Home » Warar
Golaha wasiirada oo ansixiyey Heshiis is afgarad ah oo xukuumadu la galayso Baarlamaanka
Shir ay galabta isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirrada oo uu shir guddoominayey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda F.S. Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa looga dooday heshiis isfaham oo u dhexeeya Golaha shacabka Baarlamaanka Fedaraalaka Soomaaliya iyo golaha Wasiirada xukuumadda oo kusaabsan dardargalinta dejinta shuruucda hortabinta u leh kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Hoos...
Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka digey in Shirka Baydhabo lagu sameeyo Faregelin
Muqdishu: Wararka ka imaanaya Magaalo Madaxda Gobolka Bay ee Baydhabo ayaa sheegaya in uu soo baxay Khilaaf u dhaxeeya Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Gobolada Koofur Galbeed iyo Odyaasha dhaqanka ee Ergooyinka ah. Warka ayaa waxaa uu intaa ku daray in qaar ka mid ah Odoyaashii Ergada ahaa in ay bilaabeen in ay...
Madaxwayne Xasan waan usoo duceeyey dadka iyo dalkaba, madaxdda dowladuna waa midaysantahay
Daawo: Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa dalka dib ugu soo noqday, kadib markii uu kasoo noqday gudashada Xajka. Madaxwaynaha ayaa xusay arimo dhowr ah oo ay kamidtahay, inuu usoo duceeyey in duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya la nooshay illaahay ka saaro, sidoo kalena in illaahay aafooyinka Abaaraha iyo daadadka ka qaado, sidoo kale wuxuu ka hadlay in la buun buuniyey hadal hada...
Gudashadii Xajaka oo guul ugu soo dhamaatay Muslimiinta
Dowlada Sucuudiga ayaa sheegtay in si guul ah ugu soo dhamaaday
Xujeydii timid Makkah sanadkaan, iyadoo in ka badan labo milyan oo qof
ka soo daafaha caalamka sanadkaan.
Dowlada Sucuudiga ayaa xil weyn iska saartay sidii loo yareyn lahaa
khasaarooyinka ka dhasha ciriiriga xad dhaafka ah ee ka jira Dawaafka
Kacbada iyo Dhagax tuurka, waxaana dowaldu diyaarisay ciidamo aad u
faro badan oo habeen iyo...
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada oo Daafurey Olole looga hortagayo Cudurada Jadeecada Iyo Dabeysha
Ololahaan oo si rasmi ah u Bilaaban doono 11-15 Oktoobar 2014
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa waxaa uu Daahfurey Ololaha la doonayo in Caruurta ka yar Shanta Sano laga talaalo Laba Cudur oo kala ah Cudurka Jadeecada iyo midka Dabeysha,waxaana Ololahaa Xoogiisa uu ka bilaabanayaa Gobolka Banaadir iyo Gobolka Jubada Hoose oo ah laba Gobol oo laga soo Calaamadeeyey Xanuunadaas .
Halkaan...
Wararkii ugu Dambeeyey Soomaaliya Maanta. Dhagayso
Xukuumadda Soomaaliya oo Baaq Digniin ah u dirtay Wadamada la deriska ah
Somalitalk Muqdisho: Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa baaq u diray Dalalka Soomaaliya la deriska ah isagoona uga digay Khatar uga iman karta Dagaalyahanada Xarakada Shabaab. Cabdiweli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Dalalkaasi ay sameeyaan Feejignaan dheeraad ah kana digtoonadaan inay...
Warbixin dhamaystiran oo ku saabsan shirweyanah Midnimo kow ee Garbahaarey.
Wejigii koowaad ee shirweynaha wadatashiga iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Gedo, ayaa ka furmay magaalada Garbahaarey , iyadoo xafladdii furitaanka shirka ay kasoo qeybgaleen madax ka tirsan dowladda, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo qeybaha bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.
Intii ay xafladdu socotay ayaa waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan, waxaana halkaasi ugu horeyn ka hadlay gudigii shirka...
Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo soo Gabagabeysey Barnaamij Hilbo Qaybin ah oo ku Aadan Ciidul Adhxaa.
Hay’ada Humanitarian African Relief Organization ee Marka la soo gaabiyo la yiraah (HARO) oo inta badan ku howlan taageerida Dadka tabaaleysan, ayaa waxay soo gabagabeeyesey Barnaamij Xoolo Qaybin oo ku aadan Ciidul Adhxaa , waxayna Barnaamijkaas ka fulisey Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan Xerooyin ay ku jiraan Dad Barakacayaal ah iyo dad naafo ah.
Intii ay ka socotey Hilbo Qaybintaas...
Sidii looga Ciiday Seattle Washigton, Sweden iyo Gaalkacayo- Al-Adxa 2014
Sidii looga ciiday Seattle Washington, Gaalkackayo iyo Sweden Flen Daawo oo ka bogo
Magaalada Seattle Washington ayaa si wanaagsan looga ciiday, waxaana ciida soo qaban qaabiyey Masaajidka wayn Abubakr Islamic Center of Washington. Waxaa goobta ciida oo ahayn sida sunnaha ah buux dhaafshay muslimiinta ku noo Seattle Washington, dadka ayaa aad u faraxsanaa isuguna hambalyeynay ciida Al-Adxa ee...
Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Oo Ka Dooday Naqshada Dhismaha Cusub ee Baarlamaanka “SAWIRRO”
Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay
maanta oo axad ah ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay kaga doodeen
naqshada dhismaha cusub ee Baarlamaanka iyo dhismayaasha xarumaha
Baarlamaanka uu ku yeelan doono gobollada dalka.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxaa
shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane
Mahad...
R.W Cabdiweli “Qabashada Baraawe waa dhammaadka Nabad-diidka Al-shabaab”
Warsaxaafadeed xafiiska raiisul wasaaraha:
Mogadishu, 6, October 2014– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (AMISOM) guulaha waaweyn ee ay ka gaareen howlgalka Badweynta India ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka. Wuxuna si gaar ah uga hadlay la wareegitaanka...
Dagaal ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka aynu ka heleyno degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay salaaddii subax kaddib uu halkaa weerar ka dhacay. Weerarkanayaa la sheegaya in ay soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Shabaab kuwaasoo bar tilmaameedsanayay Fariisimada Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Magaalada dibadeeda.
Dadka degaankaoo xili sii horeeyay Saxaafadda la hadlay ayaa...
Abaaraha ka jira Ogaadeenya oo galaaftay dad & duunyaba.
Wararka aan ka helayno Ogaadeenya ayaa sheegaya in ay jiraan kulayl aad u badan oo ka jira guud ahaan Gobalada Ogaadeenya kaas oo sameeyn weyn ku yeeshay dad & duunyaba.
Dad aad u badan ayaa usoo bara kacay Magaalooyinka waa weyn ee Ogaadeenya kuwaas soo cararay oonka & gaajada ay saamaysay Abaartu ayaga oo la sheegayo in ay duunyo badan u dhinteen abaarta oo ugu daran meelaha ka fog ceelasha...
Danjire Maxamed Cusmaan Cumar oo London ku geeriyoodey
TACSI MARXUUM DANJIRE MOHAMED OSMAN OMAR
Mogadishu, October 05, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh , Wasiiru dowlaha H.E. Buri’ Mohamed Hamza, Wasiir kuxigeen-ka H.E. Mahad Mohamed Salad,Kusimaha Xoghayaha joogtada Yusuf Ali Mohamed, agaasimayaasha guud,agaasimayaasha Waaxyaha,Safiirada,Qunsulada guud iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda...
Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo soo shaac baxay
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan Qirey in uu jiro Khilaaf Dhinaca aragtida oo u dhaxeeyo isaga iyo Raisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed.
Sidoo kale Raiisul Wasaaraha ayaa isagana Dhinaciisa qirey in uu jiro Khilaaf Dhinaca Fikirka ama kala duwanaanshaha aragtida , waxayna labadoodu sheegeen in kala duwanaanshahaasi uusan Caqabad ku noqon...
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu Qaabilsan Dhalinyarada oo Booqday Soomaaliya
Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumada Soomaaliya ayaa u qornaa sidan:
Muqdisho, 1 October 2014 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan dhalinyarada Mudane Ahmed Alhendawi ayaa booqasho laba maalmood ah ku bixiyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si uu madaxda Soomaaliya ugala xaajoodo kaalinta dhalinyarada Soomalaiyeed ee hindisayaasha dhismaha nabadda iyo...
Madaxweyne Xasan Shiikh oo 15-ka Oktoobar Tagaya Baariis ka dib markii uu Casumaad ka heley Shirkadda TOTAL
Qamar Haashim “Dacwada Badda ee ay Dowlada Gudbisey waa Dacwad lagu Maaweelinayo Dowladda iyo Bulshada Soomaaliyeed”
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh uu 15-ka Oktoobar ee soo socota uu gaaro Dalka Faransiis ka dib markii uu Casuumaad ka heley Shirkadda TOTAL sida ay noo sheegtey Qamar ShariifHaashim oo inta badan la socota Siyaasada Soomaaliya iyo mida Dibada
Qamar...
Ra’isulwasaaraha Oo Guddiga Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Uga Jawaabay Su’aallo La Xiriira Dekedda Muqdisho
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka ayaa u qornaa sidan:
Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa
Ra’isulwasaarha iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada weeydiiyey su’aallo
la xiriira wareejinta shirka Al-Beyraat ee dalka Turkiga lagu wareejiyey
dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ka...
Hay’adda HARO oo Biyo Dhaamin ka Bilaawdey Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo Xilli ay Abaaro ka jiraan.
Iyadoo Deegaano ka tirsan Dalka ay ka jiraan Abaaro Saameeyey dadka iyo Duunyada ayaa Hay’ada Huminetrian African Relief Organization (HARO) iyadoo taas ka duuleyso ayaa waxay Biyo Dhaamin ka Bilowdey Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo laga soo sheegey Biyo laan aad u daran iyo Abaaro .
Hayada HARO ayaa Deegaanada kala ah Daballo , Naaxiyo, Haarta Cad, Cabdi Ducaale, labi Dhukaan, Tuulo Ceel...
Admiral Faarax Qare: Badda Soomaaliya Waxaa Lagu Yahay Duullaan – Waraysi
Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, Admiral Faarax Cumar Axmad (Faarax Qare) oo Waraysi si qoto dheer uga hadlay Badda Soomaaliya waxa uu siiyey Telefihanka Somali Channel.
Admiral Faarax Qare oo ka hadlayey waraaqo ka dhan ahaa badda Soomaaliya ee lagu qaybiyey shirkii saraakiisha ciidamada dalalka Geeska Afrika ee bartamihii September 2011 lagu qabtay magaalada Victoria ee dalka Seychelles iyo...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo kulan la qaatay maamulka Dekadda iyo Xoogsatada
Muqdisho, 27, September, 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada ayaa maanta kormeer saacado qaatay ku tegay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, taas oo baryihii u danbeeyay ay ka jireen cabashooyin ay muujinayeen xoogsatada ka shaqaysa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo kormeeray dhammaan qeybaha ay ka koobantahay...
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka hadlay arrinta Badda ee Soomaaliya iyo xad-gudubka Kenya
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay arrimaha badda Soomaaliya iyo Kenya xad gudubkeeda, waxana uu shacbka Soomaaliyeed ka codsaday in difaaca badda laga taageero dawladda.
Waxa kale oo uu ka hadlay is-afgaradkii MoU, isagoo sheegay in khalaad ay ku jireen MoU oo ay aqoondarro iyo waayo-aragnimo la’ aani ay keentay, taas oo Kenya ka faa’iidaysatey. (Waxaa xusid...
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maanta dalka dib ugu soo laabtay
Warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya:
Muqdisho, 24, September, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ka dib markii uu safar shaqo ku tegay waddamada Britain iyo Norway. Xubno ka tirsan golayaasha dawladda, saraakiil dawladeed, ururada bulshada...
Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafddi uu Hoggaaminayo oo u dhoofay Dalka Mareykanka
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafddi uu hor kacayo oo ka duulay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho.
Xasan Shiikh iyo wefdigan uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda Magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaasoo uu kaga qayb galayo Shirka Caalamiga ee halkaa ka furmaya dhawaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sida la filayo wuxuu shirweynaha Caalamiga...




