Home » Archive Qoraaga

Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .

Oct 16, 2015
New Delhi, October 16, 2015 – Illaa iyo 20 diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar diblomaasiyadeed oo socday muddo 30 cisho ah ( Hal bil ) loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada New Delhi ee caasimadda India . Tababarkani oo lagu qabtay Machadka Diblomaasiyadda ( Foreign Service Institute ) ayaa diblomaasiyiintani... 

Qaladaadkii Warbaahinta ee Shilkii Diyaaradda ee Muqdisho

Oct 15, 2015
Intii war qalad ah uu kaa bixi lahaa waxaa wanaagsan in warka aad tebinayso uu Daaho,warbaahinta Soomaalida waxa ay habeenkii isniintii oct 13, 2015 ahaa ay aad u tabinayeen warka la xiriira Diyaarad dul hee-haabaysay Garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.Inta badan waa ay adkeyd in la helo xogta saxda ee Diyaaradda waxaase markii dambe dadka xog ogaalka ah ee leh ila Wareedka wanaagsan ay heleen in Diyaaradda... 

Dood wadaag: Qof iyo cod 2016 iyo Soomaaliya oo ku jirta gumeysi maldahan

Oct 4, 2015
Barnaamij uu baahiyey Tvga universal oo ay ka qaybqaateen xildhibaano Soomaaliyeed ayaa looga dooday sida ay suurtagalka ku noqon weydey in qof iyo cod 2016 uu ka dhaco Soomaaliya, waayo dalku wuxuu ku jiraa gumeysi… In la garab maray dastuurka Soomaaliya, in aan lala tashan baarlamaanka .. In aan talo faraha ugu jirin soomaalida… Daawo videoga  Read More →

Daladda SOSENSA oo Dalbatey in Xoriyadooda dib loogu soo celiyo Wariyayaasha TV-ga Universal

Oct 4, 2015
Warsaxaafadeed SOSCENSA waa Dalladda matasha Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Soomaaliya, xiriir wadashaqeyneedna uu kala dhexeeyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka dalka. SOSCENSA waxay si toos ah u meteshaa; dalladaha bulshada rayidka ah, ururrada xirfadleyda Soomaaliyeed, dalladaha waxbarashada, ururweynaha isutagga Shaqaalaha Soomaaliyeed, iskaashatooyinka, qeyba ka tirsan saxaafadda madaxa bannaan,... 

Hanyari hoos bay ku dhigtaa!!

Sep 29, 2015
Waxaa qoray Cabdinuur Faarax Maxamuud Email- abdinuur02@gmail.com Han weynaan ama han yaraan), waxaa loola jeeda hadba wuxuu qofku ku qanco tusaale ahaan haddii hankaagu yahay inaad xukunto Qaaradda Africa , kuma qancin karato inaad xukunto Xaafad ama hal Beel ama Hal Gobol.. Hankaagu haduu yahay inaad mideyso Qaran kuma qanci kartid Qabiil, hankagu hadduu yahay inaad raadiso... 

Dhul-Badeedka Soomaaliyeed: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego

Sep 27, 2015
Warbixin dheer oo uu qoray ururka ECOTERRA (July-Sept 2010) oo ku saabsan badda Soomaaliya ayaa cinwaankiisu ahaa “Dhul-badeedka Soomaaliya: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego.” Warbixinta oo ka kooban dhawr qaybood waxay u qoran tahay qaab ah “beenta la sheego,” iyo “xaqiiqada jirta,” oo jawaab u ah. Qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri:  Read More →

Admiral Faarax Qare “Xuduuda Badda Soomaaliyeed ma ahan 12nm ee waa 200nm”

Sep 22, 2015
Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliyeed ayaa September 2011 si qayaxan u diidey mashruuc lagu doonayo in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12nm, shir ka dhacay Seychelles ayuuna warqad diidmo ah u gudbiyey….  Read More →

Shabeelada Hoose Fiyatnaamtii Soomaaliya

Sep 21, 2015
Maalin Waliba waxaa Maqanaa ama Daawanaa in Deegaano ka tirsan Gobolka Shabelada Hoose ay ka dhaceen , Dagaalo,Qarax, Dil, Ismiidaamin, AFduuub iyo wixii la mid ah , waxaa markii Dambe na soo gaarey in Xerooyin ku yaala Gobolka loo dhacay oo wixii ku jirey halkaas lagu laayeeyey waxayna Dhacdooyinkaan ay imaanayeen markii Ciidamada AMISOM ay gaareen Gobolkaa oo ah Gobol Keymo badan oo Beeraha... 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo ka tacsiyeeyey geerida Sh. Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum

Sep 21, 2015
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN Muqdisho, —–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Ra’iisul Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta U.A.E oo wiilkiisa Sheekh Rashid Bin Maxamed Bin Rashid Al Makhtoum uu ku geeriyooday maanta magaalada Dubai. “Innaa lillaahi wa inaa Illeyhi... 

Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)

Sep 13, 2015
Dhowr Qof oo ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed oo isugu yimid Goob Shaaha laga Cabo ayaa mid ka mid ah waxaa uu la soo boodey “ Walaalayaal Wasiirada Xukuumadda Cumar Cabdirashiid ma laha miyaa Wasaarado ay ku shaqeeyaan” intii kale ayaa Warka Saaxiibkood ka soo yeerey la yaabey oo yiri “Maxay Wasaarado u lahaan waayeen” markaasuu ku celiyey “ u maleyn maayo in ay Wasaarado leeyihiin”... 

Wasiirka Maaliyadda ayaa si diiran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista miisaaniyada 2015

Sep 13, 2015
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaaliya mudane Maxamed Aden Farkeeti ayaa si diiran u soo dhaweeyey ansixinta dib u eegista lagu sameeyey miisaaniyadda, 2015, isagoona ku tilmaamay iney tahay talaabo looga hortagayo isu dheeli tir la’aanta dakhliga dowladda iyo kharashaadka baxaya kadib markii uu gaabis ku yimid qoondadii ay ku kabi lahaayeen deeq bixiyayaasha caalamka ee miisaaniyadii... 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo Tacsi u diray Ummadda Muslimiinta dhimashada

Sep 13, 2015
Muqdisho, September 12, 2015—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ku hadlaya magaca Xukuumada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Muslimiinta, waxa uuna uga tacsiyeeyey dhimashada dadkii ku shahiiday magaalada Barakeysan ee Makkah, dalka Sucuudiga. “Waxaan tacsi u dirayaa ehelada shacabkii Muslimiinta ahaa ee ku shahiiday mashaqadii ka dhacday Magaalada Barakeysan ee... 

Golaha Wasiirada oo war ka soo saaray dagaalka Caabudwaaq iyo lacago been abuur ah

Sep 11, 2015
Muqdisho, -Golaha Wasiirad ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Wasiirka Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dagaalkii ka dhacay degmada Caabud-waaq ee degaanada maamulka Galmudug iyo lacago been abuur ah oo dhowaan soo galay qeybo ka mid ah suuqyada dalka. Golaha... 

Soomaalida reer Minnesota oo diidey hindise sharciyeedka cusub ee Soomaalinimada ee ay wado Dawlada Soomaaliya

Sep 8, 2015
DIIDA DAN SOOMAALI MA AHAN Qoraalkan kooban waxaan si kooban uga faaloonayaa shirkii shalay Sept. 6, 2015 ay Soomaalida Minnesota oo si sharaf leh u diiday hindise sharciyeed cusub ee sharciga dhalashada ee Soomaalinimada. Kulan aan si fiican loo shaacin ayaa Wasiiru dowlaha arimaha gudaha ee Soomaalia, Mudane Abdirashid Maxamed Xidig, wuxuu la kulmay qeyb ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota... 

War Saxaafadeed: Adkaynta Dhidibada Dhaqanka iyo Kobcinta Xirfada Farshaxanka

Sep 8, 2015
Muqdisho… Sebteembar 7, 2015: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, waxay manta si rasmi ah u xirtay wajigii kowaad ee Ollolaha soo Noolaynta Dhaqanka iyo Farshaxanka oo muddo afar bilood ah si balaaran uga socday degmooyinka gobolada Banaadir, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose. Ollolahan ayaa si balaaran uga hirgalay dalka oo dhan sanadka 2015,... 

Somalia: Ra’iisal wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii lagu qaaday AMISOM

Sep 2, 2015
Ra’iisl wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM Muqdisho, September 1,2015—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday saaka aroortii xero ay deganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad illaalinta ee AMISOM, kuna taala degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose. “Waxaan... 

Bandhig loogu Magacdaray Mogadishu International Book Fair oo markii ugu horeysey Muqdisho lagu qabtey

Aug 29, 2015
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho ka furmey Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho ( Mogadishu International Book Fair ) kaasoo socon doona muddo Saddex Cisho ah , waxaana ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Bulshada Rayidka , Qorayaal , Hal Abuurayaal, Ardeyda Jaamcadaha, Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed , Dhalinyaro Haween iyo Marti Sharaf kale . Ugu... 

Kulankii Golaha wasiirada oo markale looga hadlay arrinta mooshinka

Aug 28, 2015
Golaha Wasiirada oo kulankoodii joogtada ahaa kaga hadlay qodobo kala duwan Muqdisho, August 27.2015——Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Amniga, warbixin guddiyadii... 

Dalladda SOSCENSA oo War Saxaafadeed ka soo saartey Mooshinka laga Gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya

Aug 25, 2015
SOSCENSA waa Dalladda ugu ballaaran ee Matasha Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Soomaaliya, xiriir wada shaqeyneedna uu kala dhexeeyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka dalka. SOSCENSA waxay si toos ah u meteshaa; Dalladaha bulshada rayidka ah, ururrada xirfadleyda Soomaaliyeed, Dalladaha waxbarashada, Ururweynaha isutagga Shaqaalaha Soomaaliyeed, iskaashatooyinka, qeyba ka tirsan Saxaafadda Madaxa bannaan,... 

Beelaha Midig Maal -Faallo

Aug 22, 2015
OGAYSIIS WAXAAN KA CODSANAYNA WARBAAHAIINTA AF SOOMAALIGA KU HADASHA INAY KA JOOJIYAN MAGACYADA AY UGU YEEDHAN BEELAHA FARSAMO YAQAANKA SOOMAALIYEED SIDA BEELAHA LA HAYB-SOOCO AMA LA TAKOORO UGUNA YEEDHAN ‘’BEELAHA MIDIG MAAL EE FARSAMO YAQAANKA SOOMAALIYEED EE GABOOYAHA ‘’ ASC/Waxan marka hore salaam xushmad iyo qadariin ku salaamaya dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta warbaahiinta madaxa banan... 

Kulankii Golaha Wasiirada oo looga hadlay mooshinka baarlamaanka laga geeyey madaxweynaha

Aug 22, 2015
Shirka Golaha Wasiirada Muqdisho, —-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin, xaaladda amniga dalka iyo geedi socodka dib u eegista Dastuurka. Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed... 

WARSAXAAFADEED WADAJIR AH: Qaramada Midoobay, AMISOM, IGAD, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) oo Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ugu hambalyeeyay doorashada Madaxtinimada.

Aug 18, 2015
Muqdisho, 18 Agoosto 15: Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) ayaa ugu hambalyeeyay Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” doorashadii dhacday 15kii Agoosto ee loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Ku-Meelgaarka ee Jubba (IJA). “Waxaan Sheekh Axmed Maxamed Islam “Madoobe” ugu... 

Maryan Xasan Xiireey “Markaan Ka soo Naaxay DHaawacii I gaaray waxaa la igu Wargeliyey in Ninkeygii i furey”

Aug 16, 2015
Todobaadkii la soo dhaafay aniga oo ku sugan Xafiiskeyga waxaa iigu soo gashey Gabar Garbaha la hayo, waxaan da’adeeda ku qiyaasey 24 jir, waxay iila muuqatey Gabar Qaarka dambe laga hayo salaan iyo isbariideysi ka dib waxaan bilaabey in aan wareysto. Waxaan weydiiyey ujeedkeeda? waxay tiri iyadoo markaa uu xanuun hayo “Walaal Waxaa la I yiraahdaa Maryan Xasan Xiireey, dad baa ii kaasoo tilmaamey... 

Muqdisho: Golaha wasiirada oo warsaxaafadeed kasoo saaray mooshinka ay wadaan xildhibaanadu ee ka dhanka ah madaxweynaha DFS

Aug 14, 2015
War-saxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada Mogadishu,8/13/2015.. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan-koodii caadiga ahaa oo shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Shirka ayaa looga dooday xaaladda Siyaasadeed iyo midda Amni ee dalka, waxana laga soo saaray qodobada soo socda. Goluhu wuxuu... 

Mashruucii ugu weynaa indha-fiiq lacag la’aan ah oo dalka looga dhawaaqay

Aug 12, 2015
Ururka Manhal Save vision oo ah ururka ugu weyn ee ey ku bahoobeen dhakhaatiirta indhaha dalka ayaa soo bandhigay mashruuc sanadle ah oo noqon doona mashruucii ugu weynaa indha-fiiq lacag la’aan ah oo dalka gudihiisa ka hanaqaada. Mashruucan oo ah mashruuc iskaa wax u qabsa ah oo uusan ururku la kaashan doonin cid aanan aheyn umada Soomaaliyeed ayaa waxaa sanad kasta ka faa’iideysan doona 3000...