Home » Warar
Hayada EDCO oo ka Deyrisey Xaalada Dad ka soo Barakacay Tuulooyin Ka Tirsan Degmooyin Buula Burde , Jalalaqsi iyo Buurweyn
Waxaa Dalka Soomaaliya ka howl gala Hayado fara badan kuwaas oo isugu jira kuwo Wadani ah iyo kuwa Caalami ah waxaana mar weliba sii kordhaya Hayadaha ka shaqeeye dalka ee ay leeyihiin dadka soomaaliyeed iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa dhawaan Masuuliyin ka tirsan Ururka Wadaniga ee EDCO Education Developments For Children Organization waxaa uu howlo kormeer ah ku tagey qaar mid Xerooyinka dadka...
Baarlamaanka DFKMG oo la sheegay in Beesha Caalamku u ogolaatay in 3 Sanno loogu daro Waqtigiisa
Shariif Xasan oo ku gacanseyrey in la Dhimo Tirada Xubnaha Baarlamaanka isagoo ku Taliyey..
Warar aanu ka helnay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu waayadan ku hawlanaa sidii Baarlamaanka loogu kordhin lahaa mudada uu jirayo iyadoo xilkiisa uu ku eg yahay 22-ka Agoosto 2011 waxaana hadda soo baxeysa warar sheegaya in Beesha caalamka...
Jabuuti: Wafdiga Puntland oo qaabilay mas’uuliyiinta U.S., U.N. iyo A.U.
Wafti uu hoggaaminayo C/raxmaan Maxamed Faroole oo gaarey magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa kulamo ay yeesheen waxaa ka soo baxay warsaxaafadeedka hoose:
Wafdiga Puntland oo qaabilay mas’uuliyiinta U.S., U.N. iyo A.U.
Faroole iyo Mahiga
WAR-SAXAFADEED
19 Janaayo 2011
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa maanta gaaray magaalada Djibouti...
Shirkad laga leeyahay Norway oo Heshiis Cusub oo 10 Sano ah la gashay DFKMG, si ay u “ilaaliso” Kalluumaysiga Soomaaliya
Shirkaddaas oo Militariga Norway ka iibsatey Markab, sidoo kalena iibsaneysa 6 helicopter, 8 markab, iyo diyaarad hawada wax ka sawirta.
waa qandaraas khaas ah. Waxaan nahay shirkadda keliya ee gaarka looleeyahay ee adduunka ka jirta ee maarayn doonta kalluumaysiga… ” Sidaas waxaa yiri mulkiilaha shirkadda.. SII AKHRI
Read More →
Xubnaha Baarlamaanka oo ku kala qaybsamey in Sharci Ciqaabaya loo sameeyo Burcadbadeedka
Burcad Badeeda waxay Dagaal kula jiraan Maraakiibta Guranaya Khayraadkii Ummadda Soomaaliyeed
Sannadkii la soo Dhaafey waxay Qafaasheen 53 Markab iyo Badmaaxiin Gaareysa 1181 waxay lacag MadaxFurasho ay u heleen 238 Milyan oo Doolar SII AKHRI
Read More →
Gobolada Soomaaliya oo ay soo wajahday Xaalad abaar aad u daran
Shirkadda Hormuud oo biyo dhaamin ka bilowday deegaanada qaar —
Iyadoo dalka ay soo food saartay xaaladda abaar ah ayaa wararka ka imaanaya gobolada dalka Soomaaliya waxay sheegayaan in dad iyo duunyo ay ugu geeryoodeen abaarta kadib markii ay waayeen biyo baad, waxayna dadku bilaabeen in ay u soo barakacaan qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka.
Odoyaasha la socda xiliyada roobka...
Puntland oo gebi ahaanka xiriirkii u jartay DFKMG
Warsaxaafadeed Sabtidii ka soo baxay Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aysan wax wada-shaqayn ah la yeelanayn DFKMG, iyo in DFKMG aysan sinnaba wakiil uga noqon karin Puntland, iyo in Beesha Caalamka aysan u aqoonsan DFKMG ah mid wakiil ka ah Dowladda Puntland; iyo in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Siyaasada Somaliya (UNPOS) ay dib uga fiirsato mowqifkeeda iyo taageerada ay la garab-taagantahay DFKMG.
Warsaxafadeedkaas...
Maxkamada Ciidamada Qalabka-sida oo xukun Qisaas ah ku fulisay Askar ka tirsan Ciidamada
iyo Warar kale oo goosgoos ah: Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed oo Doortey Hogaan Cusub iyo mashaariic laga fulinayo Qardho
Xukunka Qisaasta ah ee la fuliyey….
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun qisaas ah ku fulisay seddex nin oo gacan ku dhiiglayaal ah oo ay Maxkamadu horey ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay dileen Muwaadiniin Soomaaliyeed.
Subaxnimadii...
Farmaajo oo ka warwareegey ka jawaabidda su’aalo la xiriira Shirkadda Saracen iyo inta ka dhiman Xukuumadda Shariif iyo cidda Safiir ka ah UN
Iyo Khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ka jeediyey Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobey iyo Khudbadii Mahiga….
UNITED NATIONS: Warbixin ay qortay InnerCityPress ayaa tibaaxday in Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo Jimcadii shir jaraa’id ku qabtay xarunta Qarammada Midoobey (QM) in InnerCityPress ay ka rajaynaysey...
“Haddii xilka uu madaxweynaha ka dhammaaday, baarlamaankana wuu ka dhammaaday” Waraysi Safiirka DFKMG u fadhiya Jabuuti
“Madaxweynaha xilku kama dhammaan, waxaa xilku kaga egyahay Agoosto 2011…. in madaxweynaha uu xilku ka dhammaado oo baarlamaankuna jiro ma soconeyso.” “Meesha waa la wada dumo ama waa la wada jabi..” ayuu yiri.
C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo ah Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo aan waraysi la yeelanay ayaa ka hadlay...
Maraykanka oo lagu dhaawacay Askari ka tirsan Booliska Los Angeles oo dhalashadiisu tahay Soomaali
Maxamed Axmed oo 27 jir ah ayaa la gaarsiiyey dhaawac culus kaddib markii xabbad lagala beegsaday madaxa, sida ay sheegeen booliska magaalada Los Angles oo uu ka tirsan yahay. Waxaa dhaawaca wajiga ka gaarsiiyey waa nin la sheegay in uu ahaa Gangster, ninkaas oo toogasho lagu diley.
Maxamed Axmed oo ah Somali immigrant, waxa uu ku jirey tababar la xiriira booliska gaafwareega ama ilaaliya ammaanka...
Warqad Farmaajo u Qoray Mahiga oo Muran ka dhex dhalisay Xubnaha Sare ee Xukuumadda FKMG
In Xukuumadda FKMG qiimayn ku samaynayso sida ay suurtagal ku tahay in Soomaaliya ay dhaqan geliso xeerka caalamiga ah dadka gala falal dembiyeedka ee loo yaqaan “Rome Statute of the International Criminal Court” iyo l adagaalanka Musuqmaasuqa… SII AKHRI…
Read More →
Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo 100-kii Maalmood ee uu qabsadey Xagee Mareysaa?
55 Maalmood ayaa ka tagtey waxaa u Harsan 45 Maalmood —
20-kii Nofember 2010 ayay ahayd markii Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo uu qabsadey Boqol Maalmood in uu wax kaga qabanayo Arrimaha Amaanka mar uu la hadlayey Golaha Baarlamaanka uuna soo bandhigey Qorshahiisa ee Dowlada ee wax ka qabashada arrimaha Nabadgelyada taasoo ay si aad ah ula dhaceen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka halka...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo u Dhoofay Maraykanka iyo Wafti la socda oo sii dhoofaya dalka Norway
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisal Wasaaraha DFKMG ayaa tibaaxay in wafti uu hoggaaminayo Maxamed C/laahi Farmaajo ay u dhoofeen Maraykanka oo ay ka qayb gelayaan shir lagu qabanyo Golaha ammaanka, waxaana waftigaas qaar kamid ah ay usii dhoofi doonaan dalka Norway si ay uga qayb galaan shir looga hadlayo arrimaah Soomaaliya.
Warsaxafadeedku waxa uu u qoraa sidan:
Ra’iisal...
Xildhibaannada Baarlamaanka oo laga codsaday in ay si deg deg ah ugu qoraan warqad..
Ku socda Norway iyo Commonwealth oo ku aaddan damacooda Badda Soomaaliya si looga hortago khatarta arrintaas ka iman karta…
“Haddii laba warqadood loo kalo qoro Norwey iyo Commonwealth, oo qoraalkaasi noqdo mid si rasmi ah uga soo baxay baarlamaanka Soomaaliya, waxaan markaas hubaa in ay dareemayaan in meesha wali ay joogaan dad nool oo aan raacin dadkii la kala diray….”...
Door intee la eg bay ka soo qaateen Shirkadaha Diyaaradaha Wadaniga ah dhismaha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho
Iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka ay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku Wareejisey Shirkad Shisheeye oo lagu magacaabo SKA AIR LOGISTIC ayaa arrintaa waxaa Walaac ka muujiyey Shirkadaha Diyaaradaha ee dadka Soomaaliyeed leeyihiin hadaba Door intee la eg bay Shirkadaha ka qaateen Dhismaha Garoonka Muqdisho
Warbixinta oo sawiro wadata ka eeg halkan (pdf)
Markii ay burburtay Dowladdii...
Khudbaddii Dr. Faroole ka jeediyey sannad guuradii labaad ee doorashadiisii
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo khudbad dheer ka jeediyey sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtey doorashadiisii ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin burcad badeedda, abaaraha, ammaanka, xiriirka Puntland iyo Dawladda Federaalka kumeelgaarka, heshiiska shirkadaha iyo arrimo badan oo kale.
Khudbadda Dr Faroole ka dhegeyso Halkan
[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/drfaroole_2.mp3]
Dr....
Bay iyo Bakool: Alshabaab oo ururiyey Xoolo Zako ah oo gaaraya 30,000 Ari iyo 2,500 Geel
Munaasibad xoolo nool loogu qeybinayey oo ka dhacday dagmada xudur oo ka tirsan Gobolka bakool .
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen mas’uuliyiinta xarakada alshabaab ee wilayadaha bay iyo bakool isla markaana qoysas abaaraha iyo colaadaha ku ceroobey xoolo nool lagu gudoonsiinayey ayaa ka dhacday dagmada xudur oo ka tirsan gobolka bakool waxaana ka hadlay gudoomiyaha...
Shirkii Aqoonyahanada Soomaaliyeed Ee Ku Shirey Dalka Jabuuti Maxaa Ka Soo Baxay: Warbixin
Shirkii maalmahan uga socdey Hoteel Shariton ee caasimada dalka Jabuuti Aqoon yahano Soomaaliyeed ee ka kala yimid daafaha caalamka, 13-ka ilaa 21/12/2010 oo uu soo qaban qaabiyey Mac-hadka Daasaadka Culuunta Siyaasadda iyo Istiraatiijiyada dalka Jabuuti ayaa laga soo saarey qoraal ka kooban 12 Bogg oo cinwaankiisu yahay Hoogga Soomaaliyeed iyo Hiilka Aqoonyahan.
Qoraalkan oo ahaa mid ku qornaa luqadda...
Famaajo oo laga codsaday in uu soo bandhigo Heshiiskii BADDA iyo inta dokumenti ah ee Dowladdu ka heyso…
iyo Dhambaal ku socda Shacabka Soomaaliyeed oo cinwaankiisu yahay “Yaa u maqan ama diyaar u ah Difaaca Badda Soomaaliya”
Qoraaga Magaciisu waa Bashiir Shiikh Maxamed, waana diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee). Sannadkii 1979-kiina waxa uu noqday...
Ururka Haweenka ee Xanaano Degmada Guriceel oo Deeq lacageed gaarsiiyey dad Duruufo kala duwan haystey
Ururka Haweenka ee Xanaano Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Dhawaan waxay deeg lacageed gaarsiiyeen dad ku dhibaateysnaa Deegaankaas kuwaas oo isugu jirey Dad Naafo ah , kuwo Dan yar ah iyo kuwa kale oo heystey Daruufo kala Duwan waxayna arrintaan ku timid markii uu ururka soo Kormeerey Dadkaas ka dib uu u qaybiyey Deeqdaas lacageed
Howshaan lacag qaybinta ayaa qaadatey Muddo hal maalin...
Golaha Qurbajoogta Jubooyinka oo baaq ka soo saarey xaalada abaareed ee dalka ka jirta.
Xaalada abaareed ee ka jirta dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan degaanada Jubooyinka ayaa ah mid mareysa meel aad u khatar ah oo dadkii iyo duunyadiiba galaafatay.
Waxgaradka deegaanka oo aan la xiriirney ayaa inoo sheegey in gobolada jubooyinka gabi ahaanba ay ka taagan xaalad aad u adag, oo hada ay ka socoto qaxitaan baahsan oo aysan cidna ku hari doonin haddii ay xalaadan abaareed aan waxba...
Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku kala qaybsan in xilka loo kordhiyo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif
Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmahan kulamo kula yeelanayay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nayrobi ayaa la sheegay in ay si aad ah ugu kala qaybsan yihiin in xilka loo kordhiyo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif, qaarkood waxay ku doodayaan in Madaxweynaha xilkiisa uu ku eg yahay 31-ka January ee sanadkaan, kuwo kale ayaa waxay sheegeen in xilka Madaxweynimada uu ku eg yahay bisha August oo ay iyana...
Shirkadaha Diyraadaha oo ka welwelsan Shirkadda ay Dowladda FKMG ku wareejisey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
“Hawl ay dad Soomaaliyeed qaban karaan ma ahan in gacata loo geliyo dad shisheeye ah”
Waxaa maalmahan kulamo u socdey Shirkadaha Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxayna Shirarkaas uga waramayeen Ariimaha ku soo kordhey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka dib markii ay Dowladda Federaalka ku wareejisey Shirkad Ajnabi ah oo lagu magacaabo SKA Air & Logistic.
Shirarkaan ay yeelanayeen Masuuliyiinta...
Muran Xooggan oo ka taagan cidda shaqaalaha ka ah safaarada DFKMG ku leedahay New York
“Ciid Beddel oo Fakad ugu maqnaa Canada oo dib ugu laabtay QM kaddib markii uu dib u soo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFKMG” InnerCityPress –
Warbixin ay Arbacadii Janaayo 5, 2011 qortay shabakadda InnercityPress oo wararka ka soo tebisa xarunta Qarammada Midoobey (QM) ayaa tibaaxday: Kaddib markii uu muddo hal sano kabadan ka maqnaa xarunta QM ee New York, waxaa soo...




