Home » Warar

Dhulka iyo Badda Soomaaliya

Nov 15, 2015
Sawir gacmeed uu sameeyey amiinarts oo uu ku muujinayo in dhulka Soomaaliyeed ay kenya gudaha u soo gashay taas oo sawirka ku hoga tusaalaynayo madaxda DFS …. …. ….  Read More →

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyey dilkii Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurhan.

Nov 8, 2015
War-saxaafadeed: Mogadishu, 09 November 2015 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Omar Abdirashid Ali Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii, saaxiibada iyo dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurxan. Xildhibaan Gurxan ayaa u geeriyooday dhaawac ay shalay u geysteen kooxo hubeysan xili uu ku sugnaa degmada Xamar Wayne ee... 

Maxaa loo yiri Shabaab waa la eryey !!

Nov 1, 2015
Magalaada Muqdisho saaka aroortii waxa laga maqlay qarax xoogan kaas oo lala bar-tilmameedsaday Hodheelka Saxafi, qaraxa ka dib waxaa gudaha Hotelka u galay kooxdii weerarka ka danbaysay waxayna faleen wixii ay faleen, marka laga yimaado dadka rayidka ah iyo waardiyaasha hoteelka iyo weliba kooxdii Weerarka soo qaaday waxaa halkaas ku geeriyoodey milkiilihii hoteelka Ganacsade Cabdi Rashiid Shire Ilqayte,... 

Shirweynihii Sugidda Cuntada, U adkaysiga Aafooyinka iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada‏ oo Muqdisho lagu soo Gabgabeeyey

Oct 25, 2015
Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo Gabgabeyey Kulan looga hadlayey Fatahaada iyo Roobabka la filayo in ka da’aan dalka , waxaana Kulankaas ka qayb galey Wasaarada ay Khuseyso, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyadoo Kulankaas uu furey Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib Mar uu ka hadley Furitaankii Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya,... 

Waa maxay Jawaabta uu Madaxweynaha DFS u hayo Shacabka Soomaaliyeed, mar haddii …..

Oct 19, 2015
ay Kenya ganafka ku dhufatay dacwaddii ay DFS u gudbisey maxkamadda adduunka… Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa durbadii uu xilka qabtay waxa uu xogiisa isugu geeyey sidii uu shacabka Soomaaliyeed uga dhaadhicin lahaa in Soomaaliya aysan lahayn dhul-badeed u xadaysan – ayadoo la ogyahay in ka badan 40 sano in Soomaaliya lahay xeer badeed Law no .37. Waxa uu marar badan u... 

Sababta aay Kenya ku diiday dacwada, waa qorsheeyaal LOOGU talagalay in loo gudbo Plan B

Oct 19, 2015
Sababta aay Kenya u diiday dacwada ICJ, waa qorshe cusub oo aay wadato. Plan B. Sidaan la wada soconno Kenya waxaay rabtaa in  aay ka faa iideysato warbixintii aay soo qortay Qaramada Midoobay oo ah sidatan:- https://somalitalk.com/2011/badda/difaac64.html Quote:- Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii... 

DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED OO DHAN WAXAA QAMDARAAS SHIIDAAL BAARIS LOO SIIYAY NORWAY.

Oct 17, 2015
2015 Norwey waxaay HANTISAY dhulbadeedkii Soomaaliya oo idil in aay kaligeed SHIIDAAL BAARIS ku sameyso. 1980kii ayaa shirkadihii horay u joogay ka buriyeen Soomaaliya. Linkiska hoose ka arag ama linkiska xiga ka dhageyso. https://somalitalk.com/2009/may/13/badda125.html http://somalitalkradio.com/cod/2011/fariinta_wadaniga_bashiir1.mp3 DHULBADEEDKA HARAY OO AH:- HOBYO ILAA RAS KAMBOONI WAXAA HESHIIS... 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo heshiis lagu bixinayo mushaarka Ciidamada Xooga la saxiixday dowladda Imaaraatka Carabta

Oct 17, 2015
Muqdisho, 17, Oct, 2015….Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Farketi ayaa maanta heshiis ay dowladda Imaaradku ay ku bixinayso mushaarka ciidamada kula saxiixday Safiika Soomaaliya u qaabilsan Dowladda Emiratka Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi. heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasaaradda Gashaandhga oo dhankeeda u saxiixay Abaanduulaha Ciidamada Jen. Cali... 

W. Maaliyada XFS oo ka soo qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee IMF iyo Bangiga Aduunka ayaa saaka dalka dib ugu soo noqday

Oct 16, 2015
Muqdisho, 15, 2015…..Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibrahim “Farkeeti” ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay magaalada Lima ee wadanka Peru ay uga soo qeyb galeeen shirkii sanadlaha ahaa ee Bangiga Adduunka (World Bank) iyo Hay’adda Lacagta ee Caalamka (IMF). Wasiirka ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha... 

Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .

Oct 16, 2015
New Delhi, October 16, 2015 – Illaa iyo 20 diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar diblomaasiyadeed oo socday muddo 30 cisho ah ( Hal bil ) loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada New Delhi ee caasimadda India . Tababarkani oo lagu qabtay Machadka Diblomaasiyadda ( Foreign Service Institute ) ayaa diblomaasiyiintani... 

Qaladaadkii Warbaahinta ee Shilkii Diyaaradda ee Muqdisho

Oct 15, 2015
Intii war qalad ah uu kaa bixi lahaa waxaa wanaagsan in warka aad tebinayso uu Daaho,warbaahinta Soomaalida waxa ay habeenkii isniintii oct 13, 2015 ahaa ay aad u tabinayeen warka la xiriira Diyaarad dul hee-haabaysay Garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.Inta badan waa ay adkeyd in la helo xogta saxda ee Diyaaradda waxaase markii dambe dadka xog ogaalka ah ee leh ila Wareedka wanaagsan ay heleen in Diyaaradda... 

Dood wadaag: Qof iyo cod 2016 iyo Soomaaliya oo ku jirta gumeysi maldahan

Oct 4, 2015
Barnaamij uu baahiyey Tvga universal oo ay ka qaybqaateen xildhibaano Soomaaliyeed ayaa looga dooday sida ay suurtagalka ku noqon weydey in qof iyo cod 2016 uu ka dhaco Soomaaliya, waayo dalku wuxuu ku jiraa gumeysi… In la garab maray dastuurka Soomaaliya, in aan lala tashan baarlamaanka .. In aan talo faraha ugu jirin soomaalida… Daawo videoga  Read More →

Daladda SOSENSA oo Dalbatey in Xoriyadooda dib loogu soo celiyo Wariyayaasha TV-ga Universal

Oct 4, 2015
Warsaxaafadeed SOSCENSA waa Dalladda matasha Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Soomaaliya, xiriir wadashaqeyneedna uu kala dhexeeyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka dalka. SOSCENSA waxay si toos ah u meteshaa; dalladaha bulshada rayidka ah, ururrada xirfadleyda Soomaaliyeed, dalladaha waxbarashada, ururweynaha isutagga Shaqaalaha Soomaaliyeed, iskaashatooyinka, qeyba ka tirsan saxaafadda madaxa bannaan,... 

Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego

Sep 27, 2015
Warbixin dheer oo uu qoray ururka ECOTERRA (July-Sept 2010) oo ku saabsan badda Soomaaliya ayaa cinwaankiisu ahaa “Dhul-badeedka Soomaaliya: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego.” Warbixinta oo ka kooban dhawr qaybood waxay u qoran tahay qaab ah “beenta la sheego,” iyo “xaqiiqada jirta,” oo jawaab u ah. Qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri:  Read More →

Shabeelada Hoose Fiyatnaamtii Soomaaliya

Sep 21, 2015
Maalin Waliba waxaa Maqanaa ama Daawanaa in Deegaano ka tirsan Gobolka Shabelada Hoose ay ka dhaceen , Dagaalo,Qarax, Dil, Ismiidaamin, AFduuub iyo wixii la mid ah , waxaa markii Dambe na soo gaarey in Xerooyin ku yaala Gobolka loo dhacay oo wixii ku jirey halkaas lagu laayeeyey waxayna Dhacdooyinkaan ay imaanayeen markii Ciidamada AMISOM ay gaareen Gobolkaa oo ah Gobol Keymo badan oo Beeraha... 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo ka tacsiyeeyey geerida Sh. Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum

Sep 21, 2015
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Muqdisho, —–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta U.A.E oo wiilkiisa Sheekh Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum uu ku geeriyooday maanta magaalada Dubai. “Innaa lillaahi wa inaa Illeyhi... 

Wasiirka Maaliyadda ayaa si diiran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista miisaaniyada 2015

Sep 13, 2015
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaaliya mudane Maxamed Aden Farkeeti ayaa si diiran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista lagu sameeyey miisaaniyadda, 2015, isagoona ku tilmaamay iney tahay talaabo looga hortagayo isu dheeli tir la’aanta dakhliga dowladda iyo kharashaadka baxaya kadib markii uu gaabis ku yimid qoondadii ay ku kabi lahaayeen deeq bixiyayaasha caalamka ee miisaaniyadii... 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo Tacsi u diray Ummadda Muslimiinta dhimashada

Sep 13, 2015
Muqdisho, September 12, 2015—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ku hadlaya magaca Xukuumada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Muslimiinta, waxa uuna uga tacsiyeeyey dhimashada dadkii ku shahiiday magaalada Barakeysan ee Makkah, dalka Sucuudiga. “Waxaan tacsi u dirayaa ehelada shacabkii Muslimiinta ahaa ee ku shahiiday mashaqadii ka dhacday Magaalada Barakeysan ee... 

Golaha Wasiirada oo war ka soo saaray dagaalka Caabudwaaq iyo lacago been abuur ah

Sep 11, 2015
Muqdisho, -Golaha Wasiirad ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dagaalkii ka dhacay degmada Caabud-waaq ee degaanada maamulka Galmudug iyo lacago been abuur ah oo dhowaan soo galay qeybo ka mid ah suuqyada dalka. Golaha... 

Soomaalida reer Minnesota oo diidey hindise sharciyeedka cusub ee Soomaalinimada ee ay wado Dawlada Soomaaliya

Sep 8, 2015
DIIDA DAN SOOMAALI MA AHAN Qoraalkan kooban waxaan si kooban uga faaloonayaa shirkii shalay Sept. 6, 2015 ay Soomaalida Minnesota oo si sharaf leh u diiday hindise sharciyeed cusub ee sharciga dhalashada ee Soomaalinimada. Kulan aan si fiican loo shaacin ayaa Wasiiru dowlaha arimaha gudaha ee Soomaalia, Mudane Abdirashid Maxamed Xidig, wuxuu la kulmay qeyb ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota... 

War Saxaafadeed: Adkaynta Dhidibada Dhaqanka iyo Kobcinta Xirfada Farshaxanka

Sep 8, 2015
Muqdisho… Sebteembar 7, 2015: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxay manta si rasmi ah u xirtay wajigii kowaad ee Ollolaha soo Noolaynta Dhaqanka iyo Farshaxanka oo muddo afar bilood ah si balaaran uga socday degmooyinka gobolada Banaadir, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose. Ollolahan ayaa si balaaran uga hirgalay dalka oo dhan sanadka 2015,... 

Somalia: Ra’iisal wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii lagu qaaday AMISOM

Sep 2, 2015
Ra’iisl wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM Muqdisho, September 1,2015—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday saaka aroortii xero ay deganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM, kuna taala degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose. “Waxaan... 

Bandhig loogu Magacdaray Mogadishu International Book Fair oo markii ugu horeysey Muqdisho lagu qabtey

Aug 29, 2015
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho ka furmey Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho ( Mogadishu International Book Fair ) kaasoo socon doona muddo Saddex Cisho ah , waxaana ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Bulshada Rayidka , Qorayaal , Hal Abuurayaal, Ardeyda Jaamcadaha, Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed , Dhalinyaro Haween iyo Marti Sharaf kale . Ugu... 

Kulankii Golaha wasiirada oo markale looga hadlay arrinta mooshinka

Aug 28, 2015
Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kala duwan Muqdisho, August 27.2015——Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Amniga, warbixin guddiyadii... 

Dalladda SOSCENSA oo War Saxaafadeed ka soo saartey Mooshinka laga Gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya

Aug 25, 2015
SOSCENSA waa Dalladda ugu ballaaran ee Matasha Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Soomaaliya, xiriir wada shaqeyneedna uu kala dhexeeyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka dalka. SOSCENSA waxay si toos ah u meteshaa; Dalladaha bulshada rayidka ah, ururrada xirfadleyda Soomaaliyeed, Dalladaha waxbarashada, Ururweynaha isutagga Shaqaalaha Soomaaliyeed, iskaashatooyinka, qeyba ka tirsan Saxaafadda Madaxa bannaan,...