Home » Archive Qoraaga
Mareykanka Ma Ukun Baa, Turkigana Ma Xadiid baa!! “Maxaa loo yiri Ku meel Gaar Waan ka Baxney”
“War maxaa loo yiri Ku meel Gaarkii baan ka baxney,Beerka Caaro Idiin Goysey “Qayladaan waxay ka soo yeertey Nin Odey ah oo aan si wanaagsan isku naqaan da’diisana aan ku qiyaasey 70 Sanno” markaas baan ku irir” Adeer maanta war waa weyn baa kaa baxaya ee Sidee wax u jiraan ” Inta ii soo dhawaadey oo uu soo jiitey Kursi ayuu yiri” Adeer aad baan kuugu baahnaa”...
Kulan looga Arrrinsanayey in Maamul Loo sameeyo Gobolka Shabeladda Dhexe oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho
G/Sare Maxamed Axmed Di Gaab “ Gobolka Shabellada Dhexe waa Gobol isku filan ee wuxuu u Baahan yahay in Dowlada u Dhisto Maamul ay Dadka Soo Doortaan”
Iyadoo Dowladda Federaalka ay sheegety in ay Maamulo dadka ay soo Doorteen ay ka dhisayaan Gobolada dalka Ayaa Hotelka Raaso ee Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay ka qayb galeen Qaybaha kala Duwan ee Bulshada ka soo jeeda Gobolaka Shabelada Dhexe...
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Midowga Yurub
Muqdisho, 24, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa saaka xafiiskiisa kulan balaaran kula qaatay wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michal Caravan, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mark Boucher, iyo wakiil ka socda Safaarada Faransiiska ee Kenya. .
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Ra’iisul...
Ra’iisul wasaaraha dawlada Federaalka oo baaq ka soo saaray Dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo
WAR SAXAAFADEED
Moqdisho, 23, Feb, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta soo saaray baaq ku aadan dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo.
“Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen...
Faahfaahin ku Saabsan Booqashada Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Turkiga uu ku yimid Magaalada Muqdisho.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho Barqanimadii ayaa maanta ayaa ka soo degay Wafddi Ballaaran oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaer ku Xigeenka Dalka Turkiga Bekir Bozdag. Wafdigan ka socday dalka Turkiga ayaa waxaa Magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay Ra;iisul Wasaare ku Xigeen ahna Wasiirka arrimaha Dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji...
Dilkii Sheekh C/Qadir Gacamey AUN Maxaa Looga Dan Lahaa?
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig)
Warku maqalkiisu wuu murugo iyo mashaqo waynaa. Wuuna Indo xumo iyo calool xumo badnaa. Qof walba oo Muslim ah naxdin iyo uur ku taalo ayuu ku reebay. Waligay ma sawiran sifo la mid ah. Una malayn maayo qalbi qof Muslima in uu ku soo dhici karo abid. Kuwii soo maleegay musiibo ayaa ku dhacday. Waana hubaal halaagooda in la arkayo. Alle waxaan ka baryaynaa adduunyada...
Jamaacada Al-Ictizaam oo Baaqii 3-aad ka soo saartay Dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax
Jamaacada Al-Ictizaam Bilkitaab wasunnah oo soo saartay baaqii saddexaad oo ku saabsan dilkii Sh. C/qaadir Nuur Faarax, baaqaas oo u qornaa sidan:
BAAQII 3aad
Al-Shabaab aynu Meel Uga soo wada Jeedsanno
Halkan ka akhri baaqa oo saxiixan
Ugu horayn waxaan u mahadcelinaynaa illaahii inoo fududeeyey qayb ka mid ah wax ka qabadka dilkii Sh. Cabdulqaadir, Nuur Faarax, oo Kooxda Al-shabaab ku dishay Masaajidka...
Waxaan Badbaadiyey Naf !!
( I SAVED A LIFE )
Laba Qubo ah oo ka mid ah Qubooyinka u Nool Badda Gunteeda ayaa waxay Saaxiib ku noqdeen sidii ay isaga Ilaalin lahaayeen Caddawgooda Koowaad ee Bani’aadam, waxay is Tusiyeen in ay kaga Badbaadi karaan Badda Gunteeda , waxaana maalin waliba Dhex marta Sheekooyin ku aadan Caddowgaas , mid baa mid kale ku yiri”Saaxiib Cadowga Bani’aamka ee aan leeynahay waxay ku Dagaalamaan...
Gabay: Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur –WT Maxamuud Axmed Cabdalla(shiine)
Dhammaan ummadda Soomaaliyeed waa salaamaynaa. Gabaygan waxa Abwaan Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine) kaga qisoonayaa dilkii bahalnimada ahaa ee loo geystey Alwaalid-Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, oo Garoowe Masjidka Beder lagu dhex dilay. Gabaygan waxa abwaanku ku xusayaa Sheekha dabeecadihiisii, khayrbadnidiisii, isla markaana waa ugu ducaynayaa. Akhris wanaagsan, codkiina naga suga dhowaan
Read More →
SYAO oo Magaalada Beled Weyne ku soo GabagabeyseyTartan Ciyaareed ay ugu Magacdartey Isdhexgelka Bulshada
Tartan isboorti oo ay ka qeyb galayeen 8 kooxood Mudo Todobaad ahna ka soconayay Garoonka Kubada Cagta lama Galaay ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa lasoo gaba gabeeyay Munaasabad lagu abaal marinayay kooxihii kaalmaha galay oo lagu qabtay Garoonka Lama Galaay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Dowlada, iyo Kuwa Amisom ee ka socda...
Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya oo Kormeer shaqo ku tagay Gobolka Sh/Hoose, Una Kuurgalay Xaaladda…
Wafdi uu Hogaaminayey Xiriiriyaha Hay’adaha Dowladaha Switzerland iyo Soomaaliya Mustaf Bashiir Xaaji Goob-Doon ayaa Kormeer iyo howlo shaqo ku tagay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose si ay u soo qiimeeyaan Xaaladda Nololeed ee dadka Gobolka Sh/hoose iyo qaabka ay u howlgalaan Hay’adaha Swess-ka ee ka shaqeeya Magaalada Marka oo howlo Banni’aadannimo u haya dadka Degmadaasi.
Read More →
Xasan Shiikh, Saacid iyo Jawaari soo Fiiriya Xabsiga Dhexe.
“Ma Ogidiin Miyaa in Shiikh Shariif laga adkaadey”
( Ha la yaabin waa Xaaladaha ka jira Xabsiyada )
Koox Wariyayaal ah oo Dhawaan Booqatey Xabsiga Dhex si ay u soo ogaadaan Nolosha Maxaabista halkaa ku jirta waxayna si gaar ah u Daneynayeen Xaalada Wariye Cabdicasiis Koronto oo dhawaan Maxakamada Racfaanka Ku Xukuntey Lix Bilood oo Xariga ah markii uu wareystey Haweeney Sheegatey in la Kufsadey...
Konton Kun oo Doolar oo Halis Wadata !!
(Warbxin Xiiso leh)
“Rasaasta aan Maqleyney Alla Waa Wariye Hebel ee Deriskeennaa ahaa waxa la diley , markiiba Laba Nin oo ka dhawaa halkii lagu diley Wariyaha ayaa meel Luuq ah ku eryadey Raggii Diley Wariyaha waxayna labadii nin markii ay soo galeen Luuqa ayey yara Hakadeen ka dib markii ay dareemeen Muqdi yar maadaama uu markaa Dayaxana uu sii dhacayey, Salaadii Cishana laga soo baxay , inta...
Wariye Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul Cali Cismaan oo la hor keenay Maxakamada Racfaanka
Dood Kulul oo Dhexmartey Qareenada u Doodaya Cabdicasiis Koronto iyo Hooyo Luul iyo Xeer Ilaaliyha Guud ee Qaranka
Waxaa maanta Maxakamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir ka furantey Dacwadii Wariye Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim (Koronto) iyo Haweeneydii la Kufsadey ama lagu Xadgudbey Luul Cali Cismaan ka dib markii Maxkamadii Derajada Koowaad ee Gobolka Banaadir ay labadooda ku Xukuntey Min hal...
Maxaa keeney weerarkii lagu qaadey Masjidka Xaram 1979?
Assalaamu Alaykum. Maanta iyo qoraalkeena waa qiso dhab ah oo dhacday Xaramka mudo iminka laga jooga 34 sano! Qof kasta oo Muslim ah waa fahansanyahay qeymaha iyo qadarinta ay naga mudanthay magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukarramah. Makka qof lagu dila iskadaaye, geedaheeda lama ogala in lagooya. Xitaa qofkii niyada xumaan uqaada magaaladaas Allah wuxuu ku abaalmarin doona Cadaabka Aakhira.
Meesha...
Warsaxaafadeed ku saabsan Dilkii Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.
Kadib markii uu soo gabagaboobay Shir uga socday Magaalada Garoowe intii u dhaxaysay 17-19/ 2013 Jamaacada waxay soo saareen War Saxaafadeed kaan:
1- Waxaan u mahad celinaynaa allaah Subaahanahu Watacaa oo fududeeyey hawlo baddan oo ka mid ah aaskii Sheikha iyo qabqabashadii Danbiilayaasha. Waxaan kaloo u mahad celinaynaa Dowladda Puntland, sida wayn ay howshaan isugu xilqaantay waxna uga qabatay....
Dowladda Federaalka oo Qaadey Talaabo soo Dhaweyn Leh ka dib markii Gaashaan u Duruurtey in Ciidamo Kenyaan ah oo Huwan Magaca Amisom ay ka Howgalaan Xeebaha Soomaaliya
Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Talaabad ay qaadey Dowlada Federaalka ku tilmaamey mid Niyad jab ah
– Muqdisho laga Xusey Sannad Guuradaq 51 aad ee Ciidamada Bada Xili Badda Soomaaliya ay iska Maamulanayaan Ciidamo Shisheeye
Dowlada Federaalka oo ka qayb galeysa Shir ka Furmaya Adis Abab looga hadlayo Sharciyada Badda iyadoo la Og yahay in Itoobiya aysan lahayn Bad
Dowlada Kenya oo Muddooyinkaan...
Bayaankii Jamaacada Ictisaam ee Dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax
Intaa ka dib, waxay Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wassunnah eheladii sheekha, asxaabtiisii, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed iyo umadda muslimka oo dhan uga tacsiyeyneysaa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Alle ha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Naarax, oo shalay oo Jimce ahayd 5-04-1434H / 15-02-2013 isaga oo ku jira salaadddii casar lagu dilay masjidka Beder oo ku yaal magaalada Garoowe.
Sheekh...
Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Ku-simihiisa (Guddoomiyaha Baarlamaanka) Oo Dastuurka Jebiyay
Qore: Maxamed Xaaji Caddow –
Intii u dhaxaysay 26 Janaayo ilaa 8dii Febraayo 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku maqnaa socdaal dalka dibaddiisa ah. Sida uu qabo Qodobka 94aad (1) ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuu sababta maqanaanshaha...
Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo Dilka Shiikh Cabdulqaadir Gacameey ku Macneeyay mid Lagu Doonayo in Dadka Lagu Indha Tiro.
Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyyed Shiikh Bashiir Axmed salaad ayaa ka hadlay Dilkii maalinimadii Shalay magaalada garoowe lagu Dilay Shiikh Cabdulqaadir Nuur faarax . Guddoomiyaha ayaa sheegay in dilkaasu yahay mid looga dan leeyahay sidii loola dagaalami lahaa dadka wax galka ah oo ay ka mid yihiin Culumada, Aqoonyahanka iyo Dadka wax galka Bulshada u ah.
Shiikh Bashiir oo hadalkiisa...
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo Lagu Diley Garoowe
Inaa Lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun…
Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa galabnimadii Jimcada Ferbaayo 15, 2013 lagu dilay gudaha Masaajid ku yaal bartamaha magaalada Garoowe.
Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ahaa sheikh siweyn looga yaqaano Soomaaliya ayaa waxaa toogasho gacan ka xaqdarani ku dishey gudaha Masjidka Beder isagoo markaas tukanayey salaadii casar ee galab Jimce
Wararka ugu horeeyey...
Xaflad Qalin Jebin Ardayda Dugsiga Quraanka ee Markazka Dar-ul-Hijra -Toronto
Waxaa maalinki Axadda ee Febraayo 10-keeda,2013 lagu qabtay xarunta weyn ee Markazka Dar-ul-Hijra –Totonto, Canada xaflad taariikhi ah oo si wacan loo soo agaasimay oo loo qabtay ardaygi ugu horreeyay ee ku dhammeeyay Quraanka Markazka muddadi yareyd ee uu furnaa. Ardaygaas oo lagu magacaabo Adam Abdi Hodan waa Allah mahaddiise waxay ku qaadatay in uu ooga qalin jabiyo Dugsiga Quraanka ee xarunta...
Xisbiga Tiir oo waydiiyay su,aal muhiim ah dhallinyarada Soomaaliyeed.
Markahore waxaan u mahadcelineynaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee kuhoowlan sidii waxlooga badalilahaa xaaladda dalkeena iyo dadkeena murugsan muddadadheer.
Dhallinyarooy dalkeenii iyo dadkeenii waxay marayaan xaalad kalaguur ah oo ubaahan in aan qeebteena kaqaadano silooga saaro dhibaatada dalkeena iyo dadkeena. Dhallinyarooy, sidaad wada ogtihiin horusocodka dalkeena waxaa ragaadiyay...
Dhibaatooyinka caafimaad ee sigaarka (w/q: Dr. Axmed Xalaal)
Bismillaah, sanadkiiba 5 milyan oo qof ayaa u geeriyoota sigaar cabida, waa qiyaas ku dhisan daraasad ey sameysay WHO, ilaa 25 cudur oo waaweyn ayaa loo aaneeyaa sigaarka, sidoo kale jirrooyin kale oo fara badan ayuu sigaarku kaalin weyn ka qaataa sababidooda iyo uga daridooda, sidaa darteed waxa aan ka hadleyno waa cadaw weyn oo ilaahey ku saliday insaanka, mudanne in aan wax badan ka ogaano.
Hadaba...
Bal Ila Fiiri,Intaadan ku Farxin Valantine’s Day.
Mahad oo dhan Rabbi ayay u sugnaatey. Nabi Muxammedna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa allaha yeelo. Intaa ka dib.
Ibnu cammad al-asfahaani ayaa laga soo weriyay hadal macnihiisu yahay: “Qof ma jiro qoraal sameynayo maalin, illaa waxaa la dhihi doonaa maalinta ku xigta: sidaan in lagu bedelo ayaa wanaagsanaan lahayd, in waxaasi lagudaro ayaa ficnaan lahayd, kan in lasoo hormariyo ayaa haboonaan...




