Home » Faallo

Yaan la marin habaabin baaritaanka dilkii waxashnimada ahaa ee Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Dec 15, 2011
Hubsiino ninbaa hal siistay Sida la wada ogsoonyahay waxaa dhowaan magaalada boosaaso lagu dilay nin bulshada Soomaalida qiimo weyn ku dhex lahaa oo ahaa aqoonyahan ahlu diin ah akhlaaqdiisana aad u wanaagsanayd. Ilaa hadda baaritaan baa socda welina eedeysane ama wax cad lama hayo. Dr. Axmed Haji Cabdiraxmaan waxaa la dilay asagoo beryahaas xajka ka yimid oo soomanaa soona tukaday salaadii subax.... 

AL-shabaab mise Ashahaado la dirir “islaami ah”?

Dec 14, 2011
Dilkii arxan darrada ahaa ee loo geystay caalimkii weynaa ee Dr. Axmed xaaji wuxuu abuuray su’aalo ay xaq tahay in uu is weydiiyo qof walba oo dareen fiyow leh, fidradiisuna dhaqan tahay, loona helo jawaabo sax ah, waaqicana looga heli karo caddeymo u markhaati fura. Su’aalaha ku saabsan Sh. Dr. Amxed Xaaji C/Raxmaan Maxamed Xirsi yaa dilay? Maxaa loo dilay? Inta laga helayo yaqiin lagu buriyo... 
Halkudheg:

DR. AXMAD WUXUU U DHINTEY SIYAASADDA NACEYB-ABUUR

Dec 11, 2011
(يَا أَيَّتُهَا النَّفْسُ الْمُطْمَئِنَّةُ * ارْجِعِي إِلَى رَبِّكِ رَاضِيَةً مَرْضِيَّةً * فَادْخُلِي فِي عِبَادِي * وَادْخُلِي جَنَّتِي) (إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ) Qore: Dr. Saadiq Enow Qalbi ay murugadu jar-jartay ayaan ugu... 
Halkudheg:

Midnimada Muslimiinta

Dec 11, 2011
Waxaa laga joogaa wax ku dhaw todobaad inta uu mootan yahay Shiikh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, Ilaahay ha u naxariistee, iyadoo ilaa iyo hadda, ogaantay, aanu jirin qof si sharci ah loogu eedeeyey inuu geystay dilka. Su’aalo badan ayaa hadaba nala gudboon in la iska weydiiyo dhacdadaas iyo sida ay dareenka bulshada u kicisay. Ugu horrayn waxaa habboon, sida dad badani uga hadleen, in si qoto-dheer... 

Sh. Cabdulqadir Dalmar C/raxman Alle ka cabsada Somaaliyey….

Dec 11, 2011
Dhiiga oo la daadiyo xaq la’ aan waa danbi aad uweyn oo naar iyo cadaab xanuun badan lagu muteeysanayo. Waxaa laga oohiyey hooyoyin, caruur, culumo, waxgard iyo waayeel. Waxaa qof kasta oo u danqanaya dadkaas la gudboon in uu ka qaybqaato joojinta dilka dadka soomaaliyeed ee muslimka ah.  Read More →
Halkudheg:

BAYAAN AY SOO SAAREEN CULUMADA IYO DUCAADDA SOOMAALIYEED EE UK

Dec 11, 2011
Oo ku aaddan shirqoolkii Sh Dr Axmed Xaaji Cabdurraxman Shir ay galabnimadii Sabtida, 10 Dec 2011, isugu yimaadeen culumada, ducaadda iyo masuuliinta masaajidda Somaliyed ee UK oo ka dhacay masjidka Daarussalaam ee galbeedka London ayaa looga dooday dhacdadii foosha xumayd ee dhowaan lagu khaarajiyey sh Axmed Xaaji Cabdurraxmaan, Alle ha u naxariistee. Shirkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen waxgarad badan... 
Halkudheg:

Su’aal Jawaab ubaahan Yaa ka Dambeeyey Dilkii Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan?

Dec 10, 2011
 Qoraalkan kooban waxaan qoray bishii February 20, 2011, waxaan u gudbiyey in uu iga hubiyo sidii caadada ii ahayd Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan (Alle ha u naxariistee) si aan ugu faafiyo bogaga Internet ka, laakiin nasiib darro Shiikhu muddo iigama soo jawaabin, waana ku adkaatay in uu ii ansixiyo, dabeecaddiisa ayaaba ahayd in fikradaha sidan oo kale u adag-adag uusan u badheedhin taageeradooda.  Waa... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVII-aad

Dec 9, 2011
Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay ku sugan tahay sidaas aanu ka soo sheekeynay, ayaa dunida waxaa ka qarxay dagaallo culus oo si teel-teel ah uga curtey gobollo kala duwan ee dacallada adduunka ku yaal. Waxaa ku hardamayay dowladihii xilligaas ugu itaalka roonaa dunida. Colaadda waxaa u saldhig ahaa, sida caadada khilaaf walba uu yahay masaalix dhaqaale oo leysku af-garan waayay. Dagaalladaas oo kuwo... 
Halkudheg:

Farmaajo oo wareysi uu siiyey TV laga leeyahay Talyaaniga uga codsaday dowlada Talyaaniga inay hogaanka u qabtaan dibu dhiska Soomaaliya.”Daawo ama Akhriso “

Dec 9, 2011
Waxaa ka dhacay magaalada Roma(Italia) december 1-2 shirar qurbajooga somaliyeed oo u qayb galay Mohamed Abdullahi Mohamed, ra’iisulwasaarihii hore ee somaliya. Shirarkaa waxaa ka soo qayb galay somali badan, xildhibaano ka socdey dhammaan xisbiyada talyaaniga, guddomiyaha ururka xuquuqul insaanka dalkaa, jaraa’ídka dalkaa ugu waaween iyo tv-da.waxaan halka hordhac ahaan ugu soo gudbinaynaa bulshada... 
Halkudheg:

Baaq iyo Tacsi: Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Woqooyiga Ameerika oo Baaq iyo tacsiyeyn kasoo saaray Dilkii Sheekh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan

Dec 7, 2011
Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Amerika waxay tacsi tiiraanyo leh udirayaan dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu kageeriyoodey Sheekh,DR.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan,oo gacan ka xaqdarani ay ku dishey magaalada Boosaaso . Hoos ka akhri bayaanka GOLAHA IMAAMYADA SOOMAALIYEED EE WAQOOYIGA AMERICA الحمد لله وكفى وسلام على عباده الذين اصطفى ، وبعد ، Golaha... 
Halkudheg: ,

Colaada culumada iyo ciyaarta cusub ee salafiyiinta soomaaliya

Dec 6, 2011
Bismillaah, siyaasada wasaqeysan ee soomaaliya waxey sharafta kaqaaday cid waliba oo lug ku yeelatay, waxey shacabka ka hor keentay dad marki hore aad ugu dhawaa, soomaalidu waxey naceen dhamaan dadki ka qeyb qaatay isjiidjiidka siyaada soomaaliya, Arintaas waxaad moodaa in culumadu eysan darsi ka qaadanin. Waxaa jirtay in mudadii ey hogaamiya kooxeedyadu ku dagaalamayeen hubka in culumadu isku garaacayeen... 
Halkudheg:

Tacsi: Sheikh Dr. Ahmed Haaji Abdirahman oo lagu diley Boosaaso

Dec 5, 2011
Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun Waxaa nasoo gaaray in Dr. Ahmed Haaji Abdirahman oo kamid ah Culimmada Soomaaliyeed kuwa ugu Magaca Dheer xaga aqoonta lagu dilay magaalada Boosaaso kadib markii uu salaada Subax kasoo baxay. Waxaa sidaa noo xaqiijiyey Sh. Mohamud Qorane oo aan Boosaaso kala xiriiray wuxuu yiri “Dr. Ahmed Haaji Abdirahman illaahay ha u naxariisto isagoo Salaada Subax kasoo... 
Halkudheg:

HIBO LA HILMAANSAN-YAHAY

Dec 3, 2011
Eebaha boqorka ah wuxuu aadanaha ku galladeystey nicmado aanan tiro lagu koobi karin. Waxay isugu jiraan muuqato iyo ma-muuqato. Wax-kasta oo nolosha inoo hagaajinaya ayuu inoo unkey. Dabadeed wax kasta wuxuu inoo dhigey meeshii ay ugu habooneyd. In badan oo nicmadahaas kamid ah waa ay ka maqan yihiin garashada aadamiga oo maahan arimo aan ka daba-tegi karno. Intooda wax laga ogaadey, kuwooda ugu hilan... 
Halkudheg:

WAXAY TABEYSAA HOGGAAMIN RUUX WADDANIYADEED LE

Dec 2, 2011
Hoggaamini waa maxay?. Khubarada erey bixintu, waxay ku soo uruuriyaan ereygan, awood u yeelashada dhaqaajinta koox dada, si loo gaaro danta caamka ah. Marka si kale loo dhigana, hoggaamiye, waa niyad-geliye iyo agaassime wax falgeliya. Waa qof dadka ka mida oo kulansaday dabeecad iyo farsamo hoggaamineed oo kuwa kale jecleysiisa inay dhinaciisa ku biiraan. Qofka kor u qaada argtida dadka meel fogna... 

Qorshaha qorsoon ee Yemen qaybtii sadexaad

Nov 27, 2011
Markii uu boqorkaas reer Persia uu ka kiciyey Yemen boqortooyadii Xabashida ee Aqsum wuxuu ka dhigay Yemen meel maamulkeedu uu hoos yimaado waxaanay si toos ah ugu gacan gashay 597 miilaadiyada waxaanay Yemeni noqotay gobol ka mid ah Persia. Waxay kaloo Pershiyiintu dileen boqorkii Ximyar ee Sayf Ibnu Di Yasan, taasoo keentay inay ay samaysanto boqortooyooyin yar yar. Boqorkii Beershiyiinta ee Khosrau... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeed | Casharkii XVI-aad

Nov 27, 2011
Soddonkii sano ee ugu horeeyey qarnigii tegey, dhaawac xooggan ayaa ummadda Soomaaliyeed ka soo gaaray dagaalladii iska-caabinta gumeysiga. Dagaalladaasi waxay bulshada ku reebeen naafo iyo saboolnimo ay madaxa la qaadi-waayaan. Dhallinyarada badan ee kaga dhintey kasokow, dhaawaca guryaha buuxiyay iyo aafada saboolnimo ay nolosha ku reebtey ayaa duddooyin badani ay la jilba-dhigateen. Arintaasi waxay... 
Halkudheg:

GAARISA JIGJIGADII LABAAD!: “Duulaanka Kenye ee Soomaaliya wuxuu sabab unoqonayaa in Kenya ay waydo gobolka NFD ama North Eastern mutaqbalka dhow”

Nov 26, 2011
Hordhac: Soomaaliya waa dhulwayn oo ka kooban shan qaybood siday uqaybiyeen gumaystayaashii hore. 1- Italian Somaliland (Koonfurta soomaaliya oo ay kujirto puntland) 2- British Somaliland 3- Jabuuti (French Somaliland) 4- Soomaali Galbeed (Kilka shanaad) 5- NFD (Hadda gobolka wuqooyi bari Kenya) Yaynan kudaalin siday unoqdeen mid kasta, soomaalidu inbadan way ka dharagsan yihiin kala qaybinta loogaystay... 
Halkudheg:

Imaam Shiikh Axmed Ibnu Xanbal oo AL-Shabaab Lacnaday !!!!!

Nov 24, 2011
  Horudhac : Akhristoow Cinwaankan ma rabo in aan kugu soo jiito se waxaan ka wadaa mid run ah maxaayeelay Imaamku wuxuu lacnaday Mid ka kheyr badan AL-Shabaab oo ficilkooda mid la mid ah Sameeyey asagoo u Daliilshaday Aayad Quraan ah . Akhristoow Culumaddu Waxay u kala baxaan kuwa Quraanka micnihiisa Dhuuxa iyo kuwa Daahirkiisu soo jiito oo la yiraahdo Daahiriyiin waa kuwa qaata Qolofta kore... 
Halkudheg:

BULSHADII KU-DEYASHADA MUDNEYD

Nov 21, 2011
Dhanka wanaaggsan in loo kala hinnaaso waxay kamid tahay saldhigyada ay nolosha ku socoto. Heer qofeed iyo heer qaran, wixii wanaagga kaaga dheereeya, dareenka caafimaad-qaba wuxuu keenayaa in laga hinnaaso, damiirka noolna wuxuu keenayaa in lala looltamo. Loolanka wanaagsan ee halkaas ka dhasha wuxuu kamid ah arimaha lagu gaaro hr u-marka labada nolol. Kitaabka Quraanka ah meelo dhowr ah ayaad ku... 
Halkudheg: , ,

Muqdisho Magaaladii Islaamka Badbaadisay

Nov 20, 2011
Taariikh ku saabsan Muqdisho oo ka dahsoon Soomaali badan – “Haddii aysan Muqdisho jerteen Maka iyo Madiina waxay ahaan lahaayeen ama kujiri lahaayeen gacanta saliibiyiinta” Buugga Majdī Naṣīf. SII AKHRI  Read More →
Halkudheg: ,

Dalalka Carabta Maxay uga Hadli la’yihiin Duulaanka Kenya ee Soomaaliya

Nov 19, 2011
Dunida Dacaladeeda Meel Kasta oo Aad ka joogto waxaa Hubaal ah inay Ku nool yihiin Dad Muslimiin ah oo kuwo Islaamka Ku dhashay iyo Kuwa Soo Galay Diinta Islaamka kadib markii  illaah Qalbigoodu uu ku duway inay qabsadaan Xariga Allaah oo looga badbaadayo Ciqaabtiisa laguna Rajaynayo Raali ahaanshihiisa. Caalamka aynu ka hadlayno oo ay kuwada Nool yihiin Gaalo iyo Muslimiin Guud ahaantiisa Hogaanada... 
Halkudheg:

Qaybtii Afaraad Taxane Guddigii Mideynta Soomaaliya.

Nov 19, 2011
Aasaasayaashii Ururka Midnimadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed (S Y L )  Read More →
Halkudheg:

Muxaadarooyin ayaa ka dhici doona carigaa mareykanka Goobtuna waa……

Nov 19, 2011
Culimada Muxaadarooyinka kasoo qaybgeleysa waxaa kamida Sheekh Maxamed Idiris  Read More →

Qurba joogta Puntland oo Qardho ka fuliyey howlo Caafimaad

Nov 17, 2011
Qaar ka mid ah Qurba joogta Puntland ( Puntland diaspora Forum) ee Toronto iyo Minnesota ayaa ka fuliyey Qardho howl gargaar ah caafimaad oo lacag la’aan ah oo lagu daweynayo dadka qaba xanuunka waalida. Wafdi Dhaqaatiir ah oo ka yimi dalka dibadiisa ayaa maantay (16.11.2011) Qardho si rasmi ah uga bilaabay daweynta dad ka xanuusan dhimirka oo tiradooda lagu sheegay in ka badan 400 oo qof oo... 
Halkudheg: