Home » Archive Qoraaga

Wasiirka Gaashaandhigga Gen. Diini: “ Tababarada Ciidamadu wa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida”

May 11, 2015
MOGADISHU, MAY 10, 2015…Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xerada tababarka Ciidamadda ee Xero Agoon waxa uu kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Mohamed Cusmaan oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidoo kale tababarrada ay saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka... 

Dalladaha Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay inaysan Suuragal aheyn Xilligan in la qaado Imtixaan Mideysan.

May 10, 2015
Kulan balaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Dalladaha waxbarashada dalka ka jira oo ka koobnaa 12-Dalladood ayaa waxay kulankooda uga hadleen xaaladda waxbarashado ee dalka iyo aragtidooda ku aadan in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada waxbarashada ee Soomaaliya ku yaala, waxayna sheegeen inaysan suuragal aheyn xilligan in imtixaan mideysan laga qaado iskuulada dalka, duruufo jira aawadood. War-saxaafadeed... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta golaha barlamaanka ka horjeediyey barnaamijka xukuumadiisa

May 10, 2015
Muqdisho, 09, may, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid, oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa maanta hortagay golaha Baarlamaanka si uu uga horjeediyo barnaamijka xukuumadiisa, isaga oo faah-faahin ka bixiyey qorshayaasha horyaala xukuumadiisa. Ra’iisul Wasaaraha... 

Sheikh Axmed Nuur oo Shahaadada PhD ku qaatay Taariikhda Xarakaadka Islaamiga ee Soomaaliya

May 9, 2015
Saaka oo Jimce ah 5/08/15 ayaa Baaraha Soomaaliyeed ee Ahmed Nuur Macalim Cabdulqaadir  ka qaatay Jaamacada Graduate Theological Foundation (GTF) kuliyadeeda Falsafada Islaamiga Shahaada Diktoornimadda taasoo lagu gudoon siiyey darajada Mumtaaz, taasoo ka mid ah heerka ugu sareeya ee lagu qaato shahaada PhD. Cilmi baaraha, cinwaanka buugiisa uu qalin jabinta ku sameeyey ayuu u doortay “Taariikhada... 

Wasiirka Difaaca oo dalka dib ugu soo laabtay, kana warbixiyay kulamo uu la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.

May 9, 2015
Mogadishu, Friday, May 8, 2015….Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo ay garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Ciiamadda Xogga dalka iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Difaaca, waxana kamid ah wafdiga Wasiirka la socday Taliyaha Ciidamadda... 

Midowga Diyaaradaha ma danaysi mise u danayn?

May 6, 2015
Waxaad dhowaan saxaafada ka maqasheen ama ka akhrideen in ay midoobeen shirkadaha diyaaradaha Daalo iyo Juba taasoo u noqon karta horumar shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha laftooda ama noqon karta mid iyaga keliya dan u ah isla markaasna shacabka ku noqon karta dhibaato hor leh. Aduunka waxaa kajira Antitrust Law oo ah sharci lagu ilaaliyo jiritaanka tartanka ganacsiga iyo hadii Shirakado ganacsi... 

Ka qayb galka arrimaha Bulshada iyo Booqashada iskuulada Degmada Kaaraan.

May 5, 2015
Waxaa Maalmahaan  sii xoogeysanyey  wax qabadka Degmada Karaan gaar  ahaan arimaha Bulshada ayaa Gudoomiyhaa Degmada Kaaraan Mudane  Axmed Cabdulle Xasan  uu ka qayb galey Barnaamj kor loogu qaadayo  is dhexgalka iyo Wax wada qabsiga Bulshada iyo Degmada (Civic Engagement) Waa Degmadii ugu horeysey ee Barnaamij Noocaan oo kale laga hirgeliyo oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan... 

RW Cumar ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed

May 1, 2015
Muqdisho, 01, May, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Camar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa u diraya Hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1904-tii in ay noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan... 

Imisa Ayey Noqon Doonaan Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016-ka??!

Apr 29, 2015
Mr. Cismaan Sh. Cumar (Cusmaankeey)  Oo Ku Dhawaaqey Inuu Yahay Musharaxiinta U Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016-ka. Tan iyo markii uu burburey nidaamkii guud ee dalka soomaaliya, isla markaana ay meesha ka baxeen dhamaan hay’adihii Sharciga ahaa ee dalka, waxaa jirey isku dayo kala duwan, kuwaa soo lagu doonayey dhismaha qaran Soomaaliyeed, balse sii ragaadiyey jiritaankii iyo rajadii... 
Halkudheg: ,

TACSI: Jamaad Axmed Siyaad oo ku geeriyootay Minnesota

Apr 28, 2015
Inaa Lillaahi wa inaa Ilayhi raajicuun. Bahda SomaliTalk.com waxay tacsi u dirayaan dhammaan qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay marxuumad Jamaad Axmed Siyaad oo Isniin (April 27, 2015) ku geeriyootay Minneapolis. Allah ha u naxariisto oo janadii haka waraabiyo Waxaan si gaar ah tacsida ugu direynaa Inj. Maxamed Cali Cibaar oo ay marxuumaddu hooyo u ahayd iyo dhammaan qoyska reer Cali Cibaar.... 

Goormaa Dugsi Qur’aan Toban Doolar Noqdey!!

Apr 27, 2015
“Canuga ma ingiiriis baa la ii Barayaa Markaan Toban Doolar Dugsi Qur’aan ku Dhiibayo ” Waxaan ku soo baxay Macalin Dugsi Qur’aan iyo Nin Odey ah  oo Muran Xoogan uu u dhaxeeyo , waxayna Dhagaheyga Maqlayeen Macalinka oo leh” Lacagtii Dugsiga Qur’aanka Waxaan ku darey Sadex Doolar marka sidaa baan kuugu yeerey ee la soco “ Odeygii oo Carro ka muuqato ayaa waxaa uu yiri “ Macalin... 
Halkudheg:

Golaha wasiirada ayaa ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah

Apr 23, 2015
Muqdisho, 23, April, 2015…Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray Amniga guud ee dalka, iyo ansixinta hindise sharciyeed qeexaya dadka u imaanaya dalka inay ka shaqeeyaan iyo... 

Dacwada Soomaaliya iyo Dowrkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax, Documentary dhamaystiran

Apr 22, 2015
Documentary-gan qaybo kamid ah horaa loo daabacay, hadase waa markii ugu horaysay oo isagoo dhamaystiran la faafiyey, muhiimadiisa darteed ayaana keentay in markale la faafiyo, wuxuu sawir buuxa kaa siin  doonaa Caalimkii Sh. Abdulqaadir kumuu ahaa iyo faafinta dacwada Islaamka muxuu ugu fadhiyey. Muuqaal taariikhan (Documentary) kan wuxuu ka hadlayaa dowrkii dacwada Soomaaliya uu kulahaa Sh. Cabdulqaadir... 
Halkudheg: ,

Wasiirka Difaaca oo kormeer howlleed ku tagey Xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya.

Apr 22, 2015
Muqdisho, ..Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudane Cabdalla Xuseen Cali, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta Ciidamadda Badda Soomaaliya, taas oo ku taala Dekaddii hore ee Muqdisho, isagoona kormeray qalabka iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan Ciidamadda Badda. Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday doomo ay leeyihiin Ciidamadda... 

Nadwadii Shiicada Rowda Boosaaso ka socotay oo lasoo gabagabeeyay, bayaanna laga soo saaray

Apr 22, 2015
Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada boosaaso Nadwadii 13aad ee ka scotay magaalada boosaaso. Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada boosaaso Nadwadii 13aad ee ka scotay magaalada boosaaso. Ugu horrayn waxa ka hadaly madasha guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Sh.Maxamad Cabdulaahi, wuxuuna xusay nadwada xilligii lasoo bilaabay iyo sida magacanadwada sannadkan loogu doortay, inta kadib... 
Halkudheg: , ,

Nadwadii Sanadlaha ahayd oo kasocota Masjid Rowda Boosaaso

Apr 19, 2015
Sanadkan waxaa looga Hadlayaa Manhajka Ahlu Sunnaha iyo Mowqofkooda ku aadan Shiicada. Shiicada iyo siday ku aas aasmeen, Shiicada iyo Usuushooda, Sida Shiicadu u dhumiso dadka, dhibaatooyinka Shiicada inta ay jireen iyo Mowqufka Culmmada Muslimiinta ay ka qaateen Shiicada. Nadwadii Sanadlaha Ahayd Ee Ka Socotay Magaalada Boosaaso Oo Gashay Habeenkeedii Sadexaad: Waxaa habeenkii sadexaad gashay... 
Halkudheg: ,

War Saxaafadeed Arrimaha ka taagan South Africa ( Faafin Degdeg ah).

Apr 18, 2015
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarada daran ee ka dhanka ah muwaadiniinteeda , laguna boobayo hantidooda iyo shirkadahooda . Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya waxaa naxdin ku noqotay xadgudubyada ka dhanka ah muwaadiniinta Soomaaliyeed , iyadoo la ogsoon yahay taageerada xoogan ee Soomaaliya ay u fidisay loolankii dheeraa ee guuleystay ee Koonfur Afrika ay... 

RW Cumar: “Waxaan idiin xaqiijinayaa in xiriirka u dhaxeeya Swden iyo Soomaaliya uu yahay mid adag”

Apr 17, 2015
Muqdisho, April, 17, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek ayaa shalay kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxayna ka wada hadleen xoojinta Xariirka ka dhexeeya labada dal. “Waxaan shalay la qaatay kulan miro dhal ah Safiirka Swden u fadhiya Soomaaliya Mikael Lindvall, waxaana idiin xaqiijinayaa in... 

RW Cumar ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay

Apr 16, 2015
Muqdisho, 16, April, 2015……Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Lataliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqoday. Ra’iisul Wasaraha iyo waftigiisa ayaa... 

Wasiirka Shidaalka iyo macdanta oo ka hadlay Weerarkii lagu soo qaaday dhismaha ay dagan yihiin.

Apr 15, 2015
Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta, Mudane Maxamed Mukhtar Ibrahimiyo ayaa ku tilmaamay weerarkii maanta ‘wuxushnimo’, kaasi argagixisada nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay maanta ku qaadeen Wasaaradaha Shidaalka iyo Waxbarashada isla markaana ay ku guul dareysteen isku daygoodii ahaa in ay hakad galiyaan dib u dhiska qaranka. Waxaa uu ugu hambalyeeyay ciidanka geesinimada ay markiiba... 

1972 law, Somali territorial waters extended 200nm.NOT 12NM

Apr 15, 2015
In his appeal, Beyle argued that, under a 1972 law, Somali territorial waters extended 200nm from the shore. Because the incident took place within Somalia’s jurisdiction, the US courts were ineligible to try him, Beyle maintained. …. Read here: High seas ruling sinks pirate pair’s appeal Somalia’s exclusive economic zone counts as the high seas for the purposes of piracy law. That... 

Sidee Dhaqanka iyo diinta loogu badbaadiyaa qurbaha?

Apr 15, 2015
Waa barmaamij aan kaga jawaabayo suaasha ah “Sidee dhaqanka iyo diinta loogu badbaadiyaa wadamada ay Muslimiintu ku yar yihiin?”. Fadlan la wadaag asxaabtaada. Said Ali Ahmed said.ali.ahmed@gmail.com  Read More →

Wasiirka Gaashaandhigga oo Khudbad ka jeediyay Sanad guuradii 55aad ee Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed.

Apr 12, 2015
Kudbadii wasiirka waxay ku bilaabatay sidan: Mudane Madaxweyne. Wasiirada Xildhibaanada Taliyaha XDS, Agaasimaha Guud , Abaanduulaha CXDS, Taliyeyaasha Ciidamadda qaybahooda kala duwan, Saraakiisha, S/Xigeenka, Alifleyda, Dableyda iyo Xasaaskooda iyo marti sharafta xafladan ka soo qayb gashay waad salaaman tihiin. Waxaan marka hore rabaa in halkaan ugu hambalyeeyo Ciidamadda XDS oo maanta aan u dabaal... 

RW Cumar ayaa daah furay shirkii wada xaajoodka dowlada Fedraalka iyo Puntland

Apr 11, 2015
Garoow, 11, Apri8l, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabidrashid Cali Sharmarke ayaa saaka daah furay shir wada xaajood oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah golihisa wasiirada iyo Wasiirada Puntland, shirkaan ayaa waxaa diirada lagu soo saarayaa dib u eegista heshiisyadii ay wada galeen Puntland iyo Dowlada Federaalka, Arrimaha Dastuurka, Gudiyada Madaxa banaan... 

Tartanka Turkiga, Emirat-ka, iyo Iran ee Soomaaliya.

Apr 9, 2015
Dalka Soomaaliya waa dal soo maray marxalado kala duwan oo nabad, hormar, iyo colaad sokeeya-ba leh. Marxaladahaas oo si kala horeeya ay umadda Soomaalidu usoo wajaheen ayaa ugu dambeyntii waxaa hadda lagusoo afmeeray oo uu dalku ku jiraa xaalad dib u soo kabasho ah ,waxa uu dalku kasoo kabanayaa dhibaatooyin badan oo dhinac walba ka gaaray sida amaanka ,siyaasada,adeegyada Bulshada,Ciidanka , dhaqaalaha...