Home » Warar
147 Aryday Somaliyeed oo Ka qalin jabiyay Sudan
147 Arday oo Somali ah ayaa waxay ka qalin jabiyeen jaamcaddaha ku yaalla dalka Sudan . xalay ayaa waxaa loo sameeyay Ardadaas xaflad qalin jabin oo si heer sare ah loo soo agaasimay .
Bandhig aad u heer sareeyay ayuu soo badhigay Midawga Ardada Somalia ee ka jira dalka sudan iyadoo la adeeg sanayo qalab casri ah ayaa mid mid waxaa dhalo wayn oo ay si fiican u wada arkayeen ka soo qayb galayaashii...
Suldaan Xuseen Xirsi Faarax oo ugu baaqay Umada somaliyeed inay Xasiloonida Dhowraan iyo In Fursad la siiyo Amaanka guud ee Somaliyeed
Suldaan Xuseen Xirsi Faarax oo ugu baaqay Umada somaliyeed inay Xasiloonida Dhowraan iyo In Fursad la siiyo Amaanka guud ee Somaliyeed
Suldaan Xuseen Xirsi Faarax ayaa ka hadlay xaaladaha Amaan xumo ee Umada somaliyeed waxaana uu si wayn uga hadlay dagaalada dadka masaakiinta ah ee mataada caruurya iyo Haweenka ah ku le,deen inuu yahay mid aan loo baahanayn in loo turo umada ilahayn waa shey muqadis...
UN: Shir wax looga qabanayo uunka oo sii kululaanaya
Xog haye guud ee QM Ban Ki-moon ayaa sheegaya in shir hal maalin ah, oo laga yeeshay cimiladda is badaleysa uu dar dar cusub galiyey dadaalka wax loga qabanayo uunka sii kululanaya,
xoghayaha guud ee QM oo ka hadlayay ka hadlayey xeritaanka shirkaasi ayaa ku amaanay madaxda caalamka sida ay ugu duubteen wax ka qabashada cimiladda hadalkiisana waxaa ka mid ahaa waxaa uu yiri “ isbadelka cimiladda...
Madaxweynaha DFKMG oo Cumraystay Madaxweynayaalna la kulmay
Warsaxaafadeed
Khamiis September 24, 2009
Madaxweynaha oo Cumraystay Madaxweynayaalna la kulmay
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
Madaxweynaha soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed waxaa maalintii talaadada(22-09-2009) u suurta gashay in isaga iyo wafdigiisa ay gutaan cumro, Madaxweynaha ayaa markii ay cumradu u dhamaatay wacdiyay Wafdiga la socday ka dibna kacbada dhexdeeda ugu duceeyay Wafdiga...
Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda KMG oo kullan la yeeshay Wariyayaasha Qurba jooga ah ee ku nool dalka Kenya
Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda KMG oo kullan la yeeshay Wariyayaasha Qurba jooga ah ee ku nool dalka Kenya
Wasiirka warfaafinta Dowladda KMG ee Somalia Mudane Daahir Mohamud Geele ayaa maanta magaaladda Nairobi kullan kulla yeeshay qaar ka tirsan Wariyayaasha Soomaaliyeed ee qurba jooga ah kuna nool dalka Kenya.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Mohamed Geele iyo Gudoomiye Siidii.
Wariyayaasha kullanka...
Wajeer: New Project in Wajir – Fadlan u kaalmee walaalahaaga dhibaataysan
NEW PROJECT IN WAJIR (KENYA)
FADLAN U KAALMEE WALAALAHAGA DHIBAATAYSAN
Qorshahan oo ku saabsan taakuleeynta caruurta aagoonta, naafada iyo indhoolayasha, dumarka iyo waayeelka, anagoo tagney magalaada wajeer, waxaan lakulanay dadkan oo aad u dhibataysan waxay nala noqotay inaan dar ilahay ugu gurmano.
Dadkan oo ay hayso cafimaad daro iyo daryeel la’an iyo baahi aad u daran oo xataa anay heysan...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo Deeq lacageed soo gaarsiisay Naafadda Xooga Dalka ee ku jirta Cusbitaal Martiini ee Muqdisho
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia oo Deeq lacageed soo gaarsiisay Naafadda Xooga Dalka ee ku jirta Cusbitaal Martiini ee Magaalada Muqdisho.
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah (GUJI)
Waxaa maanta deeq lacageed oo dhan 500-oo Doolar la soo gaarsiiyay Naadafada ku jirta Cusbitaal Martiini ee Muqdisho, iyadoo deeqdaasi lacageed ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka...
Safiirka soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan oo Cambaareeyey Qaraaxyadii lala beegsadey Xarunta Amisom
Safiirka soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan oo Cambaareeyey Qaraaxyadii lala beegsadey Xarunta Amisom
Safiirka Dowlada Federaalka u fadhiya Magaalada khartoum ee xaruunta wadanka sudan Prof: Mahdi Abukar ayaa si kulul u canbaareeyey falkii ismiidaminta ahaa ee dhawaan lagu weeraray xarunta ciidanka nabad ilaalinta u jooga caasimada soomaaliya ee muqadisho.
Waxa uu sheegay safiirka in uu si wayn u canbaareenayo...
Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo gabagabeeyey Dugsiga Agoonta ee SWACRO
Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo gabagabeeyey Dugsiga Agoonta ee SWACRO
Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah (GUJI)
Tartankaan oo ay maalgelinteedu laheyd shaqsiyaadka kala ah Xabiibo oo ah Fundraising Directorka SWACRO iyo saaxiibteed Ayaan oo qeyb weyn ka qaadatay, iyo dad ku kala nool Minnesota iyo Boston kuna sugan dalka Mareykanka ayaa ahaa mid ay ugu talagaleyn kor uqaadista aqoonka agoonta...
Jaaliyada Soomaaliyeed Magaalada Johannesburg oo Agoon , Barakacayaal, Bukaan iyo dadka Dhimirka la’ soo gaarsiiyey Deeq
Jaaliyada Soomaaliyeed Magaalada Johannesburg oo Agoon , Barakacayaal, Bukaan iyo dadka Dhimirka la’ soo gaarsiiyey Deeq
Halkan ka daawo Sawirro Dheeraad ah (GUJI)
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dalka dibadiisa ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxay bilaabeen in ay gacan siiyaan dadka soomaaliyeed ee dhibaatada ku jira 20 sanno Hadaba Jaaliyada somaaliyeed Dalka Koonfur afrika gaar ahaan kuwa ku...
Buundadii wabiga magaalada Godey oo uu gumaysigu burburiyey(Dumiyey)
Barnaamijkii Radio Xoriyo
21 September 2009.
Gudoomiyaha JWXO oo hambalyada ciidul-Fitriga hawada u marinaya shacabka Ogadenya.
Buundadii wabiga magaalada Godey oo uu gumaysigu burburiyey(Dumiyey).
Dagaalo iyo weeraro lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.
Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan gaadhsiiyey dad shacab ah.
Barnaamijka Salaamaha iyo tahniyadaha Ciidda Barakaysan...
Madaxweynaha DFKMG oo Booqasho ku aaday Boqortooyada Sucuudiga – Sept 21
Warsaxaafadeed
Isniin September 21, 2009
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku aaday Boqortooyada Sucuudiga
Villa Somalia- Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa saakay u anbabaxay Dalka Sucuudiga ka dib markii uu ka helay martiqaad Walaalkiis Boqor Cabdulaahi Bin Cabdul Casiis (Boqorka Boqortooyada Sucuudiga).
Madaxweynuhu inta uu Sucuudiga ku sugan yahay waxaa uu...
Farriinta Abuubakar as-saddiq ee Munaasabada Ciidul Fidriga sanadkan 1430 H
Farriinta Abuubakar as-saddiq ee Munaasabada Ciidul Fidriga sanadkan 1430 H
Allah ayaa mahad oo dhan iska leh oo inoo fududeeyay Soonka bisha Ramadaan iyo istaagida habeenadeeda, Allaah ha inaga aqbalo camalka suuban.
Waxaan muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan ummadda soomaaliyeed ugu bogaadineeynaa Munaasabada ciidul fitriga sannadka 1430 H
Kuna aaddan 9-20-2009 allaha ha inagu gaarsiiyo teeda...
Qaabkii Looga Ciiday Toronto Canada
Qaabkii Looga Ciiday Toronto Canada
Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah (GUJI)
Waxaa maanta isugo soo baxay kuna ciiday markazka weyn ee Dar-ul-Hijra ee ku yaal magaalada Toronto,Canada dadkii ugu faraha badnaa ee Soomaali ah oo dalkaan ku ciida. Dadkaas Muslimiinta ah oo kumanaan kor u dhaafay wajigoodana ay ka muuqatey farxad iyo ray-rayn aad u fara badan, ayagoo xasuusan dhibaatadii ka haysan jirtay...
Sidii looga ciidey Minneapolis & UK .. iyo Fariin Sheikh C/raxmaan u jeediyey Soomaalida
Kumanaan Qof oo Salaaddii Ciiddul Fidriga ku tukadey Minneapolis Convesion Center
Daawo Sawirada reer Minneapolis iyo Ciidul Fidriga…
SomaliTalk.com, Minneapolis (Sept 20, 2009) – Dad tiradooda lagu qiyaasay kumanaan qof oo Muslimiinta reer Minnesota, una badan Soomaali, ayaa isugu yimid xarunta ku taal faras magaalada Minneapolis ee lagu magacaabo Minneapolis Convesion Center, halkaas...
WARBIXIN KU SAABSAN MASJIDKA CUSUB EE ABU-BAKR Ee SEATTLE,WA
WARBIXIN KU SAABSAN MASJIDKA CUSUB EE ABU-BAKR Ee SEATTLE,WA
Masjidka iyo xarunta islaamiga ah ee Abubakr Gobalka washington gaar ahaan magaalada seattle ayaa lagu wadaa in uu furmo Sep.24th 2009 oo ah maalinta khamiista,waxaana la filayaa in munaasabadda furitaanka ay socondoonto ilaa sep.27th 2009 waana mudoo afar maalmood ah ,furitaanka masjidka iyo waliba xarunta jaaliyadda muslimiinta ah guud...
Warsaxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaadii Ciida Tujiyay Madaxda qaranka iyo Dadweyne kale
Warsaxaafadeed
AXAD20-09-2009
Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaadii Ciida Tujiyay Madaxda qaranka iyo Dadweyne kale
DAAWO: Sawirada Halkan ka daawo…
Villa Somalia- Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa Salaadii Ciida ku tujiyay una soo jeediyay khubadii Ciida Madaxda Sare ee qaranka, xildhibaano, qaar ka mida saraakiisha iyo Ciidamada AMISOM ee Muslmika ah iyo dadweyne...
Xildhibaano Fashiliyey dhawr arrimood oo uu sameeyey Wasiirka Maaliyada DFKMG
Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo si weyn u dhaliilay Qaabka uu u shaqeeyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Aadan, islamarkaana kashifay arrimo dhowr ah oo sameeyay =Shir jaraa’id=
Muqdisho, Sept 19, 2009: Waxaa maanta Shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Xildhibanada soo bandhigay Qoraal aad u dheer oo ka kooban 4-Bog...
Ciidul Fidriga Sanadkan oo looga dhawaaqay Shanta Qaaradood ee Aduunka, SomaliTalk waxay ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyanaysaa munaasabada Ciidul Fidriga, Ciid Wanaagsan
Ciid wanaagsan – Ciid Mubaarak, Maamulka iyo wariyaasha Somalitalk ayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed meelay joogaanba iyo dhammaan Muslimiinta ugu hambalyeynaya Munaasabada Ciidul Fidriga ee Sanadka 1430H. Bahda Somalitalk waxay u rajaynaysaa dhamaan Muslimiinta iyo Soomaalidaba in ilaahay Ramadaanka kiise kale Cibaado ku gaarsiiyo, Soomaaliyana Mustaqbalkeeda ilaahay hagaajiyo.
Bilasha Ciidul...
Yaasiin Garaad: Qofkii C/laahi Yuusuf Mabd’a uga soo horjeedeyow, Shariifkaa ka daran
Yaasiin Garaad: Qofkii C/laahi Yuusuf Mabd’a uga soo horjeedeyow, Shariifkaa ka daran
Telefishinka Somali Media ee magaaladda Minneapolis ayaa Jimcadii (Sept 19, 2009) waraysi uu la yeeshay Yaasiin Garaad, oo ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ee deggan magaalada Minneapolis. Waxana uu tibaaxay qofkii Sheikh Shariif aan ku raacin mabda’ ee ku jeclaa dano shakhsiyadeed, in uu dabaal-dego...
Al-shabaab oo dilay taliye Xigeenkii AMISOM iyo Duqayn qasaare gaysatay oo ka dhacday Muqdisho
Laba qarax oo is daba xiga kuwaas oo ahaa kuwa ismiidaamin ah oo goor dhaweyd xubno ka tirsan xarakada mujaahidiinta al shabaab ka fuliyeen gudaha garoonka diyaradaha ee adan cade international airport qeybta ay ka dagan yihiin Ciidamada AMISOM iyo Xaruntii Xalane ee Magaalada Muqdisho .
Qaraxyadaan Ismiidaaminta ah ayaa lagula beegsaday maanta Ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho waxaana gudaha loola...
Warsaxaafadeed: Safarka Madaxwaynaha ee Maraykanka iyo Shirkiisii Golaha Wasiirada
Warsaxaafadeed: Booqashada Madaxweynaha Madax ee Maraykanka
Muqidsho : Warfaafinta gudaha iyo dibadaba waxaa ku soo laablaabtay warar aan ku dhisneyn xaqiiqada oo ku saabsan Booqashada Madaxweynaha Soomaaliye Mudane Shariif Sheekh Axmed ee uu ku tagayo Maraykanka.
Waxaan warfaafinta gudaha iyo dibadaba u xaqiijineyaynaa in Madaxweynuhu ujeedada uu u aadayo Maraykanka ay tahay ka qeybgalka Shirka...
Ra’iisal wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday ururka NSUM
Ra’iisal wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiidi Cali sharmarke ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday ururka North Somali Unionist Movement (NSUM), kuwaasoo kala ahaa, guddoomiye ku-xigeenka ururka Dr. C/llaahi Xasan Maxamud, afhayeenka Qaarada Yurub Xasan Axmed Ciise iyo wakiilka ururkan ee Qaaradda Australia Maxamed Xasan Buraale.
Xubnahan oo booqasho ku yimid caasimadda...
Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay
Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay!
Warbixin, Faallo iyo Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 16, 2009
Website-ka Guddiga Qarammada Midoobay u qaabilsan Xadaynta Badaha ayaa lagu daabacay warqad ku taariikhaysan August 19, 2009. Warqaddaas waxaa ku cad in ay ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul...
Macadka Waxbarashada Dadka Naafada
Axad 13 septeber 2009. machadka naafada o ah urur ay leeyahiin dadka naafada somaliyeed ayaa waxaa u shalay oo Isniin ah garsiyeey lacag deeq ah curyaamintii ku dhawacmeen Duqeyntii loo geeyste isbitaalka Martini maalinkii jimcaha ahay ee xili afur ay isu diyaarinaayeen.
Sawiro kaloo dheeraad ah daawo
Machadka naafada ayaa waxaa uu gaarsiiyey dadka naafada dhaawaca ah iyo ehelada kuwa dhintey lacag...




