Home » Faallo

Ukhtii, iga guddoon furayaasha akhiro iyo aduunba. (Furaha labaad, Salaada)

May 15, 2014
  Ukhtii, Suubane nebigeena Maxamed ah (NNKH), waxa uu ku yiri xadiis uu Imaam Axmed(RA) ka werinayo Cabdiraxmaan Ibn-Cawf, Shiikh Albaanina(RA) uu ku  saxiixiyey Aljaamici Saqiir: “ Haweentu hadii ay shanteeda tukato,, bisheedana ay soonto, ferjigeedana ay xifdiso, ninkeeda ay adeecdo, waxa ay janada ka gelaysaa albaabkii ay doonto”. Ukhtii,sida ku cad xadiiska aan kor ku xusnay, Rasuulku(NNKH)... 
Halkudheg:

Minneapolis: Kulan looga hadli doono Qaranimada, Qowmiyadda iyo Mustaqbalka Soomaaliya…

May 13, 2014
Asalamu Calaykum Ogaysiin ku socda Minnesota iyo Nawaaxigeeda Waxaa Sharaf noo ah inaan idinku casumo kulan looga hadlayo dalkeena hooyo, waxaa marti inoo ah sadex kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo Raysal Wasaare ku xigeen hore, dhamaantoodna waxay dhawaan ka yimaadeen Soomaaliya. Kulanka waxaa looga gol leeyahay in xogta dhabta ah ee wadankeena aan kala qaadano talooyina is dhaafsano,... 

Dowladda Soomaaliya Dhammaan teed way fashilan tahay waxaa la haboon in ay Shaqada ka wada tagaan

May 10, 2014
Dalkeena Soomaaliya wuxuu xornimada qaatey July 1, 1960 , hase yeeshe waxaa nasiib daro ah in Maanta oo la jooggo 2014 uu yahay dalkeena mid dayacan oo Shacabkiisa oo dhan ay yihiin Qaxooti iyo Masaakiin aan waxba heysan taas oo ay u dheer tahay dhibaatooyin silic iyo saxariir lugu hayo meel kaste ay aduunka ay ka jooggan. Dowladda hadda jirta ee Madaxweynaha uu ka yahay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud... 

Mad-Habka Suudaan laga soo Masaafuriyay Muqdisho ma lagu Maamuli Karaa!!

May 10, 2014
Waxaa soo gabagaboobay bishii xil ka qaadista Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, kaddib markii shalay wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Cali Jacfar, iyadoo shacabka Muqdisho ay si weyn ula yaabeen isla markaana ka muujiyay walaac hor leh magacaabista maamulada cusub ee degmooyinka G/Banaadir. Su’aalaha... 

Ogaysiis Kuwajahan Gobolka Tennessee iyo Nawaaxigiisa

May 7, 2014
Waxaa lagu wargalinayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed ku nool Gobolka Tennessee ee Dalka Maraykanka iyo inta kale ee awooda inay soogaaraan, inuu dhici doono Mu’tarkii 15-aad ee ay soo agaasimeen Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo Al-Farooq Islamic Center. Mu’tamarka Sanadkan ayaa cinwaankiisa guud yahay Islaamku waa Manhajka Nolosha (الاسلام منهج حياة)... 

Ukhtii, iga guddoon furayaasha akhiro iyo aduunba. (Furaha Koowaad Towxiidka)

May 3, 2014
Hordhac Sida cinwaanka qoraaladan ka muuqataba, waxaan usoo gudbinayaa gabdhaha muslimaadka ah, qaar kimid ah furayaasha sababtooda lagu helo kheyrka aduun iyo kan aakhiroba. Waa furayaal: hadii gabadha muslimada ahi ay barato, qaadato, kuna dhaqanto, aan rajaynayo in ay sabab ugu noqon doonaan in ay noqoto: hooyo muslimad ah oo Ilaahay raali kayahay, hooyo aqoon leh oo dadkeeda iyo diinteeda anfacda,... 
Halkudheg:

DALDALAADDA GODANE !!! MA U WAAYEY XIJAAJ (2) !!!!

May 3, 2014
HORUDHAC : Maqaalkaygii hore waxaan ku balan qaaday in aan qeybta labaad ugaga hadlo xiritaanka Shiikh xasan Daahir Aweys !!!. Marka hore aan Taariikh kooban aan ka iraahdo Shiikha oo markii ugu horeysaan aan bartay Abaarihii 1977, Masaajidka Suuqa Siigaale oo uu kutub ka akhrisan jiray asagoo waliba marmarka qaarkood ku imaan jiray dirayska Ciidanka Asluubta . Shiikh Xasan waxaa markiisii hore uu... 
Halkudheg:

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.2aad) – W.Q. Aden Colujoog

May 3, 2014
Isku soo dhawaashaha adduunka (Globalization) ee ay sahleen adeegsiga farsamooyinka casriga ah, iyo isku xirnaashaha bulshada caalamka ee dhinacyada wax kala badalashada, aragtiyada, wax soo saarka, figradaha iyo dhaqanka; ayaa dunida maanta ka dhigay tuulo yar oo dadka ku wada nool aanay sina u kala maarmin. Tan iyo markii uu Rabbi aadanaha ku beeray adduunka, waxaa jiray Is-riix-riix ku dhisan damac... 
Halkudheg:

Noolasha wadanka Qatar

Apr 19, 2014
Walaalyaal waad salaamantihiin dhamaantiin. Qoraalkan iyo qoraalo kale oo aan horay uqoray waxaa igu dhaliyey su’aalo badan oo ay isoo weydiyeen walaala Soomaaliyeed oo kunool wadamada galbeed kuwaas oo quud daraynaya warbixin kusaabsan Qatar ee laxariira arimaha qoyska. Sidaad ogtihiin dadkii ubaxsaday wadamada galbeedka waa qax markale oo waxaa kufurantay colaad nooc kale ah oo laxariirta caruurta... 

Xasuustaydii Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) – Q.7aad

Apr 18, 2014
10 kii sano ee ugu horaysay Waaxdii Nabad Sugiddii NSS waxay qaadday tallaabooyin ay kula baratantay laamaha asaageed ah ee dunida ka jira , adeegsiga magacyada qarsoon , dhex galidda xundumaha Dawladaha aan cadawga nahay , ayadoo la marayo hanaan fahamkiisu ku adag tahay qofka caadiga ah , waxay laantu dhex istaagtay xafiisyada Itoobiya oo Gumaysata dhulka Soomaaliyeed qayb ka mid ah ayadoo adeegsanaysa... 
Halkudheg:

Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay? (Q.1aad) W.Q. Aden Colujoog

Apr 16, 2014
Inta aanan guda gelin cinwaanka qormadan oo ah “Luuqadda Soomaaliga ma mari doontaa wadadii ay ku dhinteen luuqado badan oo ka horeeyay?”, marka hore bal aan dul istaago in aan si kooban wax uga iraahdo waxa ay luuqadi tahay, halka ay luuqadda Soomaaliga kasoo jeedo, kuwa ay yihiin luuqadaha ay isku bahda yihiin, iyo waliba gobolada looga kala hadlo luuqadahaasi. Luuqadi maxay tahay? Luuqad waxaa... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii NSS (1976-1991) – Q.6aad

Apr 15, 2014
27kii Juulaay 1983 dii , galinkii danbe waxaa Jaamacadda Umadda ka socday dood cilmiyeed looga hadlayay Qabyaaladda iyo Qaranka waxaana ka qayb galay Madaxayne Siyaad iyo Wasiirkii Tacliinta Sare Dr C/Qaasim Salaad (2000 – 2004 Madaxwayne KMG ah ) , anigoo akhrisanaya Sheeko (Dhambaalkii naxriista waxaa qoray Yaasiin Jaamac Falax-Falax), waxaa iisoo galay Hooyaday oo daal ka muuqdo qolkii fadhiga... 
Halkudheg:

Shidaalka Soomaaliya waxa uu beddelayaa sicirka saliidda ee caalamka haddii la soo saaro

Apr 15, 2014
Xeebaha Soomaaliya ee bad-weynta Hindiya ayaa loo badinayaa in ay ku jiraan kayd shidaal oo ka mid ah kuwa ugu weyn adduunka . Khuburada dhinaca daraasaadka Juquraafiga ayaa tilmaamaya in balaayiin birmiil oo shidaal aan weli la taaban ah uu ku jiro badda iyo berriga Soomaaliya. Sida uu qoray Strategic Intelligence, Dowladda Soomaaliya waxa ay shirkadda weyn ee British Petroleum heshiish kula gashay... 

Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (NSS 1976- 1991) – Q.5aad

Apr 11, 2014
Biloowga 10 kii sano ee ugu danbeeyay cimrigii Kacaanka waxay Soomaaliya gashay Xaalad dhaqaale oo adag oo kasoo gaartay dagaalkii Gobanimo doonka Soomaali Gableed , dhaqaalaha dalka ayaa ciiray , Boqortooyada Sucuudigu waxay ahayd meelaha ugu badan ee loo dhoofiyo Xoolaha Soomaalida , waxaa suuqaas nagu cariirisay Ustareeliya oo daabax fara badan usoo dirta Khaliijka , Ku tirsanahii Amniga ee... 
Halkudheg:

DALDALAADDA GODANE !!! MA U WAAYEY XIJAAJ ???? (1)

Apr 10, 2014
HORUDHAC; Taariikhda islaamka waxaa ku jirta xiliyo lala dagaalamay Khawaarijta siiba waqtigii xukunkii Ummawiyiinta ooy aad u xoogeysteen ayaa ka faa’ideysanaayey Dagaalkii Muslimiinta dhexdeeda ee bilowday kadib dimashadii amiirkii macaawiye ibnu yaziid . waqtigaas oo uu Ciraaq iyo Xijaaz uu ka talinaayey C/llaahi ibnu Zubeer muddo 17 sano ah oo uu wallaalkiis Muscab ibnu zubeerna uu Ciraaq... 

Mu’asasada Al-Minhaaj oo shaacisay in la qaban doono Tartanka Qur’aanka ee Heer Gobol, ganacsatadana ugu baaqda inay door ka qaataan

Apr 9, 2014
Mu’asasada Al-Minjaah ee dacwada iyo horimarinta ayaa galabta uso bandhigtayshacab waynaha reer puntland talaabada ay ugu diyaar garoobayaan tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Heer Gobol,kaasi oo la qabto sanad kasta marka la gaaro Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaah Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise oo Saxaafada kula hadlay magaalada Bosaso ayaa sheegay in... 

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976- 1991) | Q.4aad

Apr 8, 2014
Dhaq dhaqaaqa Xoraynta Falastiin (PLO) xafiis uu ku lahaa Adis Ababa ayaa dawladda Soomaaliyeed qoonsatay , xafiiskaas ayaa wuxuu noqday xarun ay dawladda itoobiya ka hesho war bixinada xasaasiga ah ee khuseeya Ammaanka dunida Carabta oo ay Soomaaliya xubin ka tahay , madaxda Soomaaliyeed ee safarada ku tagta dunida Carabta markay kala sheekaystaan wax yaabaha ay Soomaaliya ka maagan tahay Soomaali-Galbeed,... 
Halkudheg:

Ninku waa i dilaye ii qabta!

Apr 6, 2014
Salaadda duhur ayaan ku jirnay. Waxaan safafka naga dambeeya ka maqalnay: war ninku waa i dilay, war ninka ii qabta, qabo, ka qaad toorayda iyo bulaan qaybtii dambe ee masjidka qabsaday. Goortii salaada laga baxay ee dibada loo soo baxay waxaan ugu imid lix war oo ku saabsan wixii dhacay, kana midaysan inuu ninka oo rukuucsan toorray ku dhaabay! laakiin lix sababood oo kala duwan baa la wariyey. Mobile... 

Urugada Islii anagaa eedeeda iska leh! Oo sabab?!! (Qalinkii Maxamed Xaaji)

Apr 6, 2014
Soomaali hadaan nahay waxaan nahay bulsho ku caan baxday inay kaliya cabaadaan marka ay la kulmaan cawaaqib xumada cillado ay iyaga iyo iyaga oo qur ihi ceebaalkeeda leeyihiin, waayo waxaa na haysta dhibaatooyin kumanaan ah oo kulligood ah ASTAAMIHIIM CUDUR aan ka horteggiisa lagu mashquulsanayn. Haatan waxaa taagan raafka iyo rucubka Soomaalida ku haysata xaafadda Eastleigh oo aan runtii aad uga gubanayo,... 

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) – Q.3aad | Qore: F. Xiirane

Apr 3, 2014
… inaan sheedda kala socdo dhaqdhaqaaqa S/Guuto Maxamed Cali Samater… Bilowga bishii Diseenbar 1990 kii, waxaan shaqo la iiga dhigay inaan sheedda kala socdo dhaqdhaqaaqa S/Guuto Maxamed Cali Samater, markaas wax xil ah u haynin dawladda Soomaaliya , gurigiisa sida heerka sare ah loo dhisay waxaa maalin ugu yimid nin kasocday Safaaradda Maraykanka (ma hubo inuu safiirkii xiligaas ahaa... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) – Q.2aad | Qore: F. Xiirane

Apr 3, 2014
Jaalle Madaxwayne Kacaanku Siday ballantu ahayd Taliyihii Ciiddanka Nabad sugidda (NSS) waxaan aroortii isugu nimid xafiiska , durba wuxuu ii dhiibay fure gaari iyo tilmaan , waxaan u dhaqaaqay dhankii gaariga siduu amarku ahaana waxaan ku rogay furaha , daqiiqado kadib waxaa dhanka bidix kasoo galay Taliyihii oo caro wajigiisu doorisay , wuxuu yiri inoo dhaqaaji xafiiska sare ee Abaanduulaha... 
Halkudheg:

Xasuustaydii Nabad Sugiddii (NSS 1976 – 1991) – Q.1aad | Qore: F. Xiirane

Apr 3, 2014
Magac iyo Meeqaam Qalaad Anigoo wata magac iyo aqoonsi Dal kale , ayaan markii 3 aad gaaray Itoobiya kadib duullimaad 8 saacadood ahaa sanadihii ugu danbeeyay 1970 ka, waxaa aqalkiisa nagu casuumay wasiirkii garsoorka ee Itoobiya xiligaas , dhawr daqiiqo ka dib waxaa soo galay gabar gu’gii 25 aad aan ku qiyaasay oo qori iyo qalab ciidan ku joogta , Intay na salaantay ayay qorigii aabeheed dhabta... 
Halkudheg:

Dumarka iyo Dalka: Kacdoonka cusub ee mashruuca Haweenka maxaa lagu xaqiijinayaa?

Apr 2, 2014
Is-bedelka siyaasada & dowr-ka haweenka Tan iyo markii ay dhalatay ‘Soomaaliyada cusub’ oo aan uga jeedo isbeddelka siyaasadeed ee Dalka ka dhacay, kaas oo ka billowday doorashada golaha Shacabka Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka bishii Agoosto 2012. Haddaba, golaha wakiillada shacabka soomaaliyeed (Baarlamaanka) sidaan sheegnay waxuu ku dhisanyahay nidaamka federaalka; nidaamkan... 

Qurbojoogta: Maxaa Ka Jira Dhaqan Xumada Lagu Sheego?

Apr 2, 2014
Marka hore iga gadooma afeeftaan: waxaan aaminsahaya in ALLAH uu na siiyey diin macaan, oo ay ku cadahay wixi xun iyo wixi fiican. Sidoo kalena, aan leenahay dhaqan ku saleesan diinteena, soo jireen ah, dhaqan la mida ahna uusan jirin. Hadii aan u soo noqdo warka muhimadiisa, sida ay aniga ila tahay, dhaqan gadoonka Soomaalida Qurbaha ku dhacay waxaa u sabab ah, qaxii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee... 

DARDAARAN IYO DIGNIIN KU SOCOTA GABDHAHEENA QAALIGA AH!

Mar 31, 2014
GOGOL-DHIG Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariiisina Nabigeenna Muxammad ah Korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, Aqristoow waxaan wada ognahay nasiib darro! In waalidka Soomaaliyeed intooda badani aaneey la noqon ilmahooda saaxiibo dhow oo waxkasta eey ka wada sheekeeysankaraan, wixii noloshooda kusoo kordhana eey kala hadli karaan. Wiilasha iyo gabdhaha wada dhasheyna waxyaalaha... 
Halkudheg: