Home » Archive Qoraaga

Waftigii DFKMG oo ka midnoqday 27 dal oo ka dareeray Khudbadii Madaxweynaha Iiraan ee UN-ka

Sep 23, 2011
Waftiga DFKMG uga qayb gelaya shirka Golaha Qarammada Midoobey ee New York ayaa waxa uu kamid noqday dalalka ka dareeray shirka kaddib mamrkii uu khudbadda akhrinayey madaxweynada dalka Iiraan. Sida ay qortay jariidadda Time, waxaa khudbaddii Mahmoud Ahmadinejad ka dareeray “27 dall oo ay kamid yihiin Dalalka Xubnaha ka ah Yurub (European Union members), Australia, New Zealand, Somalia, Liechtenstein,... 
Halkudheg: ,

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan oo ku kulmay New York

Sep 22, 2011
Wasaxafadeed ka soo baxay xafidka ra’iisul wasaaraha DFKMg ayaa tibaaxay sidan: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa qaatay kulan waqti dheer socday. Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda Turkiga ah ay ka go’antahay saacidaada... 
Halkudheg:

Ururka Dhalinyarada SYL ee Magaaladda San Diego ee Dalka Mareykanka Deeq lacageed Gaarsiiyey Haween Garoobo ah iyo Agoon

Sep 22, 2011
Iyadoo Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee Magaaladda San Diego ee Cariga Mareykanka ay Howlo Baaadanimo ka wadaan Mgaalada Muqdisho gaar aaan Dadka ay Saameysey Dagaalada , Colaadaha iyo Cudurada ayaa Deeg lacageed waxaa ay gaarsiiyeen Haween Goroobo ah oo ku dhibaateysan Magaalada Muqdiho iyo Caruur Agoon ah iyo Haween Deeqdaan Lacageed oo ay iska soo ururiyeen Soomaali iyo Dad Ajnabi ah ayaa... 
Halkudheg:

Hayadda SEDHURO oo Tababar ku saabsan Waxyeelada Hubka u Qabatey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya

Sep 22, 2011
Tababarkan oo looga hadlayo Rasaasrta iyo Hubka looga tegay gudaha magaalada Muqdisho ayaa maalinimadii Sabtidii oo taariikhdu ahayd 17th Sept 2011ka furmay Xafiiska Sedhuro ee Magaalada Muqdidho. Waxaa lagu casuumay Saraakiishii hore ee aqoonta sugan u lahaa agabka hubka iyo dhamaan waxyaabaha Qarxa , waxay ay lafo gureen arimaha khatarta ah ee Hubku uu u gaysanayo Bulshada Rayidka ee reer Muqdisho,Waxayna... 
Halkudheg:

OGEYSIIS ku socda jaaliyada soomaaliyeed ee degan Denmark

Sep 22, 2011
Kulankan ayaa lagula kulmayaa hadii Allaha awoodalii ogolaado ruug cadaa soomaaliyeed oo qayb libaax kasoo qaatay gurmadkii  abaarihii soomaaliya  soomaaliya ku dhuftay.    Read More →
Halkudheg:

Weriye Xasan Anteeno oo Kooxo Hubeysan si Xun ugu Dhaawacay Magaaladda Boosaaso

Sep 22, 2011
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland waxay sheegayaan in Weriye Xasan Maxamed Cali oo loo yaqaaney Xasan Anteeno una shaqeynayey Idaacadda Codka Nabadda ee Magaaladda Boosaaso ay kooxo ku hubeysan Bistooladu ay si Xun ugu dhaawaceen Mar uu galayey Xarunta Idaacada ee Bosaaso Xasan Anteeno ayaa waxaa ku dhacay ilaa Shan Xabadood oo qaar ka mid ah ay ka haleen Wadnaha iyo... 
Halkudheg:

Eastleigh (Islii) Dhalaal iyo Dhooqo (2) !!!

Sep 22, 2011
Horudhac : Waxay aheyd juun, 2004 markii ugu horeysay ee aan imaado magaallada Nairobi, kiinya. Waxaana markii aan ku degay xaafadda Caanka ah ee Eastleigh oo Soomaalidu ku garan ogtahay Islii.Waxaa i soo jiitay Gabdho Soomaaliyeed oo wada Xijaaban oo wada dhalaalaaya oo aanan arkin muddo Sanooyin ah ilaa markii aan wadanka Soomaaliya ka soo tagay sanadkii 1989, oo waagaas uu xijaaku u koobnaa oo... 
Halkudheg:

Reer San Diego ee Mareykanka oo Daawooyin iyo Lacago gaarsiiyey Isbitaalka Hooyada iyo Caruurta ee Banaadir

Sep 21, 2011
Reer San Diego ee Cariga Mareykanka ayaa waxay weli wadaan Gargaarkii ay ka wadeen Magaalada Muqdisho oo ay gaarsiinayeen dadka dhibaatada ka soo gaartey Abaaraha , Colaadaha iyo Cudurrada ayaa Deeq isugu jirtay Lacago iyo Daawooyin ayey gaarsiiyeen maanta Bukaanada ku jira Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir Deeqdaan kala duwan oo ay soo dhiibeen reer San Diego ayey waxay u so wakiisheen... 
Halkudheg:

Dhismaha Guddiga Farsamo ee Dhaqangelinta Tubta La Tiigsanayo (Roadmap)

Sep 21, 2011
Warsaxaafadeed kasoo baxay DFKMG ayaa sheegay: Xukuumadda KMG ah ayaa dhistay Guddi Farsamo oo loogu talogalay inay hirgeliyaan roadmap-kii lagu heshiiyay Shirkii Wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay 6dii Sebteembar 2011. Guddigan waxaa wada guddoominaya Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Xukuumadda KMG ah, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay,... 
Halkudheg:

Hay’adda SOYDEN oo Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maamuusayay Maalinta Nabadda Adduunka .

Sep 21, 2011
Hay’adda isku xirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN ayaa maanta ku qabatay Muqdisho xaflad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee nabadda adduunka, iyadoo xafladdaas ay kasoo qaybgaleen xubno uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda dhallinyarada, isboortiga, shaqada, shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Soomaaliya Xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay 60-dhallinyaro... 
Halkudheg:

SOOMAALI-WAYN: Dhalashadeedii iyo Dhabar-jabkeedii |Casharkii XI-aad

Sep 21, 2011
Talyaanigii ciidamo badan ayuu ku soo dejiyay degmooyinkii uu u arkayay in ay ahmiyad istraateejiyadeed u leeyihiin weerarada uu ku doonayay in uu ku gumeeyo degaanka iyo dadkiisa. Degmooyinka uu markaas ciidamadiisa fariisiyey waxaa kamid ahaa Boosaaso iyo Xaafuun. Sheekooyinka odey ka-sheekeega ah ee ka waramaya dagaallada xilligaas dhacay waxaa kamid ah fal ka dhacay degmada Boosaaso. Koox dagaalyahanno... 
Halkudheg:

DFKMG oo faahfaahin ka bixisay Xeerka Xaaladda degdegga ah iyo Waxqabadka Maxkamadda Ciidamada

Sep 20, 2011
Waxay Amnesty International soo saartay 2dii Sebtember 2011 war saxaafadeed ku wahajan Xeerka ku saabsan Xaaladda degdegga ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ka soo saaray aagagga ay banneeyeen Al-Shabaab oo caalamku u aqoonsan yahay koox argagixiso ah iyo xerooyin ay ku jiraan dadka ka soo barakacay gobollada ay saameeyeen abaarta iyo dagaallada ay kooxdaasi waddo. Waxaa kale oo ay si... 
Halkudheg:

Xarunta Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo lamagacaabay Gudoomiye ku xigeenadiisa iyo gole fulineyd

Sep 20, 2011
Xarunta Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo lamagacaabay Gudoomiye ku xigeenadiisa ,gole fulineyd iyo Gudoomiyaha xisbiga Nabada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed oo manta loo Caleemo Saarey in uu noqdo Ambasadoor Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ( diinaari ) Xalaf balaaran oo si aad ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka qeybgaleen xildhibaano ,siyaasiyiin,odoy dhaqameydyo ururada bulshada... 

Bayaan ka soo baxay Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade

Sep 20, 2011
Beesha Xasan Gaashireedle oo ka tirsan beelweynta Sade ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inuusan jirin Ugaas guud oo beesha Sade ee reer Gedo ka dhaxeeyo iyo qodobo kale oo muhiim ah  Beesha Xasan Gaashireedle ee ku dhaqan dalka Soomaaliya oo ka tirsan beelaha Sade oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay shir ku laheyd qad Teleefan oo laga soo galay daafaha adduunka ayaa sheegtay inuusan jirin... 
Halkudheg:

Kampala: Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsan Kaalinta Ardayda Ee Nabadaynta iyo Dibu Dhiska oo Lagu Qabtay Uganda

Sep 20, 2011
Kampala: Aqoon is weydaarsi Hal ku dhigiisu ahaa Kaalinta Ardayda Somaliyeed kaga Aadan Nabadaynta iyo Dibu-Dhiska Dalka ayaa waxaa maalintii Axaddii Lagu Qabtay Magaalada Kampala ee Xarunta Dalka Uganda. Halkan ka daawo sawirada Aqoon Isweydaarsiga oo ay soo Qaban Qaabiyeen Ururka Ardayda Somaliyeed ee Dalka Uganda ee Marka Magiciisa la soo Gaabiyo Loo Yaqaan (SSU), Ayaa waxaa ka soo Qayb galay Arday... 
Halkudheg:

Uganda: Kulan ay isugu yimaadeen Beesha Wacaysle Abgaal

Sep 20, 2011
Kulanka oo looga hadlayey iskaashiga iyo horumarinta iyo Wax la qabsiga Beelaha Hiraab oo manta ka dhacay magaalada Kampala ee Caasumada Dalka Uganda Shirkani oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay islamarkaasina ay ka soo qeybgaleen dhamaan beesha Wacaysle Abgaal ayaa waxa ay ahmiyadiisa ahayd wax la qabsiga beelaha Hiraab iyadoo gundhig ay u tahay beesha Mudulood ayaa lagu qabtay Hoteelka weyn ee... 
Halkudheg:

Warsaxaafadeed Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha oo Muqdisho yimid kormeerna ku tegay Xerada Barakacayaasha ee Rajo iyo Xerada tababarka ee Jaziira

Sep 20, 2011
Wasiirka Gaashaandhigga dalka Yugandha Dr. Crispus Kiyonga ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Muqdisho iyadoo si heer sare ahna loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraddaha Aadan-cadde Int. Airport. Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, waxayna kormeer ku tageen xerada cusub ee Barakacayaasha... 
Halkudheg:

Kulankii Wadatashiga ee Soomaalida ku dhaqan South Africa oo la soo gaba-gabeyey

Sep 20, 2011
Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg shir mudo sadax maalin uga socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka South Africa. Shirkaan oo ay si wadajir u soo qaban qaabisan Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed (CRD) iyo Jaaliyadda Sooamalaiyeed ee dalkaas ku nool. Waxaa uu daba socday wadatashiyo so socday lixdii bilood ee la soo dhaafay kaas oo qayb ka ahayeen... 
Halkudheg:

Maxkamadda sare oo shirkadda SKA u fasaxday inay howlaheeda ka sii wadato Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

Sep 20, 2011
Iyadoo waayadaan danbe qilaaf uu u dhaxeeyay shirakadda SKA iyo shirkada kale oo ay Soomaali leedahay , kaddib markii lagu eedeeyay Shirkadda SKA ee ku tagrifasho dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maxkamadda sare ee DKMG ah ayaa maanta u xukuntay shirkadda SKA Air & Logistic inay ka shaqeyso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Go’aanka maxkamadda ayaa... 
Halkudheg:

Mudaharaad Email Ku Jawaabid ah Looga soo Horjeedo Boobka Badda Soomaaliyeed

Sep 19, 2011
in Madaxda DFKMG la xusuusiyo xeerkii badda Soomaaliyeed  ee LAW NO. 37) oo dhigaya in xuduudda badda Soomaaliya tahay 200 maly badeed oo u dhiganta 370 kiiloomitir, SII AKHRI  Read More →
Halkudheg:

Warsaxaafadeed Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer shaqo ku tegay Wasaaraddii Gaashaandhigga sheegayna in Dib-u-dhis lagu sameynayo

Sep 19, 2011
Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay xarunta Villa Baydhabo iyo Wasaaradii Gaashaandhigga, waxaana safarkiisa ku wehlinayay Qandaraaslayaal Ajnabi ah kuwaasoo iyaguna u kuurgali karo sida dib u dhis loogu sameyn karo Dhismihii Wasaaradda oo aan muddo 20 sano ah wax dayactir ah helin. Ra’iisul Wasaaraha waxaa kale oo... 
Halkudheg:

Macaawina ay soo kala dhiibeen Hay’adda Darul Salam Society Victoria(Australia) iyo deeq ka timi San Diego ee Mareykanka

Sep 19, 2011
Hay’adda Darul Salam Society Victoria(Australia) oo Deeqdii labaad ka Qaybiyey Magaalada Muqdisho. ————————————————————————————————-Iyadoo weli ay socdaan gurmadka la gaarsiinayao dadka ay saameeyey abaaraha... 
Halkudheg:

Odayaasha Beelaha Hawiye oo Gaashaanka ku Dhuftey in Soomaaliya Xiligaan iyo Xili u Dhow aan loo Sameyn karin Dastuur

Sep 19, 2011
Dastuurka la sheegey in loo sameynayo Dadka Soomaaliyeedayaa waxaa la wadey Sanooyinkii ugu dambeeyey waxaana la dhehi karaa waxa lagu Cuney Malaayiin Doolar dhaqaalahaas ayaa lagu qabtey Siminaaro iyo Tababaro aan waxba ka soo bxin iyadoo dadka qaar ay qabaan in Dastuurka uu yahay mid ay wataan dalal shisheeye kuwaa oo lagu waramey in ay Soomaalia ka leeyhin Danno gaar haaneed Mid ka mid ah dadka... 
Halkudheg:

Maanso- Deelleey-Difaaca Badda Soomaaliya

Sep 18, 2011
Jiiftadan oo ah Deelleey,  kuna saabsan diffaaca Difaaca Badda Soomaaliyeed waxaa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalle oo ku magac dheer Maxamuud Shiine. Abwaanku waxa uu jiiftada ka tiriyey damaca la soo cusboonaysiiyey ee lagu doonayo in lagula wareego qayb kamid ah badda Soomaaliyeed. Waxana uu abwaanada iyo gabayaaga kale ku boorinayaa in ay jiiftadan ka qayb qaataan. “Damacaa Badda Gaarey Yaa... 
Halkudheg: