Home » Warar
Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo Dilka Shiikh Cabdulqaadir Gacameey ku Macneeyay mid Lagu Doonayo in Dadka Lagu Indha Tiro.
Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyyed Shiikh Bashiir Axmed salaad ayaa ka hadlay Dilkii maalinimadii Shalay magaalada garoowe lagu Dilay Shiikh Cabdulqaadir Nuur faarax . Guddoomiyaha ayaa sheegay in dilkaasu yahay mid looga dan leeyahay sidii loola dagaalami lahaa dadka wax galka ah oo ay ka mid yihiin Culumada, Aqoonyahanka iyo Dadka wax galka Bulshada u ah.
Shiikh Bashiir oo hadalkiisa...
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo Lagu Diley Garoowe
Inaa Lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun…
Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa galabnimadii Jimcada Ferbaayo 15, 2013 lagu dilay gudaha Masaajid ku yaal bartamaha magaalada Garoowe.
Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ahaa sheikh siweyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa waxaa toogasho gacan ka xaqdarani ku dishey gudaha Masjidka Beder isagoo markaas tukanayey salaadii casar ee galab Jimce
Wararka ugu horeeyey...
Xaflad Qalin Jebin Ardayda Dugsiga Quraanka ee Markazka Dar-ul-Hijra -Toronto
Waxaa maalinki Axadda ee Febraayo 10-keeda,2013 lagu qabtay xarunta weyn ee Markazka Dar-ul-Hijra –Totonto, Canada xaflad taariikhi ah oo si wacan loo soo agaasimay oo loo qabtay ardaygi ugu horreeyay ee ku dhammeeyay Quraanka Markazka muddadi yareyd ee uu furnaa. Ardaygaas oo lagu magacaabo Adam Abdi Hodan waa Allah mahaddiise waxay ku qaadatay in uu ooga qalin jabiyo Dugsiga Quraanka ee xarunta...
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ku Geeryooday Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyihii Fulinta Ahlu Sunna oo loo qaadey Guriceel si halkaasi loogu Aaso
Waxaa habeenkii Khamiista ahaa Gudaha Magaalada Muqdisho ku Geeryooday Marxuum Shiikh Nuur Cali Aadan oo ka Tirsanaa Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa u dhintay Jirro Caadi ah oo la sheegay in ay ku soo booday kaasoo markii Isbitaalka la geeyay halkaas ku Geeryooday.
Xildhibaankan Geeryooday...
Shirkadda FRUITSOME oo Heshiis Caalami ah la gashey Shirkadaha DOLE iyo DEL MONTE
Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka lagu soo Gabagabeeyay Shirweyne Caalami ah oo looga hadlay Dhoofinta Mooska iyo Miraha kale kaasoo socdey 6-9 Bishaan waxaana arrimo ku saabsna Shirkaas iyo Heshiisyo ay soo gashey Shirkadda Fruitsome ayaa Xarunteeda Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtay Shirkadda Frutsome oo iyadu shirkaas ka qayb gashay.
Ugu horeynba waxaa Shirkaas ka hadlay Guddoomiyaha Shirkaddaasi...
Xeerka Saxaafadda ee ay Dowladu Dooneyso in ay ku Dhaqdo Saxaafadda Madaxa Banaan
Halkaan ka akhriso Xeerka Saxaafada Madaxa Banaan ka soo horjeedaan –
–
Xeerka Saxaafadda iyo Warbaahinta
Horudhac;
Warbaahintu waa adeeg daruuri u ah bulshada, waxtar weyna u leh. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa :“War la helaa, talo la helaa” murti kale oo Soomaliyeed waxay leedahay: “Muslimow run sheeg, Muslimow ka rumayso”. Xikmado kale oo badan oo ku jira dhaqanka iyo saqaafadda...
Dowladda Federaalka oo u Muuqata in ay Xaar- Xaaraneyso Wadadii Dowladii ka Horeeysey ee uu Khilaafka Hareeyey.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo isku khilaafsan sidii loo maarayn lahaa Lacago Deeq ah oo laga heley mid ka mid ah wadamada Khaliijka… Sidoo kale waxay isku khilaafsan yihiin qaabka amaamul u samaynta Kismaayo…
iyo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isku khilaafsan xil ka qaadistii Gudoomiyihii Gobolka Bay Cabdi Fitaax Geeseey….
Madaxweynaha Dowladda...
Warsaxaafadeed: Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Si Kulul Cambaareeyey Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Galkacyo
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFS Ayaa Si Kulul Cambaareeyey Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Galkacyo, waxana uu u qornaa sidan:
Moqdisho, Feb, 11, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay magaalada Galkacyo kaas oo ay ku dhawacmeen ciidamo ka tirsan Booliska iyo...
Beesha Asharaaf oo ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Caleema saartay Ugaas Cusub
Waxaa Hatelka Dooxa 2 ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey, taasoo ku saabsaneyd Caleemo Saarka Ugaaska ama Malaaqa Beesha Asharaaf waxaana ka qaybgaley Caleemo Saarkaas Ugaasyo, Malaaqyo, Nabadoono, Garaadyo, Xildhibaano iyo Masuuliyiiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Marti Sharaf kale oo lagu Casuumey Caleemo Saarkaas.
Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley...
Shuruuc loo Samaynayo isgaarsiinta ka howlgasha Soomaaliya sida Shirkadaha Telefoonada, Internetka, iyo Warbaahinta qaybaheeda kala duwan
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah U Furay Siminaar Looga Hadlayo Xeerka Isgaarsiinta Iyo Warbaahinta.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in tababar labo cisho soconaya oo ka furmay Muqdisho looga hadlayo “sidii shuruuc loogu samayn lahaa Isgaarsiinta ka howlgasha dalka gudihiisa sida Shirkadaha Telefoonada, Internetka, iyo Warbaahinta...
Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq ay soo Dhiibeen Walaalaha Muslimiinta Waqooyiga Ameerika ka qaybiyey Magaalada Muqdisho
Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) waxay Gargaar gaarsiisey dad Indhoolayalaal ah oo ku jira Kaamka Indhoolayaasha ee Dergamada wadajir , Ardey iyana Ina Indhoolayaal ah oo dhigta Dugsiga Indhoolayaasha ee Al Nuur sidoo kale waxay Deeq u badan Joodariyaal ay gaarsiisey dad ku jira Isbitaalka dadka Dhimarka La’ ee Ahlu Khayr waxay dadka la siiyey Deeqdaas Gargaarka ay ku kala...
Golaha Wasiirada oo erey bixin cusub u sameeyey maamul u sameynta gobalada dalka
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in shir ay yeesheen Golaah Wasiiradu “ay erey bixin cusub u sameeyeen maamul u sameynta gobalada dalka, oo maanta kadib ay isku raaceen in loo isticmaalo “Maamul u sameysashada Gobalada dalka”. Maadaama ay gobol iyo degmo kasta xaq u leeyihiin inay iyagu iska soo dhex doortaan dadka hogaanka u noqonaya, taasoo Xukuumaduna...
Aabbe Muxyadiin “Xaaskeyga waa la Kufsadey, Xukunkii Shalayna wuxuu ahaa mid Cadaalodaro ah
Dowladda , Garsoorka,Xeer Ilaaliyaha iyo Booliiska oo ku Goobtey Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul
Ban Ki Mon”Aad buu ii Niyad jabyey Xukunkii lagu ridey Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul”
Wariye Cali Muuse Cabdi “ Xeer Ilaalinta Qaranka waxay noo Muujisey Cadaawada ay u Hayaan Saxaafadda
Dowladda Mareykanka oo Xukunkii Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Luul ku Tilmaamey mid Goodis ahaa.
Caydiid...
Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Haweeneydii la Kufsadey oo Min Hal Sanno oo Xarig ah lagu Xukumey
Qareenada u Doodayey Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul oo Racfaan ka qaatey Xukunkaasi
Cabdulaahi Shiikh Xasan, Xasan Cali Geesey, Maxamed Ibraahim Bakistaan iyo Eng Sidow Xasan Mahdi oo Xukunkaasi ku Tilmaamey Cadaalodarro tii ugu Weyneyd
“Waxyaabaha la yaabka lahaa ee Xeer Ilaaliyaha uu halkaa ka sheegey waxay ahayd markii Hooyo Luul Canuga ay Nuujineyso uu ku tilmaamey mid iyada...
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqay Guddi Madax banaan Oo Baaritaan Ku Sameeynaya Xadgudubka Ka Dhanka Ah Xaquuqda Aadanaha
“Kufsiga iyo dilka wariyayashu waa laba arrimood oo ah ku xadgudub xuquuda bani’adamka aad ayeeyna noo xanuujinaysaa arrinkaas ka dowlad ahaan maahan mid aanu u dulqaadanayno inay sii socoto,” sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaaraha DFS oo intaas raaciyey “Si aan dadaalkeena u sii kordhino waxaan maanta samaynay Gudigan madaxa banaan oo talo naga siin doona arrimaha la xariira kufsiga iyo...
Dowladda Federaalka oo uu soo Wajahey Cadaadis Caalami ah oo ku aadan Dacwada Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Dadka kale ee la xiran
Xasan Shire Shiikh “Markii hore ayaa Dacwdaan Madaxeedii Majo loo rogey marka waxaa ku talinayaa ….
”Dowladda Federaalka waxay dooneysaa in Shaarkeeda uu u Caddaado, Hayada ku lugta leh Dacwdaan waxay Dooneysaa in ay Nadiif ka noqoto Kiiskaan, halka Booliiskuna uu doonayo in isna Shaarkiisa u Caddaado, marka waxaa meesha ku dhibaateysan waa…”
Waxaa maanta oo Talaado ah Taariikhduna...
Xasilinta sarifka lacagaha qalaad iyo hindise-sharciyeedka dhismaha maamul u samaynta gobollada Somaaliya
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka ayaa tibaaxay in Golaah Wasiiradu ay isku raaceen “in Xukuumadda Soomaaliya ay tillaabooyin deg deg ah ka qaadan doonto xasilinta sarifka lacagaha qalaad, Iyadoo Xukuumaddu la kaashaneysa ganacsatada iyo hay’adaha arrintaan wax-ka qabashadeeda gacan ka geysan kara.”
Sidoo kale “Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay hindise-sharciyeedka...
Dacwadii loo haystey Wariye Cabdicasiis Koronto oo lagu Tilmaamey Dacwad Dhinac u Janjeerta
Hooyo Luul “Qoraalkii aad iga Sameysey ayaan ku heley Xoriyadaan yar “
Dacwada oo mar kale dib la isugu soo laaban doono Maalinta Talaada
Waxaa Maanta Markii Sadexaad Maxakamada ka soo Hor muuqdey Wariye CabdiCasiis Maxamed Nuur oo loo yaqaan CabdiCasiis Koronto iyo Afar ruux oo kale oo lagu haysto in ay Sameeyeen ma iska kaashadeen Fal been Abuur ah oo ku saabsan Kufsi balse mar ay ka hor hadleen...
Sudan: Indhoole Soomaaliyeed oo Shahaadada Master Degree-ga Qaatay
Maxamed Axmed Maxamuud oo Dadka u yaqaanaan (Maxamed Indhool) waxaa uu ku dhashay Indhoolanimada, hasa yeeshee waxaa uu u istaagay sidii uu dadka kale uu ula mid noqon lahaa waliba dhanka Waxbarashada.
Maxamed waxa uu Bachelor- kaga soo qaatay Magaalada Muqdisho,kadibna Shahaadada Masterka ayuu hadda ka qaatay Jaamacad ku-taal Dalka Sudan oo lagu magacaab International Ifriiqiya University waxaana...
Ra’iisal Wasaaraha DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/midoobay arrimaha Siyaasada
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bilowday sidan:
Arbaco, January, 30, 2013—–Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/midoobay arrimaha Siyaasada Jeffrey Feltman waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, dowrka ay dooneyso in Q/midoobay...
Daladda SOYDEN oo Degmooyinka Gobolka Banaadir ka oo Furtey Wajigii Labaad ee Barnaamij loogu Magacdarey Tiraanyo Bixin
Waxaa Hotelka Palace City ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad uu soo qabanqaabiyey Dallada SOYDEN taasoo ku saabsaneyd Wajiga labaad ee Barnaamij loogu Magacdarey Tiiraanyo Bixin kaasoo ka soco doono muddo Laba Bilood ah 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir,waxaana ka qaybgaley Guddiyada Nabada ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Wasiiro, Madaxda Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka...
Haweeneydii la sheegey in la Kufsadey oo Maxakamada ka hor caddeysey in la Kufsadey, maxkamadana ka codsatay caddaalad
Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Dadkii kale ee la xirnaa oo mar kale la Hor keeney Maxkamad.
Gabar ka mid Dadkii la Xirnaa Cabdicasiis Koronto oo uu Awoowe u yahay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed oo la sii Daayey
Jan 29, 2013 Maxkamadda Sare ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la horkeeney Wariye Cabdicasiis Nuur Maxamed (Korornto) iyo Shan Qof oo kale kuwaas oo Ciidamada Booliiska ku eedeeyeen in...
Diblomaasiyiinta aan ku imaan Xarunta Wasaaradda Xilligii loo qabtay waxaa loo aqoonsaday inay ka tanaasuleen howshii ay Wasaaradda u hayeen: Warsaxaafadeed
War-saxaafadeed (FOR IMMEDIATE RELEASE) –
Kulan balaaran oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga , kana soo qeybgaleen inta badan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradaha Soomaaliya ee looga yeeray 10-ka bishan January Xarunta Wasaaradda , ayaa waxa ay wasaaraddu ku shaacisay go’aan rasmi ah kadib markii madaxda sare ee Wasaaradda ay falan-qeeyeen...
Ra’iisal Wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii Fashilmay ee qof naftiisa haligay ku soo qaaday Madaxtooyada
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha:
January 29, 2013——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa cambaareeyey weerarkii Fashilmay ee uu nin naftiisa Hiligay ku soo qaaday meel ku dhow hoyga uu degan yahay oo ku yaala Xarunta Madaxtooyada.
Weerarkan oo uu ku dhintay mid ka mid ah Askartii illaalada ka aheyd...
Faahfaahin Dheereed ku saabsan Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Agagaarka Guriga Raiisul Wasaaraha ee Vila Soomaaliya
Subaxnimadii hore ee saaka (Jan 29, 2013) ayaa inta badan oo Magaalada Muqdisho ah waxa laga maqlay Qarax xoog leh oo gil gilay Jawiga Magaalada Muqdisho ay ku waabariisatay,Qaraxan ayaa warar is khilaafsani ka soo baxayaan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu ahaa Ruux Isa soo Miidaamiyay kaasoo ku lebisnaa Direyska Ciidamada Dawladda.
Qaraxan ayaa sida lagu soo waramayo waxa uu ka dhacay Nawaaxiga...




