Home » Warar

Ciidamada Burundi ee ku sugan Muqdisho oo soo wajadey Mushaar La’aan tii ugu xumeyd Muddo..

Apr 22, 2011
Ciidamada Burundi oo ka mid Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa soo wajahdey Xaalad Mushaar la’aan ah Muddo Dhowr Bilood ah waxaana Ciidamaas Magaalada Muqdisho ka jooga tiro gaareysa Saddex Kun oo askari , waxaana ka badan Ciidamada Uganda oo gaaraya ilaa Lix kun oo Askari. Askari ka tirsan Ciidamadaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho oo u waramayey Idaacadda British Broadcasting... 

Waraysi: La Taliyaha Dhinaca Dhaqaalaha Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Apr 21, 2011
Dr. Ismaaciil Waceys Ibraahim oo Somalitalk u Waramayey “…Tan Runtii Muhiimka Ah ee La Isku Mariwaayey…” Gebo gebadii Shirkii khubaradda Urur Goboleedka IGAD… Wareysi xiiso badan – Dr. Ismaaciil Waceys Ibraahim oo ah la taliyaha dhinaca dhaqaalaha Madaxweynaha dalka Jabuuti, islamarkaana ah xiriiriyaha guud ee dowladda Jabuuti iyo dalka Jarmalka oo u waramayey Somalitalk islamarkaana... 
Halkudheg:

Xaruntii Caafimaadka ee Empratooriyadii Ceel Gaab oo dib loo Howlgeliyey Muddo labaatan Sanno ka dib

Apr 21, 2011
Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda federalka Soomaliya Dr Aadan Xaaji Ibraahim oo ay Wehliyaan Qaar ka mid ah Masuuliyiinta wasaaraddasi ayaa maanta muddo 20 Sanno ka dib Dib u furay Xaruntii hore ee Ex Ambolatoriyadii Ceel gaab ee Degmadda Waaberi magaaladda muqdisho Xaruntaan oo ka kooban laba Qeybood oo kala ah Bukan Socod Eegto iyo MCH oo loogu tala galay in wax loogaga qabto daaweeynta Caruurta... 

Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan oo Muqdisho kawada Ololaha la kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka

Apr 20, 2011
Madaxweynaha DFKMG Shikh Shariif waxaa uu Talaadadii (Apr 19) kulan balaaran la qaatey Goloha Wasiirada ee uu Madaxda ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana lagu waramey In Shiikh Shariif uu Warbixin ka siiyey Wasiiradda Safaradii uu ku soo kala bixiyey Wadamada Uganda , Ruwanda , Burundi , Itoobiya iyo Tansaaniya , wuxuuna sheegey in in safarkaas uu ahaa mid lagu xoojinayey Xiriirka Dowladahaas... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed shrika golaha Wasiirada April 19.2011

Apr 20, 2011
Warsaxaafadeed (Muqdisho – Talaado, 19 April 2011)—–Shir ay maanta Golaha Wasiiradu yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii shacabka soomaaliyeed ay isagu tashan lahaayeen iyo marxaladda kala guurka ah. Golahu markey qiimeeyeen marxaladda dalka, horumarka laga sameeyey... 
Halkudheg:

Shir Loogu Gogol Xaarayo Koox Magacoodu Yahay Ururka Dhex Dhexaadinta Dowladaha IGAD oo Ka Furmey Dalka Jabuuti

Apr 19, 2011
Shir uu soo qaban qaabiyey Urur goboleedka IGAD, islamarkaana soconaya laba maalmood oo ay martigelisey Dowlada Jabuuti ayaa Khubaro ka socota dowladaha IGAD, uga furmey Hoteel Kempinski ee caasimadda dalka Jabuuti 18/04/2011. Shirkan oo daba socday shirar hore ayaa waxaa lagu soo bandhigey, sidii loo dhisi lahaa xarunta dhex dhexaadinta Urur Goboleedka IGAD, taasoo ka shaqeyn doonta ka hortaga iyo... 
Halkudheg:

Dilalka, Qaraxyada iyo Weerarada loo gaysanayo Masaajidda oo ku soo Badanaya Soomaaliya

Apr 17, 2011
  Tan iyo markii ay dhacday xukumaddii Max’ed Siyaad Barre waxaa dalka Soomaaliya ku soo badanayey weerarada, dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Masaajidyada oo ah goobo lagu cibaadeysto ayna isugu yimaadaan dadka muslimiinta ah, falakaas oo ay si aad ah ula yaaban yihiin shacabka Soomaaliyeed ayaan jirin Cid isu taagtay Hakinta ama joogintaa falalkaas Guran ee lala beegasanyo dadka ku Cibaadeysanayo... 
Halkudheg:

Xafiis loogu Magacdarey Xafiiska Golaha Malaaqyada iyo Salaadiinta Digil iyo Mirifle oo laga Furey Muqdisho

Apr 17, 2011
  Xaflad lagu furayey Xafiis loogu magacdarey Golaha Malaaqyada iyo Salaadiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ,ayna ka qayb galeen Xildhibaano,Waxgarad, Nabadoono , Culama’udiin, Dhaliyaro iyo Haween ayaa lagu qabtey Hotel Muna Mgaalada Muqdisho Xafladii lagu furayey Xafiiskaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo Agaasimey ayaa Ugu Horteyntii waxaa halkaa ka Hadley Xildhibaanada kala ah Xildhibaan... 
Halkudheg:

Macahadka daarul qur’aan ee Bosaaso oo soo agaasimey xaflad shaahaado siin iyo boogaadin ardeydii ka qalin-jabisey

Apr 17, 2011
Bosaaso-somaaliya: schoolka daarul qur’aan ee magaalada Bosaaso ayaa maalintii jimcaha taarikhduna aheeyd 15/4/2011.soo agaasimey xaflad aad u balaaran oo aay ka soo qeeyb galeen qaar ka mid ah waalidiinta ardeyda iyo madaxda goobaha waxbarasho ee magaalada boosaaso,iyo madax ka socotey doollad goboleedka Puntland somaaliya. Xafladaas ayaa lagu furfurey aayado qur’aanka kariimka ah oo aay aqriyeey... 
Halkudheg:

Cabdullaahi Yuusuf oo dhaliilay Shirkii Nairobi…

Apr 16, 2011
Madaxweynahii hore ee Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah oo hadda ku sugan dalka Yemen oo waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka ayaa si weyn u dhaliilay shirkii 12-13 April, 2011 lagu qabtay magaalada Nairobi ee Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobey usoo qaban qaabiyey Dawladda Federaalka. Cabdullaahi Yuusuf waxa uu cambaareeyey ergooyinka ka qayb galay shirkaas. Waryasiga VOA ka dhegeyso Halkan... 
Halkudheg: ,

Shiikh Shariif oo Deg Deg ugu ambabaxay Adis-Ababa ka dib markii Qodobo Xasaasi ah ka soo baxeen Shirkii Nairobi

Apr 15, 2011
DFKMG: “11-16 Juun 2011 Waxaa Dalka Gudiihiisa lagu qaban doonaa Shir Wadatashi ah..” Wasaxaafadeed Xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG…. Shirka Jaraa’id Madaxweynaha DFKMG ka akhri dhanka hoose ee bogga.. Kulan ay isugu yimaadaan Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka oo laga soo saarey Dhowr Qodob oo Jawaab u ahaa Shirkii Nairobi Dhegeyso Warsaxaafadeedka Xafiiska Ra’iisul... 
Halkudheg: ,

Shiikh Shariif iyo Farmaajo oo dadaal ugu jira sidii Xilka looga qaadi lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka —

Apr 14, 2011
Shirkii Nairobi: Waa in la qabto Doorashada Madaxweynaha DFKMG iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ka hor Agoosto 2011 — Warbixin Kooban Kulankii Nairobi oo soo gabagaboobey: Kulankii lagu qabtay magaalada Nairobi ee uu qabana qaabiyey Mahiga ayaa waxaa ka soo baxay dhawr qodob oo ay isku raaceen ka qaybgalayaashii kulankaas oo uu kamid yahay guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan. Qodobada... 
Halkudheg: ,

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Dalka Jabuuti oo Sheegey In Natiijadii Doorashooyinka Dalka Jabuuti Loo Gudbiyey Golaha Sare ee Dastuuriga Dalka Jabuuti

Apr 13, 2011
Gudoomiyaha Gudiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka dalka Jabuuti Avv, Cassoowe Idiris Cassoowe oo SomaliTalk u waramayey ayaa ka warbixiyey qaabka ay u dhacdey doorashaddii 08/04/2011 ay u dareereen dadweynaha dalka jabuuti, cida ku guuleysatey natiijadda ugu dambeysa ee tartankii xilka doorashada madaxtinimadda jabuuti, waxa ay kaga duwan tahay doorashadan doorashooyinkii hore uga dhacay dalka jabuuti... 
Halkudheg:

Waftiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ka qayb gelaya shirka Nairobi ogolaansho kama haystaan labada gole

Apr 13, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in “Wafdiga hadda ka qeybgalaya shirkaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka kama heystaan labada gole sharciyadii iyo awoodii matelaadda.” Warsaxaafadeedka hoos ka akhri: Halkan ka dhegeyso shirka jaraa’id [audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/shirjaraaid_apr12.MP3] Shir Jaraa’id (Muqdisho,... 
Halkudheg: ,

Xildhibaan Cawad Axmed Casharro” Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubnaha la socda ma matalaan Baarlamaanka Waayo kuma Socdaan.”

Apr 13, 2011
Iyadoo maanta uu furmey shirkii Qaramada Midoobey ugu yeertey La Tashiga ayaa waxaa shirkaas soo wajahay Caqabado badan oo kaga imaanyey Qaybaha Bulshada ka kooban tahay iyo Dowladda Federaalka in kastoo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiiga uu sheegey in shirkaas ay ka maqan yihiin Dowladda Federaalka Iyadoo taasj ay jirto ayaa haddana Dowladda Fedraalka ku kala qaybsantey Shirkaas waxaana... 
Halkudheg: ,

UN: Kulanka Wadatashiga ee Heerka Sare ee lagu soo nooleynayo wadahadallada oo u qabsoomaya sidii loogu talagalay

Apr 12, 2011
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka Nairobi uu gogol dhig u ah kulan bisha soo socotalagu wado in uu ka dhaco Muqdisho.. Warsaxaafadeedka hoos ka akhri.   Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) WARSAXAAFADEED 00/2011 Kulanka Wadatashiga ee Heerka Sare ee lagu soo nooleynayo... 
Halkudheg: , ,

Bannaanbax looga soo horjeedo Waftiga Gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay Minneapolis

Apr 12, 2011
Muddaharaad looga soo horjeedey koox ka socotey Itoobiya ayaa Axaddii ka dhacay faras-magaalaha magaa-lada Minnea-polis, waxaana bannaanbaxaas ka qayb galay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee ku sugan magaalooyinka mataanaha ee St. Paul iyo Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Dadkii ka qayb galay bannaanbaxa ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah gumaysiga Itoobiya iyo kooxda uu u soo dirsaday Minneapolis. Waa... 
Halkudheg:

Wafdigii Puntland oo gaaray Nairobi kana qaybgali doono Shirka Soomaalida

Apr 12, 2011
Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa sheegay in mowqifka Puntland ee ku aadan “xil-kororsiga hey’adaha Dowladda Federaalka KMG ah (TFG) uusan waxba iska badalin”, taas oo ah in Puntland ay “weli ka soo horjeedo in xilka loo kordhiyo hey’adaha TFG-da.” Waxaana warsaxaafadeedka hoos ku qoran uu caddeeyey in waftiga Puntland ee gaarey Nairobi ay ka qayb geli doonaan shirka... 
Halkudheg: , ,

Farmaajo oo la kulmay 250 Xildhibaan, codsina u jeediyey

Apr 11, 2011
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa Axadii la kulmay in ka badan 250 xildhibaan kana codsaday in Xukuumada iyo Baarlamaanka ay wada shaqeyn dhow yeeshaan, sidaas waxaa cadeeyey qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha DFKMG oo u qornaa sida hoos ku qoran: Halkan ka dhegeyso kulanka [audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/farmaajo_april.mp3] Ra’iisul Wasaaraha oo maanta la kulmay in ka... 
Halkudheg:

Naadi ay ku Mideysan yihiin Xildhibaannada Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan oo looga Dhawaaqay Magaalada Muqdisho

Apr 11, 2011
Kulan looga dhawaaqay Naadiga Xildhibaannada Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo ay ka soo qaybgaleen xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan,culummo’udiin, siyaasiyiin, waxgarad iyo haween ayaa maanta lagu qabtay hotel Ambassador ee Magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo sawirada Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay Nabaddoon Maxamed Cabdi Taako wuxuuna sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin... 
Halkudheg:

Ururka SAAC oo Tababar ku saabsanaa Sawir qaadida iyo sameynta Filimada u qabtey Xubno ka kala socdey Qaybaha Bulshada

Apr 10, 2011
Hotel SAHAFI-One ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay Tababar ku saabsanaa qaabka loo sameeyo Filimada iyo sida loo qaado Sawirada, waxaana loo qabtay Tababarkaasi qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay u badnaayeen suxufiiyiin, waxaana soo qabanqaabiyey Ururka Fanka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Somali Arts and Culture Foundation (SAAC). Tababarkaan waxaa cashiro ka bixinayey Khabiir ku xeel... 

Shiikh Shariif oo Musaveni ka codsadey in Dowladiisa ay soo dirto Ciidamo Dheeraad ah

Apr 10, 2011
Madaxweynaha DFKMG  oo ka degey Caasimada Burundi ee Bujunbura – Madaweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shikh Axmed oo Safar aan hore loo shaacin ugu amababaxay dalka Uganda ayaa Magaalada Kamabala kulan kula qaatey Madaxaweynaha Dalka Uganda Musavini,waxaana kulankaas Diirada lagu saarey Xaalada dhabta ah ee ka jirta Dalka Soomaaliyeed iyo sidii Dowladda Uganda uga qayb qaadan lahayd Nabad ku... 
Halkudheg: ,

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Seddaxaad Loo doortey Xilka Madaxtimadda Dalka Jabuuti

Apr 9, 2011
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar seddaxaad ku guuleystey xilka madaxtinimadda dalka jabuuti, kadib uu tartan la galey musharaxa madax bannaan ee Maxamed Warsame Raage, madaxweyne Gelle waxaa uu heley in ka badan boqolkiiba 75% cod, halka musharaxa warsame uu heley wax ka yar 25% cod. Wasiirka arrimaha gudaha dalka jabuuti Yaasiin Cilmi Buux oo shir jaraa’id ku qabtey xaley abaaro 4-tii... 
Halkudheg:

Mahiga: Kulanka Wadatashiga Sidii loogu talagalay ayuu uga dhici doonaa Nairobi

Apr 8, 2011
Warsaxaafadeed uu soo saaray Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in kulanka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu sidii loogu talo galay uga dhici doono Nairobi.. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) WARSAXAAFADEED 06/2011 Kulanka Wadatashiga ee Heerkiisu Sareeyo waxaa si... 
Halkudheg: ,

Banaanbax looga Horjeedo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Apr 8, 2011
Waxaa qaybaha ay ka arrimiso Dowladda Federaalka Maanta ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga iyo Shirka uu ku baaqey waxaana ka qayb galey qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Xoogaga Wadniyiinta , Ururka Istagga Dhaliyarada Soomaaliyeed , Golaha Abwaanada Soomaaliyeed iyo Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ... 
Halkudheg: ,