Home » Warar
Shirkii Muqdisho ujeedadiisu waxay ahayd in Badda Soomaaliya lagu wareejiyo Kenya, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Jaamac Cali Jaamac..
Siyaasiga Jaamac Cali Jaamac oo Kashifey Sir ku Hoos Duugan Shirkii Xerada Xalane ..
Dhawaan waxaa Xeradii hore ee Xalane lagu soo gabagabeeyey Shir Socdey Muddo Saddex Maalmood ah kaas ay Qaramada Midoobey ugu Magacdartey Shirka wada Tashiga Soomaaliyeed waxaana ka soo baxay Go’aamo ku aadan Dowlad Wanaaga, Amaanka, Dib u heshisiinta iyo Dastuurka kuwaas oo lagu tilmaamey mid aan waqtigaan loo...
Hayádda HIRDA oo Talaal iyo qeybinta Maro-kaneeco ka bilowday Xerada qaxootiga ee Doolow Ado.
Hayádda HIRDA oo ka howl-gasha badi dalka somaliya ayaa waxaa ay xerada qaxootiga ee magaalada Doolow Ado ee gobolka Gedo ka bilowday talaal lagu sameynayo carurta qaxootiga ah ee ku jira xeradaasi,kuwaasi oo la sheegay inay da’doodu ay u dhaxeyso 6 bilood ilaa 15 sano iyo hooyooyinka carurtaasi.
Xasan Abdi Keynan oo ah Agaasimaha Hayádda HIRDA ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay dhamaan carurta...
Guddiyada Xisbiga Hiil Qaran oo Kulan Balaaran ku yeeshey Xarunta Xisbiga ee Magaalada Muqdisho
Waxaa Xarunta Xisbiga Hiil Qaran ee Magaalada Muqdisho kulan balaaran ku yeeshey Guddiyada Xisbiga oo kala ah Gudiga Isku Xirka Dhalinyarada Gudaha iyo Dibada Gudiga Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo Guddigga Odayaasha waxaana kulankaan Shir Gudoominayey Masuulka Xisbiga Hiil Qaran ee Magalada Muqdisho Shariif Xuseen Roobow .
Kulankaa ayaa warbixin looga dhageystey Guddiyada kuwaas oo soo gudbiyey...
Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada
Warsaxaafadeed:
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin go’aamadii kasoo baxay shirka Wadatashiga, ansixinta habraaca sanadka 2011/2012, arrimaha Amniga, iyo arrimaha Gargaarka Bani’aadanimo.
Golaha Wasiirada waxay maanta warbixin...
War Murtiyeed ka Kooban 12 Bog oo laga soo saarey Shirkii Wadatashiga ee lagu soo Gabagabeeyey Magaalada Muqdisho
Waxaa magaalada Mugdisho Gaar ahaan Xeradii Hore ee Xalane lagu soo gabagabeeyey Shirkii wadatashiga oo ay Qabanqaabadeeda lahayd Qaramada Midoobey gaar haan Qaybta Siyaasada ee Soomaaliya, waxaa kulankaan lagu martiqaadey Xubno matalayey Madaxtooyada,Xukuumada Ku meel gaar ka ah , Baarlamaanka,Maamulada Puntland iyo GalMudug iyo xubno ka socdey Ahlu Sunna, Waxaana ugu Dambeeyn maanta la soo...
Hay’adda Samafalka Access oo 800-Qoys u Qaybisay Gargaar isugu jira Raashin Nafaqeysan
Hay’adda Access for support & development centre ayaa gargaar kala duwan oo isugu jiray raashin nafaqeysan, raashin caadi ah iyo dawooyin u qaybisay barakacayaasha abaaraha ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Gargaarkan oo ahaa mid khaas ah oo loogu talogalay caruurta iyo hooyooyinka ay nafaqodarridu hayso, waxaana ka faa’iideystay 800 oo qoys oo ay ku jireen caruur iyo hooyooyin nafaqo-darro...
Dugsiga Gambool ee Garoowe Oo Ku Guulaystay Kediskii Dugsiyada Sare ee Bisha Ramadaan
Hoolka shirarka ee jaamacadda Puntland State University (PSU) ayaa lagu qabtay tartankii ugu dambeeyey ee u dhaxeeyey dugsiga Gambool Garoowe iyo sidoo kale dugsiga Al-Muntada Burtinle.
Xafladii gabagabada kadis aqooneedka ay ka qayb galeen 24 Dusgsi sare ee ka furan dhamman gobolada Puntland. ayaa waxaa si wadajir ah u maalgaliyey shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom Somalia iyo Wasaarada...
Khudbadii Madaxweynaha Puntland Faroole ee Shirkii Muqdisho
Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu ka jeediyay Shirkii Muqdisho, 4 September 2011 ayuu kaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin: Burburka Qaranka, Badbaadinta Soomaaliya, Arrimaha shirka, Dib-u-heshiisiinta, Caqabadaha hortaagan Qarannimada, Burburka maskaxda, Canshuurta iyo Ganacsatada, iyo Mahadcelinta Beesha Caalamka.
Khudbadda oo dhamaystiran waxay u qorayd sidan:
Puntland State of Somalia
Garowe
...
Shirkii Wadatashiga oo lagu soo gabagabeeyey Xerada Xalane Isla markaana aan si Cad la soo Bandhigin Qodobadii lagu Heshiiyey.
Waxaa Talaada (Sept 6) lagu soo gabagabeeyey Xerada Xalane Shirkii wadatashiga Soomaaliyeed oo Sadex maalmood ka socdey Magaalada Muqdisho waxaana Xiritaankii kulanka ka Hadley madax fara badan oo isugu jirey Xulkuumada FKMG , Baarlamaanka iyo Qaar ka mid ah Ururadad Caalamiga ah iyo Dowladaha Daneeya Arimaha Soomaaliya
Madaxweynaha DFKMG Shiikh Sahriif oo ka Hadley Gabagabadii kulankaas ayaa sheegey...
HIRDA oo iskuul Waxbarasho oo ku yaala Magaallada Laascaanood ka hirgelisay biyo gelin
Ururka HIRDA ayaa gudaha Magaalada Laascaanood waxaa uu ku soo gabagabeeyey Howl Mashruuc balaaran oo dhismayayaal cusub loogu kordhinayey mid ka mid ah iskuul ku yaala Magaalada Laascaanood, Iskuulkaasi oo lagu Magacaabo Saamalay Primary and Secondary School oo ay hadda wax ka bartaan arday badan oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.
Abdisalam Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha gudiga Iskuulka Saamalay Primary...
Deeq lacageed ay soo Direen Ururka Somali Relief Network of North America ayna ugu talagaleen Barakacayaasha Soomaaliyeed.
Deeqdaan ay iska soo ururiyeen Soomaalida degan North America ayaa waxay u soo wakiisheen inuu usoo diro Barakacayaasha Soomaaliyeed Masuulka lagu Magacaabo Aadam Max’ed Ciise oo ku sugan North America.
Qeybinta Deeqdani ayaa waxaa loo soo wakiishay Sheekh Cabdi wali Muuse in uu gaarsiiyo Dadka dhibaateeysan oo ay saameeyeen Abaaraha Dalka ka jira.
Qadarka lacagata ay iska soo aruriyeen ayaa waxay...
Gargaar ay Wada Fuliyeen Hay’addaha kala ah Disable Welfare Foundation (DWF) iyo Save a Life Nederland
Hay’addaha kala ah Disable Welfare Foundation iyo Save a Life Nederland ayaa si Wadajir ah u wada fuliyeen 3 Mashruuc oo kala ah:
1- Afurin dadka soo
2- Barakacay mudo 10 habeen ah;
3- Zakaatul Fidri la siiyay 200 Qoys oo dadka soo Barakacay ah;
4- Dhar Ciid la siiyay 20 Caruur Agoon ah.
Mashaariicdaan ayaa Maalgelisay Hay’adda Save a life oo fadhigeedu yahay Nederland, waxaan fulisay...
Shirkii Wada Tashiga Soomaaliyeed oo maanta galey Maalinti labaad waxaana Maanta la saarey Afar Guddi
Mahiga oo ka qaybgalayaasha kula Dardaarmey in ay so saareen Qodobo Waxtar u leh Shacabka
Qaramada Midoobey oo sheegtey in Gobolka Bay ay ku Dhufatey Macluul Daran
Shirkii Wada tashiga ayaa maanta galey Wajigiisii Labaad waxaana uu ka furmey Xero ay degen yihiin Ciidamada Amisom oo lagu Magacaabo Xalane , waxaana kulankaan Garwadeen ka ah Qaramada Midbbey iyadoo wakiilka Qaramada Midoobey Mahiga iyo...
Ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Toban kun oo Caruur ah Raashin ugu Qeybiyay Xerada Aalla Yaasir ee Duleedka Lambar Konton.
Sidaan ka soo xiganey Idaacadda Islaamiga Al-Furqaan Gawaari Xamuul ah oo ay ku rarnaayeen raashin u badan Mac-macaanka iyo kuwa Nafaqeysan ayey ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaarsiiyeen Xerada Aala Yaasir ee Deegaanka Lambar Konton ee Gobolka Shabeeladda Hoose galinkii dambe ee shalay iyagoona Deeqdaasi si amni leh ugu qeybiyay caruurta halkaasi ku nool oo tiradoodu...
Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho oo sanadkii labaad waxbarshadda toos u bilowday
Jaamacadda Bariga Soomaaliya ( East Somalia University) ee Qardho ayaa kulan balaaran oo ka dhacay ( 03/09/2011) si rasmi ah loogu shaaciyey in ay bilaabtay waxbarshadda sanad jaamacadeedka 2011 – 2012 .
Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Shiikh Cali Maxamed Cali Maamulaha Jaamacadda ESU , isaga oo sheegay in ay ardayda u rajeynayaan sanad wanaagsan oo waxbarsho isla markaana waxa uu si aad ah...
Khudbadii R.wasaaraha ee furitaankii shirkii Wadatashiga ee Caasimada Muqdisho.
Madaxweynaha DFKMG, Mudane Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden
Xubanaha Golaha Wasiirada, Xubnaha Golaha Baarlamanka
Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo golaha Wasiirada Puntland iyo Gamudug
Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobey Ambassador Augustine Mahiga
Marti Sharafka, Safiirada iyo Madaxda Caalmka, Madaxda Midogwga...
Shirkii Wadatashiga oo maanta ka furmey Muqdisho
Khudbadihii ay jeediyeen Shiikh Shariif , Cabdiraxmaan Faroole iyo Caalin…
Waxaa Magaalada Muqdisho maanta (Axad Aug 4, 2011) ka furmey Golaha Shacabka shirkii Wada tashiga ee Soomaaliya oo ay Garwadeen ay ka tahay Qaramada Midoobey, waxaana shirkaa ka qaybgalya dhowr qaybood oo kala ah Xukuumadda , Madaxtooyada Federaalka, Golaha Baarlamaanka ee Federaalka, Maamul Goboledyo iyo Xubno ka socdey...
Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq gaarsiisay Tuulada Weerow oo ka tirsan Degmada Xudur
Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo waayadaan wadey Howlo gargaar oo ay ku samatibixineyso dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaraha Saameyeen ayaa waxay deeq gaarsiisay Tuulada Weeroow oo ka tirsan Tuulooyinka Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool
Dadka tuulada ku nool cadadkooda waxaan lagu qiyaasi karaa ilaa 400 qoys intooda badan waxay ahaayeen dad Xoola dhaqato ah balse ay...
Hooyo Sacdiya : Waa Hooyo la Nool Cudurka HIV/AIDS waxay Haysataa Lix Caruur ah oo Agoon waxay u baahan tahaya in loo gargaaro.
“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…
Tan iyo markii ay dhaceen dagaalada Sokeeye dadka Soomaaliyeed waxaa isugu darsamay Sadex waxyaabood oo Alla laga Magan galo oo kala ah Colaad, Abaar iyo Cuduro...
Arday soomaliyeed oo dhan 41 ayaa habeenkii xalay ahaa Xaflad qalin jabin ah loogu qabtay magaala madaxda dalka suudaan ee Khartuum.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay 41-arday oo ka qalin jebisay Kulyadaha kala duwan ee Jaamacadaha Suudaan ayaa lagu gudoonsiiyay shahaado kala duwan, iyadoo ardaydan ay ahaayeen kuwo u dhabar adeegay waxbarashadooda mudadii ay dhiganayeen Jaamacada.
Arday qalin jebisay oo wajiyadooda ka muuqatay farxad ayaa isugu jiray, ragg iyo haween, waxaa ka dhex muuqday dad waa weyn,...
Xaafada Xorgoble Ee Qardho oo ku Guulaysatey Kadis Aqooneedkii shirkadda Golis Ee la Qabtey Bishii Ramadaan.
Xaafada xorgoble ee magaalada Qardho caasimada gobolka karkaar ayaa ku guulaysatey kadis aqooneedkii ay maalgalisay shirkadda Golis oo ay faafisay warbaahinta caalamiga ah ee SBC Radio.
Kadiskaas ayaa waxaa ka qayb galay 24 xaafadood oo ka tirsan gobolada puntland,kaasoo ahaa mid aad u xiiso badan oo qanciyey dhammaan dadka ku nool gobolada puntland.
Ugu danbeeyntii tartanka kadiska bisha ramadaan...
Ururka Samafalka ee Somali Women and Children Rescue Organization (SWACRO) oo kulan la qaadatey Mercy Malaysia
Iyadoo Hayado Fara badan ay ku soo qulquleen Magaalada Muqdisho ka dib markii dad fara badan oo ka soo cararey Abaarta ay soo gaareen Magaalada Muqdisho iyadoo taasi ay jirto ayaa Ururka Samafalka ee Somali Women and
Children Rescue Organization (SWACRO) Xubno ka tirsan Ururka waxay Xafiiskooda ku qaabileen Masuuliyiin ka socotey Hayadda Mercy Malaysia oo Howlo indha indheyn ah u yimid Magaladda...
Baaq Nabadeed: Reysal wasaaraha DFKMG oo baaq u diray dirirta Gaalkacayo
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasoo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku baxay dagaaladaasi, wuxuuna Alle uga...
Baaq Nabadeed:Ugaaska Awrtable oo baaq u jeediyey dirirta Gaalkacanyo
Ugaas Cumar Geelle Maxamed ayaa ka codsanaya waxgaradka, isimada, culumaaudiinka, haweenka, dhalinyarada ee beelaha walaalaha ee wada dega gobalka Mudug inay si wadajir ah uga qayb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo sida ugu dhaqsaha badan.
Waa in labada dhinac ay joojiyaan colaada islamarkaana ay ka fogadaan hadalada iyo ficilada dadka sii kale fogeynaya, waxaan...
Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada DFKMG
Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay shalay isugu yimaadeen waxay
kaga hadleen arrimo ku aadan ammaanka iyo hubka sida sharci darada ah loogu dhex sito magaalada iyo weliba midka lagu iibiyo qeybo ka mid ah magaalada sida suuqyada iyo meelo oo qarsoon iyagoo go’aano ka soo saaray arrintan.
Shirkan oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah Mudane...




