Home » Archive Qoraaga

Baaq nabadeed ay soo saareen Beesha Cali Ibraahiim (Reer Bicidyahan).

Sep 5, 2011
Shir aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Beelaha Cali Ibrahim (Reer Bicidyahan) oo ay ka soo qayb galeen qaybo ka mid ah Isimad, aqoonyahanada, odayaasha, dhallinyarada iyo ganacsatada ayaa waxaa looga hadley dagaaladdi lagu hoobtey ee ka dhacey Galkayo maalmihii la soo dhaafey. Shirkaan oo ka dhacey Magaaladda Galkayo dadbadan oo jooga daafaha adduunkana ay kaga qayb qaateen khadka Teleefoonka... 
Halkudheg:

Shirkii Wada Tashiga Soomaaliyeed oo maanta galey Maalinti labaad waxaana Maanta la saarey Afar Guddi

Sep 5, 2011
Mahiga oo ka qaybgalayaasha kula Dardaarmey in ay so saareen Qodobo Waxtar u leh Shacabka Qaramada Midoobey oo sheegtey in Gobolka Bay ay ku Dhufatey Macluul Daran Shirkii Wada tashiga ayaa maanta galey Wajigiisii Labaad waxaana uu ka furmey Xero ay degen yihiin Ciidamada Amisom oo lagu Magacaabo Xalane , waxaana kulankaan Garwadeen ka ah Qaramada Midbbey iyadoo wakiilka Qaramada Midoobey Mahiga iyo... 
Halkudheg:

Ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo Toban kun oo Caruur ah Raashin ugu Qeybiyay Xerada Aalla Yaasir ee Duleedka Lambar Konton.

Sep 5, 2011
Sidaan ka soo xiganey Idaacadda Islaamiga Al-Furqaan Gawaari Xamuul ah  oo ay ku rarnaayeen raashin u badan Mac-macaanka iyo kuwa Nafaqeysan  ayey ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaarsiiyeen Xerada Aala Yaasir ee Deegaanka Lambar Konton ee Gobolka Shabeeladda Hoose  galinkii dambe ee  shalay iyagoona Deeqdaasi si amni leh ugu qeybiyay caruurta halkaasi ku nool oo tiradoodu... 
Halkudheg:

Shareecadda iyo Al-shabaab (3)

Sep 5, 2011
Wallaalayaal waxaa wali noo socda Hadalladii Dr.C/siis Abu fadal ee ku saabsanaa ka hadalkiisii xarakada AL-Qaacidda oo uu u ahaan jiray aragtidheerihii Jihaadiyiinta, waxaa noo soo socda qoddobkii (2). (2) Shuruudaha iyo Mawaanicda Jihaadka: Shiikhu wuxuu yiri Jihaadku wuxuu leeyahay Shuruudo ay lagama maarmaan tahay in uu la yimaado Jihaadku, Sidoo kale wuxuu leeyahay waxyaabo in uu ka dhartirmo... 
Halkudheg:

Jaamacadda Bariga Soomaaliya ee Qardho oo sanadkii labaad waxbarshadda toos u bilowday

Sep 4, 2011
Jaamacadda Bariga Soomaaliya ( East Somalia University) ee Qardho ayaa kulan balaaran oo ka dhacay ( 03/09/2011) si rasmi ah loogu shaaciyey in ay bilaabtay waxbarshadda sanad jaamacadeedka 2011 – 2012 . Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Shiikh Cali Maxamed Cali Maamulaha Jaamacadda ESU , isaga oo sheegay in ay ardayda u rajeynayaan sanad wanaagsan oo waxbarsho isla markaana waxa uu si aad ah... 
Halkudheg:

Khudbadii R.wasaaraha ee furitaankii shirkii Wadatashiga ee Caasimada Muqdisho.

Sep 4, 2011
Madaxweynaha DFKMG, Mudane Sheikh Sharif Sheikh Ahmed Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Mudane Sharif Hassan Sheikh Aden Xubanaha Golaha Wasiirada, Xubnaha Golaha Baarlamanka Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo golaha Wasiirada Puntland iyo Gamudug Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobey Ambassador Augustine Mahiga Marti Sharafka, Safiirada iyo Madaxda Caalmka, Madaxda Midogwga... 
Halkudheg:

Shirkii Wadatashiga oo maanta ka furmey Muqdisho

Sep 4, 2011
Khudbadihii ay jeediyeen Shiikh Shariif , Cabdiraxmaan Faroole iyo Caalin… Waxaa Magaalada Muqdisho maanta (Axad Aug 4, 2011) ka furmey Golaha Shacabka shirkii Wada tashiga ee Soomaaliya oo ay Garwadeen ay ka tahay Qaramada Midoobey, waxaana shirkaa ka qaybgalya dhowr qaybood oo kala ah Xukuumadda , Madaxtooyada Federaalka, Golaha Baarlamaanka ee Federaalka, Maamul Goboledyo iyo Xubno ka socdey... 
Halkudheg: ,

Kuala lumpur : Faallo ninkii Malaysianka ahaa ee lagu dilay Soomaaliya

Sep 4, 2011
  Kuala lumpur :- inta aanan u galin dhimashada ku timid nin ka Malaysian ah ee lagu dilay Mogadishu 03 Sept 2011 & sida eey u saameeysay dadweynaha Malaysian ka ah . waxaan Marka hore Jecelnahay in wax yar idinka xasuusiyo sida eey dowlada Malaysia ku bilaawday in eey Dhaqaatiir & Wariye-yaal u dirto Soomaaliya. Ugu horeeyntii 17 Aug 2011 ayeey ahayd markii Dowlada Malaysia eey si rasmi... 
Halkudheg:

Jaamacadda Muqdisho: Dufcaddii 4aad ee Master of Business Administration

Sep 4, 2011
Mogadishu University Postgraduate Program Mogadishu – Somalia OGAYSIIS MUHIIM AH Xafiiska Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Muqdisho waxa uu ogaysiinayaa ardayda dhameysatay waxbarashada heerka jaamacadeed oo heysata Shahaado Jaamacadeed (Bachelor) 4 sano ah, in Jaamacaddu qaadanayso dufcadii 4aad ee Master of Business Administration takhasusayada kala ah: Project Management General Management Entrepreneurship Human... 
Halkudheg:

Warmaha Sh Aadan Siiro Tuurayaa waa wax ula jeedo leh!

Sep 4, 2011
Aanba iraahdo Sh Aadan Siiro anoon Jecleyn inaan wax ka dhimo Xaq ama Sifo uu leeyahay, waxaase iga yaabiyay Dhiiranaantiisa iyo Arxandarada ka muuqata maruu isla jaljaleecinayay Mikarofonka asagoo Ciidda Fidriga Khudbo jeedinayay ama Jimcihii xigay, waxaaa dad badan isweydiinayaan intee Damiirkiisii iyo Diinkiisii iyo Dadnimadiisii ku dhinteen? Arxan darada Intaas la eg miyaa Dad Diin Islaam ku abtirsada... 
Halkudheg:

Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Deeq gaarsiisay Tuulada Weerow oo ka tirsan Degmada Xudur

Sep 4, 2011
Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo waayadaan wadey Howlo gargaar oo ay ku samatibixineyso dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaraha Saameyeen ayaa waxay deeq gaarsiisay Tuulada Weeroow oo ka tirsan Tuulooyinka Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool Dadka tuulada ku nool cadadkooda waxaan lagu qiyaasi karaa ilaa 400 qoys intooda badan waxay ahaayeen dad Xoola dhaqato ah balse ay... 
Halkudheg: ,

Hooyo Sacdiya : Waa Hooyo la Nool Cudurka HIV/AIDS waxay Haysataa Lix Caruur ah oo Agoon waxay u baahan tahaya in loo gargaaro.

Sep 4, 2011
“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI… Tan iyo markii ay dhaceen dagaalada Sokeeye dadka Soomaaliyeed waxaa isugu darsamay Sadex waxyaabood oo Alla laga Magan galo oo kala ah Colaad, Abaar iyo Cuduro... 
Halkudheg:

Taageeradda Caalamku, Ma Takoor Iyo Toogashaa??!

Sep 4, 2011
W.Q;- Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com. Inkastoo uu macno balaaran yahay cinwaanku, haddana  ereyadda aanu  soo qaadaney, haddii aan si guud u sharaxno, waa ereyo si toos ah dareenka akh-ristaha u taabanaya, waxayna ku timid tabaalaha kala duwan ee ay soomartey Qowmiyadda Soomaaliyeed iyo sida loola dhaqmayey mudo qarniyaal ah iyo xiliga aynu joogno, waana mid... 
Halkudheg:

Arday soomaliyeed oo dhan 41 ayaa habeenkii xalay ahaa Xaflad qalin jabin ah loogu qabtay magaala madaxda dalka suudaan ee Khartuum.

Sep 3, 2011
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay 41-arday oo ka qalin jebisay Kulyadaha kala duwan ee Jaamacadaha Suudaan ayaa lagu gudoonsiiyay shahaado kala duwan, iyadoo ardaydan ay ahaayeen kuwo u dhabar adeegay waxbarashadooda mudadii ay dhiganayeen Jaamacada. Arday qalin jebisay oo wajiyadooda ka muuqatay farxad ayaa isugu jiray, ragg iyo haween, waxaa ka dhex muuqday dad waa weyn,... 
Halkudheg:

Xaafada Xorgoble Ee Qardho oo ku Guulaysatey Kadis Aqooneedkii shirkadda Golis Ee la Qabtey Bishii Ramadaan.

Sep 3, 2011
Xaafada xorgoble ee magaalada Qardho caasimada gobolka karkaar ayaa ku guulaysatey kadis aqooneedkii ay maalgalisay shirkadda Golis oo ay faafisay warbaahinta caalamiga ah ee SBC Radio. Kadiskaas ayaa waxaa ka qayb galay 24 xaafadood oo ka tirsan gobolada puntland,kaasoo ahaa mid aad u xiiso badan oo qanciyey dhammaan dadka ku nool gobolada puntland. Ugu danbeeyntii tartanka kadiska bisha ramadaan... 
Halkudheg:

Ururka Samafalka ee Somali Women and Children Rescue Organization (SWACRO) oo kulan la qaadatey Mercy Malaysia

Sep 3, 2011
Iyadoo Hayado Fara badan ay ku soo qulquleen Magaalada Muqdisho ka dib markii dad fara badan oo ka soo cararey Abaarta ay soo gaareen Magaalada Muqdisho iyadoo taasi ay jirto ayaa Ururka Samafalka ee Somali Women and Children Rescue Organization (SWACRO) Xubno ka tirsan Ururka waxay Xafiiskooda ku qaabileen Masuuliyiin ka socotey Hayadda Mercy Malaysia oo Howlo indha indheyn ah u yimid Magaladda... 
Halkudheg: ,

Baaq Nabadeed: Reysal wasaaraha DFKMG oo baaq u diray dirirta Gaalkacayo

Sep 3, 2011
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasoo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku baxay dagaaladaasi, wuxuuna Alle uga... 
Halkudheg:

Baaq Nabadeed:Ugaaska Awrtable oo baaq u jeediyey dirirta Gaalkacanyo

Sep 3, 2011
Ugaas Cumar Geelle Maxamed ayaa ka codsanaya waxgaradka, isimada, culumaaudiinka, haweenka, dhalinyarada ee beelaha walaalaha ee wada dega gobalka Mudug inay si wadajir ah uga qayb qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalada ka socda magaalada Gaalkacyo sida ugu dhaqsaha badan. Waa in labada dhinac ay joojiyaan colaada islamarkaana ay ka fogadaan hadalada iyo ficilada dadka sii kale fogeynaya, waxaan... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada DFKMG

Sep 3, 2011
Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa kulan ay shalay isugu yimaadeen waxay kaga hadleen arrimo ku aadan ammaanka iyo hubka sida sharci darada ah loogu dhex sito magaalada iyo weliba midka lagu iibiyo qeybo ka mid ah magaalada sida suuqyada iyo meelo oo qarsoon iyagoo go’aano ka soo saaray arrintan. Shirkan oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah Mudane... 
Halkudheg:

Ciidamada Midowga Africa AMISOM oo weriye u shaqaynayey BernamaTV ku diley Muqdisho

Sep 2, 2011
War deg deg ah  Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo rasaas ku furay Gaari ay la socdeen  Dhaqaatiir  ajaaniib ah oo ka soo jeeda mid ka mid ah wadamada asiyada fog.   Risaas ay fureen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa sababatay dhimashada camiraman u shaqeeynayey BernamaTV  oo saarnaa gaari ay wateen dhaqaatiir u dhalatay dalka maleysiya xili ay marayeen inta u dhaxayso Garoonka diyaaradaha... 
Halkudheg:

Walaalo Soomaaliyeed oo ku Nool Ingiriiska oo Deeq lacageed soo Gaarsiiyey Caruur Agoon ah

Sep 2, 2011
Iyadoo weli ay socdaan gargaarka la gaarsiinayo dadka ku dhibaateysan Gudaha Dalka Soomaaliya ayaa Deeq lacageed oo ay soo dhiibeen Walaalo Soomaaliyeed oo ku nool Cariga Ingiriiska oo kala ah Yuusuf Garabeey iyo Cismaan Cabdi Xasan Black . Deeqdaas oo gaareysey Saddex Boqol oo Doolar ayaa la gaarsiiyey Caruur Agoon ah oo si aad ah ugu dhibaateysnaa Magaalada Muqdisho waxaana Deeqdaan Gacanta ka... 
Halkudheg:

Ardaydii ka qalinjabisay Raabidada Caalamiga ah ee Azharu-Shariif oo doortay guddomiye

Sep 2, 2011
Waxaa guddoomiye doortay ardaydii ka qalin-jabiyay Jaamacadda Al-Azhar Al-shariif, kaddib kulan ay maanta oo Khamiis ah ay ku yeesheen hoteelka Bakiin ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay 50 ruux oo ahaa dadkii kasoo qalin-jebiyay Al-Azhar, waxayna guddoomiye u doorteen ustaad Mukhtaar Maxamed Yuusuf kaddib markii loo qaaday cod qarsoodi ah isagai yo xubno la tartamayay. Halkan ka... 
Halkudheg:

Gurmadka abaaraha iyo doorka ay kaqaateen jaaliyada Copenhagen.

Sep 2, 2011
Wadanka Denmark gaar ahaan Caasumada wadankaas ee Copenhegan ayaa jaaliyada degan halkaasi waxaay deeq gaarsiiyeen walaalohooda ay abaaruhu halakeeyeen ee koonfurta soomaaliya. Deeqdaas oo ahayd lacag gaareysa 20.000$ waxaana loo wakiishay inay qaybiyaan Markazka Ibnu-baz ee Magaalada Muqdisho. Nooca cuntada laqaybiyey ayaa waxay ka koobnaayeen Bariis,bur iyo saliid. Raashinka waxaa lagaarsiiyey Gobolka... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii |Casharkii IX-aad

Sep 2, 2011
Go’aankii iska-caabinta ahaa oo ay gaareen qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa gobolka Majeertiinya, waxaa dhinac socdey qorshayaashii uu De Vecchi ku doonayay in uu ku weeraro gobolka. Waxaa xusid mudan in xilligaas uu ahaa isla xilligii xoogga Talyaaniga uu Mudug soo weerarayay. Sida aanu soo sheegney labadaas degaan waxay ahaayeen labada meelood oo markaas gacantiisa ka maqnaa. Talyaanigu... 
Halkudheg:

Sixitaan: Jaamacada Muqdisha

Sep 1, 2011
Dhawaan ayaa lagu soo qoray meelo ka mid ah websiteyada af Soomaliga wax ku qora xaflad lagu qabtay Mogadishu University oo la yidhi waxaa loogu dabaal degayey inay jaamacadu ka gashay kaalinta 29aad jaamacadaha Africa. Waxaa hadaba qoraalkani isku deyayaa inuu iftiimiyo qaladaadka iyo is moodsiiska ay ku dhaaceen maamulka jaamacada Muqdisho tiiyoo aanay is weydiin cidda qiimaysay jaamacadaha, iyo... 
Halkudheg: ,