SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK: MUQDISHO

Muqdisho Magaaladii Islaamka Badbaadisay

  • "Haddii aysan Muqdisho jerteen Maka iyo Madiina waxay ahaan lahaayeen ama kujiri lahaayeen gacanta saliibiyiinta" Buugga Majdī Naṣīf.

Taariikh ku saabsan Muqdisho oo ka dahsoon Soomaali badan

Assalamu calaykum waraxmatulaahi wabaraatuh.

Hordhac.

Xilli aan kuqiyaasay sanadii 2000 ilaa 2001 ayaa anigoo jooga magaalo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya waxa lay sheegay in laduminayo guriga awoowgay oo dhintay, gurigaas wuxuu ahaa guryaha looyaqaan cariishka ama mundulka ee ka samaysan dhoobada iyo tiirarka.

Halkii ayaan ka orday anigoo ku ogaa gurigaas gudihiisa inay kujiraan alaab taariikhi ah oo lagama maarmaan ay tahay in laga soo saaro, markii aan tagay waxan ka soo helay alaabo badan oo uu awoowgay kategay. Waxaa ka mid ahaa alaabtaas sanduuq ay kujiraan waraaqo iyo kutub hore, waxaana ka helay buug ay wax ku baran jireen adeeraday oo maanta ah professoro ama jaamiciyiin, buugtaas waa buugtii ay birimada ku dhigan jireen ama farta ay ku baran jireen.

Waxaan kaloo ku arkay laba kitaab oo daabacan, waxay kala ahaayeen kitaab ka hadlayey taariikhda madaxwaynihii ugu horeeyay Soomaaliya ee Aadan Cabdule Cismaan, magaciisu buugaas wuxuu ahaa magaca madawaxwaynaha waxana ku sawirnaa isagoo ka khudbaynaya golaha midowga Afrika ee Addis ababa wuxuu ku qornaa af carabi.

Buugga kale ee aan meesha ka helay waxa uu ahaa buug magaciisu yahay Soomaaliya DHULKII UDUGA IYO CATARKA ama الصومال أرض البخور والعطور waxa qoray qoraa Masri ah oo ladhaho Majdī Naṣīf, buugaas waa buug wayn wuxuuna kaga hadlayaa taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo intaan taariikhdaba laqorin ama waxa lagu yiraahdo afka carabaiga عصر ما قبل التاريخ 350 milaadka ciisa kahor.

Waxyaabaha aan ka helay sanduuqaas oo kale waxaa ka mid ahaa waraaqo uu owoowgay ku xisaabsan jiray daymaha mar uu lahaa dukaan 1927 waraaqahaas waxay ku qornaayeen Soomaali loo qoray sidii carabiga. Waxa kutaalay kilo sonkor ah qaatay taarikhdu xitaa way kuxusnayd 1927.

Waxan akhriyay labada buug ee daabacnaa waxana ahaa arday tiibo carabi ah oo madaarista ahliga ee afcarabiga ku baxa dhigta aad ayan ujeclaa wax akhriska. Waxan aad isugu taxalujiyay buugii ka hadlayey taariikha Soomaaliya. Markii aan khriyay buuga waxan ku arkay taariikh layaab leh oo aad aan ula yaabay qof binu aadam ahna aanan ka maqalin waligay oo qariib ah taariikhdaas waxay ku saabsanayd Muqdisho.

Sidaad wada ogtihiin islaamku markuu daciifay ee uu kala jajabay xiligii cabaasiyiinta kadib 656H wuxuu ukala qaybsamay dowlado yar yar oo dhexdooda khilaafaad kajiray kala qoqobkaas kadib gaaladu waxay isugu habar wacdeen in loo dhameeyo islaamka oo laciribtiro waxay soo qaadeen duulaamo taariikhda galay oo loo bixiyay duulamadii saliibiyiinta ama الحروب الصليبية , waxa u istaagay oo ka hortagay halyeygeeni Saaaxu diin al Ayuubi oo hogaamiyay duulaamadii lagu jabiyay, xamlaadkaas saliibiga ah hadafkoodu wuxuu ahaa in ay Qudus qabsadaan kadibna ugudbaan Maka iyo Madiina kacbadana ay burburiyaan qabriga nabigana labaxaan laakiin intaas midna uma suurta galin oo diinta ilaahay ayaa soo dajiyay isaga ayaana ilaashanaya, waxa ilaahay kusaladay Saaaxu diin al ayuubi oo ka yimi Masar laakiin udhashay Ciraaq.

Salaaxu diin wuxuu burburiyay dawlad waagii dambe daciiftay oo ladhihi jiray Mamaaliik المماليك wuxuuna ka dhisay meesheedi dawladiisa oo ahayd dawladtul ayuubiyah. Waxa layaab lahayd taariikhdaas ninkii raacraacay, in gaalada saliibiyiinta ah ay soo qaadeen 7 xamlo sida ay qorayaan mu’arikhiintu, todobadaas xamlo midkasta waxaa loosoo magacaabay hogaamiye birta calashaday, kadibna masiirkiisu wuxuu udanbayn jiray in ladilo hadana midkale ayaa lasoo magacaabi jiray sidaas oo kale isagana manoqon jirin 7 hogaamiye waxa hortaagnaa hal hogaamiye waan salaahu diin.

Waxa taariikhda kujirtay in ay koox ka tirsan saliibiyiinta ay usoo talaabeen jaziirada Carabta oo ay soo mareen badda cas waxayna kasoo dageen maanta meesha ay kutaal Jeddah hadafkoodu wuxuu ahaa in ay labaxaan qabriga nabiga naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, Madiina markaas dad badan majoogin oo waxa la aaday jihaadka ka socda Qudus, waxa ubadnaa Madiina dumar iyo caruur iyo odayaal.

Salaahu diin warkii uu maqlay wuxuu usoo diray fardo iyo rag aad udheereeya waxay kasoo baxeen Qudus ilaahay wuxuu usuurta galiyay inaysan gaaladii gaarin Madiina oo looga soo hormaray waadna arki kartaa masaafada ay isku jiraan Qudus & Madiina iyo Madiina & Jeddah. Sida u afkiisa ka qiranayo taliyihii hogaaminayey gumaystihii saliibiga.

Raggii loosoodiray inay difaacaan qabrigii nabiga naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee way difaaceen nafta ayeyna uhureen nimankiina meesha ayey kulaayeen.

Markii ay usuurta gali wayday inay qabsadaan Qudus oo ay ku khasaareen 7 dulaan oo midkastaba rag iyo kharash iyo naf uga baxay ayey joojiyeen dulaankii larabay in islaamka looga qabsado dhanka woqooyi. Muddo lagu qiyaasay 20 kadib ayey umuuqatay saliibiyiintii inay jirto fursad banaan oo looga soo gali karo musliminta dhabarkana looga jabin karo si toos ahna loo qabsan karo Maka iyo Madina, meeshaas waxay noqotoy bariga islaamka gaar ahaan in geeska Afrika laga soo galo kadibna loo gudbo Yemen halkaasna looga talaabo Maka iyo madina, waxay is tuseen dadka geeska Afrika jooga inay yihiin cawaan iyo inaysanba ahayn dad jira, yemen waa loo qiyaastay inay cidloowday madama dadkii kunoolaa ay ujihaad tageen Qudus oo ayba cidlo tahay.

Maka waxay kutaalaa qalbiga caalamka iyo qalbiga wadamada islaamka, maadaama ay usuurta gali wayday inay kasoo galaan dhanka wuqooyi waxay ku fakareen in laga soo galo dhanka koonfureed oo ah dhul furan.


Sawirka oo weyn: http://www.lib.utexas.edu/maps/middle_east_and_asia/n_africa_mid_east_pol_95.jpg

Burtiqiiska ayaa hogaaminayey duulaankan, waxana ku gadaaljiray wadamada Faransiiska, Britishka iyo Jermalka laakiin hogaanka iyo ciidanka ugu badnaa waxa lahaa Burtiqiiska waayo wiilka watay duulaankan ee Henry aabahiis ayaa baadari ahaa wuxuuna korka uga soo shubay biyo uu kusheegay kuwa barakaysan oo ka yimi dhanka ciise.

Duullaanka ka hor waxay ahayd geeska Afrika mid kunaaloonaya nolol aad uwanaagsan iyo amni wuxuuna ahaa dhul ay aad iyo aad uga socdaan ganacsiga iyo nolashii kale ee kala duwaneed waxay mu’arikhiintu sheegaan in xiligaas geeska Afrika ama Soomaaliya ay ahayd dhulka ugu barwaaqada badan aduunka dadkooduna ay ahaayeen dadka ugu qanisan caalamka.

Duullaankii iyo ciidamadii waxay bilaabeen inay soo dhaqaaqaan, wuxuu buugu leeyahay waxay kasoo wareegeen galbeedka Afrika ilaa Koonfur-Afrika kadibna waxay usoo wareegeen bariga Afrika. iyagoo soo qabsaday jaziirada zinzibaar dadkeedana soo laayeen guryahoodana soo gubeen, waxay kusoo xejiyeen Mambasa oo buugu leeyahay waxay ku qaadeen weerar, Mambasana way isdifacday kadibna way go’doomiyeen waxay Mambasa go’doon ahayd 33 bilood kadibna way is dhiibtay.

Kaddib waxay usoo gudbeen Kismaayo iyadana dagaala ayey kula wareegeen, waxay ku xijiyeen Marka iyadana si fudud ayey ula wareegeen, kadib ayey yimadeen Muqdisho iyagoo Muqdisho dhayalsanaya ayey aadeen balse waxay lakulmeen dagaal aad u adag oo aad ukulul kuwii horena ka daran jilbahaa laysu laabay.

Muqdisho way diiday inay isdhiibto dhowr weerar ayey ku qaadeen balse uma suurta galin Burtiqiiska iyo kuwii kale ee lasocday inay furtaan waxay kutashadeen inay go’doomiyaan (Portuguese Blockade). Kadibna waxay kusoo rogeen go’doon adag oo dhankasta ah badda iyo bariga, dadka reer Muqdishana way diideen in laqabsado, waana diideen in ay is dhiibaan, danna kama lahayn go’doonka lasaaray.

Balse meesha iyo waxa aan lafajacay waxay ahayd intee ayey Muqdisho go’doon ahayd? Walaahay dhawr jeer ayaan eegmada ku celceliyay inta sano ee Muqdisho ay go’doonka ahayd ee uu qoraagu qoray, waxay Muqdisho kor fadhiyeen 40 sano, waa tiro aan rumaysan waayey balse buuga ay kuqorantahay, ٤٠ سنة ayaa kuqornayd buuga afartan sano ayey kor fadhiyeen Muqdisho dadkeeduna ay ku dhex noolaayeen.

Arintaas waan baaray, kutub kalena waxay qoraysaa inay ahayd 39 sano labada tiro makala foga, 40 sano tiro yar maaha dadkaas sidee u dulqaadanayeen sideese unoolaanayeen gadaal ayan ku arki doonaa taas.

Waxaa lasheegaa in 40 sano gudahooda dagaalo badan ay isku dayeen Burtaqiisku ayna fooda galin waayeen magalada. Laakiin buugu maqorin dagaaladaas. Soomaalidii Muqdisho joogtay kumaysan xisaabtamayn sanadahaas aadka ubadan in la go’doomin doono waxay waraqo dhuumasho ah udireen muslimiintii kunoolayd Ethiopia oo ay kaga dalbanayaan inay usoo gurmadaan oo ay ka dulqaadaan go’doonka saaran, laakiin umasyan soo jawaabin waraaqo kale ayey udireen oo dalabkii hore kuqornaa iyagana jawaab kamaysan soo bixin. Guud ahaan dalka Ethiopia waa dal cadow soo jireen ah ku ah Soomaaliya.

Kadib waxa dulqaadkii ka dhamaaday Burtiqiiskii iyo huwantii kale, waxay udireen reer Muqdisho waraaq ay kaga dalbanayaan inay is dhiibaan maadaama muddo dheer ay kujireen go’doon ba’an, waa loo dhaartay waana lahandaday waxna waa loo balanqaaday haday isdhibaan balse jawaabtu maxay noqotay?

Waxa lasheegaa in dadka markaas Muqdisho joogay ay kujireen carab iyo hindi muslimiin ah oo difaaca ka qayb qaadanayey balse si kastaba ha ahaatee meeshu waa Muqdisho dalkuna wuxuu ahaa Soomaali, waxay kusoo jawaabeen jawaab layaab kunoqotay kuna kaliftay huwantii iyo Burtuqiiskii inay halkaas kahuleelaan kuna joojiyaan duulaankii ay kudoonayeen inay ku qabsadaan Muqdisho, kaddibna uga sii gudbaan Maka si ay ula soo baxaan qabriga nabiga naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee.

Kadib markay ka tashadeen reer Muqdisho jawaabta ay bixin lahaayeen ayaa odayaal diinta aad ugu xeel dheeraa waxa ay ku taliyeen inay jawaabtu noqoto dhawr sadar oo qiima badan. Jawaabtii waxa loo doortay inay noqoto qoraalkaan Carabiga ah oo u qornaa sidan:

.بسم الله الرحمن الرحيميا ايهالذين كفروا لاتدخلوا بيوتا غير بيوتكم حتى تستأنسوا وتسلموا على أهلها ذالكم خير لكم لعلكم تذكرون. فإن لم تجدوا فيها أحدا فلا تدخلوها حتى يؤذن لكم وإن قيل لكم إرجعوا فارجعو هو أزكي لكم, والله بما تعلمون عليم

Kalmadahaas oo ah waxa luqadda Carabiga looyaqaan iqtibaas ama إقتباس in quraanka wax laga soo qaato, mana aha jees-jees. Kutubtuna way qorayaan gaar ahaan kutubta balaaqada البلاغة. Erayadaas micnahoodu waa “war hooy kuwani soo duulayoow hagalina guryo aan guryihiina ahayn ilaa aad dalab waydiisataan oo aad salaantaan taas ayaa idiin khayr badan si aad ugu waano qaadataan”.“Hadii aad kawaydaan dad hagalina ilaa laydiin ogalaado hadii laydin dhaho noqdana noqda taas ayaa idiin daahirnimo badan, ilaahayna waxad samaynaysaa wuu ogyahay”.

Guriga loo jeeday waa Muqdisho muqdishana waxay tiri noqda wayna diideen. Sidaas ayuu hadalku udhacayaa.

Hadaba goortii loodhiibay jawaabta hogaamiyihii ciidanka ee henry wuxuu dalbaday tarjumaan wuxuuna layaabay jawaabta yar, jawaabtuna waxay ku qornayd carabi, tarjumaankii wuxuu usheegay hadalka aan kor kusoo xusnay, taliyihii wuxuu layaabay jawaabta yar ee aadka udaran oo quusta ah, Taliye henry wuxuu latashaday ciidankii iyo ragiisiiba. waxaana lagula taliyey in la iska noqdo oo halkaas lagu joojiyo duulaankii ayna iska daayaan duulaanka.

Waxay bilaabeen inay aruursadaan qalabkoodii ayna iska noqdaan balse intaan lanoqon hogaamiye henry wuxuu dalbaday inuu lakulmo odayaasha reer Muqdisho oo uu waydiiyo hal sua’aal oo kaliye. Way aqbaleen kulankuna wuxuu ka dhacay meel labada ciidan udhaxaysa su’aashii ayuu waydiiyey waxayna udhacday sidatan.

  • Taliye henry: “intii aan go’doonka idinku haynay oo dhamayd 40 sano side unoolaydeen mudada intaas la’eg maadama aan idinka xirnay bad iyo bari inay wax idinka yimaadaan”?
  • Mid ka mid ah odayaashii Muqdisho ayaa ujawaabay wuxuu yiri : “ XOOLO AYAAN DHAQANAYNEY INTAAD GO’DOONKA NAGU HAYSEEN LO’, GEEL IYO ARI AYAA NOO JOOGA, MALINTII WAXAN DAAJIN JIRNAY MAGAALADA GUDAHEEDA, HABEENKIINA HILIBKOODA AYAAN CUNI JIRNEY, CANAHOODANA WAA CABI JIRNAY, CARUURTANA SIISAN JIRNAY, XOOLUHUNA WAY TARMI JIREEN”.

Hogaamiyihii wuxuu ku baaqay oo uu kutaliyay kadib markuu uu Yurub kunoqday in ciddii rabta in Soomaaliya qabsato ay kala dirirto xoolaha oo ah laf dhabarta nolosha Soomaalida, wuxuu kutaliyay in Soomaaliya laga dabar jaro xoolaha ay kunoolyihiin.

Ugu dambayntii gaaladii duulaanka ahayd way noqdeen iyagoo niyad jabay Muqdishana waxay udabaaldagtay inay islaamka badbaadisay. Qoraaga buugu wuxuu hadalkiisa kusoo gaba gabaynayaa sidatan “ لولت مقديشو لكانت مكة ومدينة تحت يد الصليبين".Wuxuu yiri “ hadii aysan Muqdisho jerteen Maka iyo Madiina waxay ahaan lahaayeen ama kujiri lahaayeen gacanta saliibiyiinta”.

GABOGABADII: Soomaaliya iyo Soomaalida waxay ahaayeen dad utaagan inay is difaacaan, waxay ahaayeen dad aad u adkaysi badan oo geesiyaal ah. Waana sababta keentay in lakala jabiyo oo lakala qoqobo.

Waxan kusoo gaba gabaynayaa taariikhdan yar: Waxan hoos kuxusayaa inta wadan ee isku dayey inay Soomaaliya xoog ku muquuniyaan oo cidiyaha ku diriray laakiin ay usuurta gali wayday.

1- Portugal - 1295
2- Ethiopia - 1504
3- Egypt- Masar - 1870
4- France - 1884
5- Italy - 1886
6- England - 1886
7- Ethiopia - 1921
8- Ethiopia - 1935
9- Ethiopia - 1964
10- Ethiopia - 1977
11- U.S.A - 1992
12- UNISOM - 1993
13- Belgium – 1993 kismayo
14- Ethiopia - 2006
15- AMISOM - 2007
16- Kenya - October 2011.

Wabilaahi towfiiq

Mohamud Ahmed Mohamud Aw-Osman (xaydar)
E-mail: Haydar101@muslim.com

Faafin: SomaliTalk.com | November 16, 2011

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: