Home » Gabay
Dalanbaabi socod – Maanso Dareen Huwan
Adeegsiga iyo xiisaynta gabayada, maansooyinka dadku iguma baran, iskaba daa inaan
tiriyee, qudhaydu iskuma ogeyn wax habeysan oo aan hore maanso ahaan u idhi.
Si kastaba ha ahaatee, wakhtiyada qaarkood waxa ku soo maraya xaalado iyo
dhacdooyin, aanad si sahlan u cabbiri karin, hadaad is tidhaahdo qoraal ku muujina laga
yaabo inay sharraxaad badan kaaga baahato, qoraalkuna afmeeridba yeelan waayo.
Gabeygu...
Aadaanka horugaar.
01/01/13
Hindisaha caqligu wuxuu rabaa hogatusaalayne
Hammigiyo jacaylkaagu way ku horkacaayaane
Higsadkoodu wuxuu jecel yahay kugu hagaayaane
Naftu waw hilowdaa waxaan hal u lilaynayne
Himbaabaca waxay raadisaa raaxo heersare e
Dalxiis loo horkaco bay rabtaa daawashiyo heese
Haddii aan hoggaan lagu xakamin naartay kugu hoyne
Hillaaceeda beentaa ha dhugan wuu ku hodayaaye
Xaddiis hogatusaalihi haddaan...
Sirta kulafaq.
19/03/13
1. Kelinimo sugnaanshale u qira, saatir waa axade
2. Ku salliyoo rumee muxamed waa, suubanii nebiye (scw)
3. Salaadda iyo soonkiyo xajkiyo, sadaqadii maalka
4. Waajibaadka lagu saaray iyo, raac sunnada qaado
5. Cibaadaa laguu suubsadee, saamac kelimaadka
6. Caqli sugan samiic iyo basiir, siiye kuu unugye
7. Saxa iyo xumaantana fahmada, sooce kala saarye
8. Laba surin midkaad mari ogaal, waad...
Tarab-tarab.
18/05/14
Tahluukiyo dhibaatiyo rafaad, tacadigaan baahay
Tumaatida wixii naga qabsaday, qaranki aan tuurnay
Tira beele sanadaha intaan, tiih ku soconaaye
Tabcaan weeye shacabkii dhammaan, taacibiyo daale
Tafa dhiigle bay kala kulmeen, tookhi dirireede
Barakaca guryaha laga tagiyo, moodka tira beelay
Agoomaha la tuuriyo rajada, tiinka lagu xooray
Hooyo aan turriinshiyo lahayn, taakuliyo kaalmo
Oo toban...
Geeri waa ka daran yahay Kufsigu
Hordhac: Waxan halka uga ducaynayaa gabadha yarta ah ee sida foosha xun mooryaantu ugu kufsadeen Muqdisho, waxan sidoo kale uga ducaynayaa qoyskeeda iyo hooyadii dhashay gabadha, inuu Ilaahay u caafiyo, samirkoodana ka abaal mariyo. Aad baan uga xumahay xaqdarrada lagula kacay gabadh yar oo 14 jir. Waa ceeb u taal Soomaali oo dhan. Gabaygan waxan kaga hadlayaa Kufsiga iyo dhibaatada uu u geysto bulashada.
Halkan...
Qabyo kuma Ebyoontee Dagaal Qoriga Noo Tiirsha
waa gabay qiimo badan, Dhagayso|
Waa Gabay uu hal abuurkiisu ku farayaraystay, kuna gadaaman suugaan sarbeeb hu looga dhigay, maah maana galbin looga dhigay, qisooyina lagu qalabeeyey, gabaygaan wuxuu gacma gacmeeyey meelo farabadan, wuxuuna curiyuhu cabirayaa in ummadiisii ka daashaybalaayada 20 jirsatay, adaanaha casrigan noola uu qalinka ku dagaalamo kuna kala adkaado, gabyaagu wuxuu lahadlayaa...
Dhegeyso Gabay Ku Wajahan Mahiiga: “Muddaahano”
Gabaygan “Muddaahano” abwaanku wuxu kaga hadlayaa Mahiiga iyo majaxaabinta uu Soomaaliya la damacsan yahay. Mahiiga oo ah Wakiilka Xoghayaha QM u qaabbilsan Soomaaliya ayaa ah nin isagu ku mashquulsan inuu Soomaali kala qaybqabiyo, haddaba abwaanka ayaa Mahiiqo kula hadlaya gabay xambaarsan farriin u tilmaamaysa sida Ilaahay garabkiisa uga baxay oo uu ku guul darraystay dhibaatada uu dalkeenna...
Abshir: Gabay cusub | Inj. Maxamed C. Cibaar
Maanta, meesha uu marayo xaalka dadka iyo dalka Soomaaliyeed waa mid laga wada dharagsanyahay. Waxaase in la xasuusnaado mudan in adduunyadu ay tahay hoos wareega, sida caawa ay u muuqatana aysan waligeed caloosha uga rarnaan doonin.
Quraankeenna kariimka ahi wuxuu noogu bishaareeyay in culeys kasta oo jira uu ka dambeeyo fudeyd. Waxaa kale oo naloo caddeeyay in dadku ay wax badali karaan, dariiqii...
Bidhaan Qaran: Waa gabay Jawaab u ah Gabaygii Baafin ee Abwaan Xasan Garaad
Gabaygan waa gabay jawaab u ah gabay uu baafin u bixiyay saaxiib abwaan xasan garaad oo dhawaan ku soo baxay inta badan shabakadaha af soomaaliga lagu qoro ka dib waxaan jeclaystay isaga oo abwaanku codsaday qof weliba siday ula muuqato baadida abwaanka ka maqnay inuu la baafiyo inaan ra,yigayga sidaan u arkay u sheego aniga oo ku tilmaamay baadidaas qarankii umada soomaaliyeed oo dhamaantiis hawada...
Gabay “BAAFIN” | (Abwaan Xasan Garaad Warsame)
Gabaygani Hal-ku-dhiggiisu waa “BAAFIN” waxaana tiriyay Abwaan Xasan Garaad Warsame.
Akhristow gabaygani wuxuu ka tarjumayaa baadi qof gashay oo wejiyo kala duwan leh, haddaba si fiican u dhuux oo isku day inaad fahamto bal baadidaasi nooca ay tahay iyo nuxurka uu gabaygu xambaarsan yahay.
Marka aad ka bogato akhriska gabayga, fadlan aragtidaada noogu soo dir emailka hoose ee abwaanka.
Waa...
Maanso: MUQDISHO -W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
Maanso: MUQDISHO -W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine)
Email: mabdalle@gmail.com
abdalle9@hotmail.com
12/07/2009
Halkan ka dhegeyso Gabayga…. (mp3)
“Muqdishaannu doodnoo, madhax reeba bay tiri…anna mooyi baan iri, mawlaha dugsaan iri, midigtay go’day tiri, oohin baan la miirsaday,”
Maansadan waxan curiyey ka dib qaraxyadii dhowaan ka dhacay Muqdisho mar aan indhaha...
SOOMAALIYEY KACA: Maansadii – Abdullahi Spanish
SOOMAALIYEY KACA
Soomaaliyey kaca
Kaca oo iskaashada
Ubdkaa koraayiyo
U halgama karaamada
Soomaaliyey kaca
Kaca oo iskaashada
Waa kuurgal nacabkiye
Yuu mudan kabaalada
Soomaaliyey kaca
Kaca oo iskaashada
Kebeddiyo karbaashkiyo
Kooraha ka dhiidhiya
Soomaaliyey kaca
Kaca oo iskaashada
Ciyi kolay ku soo dhaxay
Kawlkiina yuu noqon
Soomaaliyey kaca
Kaca oo iskaashada
Keenada...
Gabay: Godane Weydiiya? | Abwaan Xasan Garaad Warsame
Ayadoo dadka Soomaaliyed ay ahaayen kuwo siyaabo kala duwan wax is kugu sheego ayaa hadana Gabayadu waxeey kamid ahaayeen waxyaabaha wax la isku tuuso ama wax la isku weydiiyo, waxeyna ka dharagsan yihiin Hal abuurada Soomaaliyeed in dhambaaladooda ay ku gudbin karaan waxa ka soo maaxdo Maskaxdooda, taaso mararka qaar noqota mid ufuran dhamaan dadka iyo hal abuurada Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan...
Maanso: Shacabkaa Dambiila ah | Cabdi Haro
Maansa ka mida diiwaanka cusube ee silsilada deelayda qarniga 21aad | Cabdi Haro
Ka dib markay dhallinyaro Somaliyeed, billaabeen, silsilad Maanso-wadaag oo ay ugu magacdareen Deelleyda Qarniga 21aad, ayaan waxaan goostay inaan kaga qayb galo maansadan aan u bixiyay”Shacabkaa Dambiila ah” soona baxday 14/12/2009. Waxaan filayaa inaynu ogsoon nahay, in ninka fiican iyo ka xuniba inay ka...
DAWO WEEYE MAANSADU | Muxyadiin
DAWO WEEYE MAANSADU.
Waxaan u doortay maansadan DAWO, in aan ku biiriyo Hal-abuurka Deelleyda Qarnigan 21, loogu magacdaray, anoo run ahaantii si gaar ah uga mahadcelinaya dhilintii bilaawday, iyo aragtiyahooda ay ku soo bandhigeen Suugaantooda qaaliga ah, tanoo ka mid noqondoonta sidaan filayo baraarujinta dadka Soomaaliyeed lagu kobcinayo garaadkooda, qiimaynteeda iyo halka ay taariikhda ka...
Gabey lamagac baxay , ( Waa sedxumo weyne ).
Gabey lamagac baxay , ( Waa sedxumo weyne ).
Gabeygan Waxa Tiriyey Abwaanka Deda yare ee Maxamed Nuur Maxamuud oo ku magic dheer ( kuluu ) .
Ujjeedadii iyo dulucdii lootirey waa Iyadoo mantay marxalada somaliyed meel xun marayso hadan aan ummadii somaliyed wax u damqanaayo oo wadaniyad iyo qiiro qaaday aysan jirin balse shacabkiina ay khaladkii iyo saxdi kala aqoon wayeen oo ay kala saari wayen. waayo...
GABAY: Cajeb!!! | Waxaa tiriyey: Aadan Maxamed
Cajeb!!!
Aadan Maxamed
naaleeye2008@hotmail.com
Ummad waliba waxay leedahay hab ay u keydsato ama u madhxisato soo yaalkeeda, si ay dhaxal ugu reebto jiilalka soo koraya ee mustaqbalka. Soomaalidu waxay aad ugu caantahay suugaanta oo ah maktabadda ay ku keydiyaan taariikhdooda oo jiilba jiil u gudbiyo.
Haddaba innagoo ka wada dheregsan waxa ay ummaddeennu waayahan dambe ku sugantahay, ayaan...
Duullaamadii Bari – Gabay Waddani ah | Stanza
Hindisaaga: Abwaan Axmed Furre Aadan-garaar (1900 – 1970)
Magaca Gabayga: Duullaamadii Bari
Habeentiriska: 1935 – qiyaas ahaan.
F.G: Waxaan gabaygan qiimaha badan ee taariikhiga ah ka qoray Cabdi Axmed muxumed (Cabdi Joqor) 21/9/2009. Sida aan ka wariyey odayga aan gabayga ka qoray oo ii sheegay inuu gabaygu intan ka dheeraa balse uu meerisyadan ka xusuusta, wuxuu hindisaagu gabaygan digashada...
Gabay: Nabada taageera|Mubashir Sheekh
Nin baa layidhi hebelow goormaad seexataa? markaan geela shubayo ayuu ku jawaabay. Sidii oo kale hogaanka Soomaaliyeed kama xishoodaan beenta, wuxuu ku suganyahayba adigoo og buu misane yiraahdaa (wadankii gacanta ayaan kuwada haynaa, dadku 99% anaga ayay na taageersanyihiin iyo dalkii waan xoraynay ee wax yar baa laaban)
Haddaba gabaygan Alle bariga ah waxaan si guud Soomaaliweyn si gaar ah umada...
Gabay: Birmad Qaran
gabaygan aan ugu magac daray BIRMAD QARAN waxaan kula hadlayaa masuuliyiin iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan maamulada gooni isu taagay ama kuwa goboleedka ah.
Sida Somaliland iyo puntland,oo aad moodo walaalahoodii kale ee koofureed oo ay ayaan daradu ku
dhacday aanaanay u jeedinba,hadii iyaga illaahay nabad iyo kala danbayn uu siiyey waxay ahayd
inay mid kaas la mid ah u raadiyaan walaalahooda...
Gabay:Duco Waalid
Gabaygan oo la yidhaahdo duco waalid wuxuu wax ka tilmaamayaa Dhibaatooyinka ay dhaqamada shisheeyuhu leeyihiin.Dhaqamadaas oo guud ahaan saameeyey dad badan oo soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool oo qaarkood u arkeen ilbaxnimo iwm. Isla markaana dhaqankii iyo hidahoodii u arkaya wax dambeeya oo aan Nolosha cusub meel ku lahayn.
Duco Waalid
1. Gabal dumey dariiqoo mugdiya...
XASARAD | Durraan
Maansadan aan ugu magac daray(XASARAD)waxaan sameeyey 11-05-09
ka dib markii dagaalo qaraar oo u dhaxeeya kooxa islaamiyiinta
iyo dawlada ku meel gaarka soomaaliya dagaal qaraar oo lagu hoobtay
uu ku dhex maray caasimadii soomaaliya ee mugdisho
taasoo qalabka warbaahintu ay kasoo tabinayaaan muuqaal aad u fool xun
isla markaana uu mugdi galay sansaankii nabada ee umada soomaaliyeed
baahida u qabtay,ayaan...
Gabay: Qiil maleh Qabyaalidi|Durraan
Gabaygan la yiraahdo Qiil maleh Qabyaalidi waxaan sameeyey markaan dib u xasuustay
sidii loo qaban qaabin jirey looguna qiiroon jiray xafladana loogu sameyn jirey maalmihii qaranimada
iyo xoriyada aan qaadanay oo ahayd 26kii juun iyo 1dii luuluyo oo israacday waqooyiga iyo koonfurta
soomaaliya oo ay noqdeen qaran midah oo taagan,sanadkii 1960kii, sidaas awgeed waxaan tabay inaan si guud loo samayn...