KMG ah ayaa u dirtay tacsi Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga kaddib markii dhul-gariir xooggani uu ku dhuftay koonfur-bari dalkaas shalay oo Axad ahayd. “Xukuumadda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga, gaar ahaan qoysaskii ay dhibaatadu ka soo gaartay, waxaana xaqiijineynaa inaan garab taagannahay waqtigan murugada badan,” ayuu yiri... 
Halkudheg:

Wasaaradda Caafimaadka iyo JaamacaddaCarabta oo tababar furay….

Oct 24, 2011
Warsaxaafadeed: Wasaaradda Caafimaadka iyo JaamacaddaCarabta oo tababar u furay umulisooyin Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka, Mudane Faysal Xuseen Daahir ayaamaanta furay siminaar soconaya muddo 30 cisho ah oo ay ka qeybgalayaan illaa 30umulisooyin ah oo ka kala yimid gobollada dalka. Tallabaadan ayaa loogutalogalay in sare loogu qaado caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee dalkaSoomaaliya, waxaana maalgelinaya... 
Halkudheg:

Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay qoyska Haweeneydii Faransiiska ahayd ee geeriyootay

Oct 19, 2011
Warsaxaafadeed Oct 19, 2011 ay soo saartay xukuumadda FKMG ayaa u qornaa sidan: Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray madaxweynaha Faransiiska, isagoo muujiyay sida uu uga xumaaday geerida Marie Dedieu oo u dhalatay dalka Faransiiska, taasoo ay afduubayaal ku haysteen gudaha Soomaaliya. Dabley hubeysan ayaa Marie ka soo afduubtay jasiirad ku taalla dalka... 
Halkudheg:

Bannaanbax Ballaaran oo looga soo horjeeedo Qaraxii Muqdisho ee ugu yaraan 70-ka qof ku dhinteen

Oct 9, 2011
iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo ku soo laabtay Xamar — Warsaxaafadeed R.wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, booqdayna goobtii ay mashaqadu ka dhacday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safari uu ku soo kala bixiyay dalalka Mareykanka, Dernmark, Imaaraadka Carabta iyo weliba... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...